Amin Musse Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed. Musharaxa Madaxweynaha.
Sunday, July 21, 2019
SOOMAALIYA WAXAY KU SOCOTAA JIDKII GUUSHA MIDNIMADA IYO HORUMARKA.
MAAMULKA SOOMAALILAND EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Ugu horeyn maamulka soomaaliland ma saarnaan karo geedkey fuushey sanooyinkii hore waana maamul soomaaliyeed hoosna taga dowlada federaalka soomaaliyeed si kasta iyo waligeedba waayo arintu waxy mareysaa xaguna buur xaguna gebi ee maxaa noo wada dan ah,marnaba xal ku imaan mayo shacab la maan rogey laguna hor kacayo erayo soomaalidiidnimo ah,iyo kala didinta ummadda soomaaliyeed ee isku isirka ah isku danta ah isku diinta ah isku dhulka ah mana yeeleyno inta qof soomaali ahi nool yahay waxaa gumeysi hore wakhtigiisuna dhacay ayaa lala gadaal ordayaa qayb ka mid ah shacabka soomaaliyeed xataa hadii dhiig ku daadanayo isu keenida ummadda soomaaliyeed dhulka soomaaliyeed inta joogta iyo inta maqanba waanu u horeynaa naf iyo maalba.
Waxaanu marnaba aqabalin aqabaleyn aqabali doonina horjoogayaal dane khaasa wata ayaa kala didiyey shacabka soomaaliyeed una horseedaya kala qoqob u iibgeyn dalal shisheeye iyo gumeyste cusub ayagoo ku eeganaya danahooda kursi ilaalis.
Ereyada hadaaq baradka ah ee horgalaaysha dafey hogaanka maamulka soomaaliyeed ee soomaaliland ma aha kuwo qancinaya maamnka ummadda soomaaliyeed ee wali cayrsanaya tubtii iyo waajibaadka saxda ah ee aanu ka dhaxalney soomaalidii hore ahna waajibaad nagu muqadis ah soo afjairistiisu tasoo ah ummadda soomaaliyeed oo mid ah soomaaliya oo mid ah.
Waa ku khasab kuwa horkacaya maamulka soomaaliland ee soomaaliyeed iney ka tanaasulaan wadada khaldan ee ay ku raad joogaan ahna wado mugdi ah iyo aan doon doonee yaa beri u gumeystey halka soomaaliyada cusubi cagta saartey jid aanu marnaba si ugaga leexan kari saxan toosan laheyn kuifid danbe iyo qaranka soomaaliyeed oo miisaska shirarka adduunka logaga taliyo waxna waraaqo loogugu qoro ayadoo ummadda soomaaliyeed wax u dhimeysa qabkeeda iyo qaayaheeda qarinimo ummadnimo dalnimo iyo jiritaanba.
Waxaan leeyahay waxa na horyaal ka weyn xoolo ayaa markab lagu xanibey ee waxa na horyaal waa jiritaankayaga muqadiska ah ee soomaaliyeed xaqna uusan u lahaan karin horjooge inuu dhiiqeeyo mugdi galiyo marin habaabiyo xaq iyo awoodna looma yeelan karo in soomaaliya kooxi kala qoqobto halka,
Soomaaliya waxay gumeystaha ka hor aheyd hal dal soomaaliduna waxay ahaayeen hal ummad walina waa yihiin ahaana doonaan.koox qalin shubato ah jaanisna ku heshey horgalka hogaanka shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi iyo jiilkan soomaaliyeed ee hada una baadan dhalinyarada dhalateyna dagaalkii sokeeye ka dib kuna yar tahay aqoonta iyo wanaaga midnimada iyo walaalnimada ummadda soomaaliyeed marnaba laguma sii deyn karo kooxaha hadba dafaya hoogaanka shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi kuwaasoo ah horgalayaal ay gadaal ka riixayaan caddow aysan caqli u laheyn iyo cilmi buuxa ahna caddow soo jireen ah ummadda soomaaliyeed qarniyo halgan soo jireen ah kula jirtey walina dagaalkii uu wadey caddwioga muuqda iyo kan harka ahba socdo noqona doono mid ummadda soomaaliyeed ku guuleysato mid aanu dhamaan kuwada gaarno sugitaanka jiritaanka ummadda soomaaliyeed ee xaqa ah lamana taabtaanka ah.
