waa mahad Allah usoo hoyiyey kuna muteystey ummadda soomaaliyeed in madax soomaali matashaa madasha wadatashiga qaran isu soo hor fariistaan ka talinta aayaha ummadda soomaaliyeed,
shirka madasha wadatashiga ummadda soomaaliyeed waa wakhti qaali ku ah ummadda soomaaliyeed waayo waa jiritaankii dadkeena iyo dalkeena waana mid muqadis ah.
shallay waxaa 4.5 ogolaadey puntland saxiixayna maantana waxaa muhiimadu tahay in dankasta oo khaas ah jeebka aysan soo dhaafin
- dhowr mar oo lays hor fariistey waxaa war cad uusan ka imaan madal keenista maamulka soomaaliland tasoo ay tahay in wado cad oo aan gabasho laheyn loo raaco.waayo waxaad raagsataa waa kugu raagaan.
- mida kale oo ay maanta haboon tahay in la fuliyo laguna dhaqaaqo waa meel isugu keenistii ciidanka difaaca dowlada federalka soomaaliya ee laga kala keeni lahaa maamulkasta kasoo isku dhaf ah kuna shaabadeysan astaanta qaranka soomaaliya.waana mida kaliya ee aan kaga bixi karno kuna soo af jari karno alsbabaab,dalkeenana aanu ku hanan karno,ugana kaaftoomi karno ciidamada shisheeye.
- doorashadii wakhti yar ayaa ka harey sidaas darteed waddaani waa isu dhiibid xarigeedu waxayna ku haboon tahay in aragtiyo kala duwan lagu meel mariyo hiigsiga ummadda soomaaliyeed.
doorashada soo socotana aan la car qaladeyn aysana ku saleysnan nin xigsi iyo aan is xigsano.
- maanta waxaa idin haya indhaha ummadda soomaaliyeed sidaas darteed waxaan rajeynayaa in dhawaaq fiican mooyee uusan dhiilo xun soo gaarin dhagaha ummadda soomaaliyeed.
- maanta taariikh ayaa qormeysa wase inaan la khaldin.
Amin Musse.
musharaxa madaxweynaha



