Sunday, January 24, 2021

Ciidanka xooggga soomaaliyeed waa ilaaliyaha jiritaanka ummadda soomaaliyeed.



Ugu horeyn HAY'ADA NABBAD SUGIDA QARANKA SOOMAALIYEED
(NISA) waa isha ilaalisa ummadda soomaaliyeed iyo qarankeeda marka labaad waxaan leeyahay ciidanka xoogga soomaaliyeed ma dhiman, ma dheeraan.waase kan.
Waxaan nahay qaran mara kale ka ifaya bariga Afrika,waxaanse leenahay caddow riyo iyo mala awaal ku doonaya dhulkayaga soomaaliyeed ahna dhaxalkayagii adduunkan aanu ummad soomaaliyeed ahaan ugu leenahay
Waxaan balan qaadaynaa ummad soomaaliyeed ahaan in caddowga ummadda soomaaliyeed waayi doono dhulka iyo dadka uu guntiga la jecleeystey inuu ugu jiro,waxaan leenahay soomaalidu ma aha dad fulayo ah sida kenyanka iyo itooboyaanka waase dad dulqaad badan sii jiidkooda badan ayaa maanta sababtey in dhul soomaaliiyeed ku dul gaardiyaan kenyan iyo itoobiyaan amaba kenyan adduunka kala calaacalo inuu leenahay maba damac ku raadiyo bad soomaaliyeed qaadashadeed..
Waxaan leeyahay kuwa u uloleynaya kenyanku iney garab istaagaan dhulku waa dhul soomaaliyeed baddu waa bad soomaaliyeed waxaana leh soomaali meelna ugama banaana kenyan amxaar iyo dabadhilif ba.soomaaligii goosta inuu hoos galo kenyan ama itoobiyaan waa inuu naftiisa oo kaliya la hoos galaa waayo gooni uma laha dhulka soomaaliyeed waxaa wada leh soomaali oo idil sidaas darteed malaha go'aankaas.waan wada ognahay nin soori qaadey waa nin seefi qaadey waxaase ka daran nin kursi qaadey waa nin waaliyi qaadey sidaas darteed ummadda soomaaliyeed waxaa xaq u leh iney hogaamiyaan horgalayaasha wadaniyiinta ah ummadda soomaaliyeedna isugu midka tahay aysan u kala sokeyn amaba aan la hoos ordeyn afrikan ka liita.
Ciidanka xooga soomaaliyeed la aha qabiil sidaas darteed kuwa caadeystey iney beel ahaan urur ama guuto isugu lamaaniyaan markii siyaasad qaylo dhaan ahi timaadana nin xigsi bilaabaya sidii ay ayagu leeyahaiian ciidanka qaranka soomaaliyeed waa danbi qaran waana mid maxkamad qaran lau saarayo.
Marna u dulqaadan mayno nin hebel ayaa ciidan kala soo tagey furin heblaayo marna u dulqaadan mayno ciidanka reer hebel ayaa soo galay magaalo madaxda ummadda soomaaliyeed ayagoo nin hebel taageeraya.marna u dul qaadan mayno in shacabka soomaaliyeed ka cararaan qof tuute ciidanka xooga soomaaliyeed aba iney kusoo cararaan mooyee.

