Wariye caan ah oo Hargeysa ka bilaabay wax halaag ka dhalan karo.laakiinse ku maldahay inuu soo duubi doono horumurka maamulka soomaaliland ee soomaaliyeed.
hadaba waxaa isweydiin leh maxaa maal mahan soomaalida miiska adduunka soo saarey.
mudadan danbe waxaa bulshada soomaaliyeed ka soo ifbaxaya waxyaalo aanu hore dhaqan u laheyn,shalay waxay aheyd nin imaam ah oo austaraliya ku nool ayaa noqdey GAAY maantana waxay mareysaa wariyo GAY ayaa hargaysa arimo ka wada gaara.
waxay arintu hada mareysaa in loo soo dhigto ja jabinta habshismeedka qoyska soomaaliyeed iyo ka takhalusida diinta iyo dhaqanka ummadda soomaaliyeed.
mudo wax yar laga joogo ayaa waxaa hargeysa ka bilowdey NGO ama urur lacag ku bixinaya dumarka suuqa galay ama dumarka la furey taasina waxay ahayd bur burinta qoyska soomaaliyeed qayb ka mida ama tijaabo in dadku soo jeedo.
soomaalidu waxay tiraahdaa doqonta usha agteeda ku dhufo hadii ay damqan waydana iyada dusha kaga dhofo.
ariman lab lab guursanaya iyo dhedig dhedig guursanaya ma aha wax ku cusub adduunkan waxaana lagu khasbey madax iyo shacab badan oo maanta caalamka saaran.
hadaba waxaa haboon in qofkastaa wuxuu yahay ku koobnaadaan ASAGA AMA IYADA mase aha in ummadd dhan lagu khasbo laguna soo falaash gareeyo waxa cadad yar oo dada ay doonayaan ama sida ay doonayaa in loo dhaqmo ama qoysku ahaado.
waxaase mudnaanta mudan waa sida qoyska ama shaqsiga soomaaliyeed ahaan jirey inaan la badalin layskuna dayin badaelkeeda mana aha sida la doonayo in laga dhigo in la buun buuniyo.
waxaase mudnaanta mudan waa sida qoyska ama shaqsiga soomaaliyeed ahaan jirey inaan la badalin layskuna dayin badaelkeeda mana aha sida la doonayo in laga dhigo in la buun buuniyo.
waddamada arimahan buun buuninaya waxay ku andacoodeen iney hor ordayaan xaquuqda dad tiradoodu yar tahay,waxaase yaaba marka dad yar xaquuqdooda la raadiyo laguna tunto xaquuqda dad badan waa kaaf iyo kala dheeri.
shacabka reer hargeysa ee ay soo food saareen duruufo badan ma aha in jiritaankooda lagu falaado ee waa in wax lagala qabto quruufaha kale ee nolosha.
sida aad aragtaan wariyahan mareykanka ah ee u shaqeeya CNN ta sida la sheegey Gaynimada waxaa ku diidey walaalkiis oo la sheegey inuu isdiley,hooyadiisna waa la mid oo waayba tahay Gay,hadaba waa khalad inuu arin qoyskiisii dhimasho u keentey kula dhex dhaco shacabka soomaaliyeed,oo aysan isku dad aheyn iskudiin aheyn.
waxaan hubaa meelaha shacabka soomaaliyeed laga doonayo in lagu maskax badalo waa jaamacadaha wana wax mudo soo socdey markii dadyoow qalaad maal galiyeen waxbarsho soona diyaariyeen manhaj horkacaya waxay doonayaan iney fuliyaan ayay waxay ku lifaaqeen waxbarashadii ayagoo usii maraya dhanka xaquuqda iinsaanka,
in badan ayaan darsey sidey xaquuqda iinsaanku ku tahay MID DHALANTEED AH waddamada reer galbeedka mana aha sida ay afka ka sheegtaan waayo ayaga ayaa ku tunta walibana dadka ka qariya runteeda,waxaa hubaala in wadamada reer galbeed xaquuqda iinsaanka u fasirteen diidmada waxay diidayaan iyo doonista waxay ay ayagu doonayaan wixii intaas dheera ay dhaleeceeyaan.toodase waa lagama hadlaan lamana arkaan waayo waxaa ku dadan been iyo borobogaando lagu faafinayo wargeysyada iyo qaybaha kala duwan ee saxaafada.
hadii aan suoo noqdo arimaha GAYNIMADA MEEL UGAMA BANAANA SHACABKA SOOMAALIYEED WAANA WAR CAD.sababtoo ah cidna khasab naguma laha inaan noqono wax aanu dooneyn.maadama dadka waxyaalahaas noola imaanaya anaguba kuma khasabno iney noqdaan waxaan anagu nahay.taasi waa taas.
