Friday, November 18, 2016

Hogaanka dadkeena iyo dalkeena waa wadaan isu dhiib.


WAA MUQADIS INAAN CIIDAN QARAN OO SOOMAALI OO DHAN KA KOOBAN SAMEYSANO.

waxaan ka soo horjeedaa in shacabka soomaaliyeed uu doolar uusan waligiis arag ciidan shisheeye ku dulqaato kaibna xeryo aysan soo dhaafeyn ayagu naftooda ay ku ilaaliyaan ayna gabeen howshii loo igmadey lagana sugayey.

waxan leeyahay xukuumada wakhtigeedu dhamaadey waxaad ku soo beegmateen xili adag,xili hogaanka dalka uu gacanta ugu jiro qowmam kale,wax waad qabateen runtii,waadna dadaasheen hadii uusan lumin hogaankii dalka,waxaanse idinku dhaliilayaa si cad wax badan oo aad gafteen una baahnaa  in wax laga qabto sida 

- mideyntad dadkeena

- dhisida ciidan qaran

- soo afjarida alshabaab

- dib u heshiisiinta ummadda soomaaliyeed

- geynta dowlada federaalka soomaaliya ilaa gurikasta oo soomaaliyeed halka ay maanta ku egtahay xamar.- geed ka soo dajinta soomaaliland.

- dhul ka qaadida hankii ummadda soomaaliyeed ee dowladooda

- tirtirista siyaasada ah madax soomaaliyeed oo ay u taliyaan beesha caalamka,U.N  E.U iyo in kaloo badan madaxdaasoo ayaguna usii taliya dadkooda.

- qaab xun u isticmaalka deeqaha ummadda soomaaliyeed la siiyo

- dowladii soomaaliyueed oo hal qabiil ka weynaan weydey tasoo ah wax yaalaha ummadda soomaaliyeed ku doodo iney dumisey qaranimadoodii.

- kui guul dareysi dib u soo celintii wadaniyad soomaaliyeediyo wax kaloo badan.

waxaase jira in badan oo halkan lahu soo koobi karin ayna qabatey dowlada hada wakhtigeedii dhamaadey.waxaase runtu tahay waxba kuma dari karaaan wixii ay qabteen waxna kama dhimi karaan wixii ay  qabteen waayo gaari kastaa mar ayuu warshada kasooo baxaa markii qof gatana ma noqon karo gaari kale.

sidaas darteed wixii ay qabteen waxay la mid tahay wado laga soo dhisey dhulka gaarteyna badda afkeeda loona baahan yahay dadkale oo yaqaan sidii waddaas loogu sii waddi lahaa badda dhexdiida loogu llan sii dheereyn lahaa badda dusheeda markii dadkii soo dhisey soona wadey ilaa dhulka keeneyna badda afkeeda meel ugama banaana marka wadda laga sii dhisayo badda waayo waxay rabtaa qalab cusub maskax taqaan sida waddooyinka looga dhiso badda sida maskaxdii shallay ahyed mid taqaan sida wadooyinka looga dhiso dhulka maanta adduunku waa isbadaley dhiibatada ummadda soomaaliyeedna waa sii badatey.marka waa muqadis isbadali.

waxaa muhiimadu tahay marka xukuumad wakhtigeedu dhamaado waxaa timaada mugdi weyn iyo arbushaad sharci oo dadka dhexdiisa ah,waxaan rajaynayaa in hantida qaran awooda qaran loo istcmaalin siyaasad ah wax uun kala sii har koley adigu ka hartaye iyo waliba ineysan arimahu kusoo gabo gaboonin ku sii dhaganoow aad hogaanka sii haysatide amaba aad kula tartantide kuwa usoo suxulo duubtey iney noqdaan madaxdii berito iyo kuwii kursiga kaa badali lahaa.

maanta waxaa na hor yaal soomaaliyadeenii oo inta hore aanu u qaribney hadana weli guran qunbacana loona baahan yahay in loo daayo hogaanka dalkeena madax u qalanta kana weyn qabiil eex nin jeclaysi,goboleysi,laaluush,iyo dhameystirid wixii qabsoomi waayey laguna darey waxqabad  cusub.

waxaan aad u dhaliilayaa in maanta dadka soomaaliyeed fashilmeen siiba inta xukunka raadineysa kuna raadineysa lacag,inta ka iibineysa kuraasta hogaanka ummadda soomaaliyeed.runtu waxay tahay hadii qof lacag ku raadiyey kursi kuna soo hor istaagey lacag uu soo bixiyey ummadda soomaaliyeed  wax uu u qaban karo dadka soomaaliyeed ma jirto.