Waxaan markale leeyahay horjoogayaasha dafey hogaanka shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi qori kuma maquunin kartaan shacabka soomaaliyeed sool sanaag iyo cayn ee soomaalidoonka ah idinkoo oofinaya danaha caddowga soomaaliya.waana inaad ka leexataan hogaanka shacabka inta aan la idinka leexin la idinka fara maroojin ayadoo xaalku noqon karo murrug maarug iyo in la idinku jajuubo aqbalida jiritaanka soomaaliya ee khasabka iyo ilaalinta qarinimada soomaaliyeed iyo waliba i khasab la idinkaga soo dajiyo geedka qodxaha leh ee aad la fuusheen qayb ka mid ah shacabka soomaaliyeed waana nagu waajibe.
waa muhiim inaad qalbiga ka sartaan cayrsiga riyada daanyeerka iyo kali araga xuduuda wirwirka beenta ah ee ay arkaan kuwii codowga u ahaa soomaalidii hore hadana caddow u ah soomaalida maanta lana raadinaya mugdi galinta jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo gumeysi hoos geynta jiilka soomaaliyeed ee naga danbeeya.
Waa waajib in horgalaaysha dafey hogaanka shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi aqabalaan waxkasta oo ay dowlada federaalka soomaaliyeed warqad ugu qorto ahna mid dan ugu wada jirto ummadda soomaaliyeed marnaba aqabali mayno maamul ka mid ah dowlada federaalka soomaaliyeed lase manjo habaabiyey ayaa miis dowlad ahaan usoo fariisanaya gorgortan aan meeshaba oolna wata halka xaalku marayo sidee xeero loo xagtaa ilkana ku amaan galaan waana jidka soomaalinimada iyo midnimada soomaaliya oo kaliya ahna mid ummadda soomaaliyeed kuwada taagan tahay wixii diidana daadku qaadayo.
MAAMULKA JUBALAND EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Waxaa jeeniga nagu haya waa xulashada hogaanka shacabka soomaaliyeed ee jubaland ahna mid u baahan inuu si nabbad kusoo gaba gaboobo kana dheerado nin jecleysi kana hufnaado eex iyo carqaladeyn.maamulka dowlada federaalka ee soomaaliyeed waxaa wali faraha kusoo taagaya alshabaab tasoo u baahan soo afraid weyn iyo in loo wada midoobo ka maamul jubaland ahaan ilaa heer dowlad ferdaalba.
Maamulka jubaland ee dowlada federaalka soomaaliyeed waa isku xiraha dhulka soomaalikyeed iiyo ummadda soomaaliyeed ee lasyku dayayo in lagu kala qoqobo xayndaab been ah gumeystana ka tagey waxaa runtu tahay kenyan ma alaha garissa iyo NFD sidaas darteed waanu ogsoon nahay in kenya oo wadey arimo fool xumo dariseed ah kuna saleysan dhul aysan kenya laheyn isjecleysiin iyo laalilda nabbadda wakhtiga fog ee geeska ah ay ka wado damac la mid ah kan israa'iil ee buuraha golan ee siiriya iyo waxaanu ka ilaashan nabbaddayada hadaba jubuland waa isku xiraha garissa iyo mogadishu dhul iyo dad soomaaliyeed ahaanba.
