Saturday, June 18, 2016

WALEE WAR AYAA KA DANBEYN BEENTA DHARKA LOO GASHEY.

WALEE  WAR  AYAA  KA  DANBEYN  BEENTA  DHARKA LOO GASHEY.

caydu waa reeban tahay siiba waxayna ku haboon tahay in qofka sheeganayaa siyaasi xataa hoos u caytamo asagoon shacabka soo hor istaagin,

waxaan hubaa in sidan laydinkugu haleyn karin inaad homaamisaan qaybka ka mida shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi,waayo kama muuqato horjoogayaasha shacabka gobolada waqooyi wax maamuus ah iyo hayinimo siyaasadeed ay ku hanan karaa hogaanka shacabkaas iskaba daaye iney gooyaan,

waxaan leeyahay ingiriiska lala daba ordayo gobolada waqooyi ee soomaaliya asagii ayaa khaati kala taagan isna rabin xataa kasii cararaya yurubta isku biirtey adduunkan maanatana dalkastaa waa isku tashtey marka yaan la hodin maatada iyo caruurta soomaaliyeed ee u baahan horumar iyo nabbad buuxda.

waxaa soomaaliland la siiyey sadkeey xaqa ugu laheyd wax qaybsiga ummadda soomaaliyeed iyo waliba saa'id.waxayna ku habooneyd iney iyagu soo xulaan dadkaas matalaya gobolada waqooyi waa maamulka hada hor boodaya shacabka soomaaliland xukunkana haya.

hadii aan usoo noqdo af lagaadada qayaxan runtu waxay tahay waxaan leenahay dhul qani ah laakiin ma uunu soo saaran dhuuxiisii.dadkeenuna waa sabool waxaana sababey dagaalka iyo colaada.fadlan ku faan maanta waxaad tahay shallayna illoow.

hooyo soomaaliyeed ayaa dhuurwaa ugu  cuney gaajo iyo haraad gobolada waqooyi wax war ahna kama aysan soo bixin maamulkaas soomaaliyeed,shallay maanta ma aha ee dadkeenu waa wadda sabool.waxaanse nahay dadka ugu nasiib badan adduunkan waayo soomaaliya ayaa noo dihin.halka dadyowga adduunku waxoodii dhameysteen ayna gaareen iney ciidaha kala xadaan waa ciida wax lagu dhistee ama lagu beertee.hadaadan warba qabin.

waxaa ka dhacay abaaro shacabka gobolada wayooyi ayaa deeq ka aruurinayay masaajidada maamulkuna waa hurdey horta sidaas darteed waa muhiim inuu maanku shaqeeyo,lana qiro in soomaaliya mid tahay ummadda soomaaliyeed waligeed waa ka weyneyd wax gumeyste lala daba ordo.

cay kaastaa waa ninkii yiri caqli kastaana waa ninkii wax ka faa'iida.

soomaaliyi waa isleeysey waxaase  kala bad baadiyey ALLAH,ummaddaha adduunkuna waa na garab istaageen waxaase soomaali u harey oo kaliya waa in lays cafiyo dhulkeenana aan wadda dhisano.nabaradii dagaalkii sokeeyeyna ka ilaalino inuu soo gaaro dhaawac kale.

sool iyo sanaag waa gobolo kamid ahaan jirey soomaaliya walina waa ka mid wayna kamid ahaan doonaan soomaaliya.waana rabitaanka shacabka soomaaliyeed,sagaaro laba tun oo lakal qalo malaha.

hadii horjoogayaasha shacabka soomaaliland leeyihiin waa lana xaqireynala laayey  ma waxay hada u suxul duubayaan iney wax xaqiraan hadda taasi waa ka dhamaatey ciida soomaaliya,waxaan umalaynayaa iney imaan doonto in si cad gacmahooda looga fujiyo xukunka hor joogayaasha shacabka soomaaliland,

WAAYO

- waxaad ummadda soomaaliyeed ku hagteen mabda been abbuur ah,si aad ugu hagtaan meel mugdi ah.si aad kursi ugu hanataan.waligoodna  aysan madax kor ugu soo qaadin.indhahana u kala qaadin si aysan u arkin danta guud ee ummadda soomaaliyeed jiritaankeedu ku sugan yahay.muqadiskana ah.

- soomaali oo dhan oo isdulmisey ayaad dhah dheen kaligayo ayaa nala dulmiyey

- waxaad kala qayb qaybiseen ummaddii soomaaliyeed ilaa qabiil aad gooni u soocdaan.

- waxaad afduubteen shacabka soomaaliyeed qaybtiis qori caaradiis waa sool iyo sanaag iyo cayne.

- waxaad afka ka dayn weeydeen xariiq gumeyste bari ku riyoodey inuu dadkeena ku kala qoqobo oo aad leedihiin waa xad, halka soomaali oo idll isku raacdey xataa tan itoobiya iyo kenya inaan la aqbalin waligeed inta qof soomaaliyeed nool yahay laana huro naf iyo mood.

- waxaad naceyb isir ku saleysan galiseen jiilkii cusbaa ee ku dhex dhashey  dagaalka sokeeye ee ummadda soomaaliyeed..

- waxaad waxaad ilaa hada shacabka soomaaliyeed la soo hor taagan tihiin soomaalidiidnimo xaqayacan tasoo ku ah danbi weyn jiritaanka ummadda soomaaliyeed.

- waxaan qirayaa in shacabka soomaaliland xaq u leeyihiin hogaan cusub

kasoo awooda inuu runta u sheego shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi raadina kara isu keenida iyo midnimada  ummadda soomaaliyeed,kana tirtiri kara beentii fakatey eeahayed waxan nahay dal gooni ah.

hadaba wali waxaa baxaya waa ileyskii ummadda soomaaliyeed ee ha hareer marin.

AMIN MUSSE
musharaxa madaxweynaha.



SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...