Thursday, March 31, 2016

UMMADA SOOMAALIYEED UMA SOO HOR ISTAAGIN INAAN DHEG DHEER UGA SHEEKEEYO LAAKIIN WAXAAN USOO HOR ISTAAGEY INAAN IFTIINKA KU HAGO IYO UMMADDAHA ADDUUNKA HALKEEY MAREEN. quote AMIN MUSSE.

AMIN MUSSE - musharaxa madaxweynaha.
BALANQAADKA DOORASHADA 2016


- waxaan balan qaadayaa dib u soo celintii karaamadii ummadda soomaaliyeed ay adduunka iyo dhexdoodaba ku lahaayeen.
- waxaan balan qaadayaa dowlad shacabka soomaaliyeed iska leeyihiin.loogana talin dibadaha.tuugsina uusan mushaar u aheyn.
- waxaan balan qaadayaa mideynta ciidanka xooga dalkeena.
ciidan leh gaaraad sareeya wadaninimo ku dhisan tahay,lehna aqoon sareeysa,xuquuqdooduna sugan tahay.
- waxaan balan qaadayaa sugiga amaanka dalkeena waxana soo af jarayaa ALSHABAAB.iyo muwaadinkastaa masaajidkuu doono si xor ah ALLAHIIS ugu caabudo baqdin la aan,in xeebaheena si xor ah ugu raaxeysano,in suuqyadeenu amaan noqdaan,in muwaadinka soomaaliyeed nabadgalyadiisa cidna khatar ku ahaan,
- waxaan balan qaadayaa sameynta maamulada dhimen ee dalkeena .
- waxaan balan qaadayaa dib miis u keenida maamulka soomaaliland..iyo ka qaybgalkooda dowlada federalka ah ee soomaaliya.iyo ka daaweynta waxa ay tabanayaan.
- waxaan balan qaadayaa ka saarida ciidamada shisheeye ee dalkeena.
- waxaan balan qaadayaa in dadkeenu qabiilka ka weynaado,dhinacna iska dhigo.
- waxaan balan qaadayaa in dowlada federalka soomaaliya isticmaalka qabiilku ka noqdo argagixiso,laguna dhex isticmaalin.
- waxaan balan qadayaa hiigsiga horumarka nolosha,iyo gaarista adduunka.ileen waa na dhaafaye adduunkuye.
- waxaan balan qaadayaa dib u dhiska dalkeena,iyo in xukunka dowladu gaaro tuulo iyo magaalo kasta.kobcinta dhaqaalaha.
- waxaan balan qaadayaa in hooyada soomaaliyeed aysan abadanba geed hoostiis markale ilmo ku dhalin,waxaana meelkasta geyn daryeelka caafimaadka bulshada.isbitaaladii,dhakhaatiirtii,daawadii,iyo waliba agabkii isbitaalada,iyo waliba in muwaadinkii soomaaliyeed ee tuulo wax looga qaban waayo loogu daaweyn karo isbitaalada magaalooyinka waa weyn si lacag la aan ah.
- waxaan balan qaadayaa in dadkeena iftiin uusan u noqon kan qoraxda oo kaliya ee dadkeenu helo tamartii ay ka dhashan lahaayeen ileyska habeenkii.mugdigana ay ka baxaan.
- waxaan balan qaadayaa in dadkeena aysan u talin dad aaminsan qabiil uurkana uu jiiso qabiil.
- waxaan balan qaadayaa in aanu ka faa*iideysano wax soo saarkeena dibadana aan cunto nalookaga keenin.
- waxaan balan qaadayaa maalin galinta bulshada sida kaluumeysiga iyo inaan khayraadkeena inta dheeraadka ah aan dibada u iibgeyno.lacagna dadkeena ay guryahooda ugu timaado.
- waxaan balan qaadayaa inaan wax ka badalo dadkeena soomaaliyeed ee ilaa hada baadiyaha ku nool noloshooda siiyana nololsha ay ku nool yihiin mid ka fudud.una sahlo wadadii ay uga faa^iideysan lahaayeen xoolaha iyagoo aan naftoodu ku dhibtoon xoolo daba socod.
- waxaan balan qaadayaa inaan jaad sumeysan nalookaga keenin kenya iyo itoobiya,wadankeenana uusan wax qiimo ah ka lahaan.
- waxaan balan qaadayaa in dalkeena keeno waxshado dadkeenu ka shaqeysan karo,dhibna aan u keenin deegaankeena qurxoon ee dabiiciga ah.