Jubaland maanta waxay u baahan tahay kala danbeyn ismaqal isu tanaasulid iyo wada eegida hiigsiga fug ee ummadda soomaaliyeed.waxaan leeyahay jubaland halka kursi ee shacabka soomaaliyeed ee jubaland wuxuu qaadaa hal qof waase inaan ku qanacnaa hadba kii saxan ee noogu fadhiista waana inaan lawada shaqeynaa,waayo qofka guushu raacvdo wuxuu qaban oo kaliya waa hawshii aad shacabka soomaaliyeed u qaban laheyd oo kaliya waxaase nagu wada waajib ah iney doorashadu noqoto mid xalaal ah kana weynaato mid laysku jiidjiito iyo in ummaddo kale kala horhoraan ummadda soomaaliyeed qaybteed,waxaase indho indho ku filan waa dowlada federaalka soom aaliyeed oo dul joogto ka ahaata kuna wada qanacno najiitada soomaalinimo.
MAAMULKA GALMUDUG EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Anagoo isku wado ku socana ayaan hadana kala aragti duwanaan karnaa waa wax lagu farxo yididiilo galinaya ummadda soomaaliyeed nabbad ku soo xalintii arimhii qalafsanaa ee ka aloosnaa maamulka soomaaliyeed ee galmudug isu keenida dhinacyada kala duwan ee maamulka galmudug.
Maamulka soomaaliyeed ee galmudug maanta waxaa horyaal arimo ku dhiirasho mudan lagamana maarmaan ah fulintooda sida soo afjarista alshabaab,ka ilaalinta galmudug iney mar kale noqoto maamul soomaaliyeed gala kala qayb qayb sanaan iyo anagaa anaga ah,waxaa ku baxay sameynta iyo yagleelida maamulka galmudug ee dowlada federaalka soomaaliyeed caqli soomaaliyeed iyo shilin soomaaliyeed nafna waa loo hurey mana ahaan karo mid wado u noqda
dib u socod danbe.
Waxaa shacabka soomaaliyeed ee maamulka galmudug eegaya waa indhaha ummadda soomaaliyeed waana maamul muhiim u ah jiritaanka ummadda soomaaliyeed waana inaan dib u dhisno hay'adaha dowliga ah si ay shaqadii shacabka soomaaliyeed u igmadey,dowlada federaalka soomaaliyeed waa tiirka jiritaanka ummadda soomaaliyeed waana kan ummadda soomaaliyeed u matala magaca qaran adduunkan maanta sidaas adrteed waa lagama maarmaan in la ogaado in maamulkasta oo dalka ka dhisani laftiisu yahay dowlada federaalka soomaaliyeed waa in maamulkastaa xoojiyaa wax qabadkiisa gaarka ee uu u hayo shacabka soomaaliyeed ee hoos taga maamulkaas maadama uu yahay dowladii federaalka soomaaliyeed oo la sii balaariyey.
DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Ugu horeyn dowlada federaalka soomaaliyeed waxay matashaa soomaaliya iyo ummadda soomaaliyeed waxaana lagu wada baayiyey dalkoo idil ayadoo laga hoos sameeyey maamulo hoose sidaas darteed dowlad goboleedka puntland ee dowlada federaalka soomaaliyeed marnaba ma hakin karto mana joojin karto umana jari karto xiriirka dowlada federaalka soomaaliyeed waayo puntland waa hooyadii dowlada federaalka soomaaliyeed sameysey waana tii hor kacdey in soomaaliya dowlad soomaaliyeed mar labaad kasoo curato,
Puntalnd waa dowlada federaalka soomaaliyeed sidoo kalena dowlada federaalka soomaaliyeed waa puntland.waa muqadis xukuumada hada hogaanka haysa ee puntland iney si dhow iyo si gaaraba ula shaqeyso dowlada federaalka soomaaliyeed ee guud waana gudasho waajib daleed iyo daddeedba.
Puntland waa ku furan hawl ah soo afjarista soomaalidiidka iyo alshabaabta ku dhuumaaleysta shacabka soomaaliyeed dhexdiisa iyo buuraleydaba waana mid muhiim u ah soomaali oo dhan,iyo nabadeynta soomaaliyada cusub ee aanu wada rabno wada dhiseyno nafta iyo maalkaba u horeyno.
