Thursday, December 26, 2019

CABDICASIIS XASSAN (LAFTA GAREEN) MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA WAA HOGAAMIYAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA EE SANADKAN WAA HOGAAMIYE KU DAYASHO MUDAN WAA SOOMAALIDOON KA DHEX IFAYA UMMADDIISA SOOMAALIYEED WAA HORGALE TAARIIKHDA UMMADDA SOOMAALIYEED QORI DOONTO...



CABDICASIIS XASSAN (LAFTA GAREEN)
MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA
WAA HOGAAMIYAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA EE SANADKAN
WAA  HOGAAMIYE KU DAYASHO MUDAN WAA SOOMAALIDOON KA DHEX  IFAYA UMMADDIISA SOOMAALIYEED WAA HORGALE TAARIIKHDA UMMADDA SOOMAALIYEED  QORI DOONTO...

Maamul goboleedyada soomaaliyeed waa dowladii federaalka soomaaliyeed  oo lagu firdhiyey ama lagu baahiyey soomaaliya si guri kasta wado kasta tuulo kasta magaalo kasta gobol kasta ay u gaarto qofkasta oo soomaaliyeed na uga mid ahaado ugauna hoos jiro tallada dowlada matasha magaciisa jiritaankiisa iyo dhulkiisaba.

Hadaba dowlada federaalka soomaaliyeed waa curdin waana soo oreysaa waxaana wali socda dhisideeda waxaa wali ay wada gaareysaa dhulka soomaaliyeed kana hada xorta ah waxayna gaari doontaa dhulka wali ku jira gacanta gumeysiga oo waajib ah in laga xoreeyo lagana xoreyn doono INSHA ALLAH hawshiisiina socoto waayo soomaaliya soomaali ayaa leh mana laha kenyan iyo itoobiyaanba kamana talin karaan.

Madaxweyanaha koonfurgalbeed soomaaliya mudane cabdicasiis xassan lafta gareen waa horgale shacab waa madaxweyne maamul goboleed soomaaliyeed waana isukeenaha shacabka soomaaliyeed qaybihiisa kala baahsan wuxuuna wax ka hor kacayaakana daadihinayaa  hayaanka soomaalinimada iyo soomaaliyada cusub waana madaxweyne ku dayasho mudan kana aragti duwan kana aragti fiican madaxda kala ee wali geedaha saaran shacabkii soomaaliyeed ee ay horgalayaasha u ahaayeena didiyay qaarkoodna afduubeenba sida maamulka soomaaliyeed ee soomaaliland.

Waxaa ummadda solomaaliyeed u baahan tahay horgalayaal aan kala qoqobin shacabka soomaaliyeed kuna haga soomaalinimo ,kana soo baxa hawlihii loo igmadey ee qaran,mudane lafta gareen waxaa eeydeymo badan kaga yimaadeen meelo badan kuwasoo ku dhaliilayey maxaad ula shaqeyneysaa dowlada federaalka soomaaliyeed waxaanse leeyahay asaga laftiisa mudane lafta gareen ayaa ah dowladii federaalka soomaaliyeed oo anagoo dhan ayaa ah dowladii federraalka soomaaliyeed oo soomaali kasta oo wax ka ilaashanaya jiritaankiisa ayaa ah dowlada federaalka soomaaliyeed maanta ummadda oo soomaaliyeed waa dowlada federaalka soomaaliyeed sidoo kalena dowlada federaalka soomaaliyeed waa ummadda soomaaliyeed iyo qofkasta oo soomaaliyeed.

Waxaan macquul noqoneynin in shacabka soomaaliyeed la kala qoqobo waxaana leeyahay muwaadin kasta oo soomaaliyeed oo wuxuu xaq iyo xaquuq u leeyahay inuudago ku noolaado soomaaliya meel kasta oo uu nolol iyo nabbd ku helayo wuxuu maamul goboleed dowlwda feraalka soomaaliyeed u matalaya waa magaca maamulka gobolkaas ka jira uuna usii marayaa dowladiisa federaalka soomaaliyeed mana lagu ,magacaabi karo jaaliyad maaml gonboleed soomaaliyeed kuna nool maamul goboleed kale iyo wax la mid ah waayo waa soomaali jooga dhulkiisii hooyo tusaale shacabka soomaaliyeed ee kasoo jeeda koonfurgalbeed soomaaliya joogana galmudug waa shacab jooga dhulkoodii hooyo mana aha laajiyiin sidoo kalena shacabka koonfur galbeed ee jooga dowlad gaoboleedka puntland waa shacab soomaaliyeed joogana cidoodii hooyo ee soomaaliyana waxayna leeyihiin xaqa iyo xaquuqda shacab ku leeyahay maamul goboleedkiisa waxayna dowlada federaalka soomaaliyeed kaga jiraan ka joogaan puntland ayada aayaana u matasho dowlada federaalka soomaaliyeed ayna usii marayaan.

