Wednesday, January 20, 2021

LACAGTA UMMADDA SOOMAALIYEED - BARYO MA AHA ISTICMAALKA SHILIN SOOMAALIGU EE BIXI OO KU IIBSO QAADO KAGA IIBSO UNA UNA HIILI JIRITAANKAAGA.


LACAGTA UMMADDA SOOMAALIYEED.
BARYO MA AHA ISTICMAALKA SHILIN SOOMAALIGU EE BIXI OO KU IIBSO QAADO KAGA IIBSO UNA UNA HIILI JIRITAANKAAGA.
.
Wax lacag ah oo daabacan waraaq ahaan ama shilimaad ahaan waxaa dadkeena u harey oo la isticmaalaa hada waa 1000 shilling soomaaliga ah mana aha wax saxan in ummad inta kuftay hada soo kacdey diido lacag halkii waraaq ee ugu danbeysey lacagtooda soomaalidu waxay ku maahmaahdaa waa la doogiye yaan la dacaraoon,waxaa osc da soo celintii lacagtii quraxda badneyd qiimaha badneyd ee ummadda soomaaliyeed laheyd waxaase hada na horyaal waa sidee xeero loo xagtaa ilkana ku amaan helaan.waxaa nagu wada waajib ah qaadashada iyo bixinta wax ku iibsiga shilinka soomaaliyeed waayo waxaa daruuf na hor taagan ummad ahaan waxaan leeyahay waani daanacan lacatii aanu laheyn waanu kusoo xardhi halyeeyaydii qiimaha lahaa iyo taariikhdeeniiba waa inaan sii isticmaalnaa lacagtayada soomaaliyeed waa wax mudan inaan ku faano.lacag la daabacaa wax wayn maha qaran ahaan waana sahal waxaase loo maraa jid ay leedahay daabicisteedu.
Waxaa nalaka cafiyey dayntii taas oo aanu dhihi karno waxay qacabad ku aheyd daabic ida lacagta ummadda soomaaliyeed waayo dal ku jira dayn wayn lacagkasta oo uu daanacdo waxay ahaan kartaa xaanshi waxaana kaloo jira in qiimo kayd dahab ah loo dalaku dhigtaan si lacatoodu misaan aan dhaq dhaqaqqin u yeelato suuqayada gudaha iyo kuwa dibadaba waxaanse ummadda soomaaliyeed leedahay kheyraad buuxa walina soo saar u baahan sidaas adrteed lacagta soomaaliyee ee cusubi marna noqon mayso tah dalka finisuwela oo kale ahna dal uu shidaalku biyo ka yahay lacagtuna xaanshiyo tahay waxayse lacagta soomaaliyeed ee cusub noqon mid ka qiimo sareysa dalalka daris ku sheeqa ah ee ka aba sii qaawanaanaya kheyraadkoodii kuna soo dhdhabaya dhulka soomaaliyeed wali darteedna ayba gaarsiisay sheegashadiisa.
Waxaanse leeyahay 100 shilliln soomaaliga ah wuxuu ahaa maate nooleeye waxaana uu gaaraa gacanta ummadda soomaaliyeed, hadii wakhtigan qaarkeen jeebabka buuxsadeen macquul manoqoneyso in ay diidaan shillin soomaaliga waayo waa danta ummadda soomaaliyeed waana qayb ka mid ah jiritaanka magaca soomaaliyeed ee aan wadano lacagta soomaaliyeed,qof na kama carari karo jiritaankiisa mana noqon karo wuxuusan aheyn,
Magaalooyinka qaylodhaanta ka yeereyso ku saleysan isticmaalka lacagaha kale wax dan ah ugama jirto shacabka soomaaliyeed,waana dan lagu manjo xaabinayo geedi socodka iyo hiigsiga ummadda soomaaliyeed.
Ummadda soomaaliyeed ma wada haysato dollar mana wadda haysato dahab waxayse haystaa soomaaliya oo kheyraad ka buuxo una baahan soo saaris lana soo saari karo, daabacaada lacagta cusub ka hor waa muqadis isticmaalka 1000 shilling ee soomaaliyeed.
qofkii diida lacagta soomaaliyeed waa danbi qaran waa u adeegaha cadowga ummaddiisa. waxaad xaq u leedahay inaad dacweyso qofkii kugu diida shilling soomaaliga 1000 shilling.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...