Sunday, June 11, 2017

WAX KA HIIGSO IFTIINKA UMMADDA SOOMAALIYEED HAYAANKA U TAHAY WAXNA KA BAD BAADSO JIRITAANKAAGA.












waan gaari kartaa hiigsigayaga hadii aan u wadda istaagno una wadda midowno maanta waxa baxaya waa IFTIINKII ay ummadda soomaaliyeed ku gaari laheyd soomaaliya oo nabbad ah fiican horumarsan,

waxaan leeyahay qorigu waa kan dhalintii maanta ka dhigey sidii xoolo liibiyaan leeyihiin baddahuna dhigeen guntooda.waxaa hubaala hadii ragga soomaaliyeed ka waantoobaan sidashada qoriga macno darada ah waxaa curanaya nabbad waxaana dhalinyaradeena iyo caruurteenuba ka helayaan nabbad,jiilalka soo socdana waxaan uga tagi karnaa mustaqbal iyo dhul ay dhaxal u heleen,anaguna waxaa heleynaa wax ka badan waxaa qoom dhulkiisa ka helo waayo dalkeenu waa barwaaqo adduunkana wuxuu dalalka kale dheer yahay waa dihin yahay anaguna waxaa dadyowga adduunka dheer nahay waxaan nahay hal qoys oo soomaali la yiraahdo.

waxaan qirayaa inaan soo dhameysaney kana bad baadney dabinkasta oo aan god ku gali laheyn hadii aan soomaali nahay kuna seegi laheyn qaranimadayada soomaaliyeed,waan kufney hadase waan kacney.manihin caruurtii beesha caalamka,dalkeenana talidiisa cid u daba fariisan meyno waa waajib na saaran inaan dhisano,u tashano,waa waajib nasaaran inaan iska xoreyno alshabaab,

waxaase khalad aan naftayada ka galeyno iyo jiritaankayagaba nagu ah hadii aan midoobi wayno isku kalsoonaan wayno,ismaqli weyno isu tanaasuli wayno kana waynaan weyno isticmaalka qabiilka nageynaya oo kaliya godka mugdiga ah ee jaahilnimada.

hogaanka dalkeenu waa waddaan isu dhiib hadba inta horseedka ah aan hareero socono si hadba kuweenii la kufaa ugu dhiibaan kuwo kale oo sii gaarsiiya hiigsigaayaga soomaaliyeed,waase nagu muqadis inaan ilaashano dowladkasta oo soomaaliyeed.

27 kii sanno ee lasoo dhaafey hada ayaa ummadda soomaaliyeed gacanta ku qabsatey jiritaankoodii waana ALLAH MAHADIIS.


I see a better somalia at the horizan lets stand united to reach it.

Quote

AMIN MUSSE.


SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...