Sunday, September 10, 2017

Dowlada itoobiya ee caddowga u ah ummadda soomaaliyeed waxay mar kale kusoo dhex tuurtey dabin ummadda soomaaliyeed iyo dowlada ay sameysatey.



hadii ummadda soomaaliyeed ku kacdo xukuumadda hada xukunka haysa ridana waxaa fuleya danta itoobiya ee aheyd iney rido dowlad kasta iyo rajo kasta oo ummadda soomaaliyeed u wadda istaagtaytasoo ay ku xaqiijineyso jiritaankeeda.

hadii ay ummadda soomaaliyeed dayso xukumaada hada xukunka haysa ee dowlada ummadda soomaaliyeed ee dowlada federaalka soomaaliya waxaa baa'baya jritaankii karaamadii iyo soomaalinimadii ummadda soomaaliyeed waxaana fuliya danta itoobiyada caddwoga u ah ummadda soomaaliyeed waligeed ilaa qarniyana u guntatey qabri galinta ummadda ummadda soomaaliyeed iyo dhaca dhulka soomaaliyeed.
hadaba waxaa dantu ku jirtaa xukuumada hada xukunka haysa ee dowlada federaalka soomaaliya oo isa saxda kuna kalsoonaata ummaddeeda ayada sameysatey iskana leh burisana danaha khatarta ah ee ay wadato dowlada itoobiya ee ah caddowga soo jireenka ah ee ummadda soomaaliyeed xataa jiilaalkii naga horeeeyay iyo kuwa naga danbeeyayaba.
xukumada hada xukunka haysaa waa ku waajib iney dhagaha ka laabato sharciyada daneysiga khaaska ahi ku maqaarsaaran yihiin ee ay itoobiyo wadato uguna magac dareyso la dagaalanka argagixisada.

hadaba argagixiso waa jirtaa waana in meel loogaga soo jeesto laakiin ummadda soomaaliyeed ma yeelayso mana aqabaleyso in itoobiya dankasta oo ay wadato ku magacoowdo la dagaalanka argagixisada heshiis beenaadkastana oo ay dooneyso in ay wax ku yeesho midnimada ummadda soomaaliyeed iyo mideynta dhulka soomaaliyeed asagana ku magacoowdo heshiis iyo sharci ah la dagaalan aragagixiso.

runtu waxay tahay argagisada lala dagaalamayaa waa alshabaab ayaguna waxay ka dhasheen soomaali sidaas darteed ummadda soomaaliyeed ayaa kala taqaan kii aragaixiso ah iyo kii aan aheynba hadaba itoobiyana qofkasta oo soomaaliyeed ee afka iyo adinka u qaada dhulka iyo dadka maqan ee soomaaliyeed afka kagama qalaadi karto waa aragagixiso ayadoo ay danteeda qarsoo tahay ilaawa jiritaankiina igu gadaal faylana.

ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa iney ka fiirsato falkasta oo lid ku ah xukumada hada xukunka ahysa ee soomaaliyeed waayo anagaa sameysanay waana sixi karnaa waana ansixin karnaa sharci kasta oo wanaag u ah midnimada iyo jiritaanka ummadda soomaaliyeed.

waxaan qirayaa in dabinada taxana ah ee soo jireenka ah cadaawada waayo aragnimadana wata kana soo firdhaya itoobiya ineysan kaga guuleysaneyn ummadda soomaaliyeed waayo marar badan ayaan gaarney ummad ahaan laba daran mid dooro waxaana markasta dadka soomaaliyeed raacayeen tan ay ku sugan tahay jiritaankeeda.

AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.


