WAA INAAN XILKA HOGAANKA QABASHADIISA U RAADINAA INAAN U SHAQEYNO UMMADDA SOOMAALIYEED LAAKIIN AANU KA SHAQAYSAN.
Dib uguma noqon karno meeshaan ka nimid halkaan joognana ma sii joogi karno waa inaan hore usii soconaa waxaa noo cad kan maanta wax soo kordhin kara iyo kan nagu ah lugooyada waxaa noo kala cad halkaan rabno inaan gaarno iyo dhibtii uummadda soomaaliyeed soo martye waxaan si cad u leeyahay meel noogama banaana inaan iska burburino waxaan dhibtaa aan wada ognahay kusoo dhisney.soomaaliya markasta ma kufi karto dibna uma noqon karto anaga soomaali ahina hadba inta mid saro kaco inta kursiga ku duul duulo ma dafi karo hogaanka ummadda soomaaliyeed.
Meel noogama banaana inaan mid buubaal ahi dafo hogaanka amaba hore ula kufey waxaan mareynaa wakhti caddowkasta oo aanu leenahay uu indhaha galka kala soo baxay kana xun yahay godkii mugdiga iyo qaran la'aanta ahaa ee aanu kasoo baxney.
Meel na noogama banaana xil la dafo lalana kufo.waxaa qabashada hogaanka sare ee ummadda soomaaliyeed gayaa ama qaban karaa waa kan doonaya inuu u shaqeeyo ummadda soomaaliyeed kana hor marinaya dantiiisa beeshiisa iyo qoyskiisa. qofna laba faras ma wada kori karo mid daneysi iyo u shaqeyn ummaddeed waligeedna meel ma aysan wada galin dan shaqsiyeed iyo qabasho hogaan ummaddeed hadii laysku sidkana waa lagu fashilmaa.
Waxaa fooda nagu soo hayaa waa doorasho waxaa muhiimadu tahay waa inaan ka dheeraano eex qabiil nin jecleysi iyo waxaa hada horgale ah nin reer hebel ah iyo waxaan la rabnaa nin reer hebal ah waxaan leeyahay hadii qof hogaan sare hayaa reer hebel ku hayo ma tali karo qaran haduu ku raadinayna ma matali karo qaran hadaan qof reer hebel ku dooraneynana anaguna ma ahaan karno ummadda nadiifa ah oo soomaaliyeed una qalanta jiritaankeeda.markaan ka dheeraano sifooyinka noocaan ah waxaan GACAN BIR ah ku qabsan karnaa jiritaankayaga soomaaliyeed.
Waxaa nagu wada waajib ah inaanu iska ilaalino, dib u dhac, tafaraaaruq, dagaal,laaluush,xamaasad aburrid shacab laysaga hor keenayo iyo laalida nabbada aanu dhibta geedka ugaga soo degsanay.runtu waxay tahay hogaanka sare ee madaxweynenimo wuxuu deeqaa hal nin ha ahaado madaxweynihii hore amaba mid cusub waxaase waajib ah inaan ka fogaano ficilada ku saleysan MA koraanka waayo waxaa ummadda soomaaliyeed dhexdeeda fool xumo ku ah beel soomaaliyeed oo wada duuban una wada suxul duub ah ama u wada ooyeysa xil hal qof oo soomaaliyeed raadinayo waxaan leeyahay hadii beel wax isku soo jac bursato waxaa kursiga ku fariisanaya waa hal qof mana ah beesha oo dhan waxaana xaqiiq ah in qofkaas xilka hayaa ama qabtey uusan u shaeyn shaeynaynin una shaqeyndoonin hal beel laakiin uu u shaeyn doona ummadda soomaaliyeed oo dhan sidaas darteed wa ceeb ummaddeed in beelo beelo aanu ku raadino hogaanka ugu sareeeya ee ummadda soomaaliyeed.
