Thursday, June 1, 2017

Ma aanu dhimane ee waan yara dhuumaney.


Dal aan  ciidan laheyn waa dal dadkii lahaa laga leeyahay,waxaa taariikhda africa iyo tan adduunkuba qireen in soomaali aheyd libaaxii afrika inkastoo xoogii qacligii xiniinyihii adkeysigii,dagaal yahnimadii aanu dhexdeena iskula noqoney iskuna xasuuqney,maanta waxaan qirayaa in aanu dhiman laakiin aan yara dhuumaney  aanu na wali nahay LIBAAXII AFRIKA,

shalley waxaa na gaadey caddow soo jireen ah waligiisna ka shaqeynayey sidii uu mar uun noo jabin lahaa,runtii kuma uusan guuleysan waayo hadii uu caddowga HARKA AHI ama qarsooni naga guuleysan lahaa maanta ma wiilasheenu ma gaardiyeen waliba gaardis qab weyni ku jiro nalakuna yaqaan soomaali ahaan.

Intii ciidanka xooga soomaaliyeed kala ja jabey waxaa dhacdey in gabdhaha soomaaliyeed lagu kufsado jasiirado aysanba ummadda soomaaliyeed waligeed maqal sida NAURI,waxaa dhacdey in raggii soomaaliyeed oo qqryo lagu hayo gabdhihii walaalahood ahaa la kufsado koonfurta suudaan,waxaa dhacdey in hooyooyinkii soomaaliyeed haraad iyo gaajo ugu dhintaan gobolka awdal dhurwaana cuno,waxaa dhacdey in dhalinyaradii soomaaliyeed ee reebi lahaa jiilalka soo socdaa nolol la aan ku rafaadaan nairobi addis ababa iyo xeryaha qaxootiga adduunka,waxaa dhacdey in dadkii soomaaliyeed dalkoodii u arkaan caddaab laga fakado dalalkii ay nafta kula cararaana ay ka soko marto dhimasho kale,waxaa dhacdey in ummadda soomaaliyeed ku dulowdey dal iyo dibbad ba,waxaa dhacdey in yaman iyo liibiya sidii xoolihii xerro lagu xareysto nala gatto,waxaa dhacdey in dhalinyaradii soomaaliyeed baddaha soo caariyaan sidii qashinkii,waxaa dhacdey in qalbigii ummadda soomaaliyeed dhulka ku dhaco,hadii aanu nabbad haysan laheyn waxaasi oo dhami nama soo mareen, nabbad iyo kala danbeyna markii dal rogmo waxaa suga waa ciidankooda waddaniga ah
kasoo diida in dalkoodu halkaas ku tirtirmo kagana harro adduunka.waayo ciidan qarani wuxuu ku dhartaa ciida iyo dadkiisa,

Waxaase ugu sii darneyd oo ummadda soomaaliyeed la ooydey markii dalkeenii noqdey waddo halaq mareen ciidamo shisheeyna lagu soo xareeyey laguna siiyey awood iyo shillinba halkii ragii soomaaliyeed lagu fuliyay dabinkii boqortooyadii shiinaha lagu jabiyey oo kale kasoo ahaa in boqortooyadii shiinaha lagula dagaalamey daroogada obiyamka markii ingiriisku ka adkaan waayey ayna ciidankii iyo shacabkii boqortooyadii shiinihi kaymaha la galeen daroogada obiyamka,
anagana waxaa kenya iyo itoobiyaba nagula dagaalantey qaad aysan ayaguba cunin,
Waa ALLAH mahadiis maanta waayo waxaan ka soo kacney jugtii uu nugu dhuftey cadowgu,waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa iney ilaawaan wixii tagey kana waynaadaan qabiil,wixii nagu dhaceyna ay aheyd sir gaadmo wadata oo aan dabinkiidii ku dhacney muddo dheerna laga soo shaqeynayey,

Ummadda soomaaliyeed waa hal qoys waa isku af waa isku diin marka meel ugama banaana shisheeye,waxaan ku maahmaahnaa mar i dage ALLAH  ha dago mar labaad i dagase anigaa is dagey,

Waxaan dhalinyarada soomaaliyeed ugu baaqayaa iney ku kalsoonaadaan ciidooda hooyo ayadaad sharaf ku leedahaye,waxaana leeyahay ku dhaqda kuna dhinta ciida hooyo,qorta ciidanka xooga soomaaliyeed si soomaaliya uga baxdo waxay tabaneyso iyo bur burkaba,dal aan ninkiisu dhisin  ma dhismo,

Waxaa waano noogu filan iyo tusaale in dalkeenu yahay hantidii ummadda soomaaliyeed kala dhaxleysey ILLAAHEYNA ugu deeqay ummadda soomaaliyeed  marka qofka soomaaliyeed ee jooga magaalo shisheeye lagu yiraahdo halkan soomaaliya ma aha halkan mogadishu ma aha.
hadaba waa muhiim inaan keensano nabbad buuxda waa muqadis inaan dhuleekana dhisano,kana baxno caawin baryada waayo waayo dalka ama dadka na caawinayaa waxaay deeqdaas ka keeneen dalkoodii anaguna kama acqli liidano oo waxaanba leenahay dal kasii fiican kasii qanisan kay deeqdaas nooga keeneen,waxaan qirayaa soomaaliya iyo ummadda soomaaliyeed tuugsi ugama baahna ummaddaha adduunka laakiin waxay muddan tahay in anaga nala tuugsado,
waxaa maanta bilowdey qorista qayb ka kid ah taariikhdeena soomaaliyeed ee aan si fiican u wadda qorno anagoo ku dhan.

soomaalidu ha israacdo
soomaalida ha noolaato
soomaalidu ha jirto
soomaalidu ha walaalowdo.



WE DONT GIVE UP 
WE DONT SURRENDER
WE DONT RETREAT
WE WIN OR DIE

WE ARE SOMALIS

AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.





No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...