Waxaan marna wax loo dulqaadin doonin ah in shacab soomaaliyeed la xasuuqo ayadoo loo bartilmaansanyo waa reer hebel iyo quraafaad ah waxay kasoo jeedaan maamul hebel waayo soomaali kastaa wuxuu leeyahays soomaaliyana soomaalina soomaaliga kale kama xigo dhulkiisa magaciisa jiritaankisa iyo dowladiisa federaalka soomaaliyeed hadii uusan caddow laga ilaalinayo ku noqon qofkaasi sida kuwa aanu ku calaamadiney soomaalidiid ahana soomaali ka jeed iyo caddow kalkaal khatar ku ah jiritaanka ummadda soomaaliyeed.

Shaqaaqada dilka foosha xun ee ka dhacay dhuusa mareeb iyo gaalkacyo waa in wax laga qabto si aysan u noqon wado ay ku daydaan kuwa maato laayska ku caan baxay iyo iska laaya shacabkaas waa looma ooyaane.waa in maamulka galmudug sharciga horkeenaa dadkii gaystey xasuuqa ka dhacay gaalkacyo iyo dhuusa mareeb lana hor geeya maxkamada sare ee dowlada  federaalka soomaaliyeed maadama uusan aheyn dil ruux kaliya ee uu yahay dil wadareed ama xasuuq.

Shacabka koonfurgalbeed waxaan leehaya ahaada soomaalida wacan ee wanaagsa ee aaad ahaan jirteen ahaada kuwoo dowlada federaalka soomaaliyeed ku boogo dhayayey BAAYDHABO JANAEEY magaalada soomaaliyeed ee ay dowlada federaalka soomaaliyeed kusoo degtey garab istaaga horgalaha  soomaaliyeed ee idin horkacaya hada ama madaxweynahiina lafta gareen asagaa ah mid ay horgalaaysha maamul goboleedyadu ku daydaane iyo madaxweyanaha maamujl goboleedka soomaaliyeed ee sanadkan iyo kan soo socdaba.

Shacabka koonfur galbeed ee soomaaliyeed waxaan leeyahay la shaqeeya maamul goboleedka koonfur galbeed iyo madaxdiisa garab istaaga dowladiina federaalka soomaaliyeed iskana soo afjara alshabaab waana in ay istaagtaa dhalinyarada soomaaliyeed ee qaraxyada lagu miidaaminayo ayadoo lagu lifaaqayo arimo diin laguna fulinayo dano shisheeye waxaad na ka tirsdan tihiin hadaba maamulka aad degtaan ee soomaaliyeed  soomaaliya lama kala laha looma kala sokeeye waana wada leenahay ee ku nooloow ku dhimo ku dhaqo ku faan ilaashana.

Hugunka aad maqleeysa hurdaayoow waa ummaddii soomaaliyeed oo hayaan u ah halka uu ka kaahayo iftiinka jiritaankeeda muqadiska ah ee ha noqon habqan hana hareer marin fiqi tolkiis kama jano tagee magaca aad wadataa hada waa beel soomaaliyeed magaceed magaca qabiilkaaguse waa SOOMAALI sida magaca kikuyada oromada jalwada amxaarada nuubiyaanka sidaas adrteed hadii aad soomaali tahaya waxaa ku deeqa magaca qabiilka soomaaliyeed kasaana kaa kaafin kara kagana hortagi kartaa caddownimada qowmiyadaha kale ee nala daga bariga afrika,hal laan geed oo aad shaagato inaad leedahay waxaa kaaga fiican adigoo iska wada leh geedka oo dhan sidoo kale hal beel joose oo soomaaliyeed adigoo sheegta waxaa kaaga karaamo iyo quwad iyo qrux badan adigoo sheegta magaca qabiilkaaga wayn ee soomaaliyeed ahna soomaali hadaba hadii aad soomaali tahay qabiilkaagu waa SOOMAALI ee niyada yu dhadhaaci kuna kalsoonoow kuna faan sida qabiilada dalalka dega bariga afrika ugu qadaaqayaan waxaan nahay oromo amxaaro jalwo kikuyo iyo wixii la mid ahba adiguna ahoow SOOMAALI sanku neefle kaasareeya ma jiree.

Waxaan mar labaad leeyahay hogaamiyaha maamul goboleedyada sanadkaan waa Mudane CABDICASIIS XASSAN LAFTA GAREEN shacabka maamulka koonfurgalbeed soomaaliyana waxaan leeyahay waad nasiib badan tuhiin la shaqeeya garab istaaga ilaaliyana soomaalinimada jiritaankeeda afarta dacal dalkeena.


AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.



SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...