Wednesday, June 14, 2017

HOGAANKA SOOMAALIYA WAXAA ISKA LEH UMMADDA SOOMAALIYEED DHAMAAN MADAXDUNA WAA KUWII LOO IGMADEY SHAQADA HOGAANKA UMMADDA SOOMAALIYEED FULINTEEDA.


waxaan aad iyo aad u taageerayaa mowqifka cad ee dowlada hada xukunka haysa ee ku aadan arimaha murugsan ee bariga dhexe iyo is qabqabsadka dalalka carabta,waxaa hogaanka iyo talladda dowladnimada soomaaliyeed ka go daa waa ummadda soomaaliyeed,waxaa ummadda soomaaliyeed isku raacdey iney meel dhaxaad ka noqoto isqabqabsiga dalalka carabta ISQABQABSIGAAS oo ku saleysan khimaayo soo socotey lana soo maleegayey mudo hore hadana ummadda addduunka lagu soo hor faniiniyey ayadoo shaati la dagaalan argigiso loo soo gashey.

sida ummadda soomaaliyeed ogsoon tahay adduunkana lawada socdo waxaa soomaaliya ku jirtey laguna manjo xaabiyey dalalkii 7 da ahaa ee loogu tala galey in dhulka lala simo,waxaase ummadda soomaaliyeed burburinta dalkooda loogu gashey shaati ah dagaal qabiil hadana maraya mid diimeed,

ummad soomaaliyeed ahaan waxaan ka soo kacney hagardaamo shisheeye anaga laftigayo naloo adeegsadey sidii aan u burburi laheyn,inkastoo dadkeena inyar ay fahansaneyd ilaa hadana inyar ay fahansan tahay,waxaase wax lagu farxo ah in ummadda soomaaliyeed ALLAH ka daaweeyey arimihii qabiilka ee laysaga horkeenayey dalal kalese dan khaas ku fushanayee,waxaase ilaa hada socda dantii oo waji kale loo yeeley,ayadaoo dantaasi isugu soo wadda biyo shubaneysa khayaardka dabiiciga ah ee dalkeena ALLAH ku muteystay.

soomaaliya waxay hada ka hor xiriirka u jirtey dalalka ay ka mid yihiin ingiriiska iyo ruushka tasoo ay keentey faragalinta jiritaanka ummadda soomaaliyeed markii uu ingiriisku hoos geeyay NFD kenya,ruushkuna nooga eexday itoobiya dagaalkii aan wadda galney itoobiya kagana adkaaney kagana saxsaneyn,

hada arintu waxay mareysaa in dalkeena iyo dowladeenaba ay dalal carab ahi doonayaan iney ku rati kacsadaan kuna fushadaan danahooda siyaasadeed,soomaaliyana u isticmaalan sidii dal ay leeyihiin maadama ay caawimo ku sheeg nasiiyeen,

waxaase runtu tahay soomaaliya iyo ummadda soomaaliyed uma baahna dalalka carabta iyo kuwo wata danno gaaraba,ummadda soomaaliyeed waa ka qab weyn kana masiir wayn tahay in ummaddo kale ku fushadaan hadafka ay doonayaan iney gaaraan ee ah mid dagaal iyo mid dhaqaaleba.

ummadda soomaaliyeed ma aha dameeri dhaan raacdey,hadbana u sacabo tumaya dalkii sunuud yar siiya.

ummadda soomaaliyueed waxay diyaar u tahay in ay saxiibo ka dhigato dalkii diyaar u ah kwada shaeynta danta guud ee labada dal diyaarse umma aha soomaaliya saxiibtinimada dalkii iyo dalalkii siyaasadoodu ku saleysan tahay kaaley waan guurayaaye ratigeyga kaliya ila rar kaanagana raro kaligaa.

soomaaliya maanta waxay kasoo kacdey dabinkii waxyeeladii burburkii laqdabadii dalal badani nagu gaadeen,soomaaliya uma baahna dabin kale adduunkan kala guurka ku jira,

waxaan mar labaad dhinac taagnahay siyaasada ku saleysan DANTA DALAKYGAAGAA HOREYSA IYO TAN UMMADDAYDA SOOMAALIYEED.adduunku wuxuu ku jiraa wakhti adag tasoo ay in dalal badani kasoo jeesteen ama ay dhameeyeen khayraaydkii dalalkooda waxayna sababtey in dalalkii waaweynaa kala soko marsadaan dalalkii yar yaraa ee aan khayraadkooda fursad iyo awood ay kusoo saartaan aan helin.

wajiga maanta adduunku galay waa mid lamid ah kii uu adduunku galey ka hor dagaalkii koowaad iyo kii labaad markii dalalkii awooda lahaa aruursanayeen dalakii yar yaraa ee laxulofada noqon lahaa.

waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa inaan iska ilaalino dabinka saddexaad ee nalala damacsan yahay inaan dibba aanu uga soo kicin dhulka,waan dhaafney dabankii qabiilka waan ka badbaadney kii ummadda soomaaliyeed diinta lagu kala geeyey waxaase hada socda kii laysku lahaan lahaa gabi ahaanba anagoo wali waddana magac qaran,dalkeenana masiirkiisa la hooskeeni lahaa fulinta nin dal kale u dhashey riyadiis iyo waxa uu la doonayo in qoomkiisu gaaro.

waxaan shacabka soomaaliyeed ugu baaqayaa iney garab istaagaan dowlada hada xukunka haysa gar iyo gar daraba,waayo waa dowlad u istaagtey soo celinta soomaaliya oo nabbad ah fiicana ummadda soomaaliyeed oo leh qabkoodii lagu yaqaaney iyo in soomaaliya madax banaan tahay aayaheedana ka taliso tuseysana adduunka in soomaaliya ay kuftey oo kaliya laakiin aysan soomaaliya dhiman.

hogaanka ummadda soomaaliyeed waa waddaan isu dhiib waxaase dantu noogu jirtaa inaan markasta ilaashano saxno hagaajino wax kasta oo dowlad ahaan naga khaldama waayo dowlada soomaaliya waxaa iska leh kana mid ah soomaali kasta aduunka meelkastuu joogo,waana waajib nawada saaran inaan ilaashano waayo waa mida uu kusugan yahay jiritaankayaga xaqiiqda ah ee soomaalinimo.

AMIN MUSSE.

Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...