sababtuna waxay tahay wuxuu soo iibsadey jago wuxuuna qofkaasi sii rabaa inuu ganacsigii uu ku soo helay jagadiis wax ka sii macaasho.iskana daa in wax qabaad laga sugo.

waxaan leeyahay hogaanka ummadda soomaaliyeed kumja jiro karo sida iyo si la mid ah,isbadalkasta waxaa keena shacab doonaya isbadal,ummadda soomaaliyueed waxaa daruufo adag ku haystaan dalkoodii inta jeebku qoyan yahayna uma babac dhigi karaan waayo waxayba la xarbin nolol maalmeedkii waa hadii aanan runta ka beensheegin.isbadalkastaa wuxuu mudan yahay in mar uun ummaddi u istaagto isu soo baxdo isna weydiiso horta yaa namatala anaga,kadibna hadii uu hogaankaasi saxan yahay la dabo galo hadii uu xun yahay na gacan bir ah oo mideysan laysaga leexiyo.

ummadda soomaaliyeed meel kasta dalkooda waa awoodan iney siiyaan hal  maalin oo ay kula xisaabtamaan madaxdooda hortoodana keenaan  tuulo ilaa magaalo madax xaafad ilaa ka xaafad hadii ay madaxdaasi fiican tahay ay mudan yihiin  iney daba gaal madaxdaas hadii ay xun yihiina isla meehaas isaga badalaan gacan bir ah.

waxaa isbadal imaan kartaa waa in marka hore ummadda soomaaliyeed ka waynaato qabiilka iskana badasho sida maanta ay u dhaqmayaan kuna badashaan wadaninimo buuxda waayo meel ugama banaana qabiil iyo eex,

waxaan soomaali ahaan mudo 26 lix sanno ah nafteedu dhageysaneynaa oohinteeda,waxaan daawaneynaa dhiigeena oo aanu daadineyno,waxaan hogaankayagii hoos keeney cadowgayagii,waxaan wali dhaafi la nahay kan madaxda ahi waa reer hebel oo oogtu waxay u dhisadn tahay reer hebel iyo xafiiskaas waxaa gala oo kaliya reer hebel.

waxayse arintu ku danbeyn hadii maanta xafiisyadii ummadda soomaaliyeed wadda lahaa hal reer wax u qabtaan  oo ay iska leeyihiin hal reer berina waxaa gali hal reer oo kalwe marka xukunku isbadalo reerkii shallay gali jireyna beri dibadoo joogi,

waxaan kuwada bad baadi karnaa waxna kuwada qabsan karnaa si aan maalinba reer looga celin wax qabadka dowlada soomaaliya in aanu isla lahaano si maanta waxqabadka dowlada iyo sharcigu u haado mid soomaali oo dhan ay wadda leeyihiin,berina isla sidii u haato oo dowlada ummadda soomaaliyeed wadda leedahay reer na banaanka loogu celin.

waxaan ummadda soomaaliyeed u sheegayaa in isdabalka aanu raadineyno gacmaheena uu ku jiro laakiin aanu garan la nahay siidii aanu miiska usoo saari laheyn.

waxaan hogaamisyaashii shallay ee ummadda soomaaliyeed leeyahay u ogolaada hogaan cusub dalkeena iyo dadkeena waayo waddaantu waa isu dhiib,ahaadana kuwii loogu noqon lahaa talladda dadkooda beri idinkoo qalbiga ummadda soomaaliyeed ku xardhan kana mid ah dadkooda soomaaliyeed ahna kuwo dadkooda ku dhexjooga nabbad xurmo,jaceyl fadhi uga kicid,tagi karana dacalkasta dalkeena dagai karana ciida hooyo meeshii naftiinu jeclaato.

waxaan leeyahay ummadda soomaaliyeed doorta madax iyo hogaamiye u qalma naftaada dadkaaga iyo dalkaagaba,hana ku gadanina qutulyoon maalmeed mustqabalkiiga,kan ilamahaaga,kan dadkaaga,kan dalkaaga si aad u gaarto riyada qalbiga kaaga jirta aadna waydey hogaamiye kuu rumeeya.

maanta waxaa ummadda soomaaliyeed u baryey waa cusub ee ka bax habeenka yuusan ku hareer marin hiigsigaagee.



SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...