ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaa qalbigooda ku qoran gundhigna u ah magaalo madaxdooda,waana magaalo ay kusoo hirato soomaali oo dhan waxaase jira in dad soomaaliyeed ilaa hada la feer ordayaan u sameynta qaab maamul goboleed waana wax aan u qalmin ummadda soomaaliyeed,
magaalo madaxda meeqaankeedu waa ka duwan yahay tan maamul goboleedyada loogu talo galey iney habka dowladiga ah ee federaalku si wadda siman u gaaro,magaalo madaxda waxaa fadhiya oo ay tahay xarruntii dowlada federaalka soomaaliya sidaas darteed magaalo ma yeelan karto labba maamul,
waxaa jirta in hada maamulka hiirshabeele ay u suxulo duubayaan in banaadir lasiiyo maamul goboleed waase riyo khaldan,waxaana leeyahay yaan wax lasyku khaldin hadii maamulka hiirshabeele ay doonayaan maamul goboleed ay wax ka dhisaan wax haka dhiseen maamulka khaatumo soomaaliya oo hadda u baahan hiil iyo hooba.
waxaan isla raadineynaa ummadda soomaaliyeed laakiin laguma jira maamul isugu faan iyo anaga reer hebel ah ayaa maamulo badan.mana aha xaqiiqdu wax laga gaban karo,
magaalo madaxdu waa magaalo madaxdii soomaalida xijaabatey,soomaalida nool iyo kuwa dhallan doonaba,ummadda soomaaliyeed marnaba ogolaan meyso maamul gooni ah oo loo sameeyo magaalo madaxda soomaaliyeed,
hadii ay arintu mareyso maamul ayaa maamul kale garab istaagey oo wax ka sameeyey wali waxaa harsan sameynta maamulo kale iyo raadinta soomaali weyn waana arin ay mudan tahay inaan u istaagno,waajibna nagu ah hadii aan soomaali nahay anagoo ka weyn sheegashada qabiil,nin xigsi,qayb dhul soomaaliyeed xigsi,
waxaan kusoo rafaadney kuna hagaasney dagaal sokeeye waxaan hadda ku jirnaa dagaal diimeed dhibta ummadda soomaaliyeed dhaqanka u noqotey ee wadata rafaadka nololeed waa in aan ka baxnaa raadinaana soomaaliya oo nabbad ah wanaagsan qurxoon kuna noolaan karno jiilaalka soo socdaana naga dhaxli karaan sida dhaqanka u ah ummad kasta oo addiuunkan ku nool.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.