mida kale waxaa mudo lagu mashquul sanaa sidii loo jilcin lahaa loona badali lahaa maanka iyo maskaxda ninka iyo naagta soomaaliyeed iyadoo loo soo marey geed gaaban iyo mid dheerba loona soo marey wado kasta oo lagu fulin karo jilcinta maskaxda dadka soomaaliyeed markey taasi suurto gali wayday ayaa masiibo dagaal nalaku fuliyey,lasykuna kaaya direy anagoon is ogeyn,
waxaana la sugey mudo si ay usoo baxaan jiil yar ama dad soomaaliyeed oo daddoodu yar tahay indhana xiran waana mid maanta taagan in wax kasta oo horey loogu daaley lagu dayo da yarta soomaaliyeed mar kale ileen kuwii hore diidee.
waxaan jeclahay inaan ummadda soomaaliyeed ogeysiiyo una sheego si cad bayaana ah
ILBAXNIMADU MA AHA IYADOO LAGU MASHQUULO XUBNAHA TARANKA BINI'AADAMKA EE ILBAXNIMADU WAA IYADOO LAGU MASHQUULO MASKAXDA IYO KOBCINTA CAQLIGA BINI'AADAMKA LAGANA SII RAADIYO HORUMAR.
ILBAXNIMADU MA AHA IYADOO LAGU MASHQUULO XUBNAHA TARANKA BINI'AADAMKA EE ILBAXNIMADU WAA IYADOO LAGU MASHQUULO MASKAXDA IYO KOBCINTA CAQLIGA BINI'AADAMKA LAGANA SII RAADIYO HORUMAR.
bal warkan hoose akhri.
Anderson Cooper oo ah suxufi caan ah oo ka tirsan warbaahinta dalka Maraykanka gaar ahaan Telefishanka CNN ayaa dhawaan soo gaaray Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa.
Suxufigan caanka ah ayaa waxa kale oo uu caan ku yahay waxa loo yanaanno [Gay Marriage] ama guurka dadka isku jinsiga ah, isagoona arrimahan si wayn ugu ololeeya isla markaana qoraallo iyo muuqaallo uu arrimahan kaga hadlayo sameeyay.
Anderson Cooper waa soo saaraha barnaamijka la yiraahdo 360 kaasi oo inta badan lagaga hadlo arrimaha siyaasida, inkastoo la sheego in uu jiro barnaamij kale oo uu isna soo saare ka yahay kaasi oo la yiraahdo Gay agenda programme, barnaamijyadaasi oo ka baxa isla Telefishanka CNN.
Ninkani ayaa qirtay inuu yahay qof (Gay) ah sannadkii 2009kii markaasi oo uu saaxiibkii u ogolaaday inuu baahiyo email uu u diray oo uu arrintani kaga hadlayo. Sidan si lamid ah waxa Wareysi uu bixiyay horraantii bishii lasoo dhaafay ee April (4,April.2016) kaasi oo uu siiyay CBS Sunday Morning uu daaha kaga qaaday isla arrintan, sidoo kale waxa wareysigan ku wehelinaysay hooyadii oo iyana isla arrimahan ku shaqo leh ahna islaan Lesbian ah. Waxaa kale oo la sheegaa in walaalkii uu is dilay markuu u adkaysan waayay dhaqan xumadda hooyadii oo iyadu arrimahani si wayn uga hawl-gasha.
Sababta joogitaanka ninkan suxufiga ah ee Somaliland lama yaqaanno illaa hadda, balse wararka qaar ayaa sheegaya in uu jiro xariir uu lasoo sameeyay jaamacadda Abaarso Tech taasi oo uu barnaamij Documentary ah uu ka duubayo jaamacaddaasi, wallow aanay jirin meel ay si rasmi ah arrintaasi ugu sheegeen maamulka jaamacaddu.
Mr.Cooper ayaa bartiisa Twitterka uu ku leeyahay soo dhigay sawir muujinaya kulan uu la yeeshay qaar ka mid ah gabdhaha magaalada Hargeysa inkastoo ujeedada kulankaasi aanu sheegin.
Dhanka kale, sanadkii hore ayay ahayd kaddib markii gabadh lagu magacaabo Jude Kulley oo iyaduna ka shaqaysa arrimahan [Guurka isku jinsiga ah] la sheegay in ay soo gaartay magaalada Hargeysa iyadoona halkaas kulamo kula yeelatay qaar ka mid ah gadhaha reer Hargeysa.
Si kastaba ha ahaatee, shakhsiyaadka noocan oo kale ah ayaa inta badan lagu dhex arkaa Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa, iyadoona aan la ogayn ujeedka dadkaasi ay u yimaadaan dalka.