Madaxdu waa shaqaalihii shacabkooda-dowlada federaalka soomaaliya waxaa iska leh ummadda soomaaliyeed oo dhan.



xaqiiqdu waxay tahay ummadda soomaaliyeed ma diidan dowladeeda ayaagana sameystey oo ay matashaa ee waxay diidan yihiin dowlada itoobiya ee caddowga soo jireenka u ah ummadda soomaaliyeed hadana ku khasbeysa dowlada curdinka ah ee ummadda soomaaliyeed waxay  ka waydey ummadda soomaaliyeed guud ahaan sidaas darteed waxay itoobiya dooneysaa iney buburiso dowlada ay sameysatey ummadda soomaaliyheed ayadoo ku rati kacsaneysa heshiis been abuur ah lidna ku ah jiritaanka ummadda soomaalikyeed guud ahaan.

runtu waxay tahay itoobiya waxay argagixso u taqaan qofka soomaaliyeed ee rabba midnimada ummadda soomaaliyeed,qofka soomaaliyeed ee doonaya midnimada ummadda soomaaliyeed,itoobiya waxay kudur ku tahay jiritaabka ummadda soomaaliyeed.

ummadda soomaaliyeed waxaan leeyahay daysta saxa kuan kahasba dowlada aad sameysateen idinku ee dowlada federaalka soomaaliya midna ogaada dowlada federaalka soomaaliya iayadau isma laha ee idinkaa leh.ee jajuuba ilaa ay nqoqoto sidaad dooneeysaan iney ahaato.

dowlada federaalka soomaaliya waxaan leeyahay waxaad idin doortey ummadda soomaaliyeed umana shaeysaan itoobiya sidaas darteed waa waxba kama jiraan heshiis beenaadka ay warqadaha ku qoratey dowalada cudurka soomaaliyeed ah ee itoobiya,waxaa xaqiiqdu tahay dal dad iyo dhul soomaaliyeed waraaqo ku qortey sheegtayna wax ka badana waraaqo waa ku qoranayaa,

ummadda soomaaliyeed waxay leedahay sameysateyna dowlada federaalka soomaaliya waana cad yahay jidka ay raacdey ku socotana ummadda soomaaliyeed ee u hayaantey jiritaankeeda ummadda soomaaliyeed ayadoo burburineysa jiritaankeeda soomaalinimo ma fulineyso danta caddowga madaxna ugumu salaaxi karno itoobiya mana oran karno waxaad ka qayb tihiin ciidamada amisom ee soomaaliya kula dagaalamaya alshabaab waayo itoobiya ayadaa danteedu ku jirtaa iney la dagaalanto alshabaab kamana aha markanan waxba qarin itoobiya la dagaalanka alshabaab argagixiso ahaan iyo ilaalinta jiritaankeeda ee waxay ka tahay maska madaxaa laga dilaa hab siyaad ah oo ay wadato kuna dheehan tahay ku qabso ku qadi mayside itoobiya waxay rabtaa iney soomaaliya cagta madaxa kaga hayso sidaas darteedna ay ku xalaaleysato gayiga iyo dhulka soomaaliyeed ee ay haysato ilaa ummadda soomaaliyeed kuwada hadaaqdo soomaali galbeed waa itoobiya afkuna juuqda gababa.

hadaba dwoalad federaalka soomaaliyeed ma aha iney ku riirato wax soomaali horjooge kasta oo soo marey ka gaabsadey kana baqey mida kale balantu waxay aheyd raadinta isu keeid dal iyo ummad iyo waliba in dowlada federaalka soomaaliyeed ilaaliso jiritaanka ummadda soomaaliyeed ee loo dhaariyey waxaan mar kale leeyahay dowlada hadda xukunka haysaay ku waayi meeysan jagooyinka ay idin dhiibteen dadkiinu laakiin ha u lagdina ummaddiina caddwo soo jireena,

shallay idinma dooran itoobiya ee waxaad aheydeen kuwo aan xil hayn maantana waxaa idin doortey idina aaminey uummaddiina siddas darteed ku kalsoonaada idinkuna kana dheeraada waxa ummadda soomaaliyeed diidey.

taas ayaana sugi karta jagooyinka aad u haysaan ummadda soomaaliyeed ee aad waliba ugu dhaarateen ilaalinteeda waxan runtu tahay heshiis kasta oo wax u dhimaya jiritaanka ummadda soomaaliyeed waa mid la tirtirey si kasta oo uu waraaq ugu qoran yahay.waayo waxksta waxaa ka wayn soomaalinimada.


AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...