MAAMULKA HIIRSHABEELE EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Waxaa ummadda soomaaliyeed farxad u ah dardar gelinta ka socota hiirshabeele ee ah nabbadeynta soo afjarista alshabaab iyo turxaan bxinta shacabka soomaaliyeed ee hiirshabeele.
waxaa mar iyo labo muran galey hogaanka maamulka soomaaliyeed ee hiirshabeele waxaan leenahay sagaaro tun lakala qalo ma laha sidaas darteed maamulka soomaaliyeed ee hiirshabeele ma gali karo muran iyo hogaan kala xigsi ku saleysan beel beel iyo anagaa gobolkaas u badan udana hogaanka hadba horgalayaasha haya hogaanka shacabka hiirshabeele ee kuna taagan wadada soomaalinimadu ku dheehan tahaywaa in lala shaqeeyaa lana garab istaagaa lona wada hawl galaa danta guud iyo gadaal socodka dowlada federaalka soomaaliyeed ee ah tan guud ee ummadda soomaaliyeed dhamaan leedahay matahsna qaranka soomaaliyeed.
DOWLAD GOBOLEEDKA SOOMAALI GALBEED EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Waxaan qarniyo ku soo jrney hadaan soomaali dhamaan nahay halgan dheer waxaa maanta ifaya waa guushii aanu qarniyada dhiiga iyo dhaqaalahaba u hurney soomaali dhiimo iyo qaayo lehna noogaga dhamaadeen mana ah mid aanu ka haro karno amaba ay itoobiya iyo kuwa bakhti afuufaba nabi karaan damin karaan silcin karaan dib u dhigi karaan,amaba ay manjo xaabin karaan wado kalena u fali karaan la raacsiiyo.
Waxaa itoobiya ka socda maanta waa burbur iyo naf la xaariyin waxaanse suurtoobi karin in markasta oo ay kacdo mowjadaha siyaadaseed ee itoobiya sahlayana soo afjirista halganka dheer iyo xornimada shacabka soomaaliyeed ee soomaali galbeed in maro lagu dado anaguna aan ishigano sidii isbadalkii siyaasadeed 1990 ee itoobiya sahleyna in eritereeya gaarto mowqifkeedii xornimo.
Wakhtigan xaadirka ah itoobiya waa ku qanacdey waa ogoshahey in ummadda soomaaliyeed ka taliso aayaheeda soomaalinimo dhul iyo ummad ahaana midowdo guud ahaan waana wax ku qoaran dastuurkkeda waana mid khasab iyo jajuub aanu uga keeney mase ah mid sahal ay ku qortey waayo ummadna ummad kale ma gumeysan karto adduunkan cusub,soomaaliya soomaali ayaa leh soomaaliyana waa mid ummadda soomaaliyeed na waa mid sidaas darteed waa in la garab istaago lala wada shaqeyno halgamaaysha ONLFsoomaaliyeed ee qarniga barkii xabada u ridayey xornimada soomaaliya iyo ilaalinta jiritaanka ummadda soomaaliyeed.maanta waxaan haysanaa fursad qaaliya waana inaan ka faa'iideysano anagoo wada jirna mid ah dhan.xukuumada hada hogaanka haysa ee soomaali galbeed somali state waa mid ay leeyihiin ummadda soomaaliyeed oo dhan sidaas darteed waxaanu ku maahmaahnaa soomaali hadii aan nahay sidee xeero loo xagtaa ilkana ku badbaadaan waxaa xaalku marayaa sidee mid ugu ahaana caddow dusha laga saarey ummadda soomaaliyeed ee soomaali galbeed anagoo aan laysku kaaya isticmaalin naloo kala bxibixn magacyo beeleed magacyo kala du duwan sida kuwaanaa liyuu booliis ah iyo kuwaanaa onlf ah,
Runtu waxay tahay guusha ummadda soomaaliyeed waxay ku jirtaa gacantayada waase ienysan naga baxsan una diyaar garoownaa samata bixinta dadkeena iyo dhulkeenaba iyo waliba hawsha guud ee wax ka jegleelida soomaaliyada cusub ee maanta xawliga ku socota tasoo hal hayskeedu yahay soomaaliya waa mid ummadda soomaaliyeedna waa mid soomaaliya soomaali ayaa leh.
