Monday, April 25, 2016

CAMBAAREY CAMBAAREYN CAMABAAREY+ DIGNIIN DIGNIIN DIGNIIN.

CAMBAAREY CAMBAAREYN CAMABAAREY+ DIGNIIN DIGNIIN DIGNIIN.

waxaan halkan ka cambaareynayaa dowlada kenya ku xad gudubka dhulka iyo ummadda soomaaliyeed ay dowlada kenya ku kala gooyneyso darbiga ku saleysan dhul isa siinta dhulka soomaaliya,

waxaan kaloo uga digeyaa kenya ineysan sii wadin dhisada darbigan waayo waa dhul soomaaliyeed sharcina uma laha,bari ayaa dowlada ingirisska nasiisey oo anaaga iska leh ma aha mid caalamka ka soconeysa,waaana jabin iyo ku xad gudub jiritaanka ummad iyo soo xeyn daabid ku saleysan boob,
kenya iyo itoobiyaba ma aysan aheyn iney ka mid noqdaan waddamada aan u wacaney ee lnala baadi goobey nabadii aanau anagu iska qaadney markii nalaku soo qaadey weerar ku saleysan af iyo lacag lala daba socdo,

sida aan lawada socono kenya waay ogtahay ineysan gobolka NDF aysan laheyn lahaana karin,
mida kale waxaa halkan kaaga cad iney dulmi wayn lana gaadeysey kenya waayo waxay darbigan ay ku kala xireyso dhulka soomaaliyeed iyo dadka soomaaliyeedba ku beegtey burburkii ay ayadu qayb ka aheyd ee soomaaliya,

runtu waxay tahay kenya nabada iyo xasiloonida ay raadineyso kuma heleyso kala goyen dhul aysan waligeed lahaan doonin,ayna meel u taal bixinta kharashka lagu jajbin doono,

waan ognahay lana soconaa in kenya ay muddo soo koobineysey talada laga siinayo xagga nabad galyada ee ay ugu tabaruceysey israaiil,waase mid ay israaiil iaydu lafteeda ku hungoowdey mana aha habka loomaro raadinta nabadgelyo qaran,

anagu waxaan si cad uga soo horjeedaa joogintaanka ciidamada kenya iyo itoobiya ee soomaaliya,waayo waxay ka danbeeyeen burburkayagii,si ay u xalaalsadaan dhulka soomaaliyeed ee dowlada saddexaadu faraha u galisey.
raali aayaan ka nahay in dowlad aanu wax ka tirsaneyn dhulna naga haysan ay nabad nala raadiso.

waxaan halkan ummadda soomaaliyeed ugaga baaqayaa iney hor istaagaan darbigan lagu kala goynayo dhulka iyo dadka soomaaliyeed,
dowlada socod baradka ah ee federalka soomaaliya iyo waliba baarlamaanka soomaaliyana  ineysan afka iyo addinkaba ka qabsan,ama ay ummadda soomaaliyeed ee ay matalaan ka hor leexdaan si loo helo kuwo u qalma hogaaminta daka iyo dadka soomaaliyeedba.

GOD BLESS SOMALIS AND SOMALIA.

waxaan halkan inaku xusuusinayaa in maanta uu dadkeenii iyo dalkeeniiba uusan weli ka bixin dhibtii wakhtigan gilgilashada weyn nala dul maraya waxaa dadkeenii hareereeyey dhibaatooyin badan lagana qarsan karin indhaha maankuna uu ku qaracmayo xamilina karin,
soomaali hadii hadii aan nahay ma nihin caruurtii bessha caalamka inta adduunku noo wada yimaado noo dhisi mayo dalkeena nana siin maayo nabad waayo anagoo kaligeen ah ayaan iska qaadney nabadii anagoo kaligeen ah ayaan burburiney dalkeenii,

hadii aan kawada soo cararnana wuxuu ahaan sidiisa waayo inta dadkale noo daba maraan noo dhisimayaan,hadii aan cararnana wax yar ayaa naga gaaraya meeshii loo cararey oo in badan ayaa naga dhimaneysa sidii anagoo dhan aanu markhaati ka nahay ayna ugu danbeeysey boqolaalkii dadkeena ahaa ee ku dhintey badda masar ALLAH samir iyo imaan hanaga siiye.

dani waa ma seegtee waxaa nalaka doonayaa inaan anagoo kaligeen ah nabad sameysano anagoo kaligeen ah inaan dalkeena dhisano,
soomaaliyi waxay gaartey maanta ama maya,taasoo aan ula jeedo inaan midowno una  istaagno nabadeena nolosheena iyo dalkeena ama inaan ogolaano inaan ciribtirmano,ma ogolaan karno inaan ciribtirmano waayo waa diidmo ka soo wadda yeereysa qalbi kasta oo soomaaliyeed.
wax badan ayaa nalaka daawadey adduunka daafihiisa wax badan ayaa dadyoow caruurtooda indhahooda ka qariyeen marka uu soo galo warar ka hadlaya soomaaliya iyo dadkeeda si aysan u qaracmin mana aha wax na qaban kara magaceenana lagu sumadeyn karo  ama u noqon kara naaynaas nalookaga yaqaan adduunka marka lasoo hadal qaadaba soomaaliya iyo dadkeeda iyo waliba dhinka haysta,runtu waxay tahay waan ka bixi karnaa dhibta iyo dagaalka,waan raadinkarnaa soomaalinimo iyo iskaashi walaalnimo,waan kasoo saaran karnaa dalkeena waxaan munaafacaadsano.
waana noqon karnaa soomaaligii qofkastaa oo soomaali ah jeclaa in lagoo yaqaano adduunka asagoo wanaagsan.waxayse ku xiran tahay samaysiga madax daacad ah uu shacbku samaysto kuna dhiirado,dadkeenuna midoobo kuna dhaqano sharciga dhexdeena aan samaysaney,eex la aan,qabiil la aan,laaluush la aan.aana ku dheehno wadaninimo.
hadaba waa hawl weyn una taal fulinteedu aniga,adiga iyo dadkeenoo dhan.

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...