Wednesday, May 18, 2016

MAANTA IYO DADKEENA - DALKEENA.

MAANTA IYO DADKEENA-DALKEENA.

waxaanu jecelnahay iskuna raacney soomaali ahaan dhamaanteen inaysan sumcadeena iyo sharafteena qaranimadeenuba aysan dhulka ku dhicin,
ma jecli inaan taariikh tagteg dib ugu noqdo laakiin waxaanan qaadan karin in maanta ummadda soomaaliyeed yar iyo weyn dhinac ilaa dhinac soomaalidu ka cabato iskuna raacdo hal nin oo dowladi soo dirsatey ayaa dalkeenii iyo dadkeeniiba u diidan dowladnimo waxaan ula jeedaa waa gen gabre oo aad dhagaheygu uga bateen,meeshaan tago iyo qofkii soomaaliyeed ee iga horyimaadaba uu ka ooynayo,kuna hadaaqayo ninkaas ayaa naheysta madaxda hada jirtana maamula amirkiisa ayaana dalkeena lagu maamulaa.

hadaba waxaan balan qaadayaa in aan soo cesho sharaftii iyo karamadii ummadda soomaaliyeed laheyd hadii aay ii suurto gasho inaan hogaamiyo ummadda soomaaliyeed,taas waxaan ula jeedaa dalkeena lagama maamuli dooni itoobiya shacabka soomaaliyeedna ma noqon doonaan lahystayaal gebre.

waxaa qaadan waa ah nin dal general u ah walina ka tirsan dowlad kale sidee u maamulaa soomaliya uguna gabadaa magac urur goboleedka IGAD.WAA LAMA QAATAAN.

hadaba waxaan balan qaadayaa inaan maskaxda ummadda soomaaliyeed ka mayro dadka ka hor taagan nolosha iyo qaranimada sida ninkan lagu bajiyo caruurta soomaaliyeed iyo waayeelka soomaaliyeed dacalada soomaaliya.

waxaan markhaati ka ahaa taariikho badan oo soo marey dadkeena iyo dalkeena waxaanse balan qaadayaa inaan dib u qoro waliba sida ummadda soomaaliyeed dooneyso una qalanta.waxaan soo af jarayaa cabashada naga yeereysa adduunkan dacaladiisa,kuna hagayaa ummaddeena qabiil la aan ,addoonsi la aan,xaqiraad la aan,isnaceyb la aan,iyo in indhahayagu qabtaan danta teena oo kaliya waana danta ummadda soomaaliyeed oo kaliya taasoo uu ku sugan yahay jiritaanka ummadda soomaaliyeed.

saacado badan ayaan isweydiiyey sidee ku dhici kartaa danbiile gen itoobiyaana lugaha inuu ku hayo soomaaliya kasoo gacan qaadey madaxweyne soomaaliyeed markuu ku yiri ciidamadaadu ma xasuuqi karaan shacabka soomaaliyeed siiba kan markaas ku sugnaa xamar,tas waxaa keeni kara oo kaliya madaxdii u qalmatey iney hogaamiyaan shacabka soomaaliyeed ma hogaaminayaan hada waana jawaabta kaliya oo aan u heley su'aashaas,

waxaan itoobiya ugu baaqayaa iney faraha kala baxdo si cad soomaaliya guud ahaan.
shacabka soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa iney u istaagaan jiritaankooda doortaana madax u qalmata hogaanka dalkeena iyo naftoodaba .ayna midoobaan.wakhtigan gilgilashada leh ee aanu nool nahay,soomaalidu waxay ku maah maahdaa waari meyside war ha kaa haro.waana laba mid inaan gun ahaano iyo inaan soomaali ahaano.waxaana dantu noogu jirtaa inaan soomaali ahaano.waxaana marka hore lagu gaara karaa taas anagoo iska hor leexina doorana dadka nagu dul haya duliga shisheeyaha ee soomaali madaxda u ah.hadaba dooro madaxweyne u qalma hogaanka dalkaaga iyo dadkaagaba.

AMIN MUSSE.
musharaxa madaxweynaha.

Ethiopian Gen. GEBRE 'slaps Somali President'
Fri Feb 22, 2008 4:20PM
Share | Email | PrintIncreaseIncreaseIncrease
FacebookDeliciousDiggTwitterRedditNewsvineMixxStumbleUpon

Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed
Ethiopian General Gabre Heard has slapped Somalia's interim President Abdullahi Yusuf Ahmed twice on the face, officials say.
The row between President Yusuf Ahmed and Gen. Heard started after the president accused the army general of disobeying the orders given by the Somali government, a Somali official, speaking on condition of anonymity, told the Press TV correspondent in Mogadishu.
Irked by the Somali President's remarks, who accused the Ethiopian troops of firing artillery at the Presidential Palace and the government bases, the army general slapped the Somali president on the face.
The angry general then swore that he would kill the president and left the room.
Following the quarrel, the president called Amison peace keeping troops for security.
There is speculation that a conflict could arise between the African Union Mission in Somalia (Amison) and Ethiopian troops.
Gen. Gabre has his supporters in the government, including Mogadishu Mayor Mohamed Omar Habeeb and head of the security agency Mohamed Warsamme Darwiish.

AMIN MUSSE-musharaxa madaxweynaha.



WAXAAN SUGNAABA WAA MAAMUL MIDEYSAN OO AY LEEYIHIIN GOBOLADA WAQOOYI BARI SOOMAALIYA.



taariikho badan ayaa qora in dadka soomaaliyeed waligood gumeysi diid ahaayeen,waxaa dalkeena soomaaliya mudo dheer taabatey dawlad la'aan sugan,hadase waxa dadka soomaaliyeed uga ifaya dalacada soomaaliya maamulo sugaya ama matalaya shacabka soomaaliyeed,kana mid noqonaya dowlada federalka soomaliya,waana sida kaliya aanu kusoo celin karno dowladnimadii naga jajabtey,ama uga gudbi karno xaalada jaah wareersan ee dadkeena mudo ku dadneyd.

waxaa weli dadka soomaaliyeed horyaala iney ka gudbaan durufo badan waana waajib dadkeena saaran in hadba la daageero shacabkii soomaaliyeed ee sameysta maamul uu uga mid noqonayo dowlada federalka soomaaliya tasoo ah mid ay iska leeyihiin soomaali oo dhan shacabkeena dhamaantiisna ka raadsan karo xaquuqda soomaalinimo.

waxaan ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi bari soomaaliya iney sugaan midnimadooda  dhinacna iska dhigaan kala qaybsanaanta yara gaabiska ka dhigtey marka loo eego maamulada kale ee dalkeena ka jira.

waxaan ugu baaqayaa maamulka cusub ee waqooyi bari soomaaliya iyo kii hore u jirey ee khatumo iney midoobaan hal jahana  amba qaadaan  si aysan usoo noq noqan dhaliilihii jirey ama shacabkaas goboldaas ka dhigey ragaadka.wali ummadda soomaaliyeed waxay sugayaan dowlada federalka soomaaliya oo dhameystirin sugan awood leh matashana shacabka soomaaliyeed guud ahaan ayna talladeeda iyo hogaankeeda  iska leeygiin shacabka soomaaliyeed ileen soomaaliya soomaali ayaa lehe.

AMIN MUSSE
musharaxa madaxdweynaha.

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...