Indhaha ummadda soomaaliyeed waxay ku jeedaan laqdaba iyo isku dayga guracan ee ku saleysan ilduufinta jiritaankayaga soomaaliyeed ee caadada u ah gumeystaha itoobiya iyo kuwa qarsoon ee caanka ku ah bakhti afuufida iyo diin ugu eexadka itoobiya.
Ummadda soomaaliyeed waxay hayaan u tahay jiritaankeeda mana ah mid uu caddow ragaadin karo amaba joojin karo waa waajib soo jireen ah midnimada ummadda soomaaliyeed iyo dhulka soomaaliyeed ba waana waajib aanu ka dhaxalney jiilkii soomaaliyeed ee aanu ka dhaxalney magaca soomaaliyeed iyo dhulka soomaaliyeed waana muqadis gudashada waajibka soomaaliyeed.
MAAMULKA KOONFUR GALBEED EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Maamulka soomaaliyeed ee koonfur galbeed soomaaliya waa xuduntii ummadda soomaaliyeed waana mid isku xira jiritaanka ummadda soomaaliyeed bari iyo galbeedba.
waxaa wali aanu kuwada hawlanahay soo afjarista iyo gunaanadka alshabaab ee wali qaska ku haya shacabka soomaaliyeed waase hawl ciidanka xooga soomaaliyeed u istaagey si fiicana u socota.
SHacabka soomaaliyeed ee baydhabo ahaan karaan kuwo madax u laad laadiya alshabaab mana ahaan karaan kuwo miciin bida askari markiisii horeba caddow ku ahaa ummadda soomaaliyeed oo itoobiyaan ah waase inaan anagau u istaagnaa nabadayada soomaaliyeed waa inaan isku tashanaa kana dheeraanaa soko kala marsiga xeeladeysan ee lagu soo buun buuniyana laguna wayneynayo alshabaab si ciidan itoobiyaan ahi xagaha ugu sii hayaan ciida soomaaliyeed iyo maamulka soomaaliyeed ee koonfur galbeed soomaaliya.waxaan hubnaa in nabbad hadii aanu keensan wayno cid kale noo keeni karin waxaa soomaaliya loo qasey waa in laga gaaro dano qarsoon fog doqon magarteyna ah sidaas maamulka soomaaliyeed ee koonfyr galbeed soomaaliya waa ku waajib gacan bir ah ku qabshada nabbada shacabka soomaaliyeed ayadoo tallad laga dhiganayo lana hoos galayo dowlada federaalka soomaaliyeed aanuna guud ahaan isku tashaneyno ummad soomaaliyeed ahaan iskuna duubnaaneyno.soomaaliya anagaa leh taladeeduna anagey naga go'daa.
MAAMULKA KOONFUREED [NFD] EE DOWLADA FEDERAALKA SOOMAALIYEED.
Waxaan wada ognahay in shacab soomaaliyeed ee NFD mudan yihiin muqadis na ay tahay ka hoos bixida gacanta gumeysiga kenya iyo kusoo darista ummadda soomaaliyeed iyo dhulkooda soomaaliyeedba.waxaa shacabka soomaaliyeed ee NFD ka gilgilashada reeryada guemsytaha kenya iyo waxuushta ku garab taagan gumeynta shacabka soomaaliyeed ee NFD waana halgan soo jireen ah waana mid aan la dadi karin sida qoraxdana u ifaya waana mid soomaalinimo buuxda ah.
