Wednesday, April 13, 2016

MAR UUN BAY RUMOOBI RIYADAYADII SOOMAALIYEED - xoreyntii godey.





waxaan ka mid ahey anigu inta aan la baqin waxaan uurka ka rumeysnahay waana dadka soomaaliyeed oo mid ah dhulka soomaaliyeed oo mideysan xorna ah,anagoo soomaali ah isna xukuna.
hada wakhtigan lagu jiro waa nala jajabiyey si aan ugaba quusano mideynta dadka iyo dhulka soomaaliyeed,waxaanse jeclaan lahaa inaan ogeysiiyo dadkeena soomaaliyeed waxa hada socda amaba wakhtiga hada lagu jiraa waa mid isbadalkiisu sugan yahay xaqiiqa ah waayo waa gilgilasho qowmkastaana waa maraa ama la kulmaa in jiritaankiisu qiil qiil galo,

waxaan anigu la yaabeynahay sida dadkeena loo ogoleysiiyey iney dhexdooda is laayaan loona kala cel celiyo si ay niyada uga jaraan hiigsigeenii aan dhaxalney kasoo ahaa rumeynta hawshii dadkeenii hore ee soomaaliyeed qaybteed qabteen markeey isu keeneen labo qaybood oo dalkeena ah,
anagana na laka doonayey in aan dhameystirno,laakiinse aanuba gabney intii aan dhaxalney  anagoo ku raali ahna nala ogeleysiiyey inaan aqbalno inuu na  caawiyo kii dartiis naloo dumiyey dadkeeniina laysugu direy,waa yaab,

waxaase ka sii yaab badan horjoogayaasha shacabka soomaaliyeed ee xataa arki waayey ama xusuusan waayey iney mideyaan dadkeena iyo dalkeena si aanu uga soo kabano dhibtii nala dhex dhigey.

anigu marna aqbali maayo intaan noolahay kamana gabanayo  raadinta mideynta ummadda soomaaliyeed waayo waxaa ku xiran jiritaanka ummadeyda iyo kaygaba ninkii rabaa aashuun haku adimo,nafna wakhtigeeda ma dhaafto.

waxaase sharaftu ku jirtaa inaan duli la hagoogan lagana gudbo dabinta xirfadeysan iyo shirqoolka cadowga harka ah ee .ummadda soomaaliyeed.

waa inaan si xirfadeysanan uga gudubnaa sida aan hada ku jirno hadii aan soomaali nahay kadibna iska saarnaa ciidamada shisheeye,dhulkeenana anagu maamulnaa isuna talinaa soona dhisnaa ciidamada dowlada federalka  ee dalkeena, maskaxda shacabkeena,dibna u raadinaa soomaaliya oo mideysan si siyaasadeyn iyo si dadbanba.

hadiii soomaaliland ay car qalad dadkeena ku tahay midnimda dalkeena iyo dadkeena waa laga gudbi karaa,loona heli karaa daawo tasoo ah in si daacad ah miiska loola fariisto lana siiyo waxay xaqa u leeyihiin soomaali ahaan iyadoo laga way naanayo qabiilka.

dani runtii ugama jirto soomaalida gobolada waqooyi goitaan waayo waxay taasi la macno tahay iney saxiixeen iney gacan bini aadam ku hoos noolaadaan abidkood, cadowna la hoos geeyo xukunka dhulka iyo dadka soomaaliyeed kamana  yeeli karno in dhowr qofood ummad qaybteed intey afduubaan qaribaanna, qalin wareeriyaan maskaxdana kaga qoraan soomaali diidnimo, iyagoo eeganaya dano khaasa oo shaqsiyeed,

hadaba wax ka qabashadeeduna ama kusoo celinta gobolada waqooyi ee  miiska soomaaliweyn waa waajib saaran qofkii madaxweyne ummadda soomaaliyeed u doorato,hadaba waxaan hayaa xeeshii iyo daawadii shacabka gobolda waqooyi iney dib wax uga hantaan hogaaminta soomaaliya taasoo ay waligoodba caan ku ahaayeen.iyo waliba raadinta soomaaliya oo mideysan.

AMIN MUSSE.
musharaxa madaxweynaha


SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...