- Ciidanka xooga soomaaliyeed xarunta loogaga taliyaa askari kasta oo ka mid ah meeshuu doono haka joogo ciida soomaaliyeed waa xarunta taliska ciida xooga soomaaliyeed ayadoo uu amarku yahay mid loo marayo qaynuunka iyo sharciga u dagan dalkeena waa ciidanka xooga soomaaliyeed oo si toos ah u hoos taga hogaamiyihiisa ugu sareeya kuna sii taxan wasiirka gaashaan dhiga kuna sii taxan ilaa madaxweynaha dalka mana aha in amar taliye qaybeed ama qaliye guuto bixiyay ciidan kaga tagaan ama ku jabiyaan amarkii loo siiyey iney ku fuliyaan waajibaadka ay qaranka soomaaliyeed u hayaan iyo xilkii ahaa ilaalinta jiritaanka ummadda soomaaliyeed ee ay calanka ugu sitaan.
- Waa danbi qaran in magaalo madaxda lagu sito hub siada aanu wada ogsoonahay na NISA oo ah INDHIHII UMMADDA SOOMAALIYEED waana in lala shaqeeyaa ayadoo aan la raaceyn hadalkii khaldanaa ee kasoo yeerey taliyihii hore ee nabbad sugia ummadda soomaaliyeed nisa san baloolshe kasoo ahaa shaqsi aan u qalmin inuu hogaamiyo nabbad sugid qaran waayo aragtidiisa iyo qalbigiisa waxaa ku qufulnaa qabiil uurka u jiifey.qaran iyo qabiil meel mawda galaan.
Si loo sugo amaanka magaalo madaxdeena una yaradaan khatarta uu hubka sharcidarada ahi ku hayo nabbada iyo bilicda magaalo madaxda soomaaliyeed hub shacab sito ama qof lala gadaal oradayo waa ka xaaraan amaanka waxaa qaabilsan waa ciidanka xooga soomaaliyeed qaybihiis kala duwan siiba booliiska sidaas darteed qofkii dareemo amaan darro waa inuu ayaga wacdaa.
Magaalo madaxda ummadda soomaaliyeed mogadishu ma ahaan karto wado amaan darro halaq mareen u ah sidaas darteed waa in shacabka soomaaliyeed iaalshadaa nabaddiisa qofaksta oo soomaaliyeed na la shaqeeyaa hay'adaha amaanka qaabilsan si uu nabbad ugu seexdo una helo nolol horumar leh waayo waxaksta waxaa aasaas u ahi waa nabbadda ummadda soomaaliyeed ahaan waa inaan gacanta bir ah ku suganaa nabbadeena maadama caddowga ummadda soomaaliyeed badan yahay nala ka dhex sameystey dabadhilif badan hud hud badan caade qaate badan iyo caddow jecle badan,

- Nabbada magaalo madaxda ummadda soomaaliyeed mogadishu waa muqadis waxaan danbi qaran af qofkii soomaaliyeed oo afkiisa laga helo amaba ay kasoo badxo wax ayaan dumin wax, ayaan qassi, nabbada ayaan god galin iyo erfeyo kale oo xamaasad leh abuurina kara khalkhal nabbadeed.

- Cid gooni u leh ma jirto magaalo madaxda ummadda soomaaliyeed waxaana leh soomaali lasta xataa kuwa wali gumeysiga ku hoos jira,cid marti loogu yahay ma jiro qofkii soomaaliyeed ee jooga magaalo madaxda soomaaliyeed ee magadishu waa qof hoos jooga XARUNTII TALISKA UMMADDA SOOMAALIYEED waana qof jooga ciidiisa hooyo.waxaan leeyahay kuwa caadeystey iney afka kaga qalaadaan anagaa leh waxaad leedihiin oo kaliya intaad gacaha kaga haysaan waxaa inta kale kula leh soomaali kasta meeshuu doono ha joogee adduunkan.soomaali kaama xigo sidoo kale soomali kale kama xigtid.waase waali hadli kartaa inta dhimirka dhimani waayo soomaaliya soomaali ayaa leh mana kala laha.

- Waxaa wakhtiyadan ummadda soomaaliyeed ee aanu isla raadineyney doonaya iney ka kal dhex macaashaan waa caddowgeeda sida kan kenya oo bilaabey inuu soomaalida kala soko marsado waxaanse leeyahay qofkii soomaaliyeed ee kenya iyo itoobiyaba ka doorta dalkiisa dadkiisa diintiisa iyo jiritaankiisa waa ku kaligii mana matali karo shacab soomaaliyeed mana soo hor kici karo waana inaan iska leexinaa si cad oo aan gabasho laheyn waa yo waa danbiile qaran.

