Wednesday, April 27, 2016

WAA CUSUB AYAA U BARYEY SHACABKA SOOMAALIYEED EE SOOL,SANAAG IYO CAYN

waxaan ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed ee sool sanaag iyo iney nabada ilaaliyaan,dagaal wiil ayaa ku dhintee wiil kuma dhasho,

marka labaad inaan laga dhex faa'iideysan arintan hadda taagana ay ku dhemeeyaan is af garad waayo magaalada buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaadaba waxay maanta halkan kusoo gaartey mayal adeyg,iyo isku kalsoonaan,iyo u taagnaanta xaqooda.

buuhoodle waa nalka kaliya ee u ifaya shacabka soomaaliyeed ee sool sanaag iyo cayn waana rajadii iyo jiritaankii shacabka sool sanaag iyo cayn.

maanta hadii la idnkaga guuleysto in laysku kiin diro waxaad saxiixdeen inaad raacdaan cagtana saartaan mustaqbal gacan hoosteed ku noolaansho ah,iyo gumeyn aad bohol kula dhaceysaan,maanta arinku waa magafto,

waxaan mar labaad ugu baaqayaa ciidan iyo shacaba gobolada sool sanaag iyo cayn midnimo buuxda,maanta soomaaliyi ma kala itaal roona laakiin yaan af aan meel jirin la idinku duudsiin jiritaankiina soomaaliya maanta waa ka weyn tahay in gumeysi la la daba ordo iyo soomaalidiidnimo ama in shacabka soomaaliyeed loo hor kaco fulinta dano shisheeye.

gobol ama qaybkasta oo dalkeena waxaa soo maray ama soo maraya jaanis ay ugu istaagaan sugida iyo xaqiijinta jiritaankooda kasoo ay qayb kaga noqon karaan lana soo hor fariisan karaan shacabka soomaaliyeed ama soomaaliya inteeda kalena  looguna tix galin karaa,inkastoo qaybo badan oo dalkeena taladii shacabka la afduubey loona isticmaaley dhuuni raadis iyo ku gorgortan shaqsiyadeed,

waxaa hubaala hadii maanta sool sanaag iyo cayn aysan israacin meelna ugu wadda soo jeesan jiritaankooda in laga guuleysanayo,jiritaankooduna mugdi galayo,

waxaa maanta idiin baryey  wa cusub mana aha wakhtigii ishiinu midba midka kale qaban laheyd,ee waa maalintii aad  bilaabi laheydeen tusina laheydeen soomaali inteeda kale  in jiritaankiinu muqadis yahay inaad isu talisaan idiinkoo soomaali kamidana ay muqadis tahay,


waxan lee yahay maamulka cusub ee hada la wareegey gacan ku haynta buuhoodle hadii aad meel kale ula socotaan buuhoodle hadaba gacanta kala baxa arinta buuhoodle hadii afkiina iyo adinkiinuba isku mid yahayna raadiyada midnimo iyo wada tashi guud iyo midnimo ciidan,waddajir iyo midnimo ayaad meel ku gaarteena kuna tir tiri kartaan kala qaybsanaanta soomaaliyi farta idikugu soo fiiqeyso,

soomaaliya soomaali ayaa leh sidaas darteed waxaa inoo muhiim ah in bulshada soomaaliyeed aysan is dulmin magaxana isaga istaagin iayagoo qarkood qaar kale matalaya magacoodana isticmaalaya amaba gobol ama maamulkastana la duudsiin xaqiisii jiritaan uu kaga mid noqon lahaa soomaaliya.

maamul iridkasta oo aduunka ah soo taabtey si loo aqoonsado soomaali diidnimo datreed kuna hungoobey waxba tari mayso daba orodkiis waayo asagii ayaaba caalamku u iclaamiyey ineysan macquul aheyn go i taan,waayna xaqiiqsadeen   iney dhagax ku qoran tahay xaga somaaliweyn iyo xaga caalamkaba midnimda soomaaliya,waxna laga badali karin,

waxaana  nasiib daro ah in shacabka gobolada waqooyi ay danahooda ku fushadaan in yaroo fara ku tiris ah afduubayna shacabka dadoodu yar tahay una badan dhalinyaro,

kuwasoo dhashey  ka dib  qoritaankii taariikhada ummadda soomaaliyeed iyo xornimo u dirirkii soomaaliya lagana qariyey in hadii maanta ay joogui lahaayeen shacabkii soomaaliyeed ee gobolada waqooyi ee askumey jiritaanka soomaaliya aysan raali ka ahaan laheyn waxa maanta ka socda gobolada waqyooyi ee soomaaliya idhina aan u lahyen in shacabkuna afduuban yahay kadib markii taariikhdii burburkii dalkeena si khaldan loogu fasirey,iyadoo soomaali oo dhana dhibku wadda taabtey,looguse turjumey in ayaga masiibada kaligood dusha uga timid.marka arintu ay tahay masiibo soomaali wayn shacabka soomaaliyeedna u sinaa dhibkeeda haloo kala darnadeeba.ayna aheyd mid ku saleysan danaha cusub ee laga leeyahay soomaaliya.uuna soo abaabulay cadowga harka ah ee soomaali oo dhan.


AMIN MUSSE.
musharaxa madaxweynaha. 


SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...