- waxaan balan qaadayaa in dodlada federalka ah ee soomaaliya muwaadinkastaa u arko dowladiisii.ee aysan qabiil kaliya isku dhajin.
- waxaan balan qaadayaa in muwaadinkasta oo soomaaliyeed dagi karo meeshuu doono dalkeena naftiisuna ay doorato.dalkeenanan si xor ah nabad gelyo ah u dhex mushaaxi karo geedkuu doonanana harsan karo seexana karo amaan buuuxa,socona karo wakhtiguu doono.meeshuu doono.
- waxaan balan qaadaya kor u qaadista waxbarshada si aanu u helno bulsho aqoon sare leh dalkoodana u faaƮideysa.naftoodana wax u qabta.
- waxaan balan qaadayaa sameynta lacag cusub iyo soo celintii bangiyada dowlada.
- waxaan balan qaadayaa dalkeena dadkeenu waa ka yaacaaye in adduunku nooguyimaado dalxiis.dadkeenuna ku xasilaan kuna kalsoonaadaan dalkeena.
- waxaan balan qaadayaa raadinta shantii soomaaliyeed iyo soomaaliya oo weyn walaalo ah,si diblumaasiyadeed ,iyo dhankastaba.
- waxaan balan qaadayaa inaan dib usoo cesho sharaftii dadka soomaaliyeed ay ku lahaayeen adduunka.
- waxaan balan qaadayaa inaan dadkeenu dibahada nafta kula cararin ee ay dalkeena nafta kula soo cararaan ileen lama huraan waa ciida hooyee.
- waxaan balan qaadayaa in xiririka aan la leenahay adduunka intiisa kale uu noqdo mid meel mara heer sarena noqda.
- waxaan balan qaadayaa in dadkeenu diin dhexdooda ah ku dagaalamin.
- waxaan balan qaadayaa saxaafad xor ah,lehna xad,iyo manhaj ay raacdo.
- waxaan balan qadayaa inuu muwaadinkastaa rayigiisa asagu xor u yahay.
- waxaan balan qaadayaa safaaradaheena dibadaha iney noqdaan kuwo dadkeenoo dhan kusoo hirto,laakiin aysan noqon kuwo hal famil hiigsado.matalana dadkeena oo dhan.iskuna xira dadkeena soomaaliyeed inta dibada joogta iyo inta gudaha joogta noqdaana kuwo ka shaqeeya danaha ummadda soomaaliyeed.
- waxaan balan qaadayaa tirtirista laaluushka.
- waxaan balan qaadayaa in soomaalinimadu qabiilka ka weynaato.
- waxaan balan qaadayaa muwaqaadinka soomaaliyeed inaan diin lagu cayrsan uusana wax ku cayrsan.
- waxaan balan qaadayaa in muwaadinka soomaaliyeed dhulkiisa cidna marti uga noqon in loogu noqdo maahane.
- waxaan balan qaadayaa in dadkeena soomaaliyeed cadow isu noqon cadowgoodana arkaan.
- waxaan balan qaadayaa jiilalka naga danbeeya ee soomaaliyeed iney naga dhaxlaan dhul dhisan horumarsan.aan sumeysneyn,looguna talin iyo waliba hab ay usii noolaadaan.
- Waxaan balan qaadayaa hadii lay doorto inaan balan qaadkeyga oofiyo,afkana uusan ku ekaan ee uu ficilkeedu cadaado.soomaali kastana gasho rajadii ka dhex guuxaysey naftiisa ee uu la aa hogaamiye u hir galiya.iyo waliba balan qaadyo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin muqadisna u ah jiritaankeena ,nolosheena ,soomaalinimadeena.
hadal badan haan ma buuxiye soomaaliya soomaali ayaa leh waxaanse ilaa hada la nahay oo kaliya madax u qalmata hogaanka shacabkeena,waxaan hor kacayaa isbadal aan afka aheyn ee ficil wata.natdeydu waa nafta dadkeyga dalkooduna waa dalkeyga.dantayaduna waa mid..


SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...