- Waxaa soomaalidii aanu ka dhaxlney dhulkan soomaaliyeed magacanb soomaaliyeed diintan islaamka ah ee aanu hayso iyo waxksta oo aanu nahay waligood yur ureynayeena caddow soo jireen ah walina waa jiraa asagoo waliba ka faa'iideysanaya halka mar ee aanu kufney ummadda soomaaliyeed ahaan sidaas adrteed waa waajib soomaaliyeed inaan is walaalsano inaan ahaano hal ummad oo soomaaliyeed iyo inaan ka dheeranaaba nin xigsi qabiil iyo laaluush waxan wada leeyahay hal jiritaan sidaas darteed hal beel oo soomaaliyeed ma ilaalin karto jiritaankeeda waxaanse ku ilaashan kartaa markaan wada nahay hal qabiil oo soomaaliyeed asagana ayaana na wada deeqa.

- Waxaan leeyahay ummadda soomaaliyeed ayadoo ka dheeraaneysa eex iyo qaabiilkii kii godka noogu ridey caddowgeena waa inaan dooranaa garab istaagnaa hadba kan dantu ugu jirto ummadda soomaaloiyeed una qalma inuu horgalo meel noogama banaana inaan dib ugu noqono hogaan lala kufo inaan hore u socono mooyee.waa caddow kastaa maanta soo eegayaa waa inaan bal mar kale la kufno jiritaan keena soomaaliyeed ee muqadiska ah.waxaksta waxaa ka wayn soomaalinimada taas ayaana sax ah.

- Ummadda soomaaliyeed waxaan mar kale leeyahay anagu yaanu isu arag caddow shallay waxaa ummadda soomaaliyeed isku laayahay caddod waxaana nalaku soo dhex tuurey kaarar badan sida kuwada bal inaan mid qaadano fulino kuna kufno waxaana qaadanay mar ba mid anagoo aksoo biloowney jamhadeyn waxaana ku xjiney mid mid qabiil dagaalan ah waxaan ku xjiney mid diin dagaal ah walina socda waxaana hada wali caddwogii shalay rabaa waa kusoo celintii dagaal beeleedkii ayadoo loo marayo hadba qofkii soomaaliyeed ee laga caqli bato lagu rati kacsan karo amaba loo adeegsan karo ummaddiisa soomaaliyeed.

- Waxaan leeyahay qarankan soomaaliyeed waa mid curdin ah waxaase leh ummad soomaaliyeed tasoo hada u sara kacday jiritaankeeda markii god mogdi ah la damcay in loogaga rido jiritaankeeda muqadiska ah lana hoos geeyo in qaran ahaan laga xukumo qaramada midoobey waa sideey rabeen caddowga harka ah iyo kan muuqda ee ummadda soomaaliyeed bee mae dhicin mana dhici doonto waxaa haraa waa kuwa hadba la damco in lo adeegsado burburinta qarankooda iyo mugdi galinta ummaddooda soomaaliyeed.

Ummadda soomaaliyeed waxaan si toos ah oo dhow u leeyahay u ahaada soomaali jiritaankiina waxaan maanta ku jirnaa waa hayaan dheer cidna aanu ugu gadaal fariisaneyn inaan gacan bir ah ku qabsano jiritaankayaga soomaaliyeed mar kalena aanu qorno taariikhdayada soomaaliyeed oo qurxoon una qalanta jiilka soomaaliyeed ee naga danbeeyaa iney bartaan akhristaan kuna waano qaataan raacaana.soomaaliya soomaali ayaa leh,marlabaad iyo saddexaad kuwa wali wada dagaal diimeedka waxaan leeyahay ka soo mid niqda ummadiina soomaaliyeed waayo ma lihin tun lakala qalo waxaa danta caddowgu tahay in soomaaliyi kala qayb qaybsanaanto markaan islaynana sii wiiqano waxaana hubaal ah soomaaliyi waa idinka badan tahay biyo kaa badan iyo dad kaa badanba waa idin harqin sidaas darteed ka soo mid noqda ummadiina soomaaliyeed si aanu u wada yeelano hal caddow kaasna aula wada dagaalno waan wada leenahay hubaale.

Waxaan shacabka leedahay garab istaaga la shaqeeya ciidanka xooga soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan waa waajib ummaddeede waana wax ka ilaalinta jiritaankaaga soomaaliyeed.

AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...