Kenya waxay ka mid tahay dalalkii soomaaliya dartood loo burburiyey si ay gebi ahaanba u lahaato dhulka iyo dadka soomaaliyeed ee ay gumeysato waxaan cadeyn noogu filin in kenya markey ku barraarugtey soomaaliya oo kasoo kacdey kufidii 1990 iyo dagaalkii sokeeye in kenya waaguba u baryey ayna biloowdey sheegashada xataa baddii soomaaliyeed waxaana kenya dalalkii dhabarka ka riixayayey iney sheegato dad iyo dhul soomaaliyeed hoos ugu sheegeen iney ku qabsato soomaaliya badda si ummadda soomaaliyeed aysanba u haweysan dhulka iyo dadka ka maqanba waa arin gaarey ku qabso ku qadi mayside waxaanse leenahay qofka soomaaliyeed ma aha mid gumeysi lagu rabaayadeyn karo mana ah mid dhulkiisa lagu gumeysan karo.
Kenya waxay daroogo jaad ah ku nabeysey kulana dagaalameysey shacabka soomaaliyeed ee NFD sidii dagaalkii dhex marey kii ingiriiska iyo boqortooyadii jayniska aheyd qarniyadii hore shacabkeedana lagu halaagey daroogada obiyamka laguna jabineyey guushiina ku raacdey ingiriiska.
Waxaan wada qireynaa in kenya tahay dhurwaa soo raacey dalalkii ummadda soomaaliyeed la baadi goobey nabbadii aanu geedka iska saarney laakiin kenya ay soomaaliya kusoo dhiiran laguse soo tukhaan tukheeyey ka dib markii lacag lagu harqiyey iyo balan qaadyo dhaca iyo qodista shidaalka soomaaliyeed ee badda soomaaliyeed.
Waxaan shacabka soomaaliyeed ee NFD leeyahay hogadii waa wali waxaa wali noo yaal hawl weyn iyo xargo u jarista gumeystaha kenya waxaa na hnoryaal waa aayahaga soomaaliyeed ka talinteeda midnimadayada soomaaliyeed iyo ogoleysiinta qalbiyada kenyanka in NFD tahay dhul soomaaliyeed hadii ingiriis dhul siinayo kenyana uu siiyo ayrland iyo london iyo meeshuu u garto dhulkiisaba.
Waa waajib u kicida jiritaankayaga muqadiska ah ee soomaalinimo waana waajib inaan ka dheeraano hadii aanu nahay shacabka soomaaliyeed ee NFD inaan ummadda soomaaliyeed u aragno shishieeye kenyanakana u aragno sokeeye.
Kenya waxay waligeed dagaal ku wadey dhaqanka afka iyo diinta ummadda soomaaliyeed waana mid sababey caddownimo soo jireen ah sidaas darteed kenya waa caddowga labaad ee ummadda soomaaliyeed waxayna kenya ka soo horjeeda bariga afrika oo nabbad iyo horumar lagu wada ahaado daris.
Soomaali kasta waxaan leeyahay Ummadda waxay hayaan u tahay jiritaankeeda muqadiska ah ee u ahoow soomaali hana noqon habqan una istaag jiritaankaaga caddowga muuqda iyo kan harka ahiba doonayo inuu mugdi galiyo kaana dhigo in lagugu addoonsado ciidaada hooyo looguguna taliyo laagana badalo magaca dhaqanka afka iyo diintaba.
Soomaaliya waa mid ummadda soomaaliyeed na waa mid soomaali kastaa waa ku waajib ka soo bixida iyo fulinta waajibaadkiiisa jiritaan ee soomaalinimo.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.
Subscribe to:
Comments (Atom)
SCREAM.
SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...
-
We all strive hard to achieve something in our lives at the highest place. many other ways some of us serve nations and do it well and maint...
-
Dowlada federaalka soomaaliyeed & Maamul goboleedyada waxaa u banaan oo kaliya iney hal jid raacaan.Ilaa hada waxaa soo if baxaya jaah wareer ku saleysan fahamwaa siyaasadeed ku kalana dhex jira dowlada hada xukunka hays...
-
Dal aan ciidan laheyn waa dal dadkii lahaa laga leeyahay,waxaa taariikhda africa iyo tan adduunkuba qireen in soomaali aheyd libaaxii af...