Waxaan si fogiyo si dhow si cad iyo bareeraba u leeyahay u dooro xilka hogaanka madexweyne qofka u qalma naftaada dadkaaga iyo dalkaagaba inuu matalo.ood qaadis iyo jiidis waa isla guri gayn maanta ummadda soomaaliyeed ma kufi karto umana noqon karto xiliyadii aanu aheyn caruurta beesha caalamka ee waraaqaha wax nalooguku qor qori jirey dhibkayagana ummaddaha kale miisaska adduunkan kaga sheekeysan jireen anaga soomaali ahna qab jab nagu wada ahaa.
Waxaa bariga afrika ka socda dabeylo isbadal wata waana kuwo na wooqaya hadaan kufno wakhtigan waayo dabaylahan siyaasadeed ee bariga afrika ka hugmayaa waxay wataa dagaalo waxay wataa isbadalo siyaasadeed waxay wataan qaylo dhaan ummaddo kale oo fogfog u habar wacana sidaas darteed u ahoow soomaaliya soomaaligii lahaa kana dheeroow nin jecleysi kana fogow kanaa reerka ah iyo ereto afmiishaar bari ku rati kacsan jirey si uu u hanto xilka ummadda soomaaliyeed raadkeeduna ahaa mid god mugdi ah lala galey qabkii karaamadii ummadda soomaaliyeed.
Ummadda soomaaliyeed waxay maanta soo ceshatay karaamdeedii ay ku lahedy ummaddaha hortooda waxaana u wada istaagney dhisida soomaaliya cusub sidaas darteed ha hareer marin hayaanka umaddaada soomaaliyeed hana noqon habqan waxaan qoreynaa taariikhdayada soomaaliyeed oo qurxoon markale ummad soomaaliyeed ahaan.
Ummadda soomaaliyeed waa mid soomaaliya waa mid.qofakasta oo soomaaliyeed wuxuu dhashey asagoo xor ah mitirkasta oo ciida soomaaliyeed waa muqadis iney xor ahaato kana fara marnaato gumeysi waa waajib soo jireen ah.soomaaliya soomaali ayaa leh mama aha in amxaaro ku dhaanto ku tumato jigjiga mana aha in kenyan ayadoo dadkeenii soomaaliyeed ee dhiigoda u horey iney u dagaalamaan xornimadayada soomaaliyeed wali lafahoodii kasii muuqdaan godey iyo ka fogba mana aha in kenyaan aanu kismaayo joogo kaba sii darane nagu haysto baddayadii shidaalku ka buuxey maxkamadna nagulaba kore oo nala istaago dan haag waa kaaf iyo kala dheeri waxaan leeyahay waxaa ii muuqata garissa oo calanka baluuga ahi saaran yahay ka babanayo waa hubaal waayo ninki dhoof ku yimid ayaa geeridu dhibeysaa waxaa fooda nagu soo haya kala adag adag oo ilaa hada ummadda soomaaliyeed dhexdeeda ah kuna saleysan kacdoon soomaalidoon iyo mid soomaalidiid waxaase guusha leh waa wadani dhabta ah ee soomaaliyeed nafgtiisa soomaaliya iyo dadkiisu u huraya u dhimanaya.
Waxaa soomaaliya xaq u leh sheegashadeeda xaq u leh inuu ku noolaado ku dhaqdo ku dhinto waa soomaaliga aaminsan ALLAHIISA waa soomaaliga qabiilkiisu yahay soomaali kana wayn isku lamaaninta isku dhajinta beelo hoose una huraya maalka iyo nafta diidanaya in lagu gumeysto ciida soomaaliyeed mitir ka mid ah diidanaya in lala kufo hogaankeeda amaba ummaddo kale daaha gadaashisha ka hayaan isteerinkeeda.guusha waxaa leh ummadda soomaaliyeed ee soomaalidoonka guusha waxaa leh ummadda soomaaliyeed ee maanta ka soo samata baxdey dabin kasta oo caddow qaran ku dumin karo godna ugu ridi karo jiritaankeeda guusha waxaa leh soomaaliga ilaashanaya soomaaliya u ilaalinaya naftiisa iyo jiilka soomaaliyeed ee asaga ka dhaxli doonaba.
Soomaaliya ha noolaato ummadda soomaaliyeed ha israacdo waxaa noo wada baryey waa cusub ee aanu wada hiigsanyo iftiinka noo baxaya ummad soomaaliyeed ahaan
AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.
