Amin Musse Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed. Musharaxa Madaxweynaha.
Monday, May 29, 2017
ciidanka xooga soomaaliyeed waa mid waajibaadkiisuna waa ilaalinta dadka iyo dalka.
DAL AAN CIIDAN LAHEYN WAA NIN AAN ILKO LAHEYN.
sidii ay u burburtey dowladii dhexe ee dalkeena waxaa beelkasta oo soomaaliyeed yeelatey ciidan u gaara waxaase badaley in ,wakhtigan la joogo maamul kastaa yeesho ciidan magac goboleed wata,waxaan dhihi karaa waa muhiim in ciidanka xooga soomaaliyeed la tiro koobo la tayeeyo aqoontoodana kor loo qaado si ay u gutaan waajibaadka ay u hayaan ummaddaooda soomaaliyeed,
waxaa muhiima in ciidamada maamul goboleedyada lagu calaamadeeyo astaanta qaran lagana diiwaan galiyo wasaarada gaashaan dhiga,si ay u ahaadaan kuwo mideysan si guudna u wadda qaban kara hawsha loo igmadey,maanta dalkeenu wuxuu ku jiraa xaalad dagaal mana aha mid indhaha laga qarsan karo duruufaha na horyaal.laakiin waa mid u baahan midnimo isku tashi.inaan soo celino karaamadii umadda soomaaliyeed waa muqadis.jiritaankayaguna waa mid naga sugaya inaan u wadda istaagno.
ciidanka xooga soomaaliyeed waa mid ka weyn ku magacaabida reer hebel iyo maamul gooniyaba.waana mid ka hawl gali kara ciida hooyo meelkasta.
AMIN MUSSE.
Afahyeenka ummadda soomaaliyeed.
shacabka soomaaliyeed looma gashan karo shaati been ah oo ku saleysan ladagaalan argagixiso.
Ma aha wax aan aqabaleyno bara kicinta iyo cayrteynta ummadda soomaaliyeed ee xadka la leh gobolada Kitui iyo Tana River deegaanka Bisan-hargeysa.KAAGANA KULA LIHI KAYGANA ANIGU ISKA LIHI ummadda soomaaliyeed ma aqbaleyso,waxaa runtu tahay nabbadda soomaaliya waa nabbadda kenya laakiin markey arintu gaarto dhul iyo dad soomaaliyeed oo la gumeysanayo lana lana bara kicinayo waa ka weyntahay nabbad ka hadalkeed iyo wadda raadinteed iyo la wadda dagaalanka aragagixisada, raadinta NFD ee ummadda soomaaliyeed wali waa halkeedii,mana aha wax lagu dabooli karo la dagaalanka alshabaab waayo alshabaab shalley ayay dhalatey waana mid aanu soo af jari doono hadii aan soomaali nahay,
alshabaab waa cudur soomaaliyeed anaga soomaali ah ayaana naqaana daawadiisa,iyo sidii loo soo af jari lahaa.
dhulka iyo dadka ka maqan ummada soomaaliyeed waa ka horeeyay alshabaab magacii kenya noo taqaaney soomaali hadii aan nahayna wuxuu ahaa SHUFTO maantase ma noqon karo magacaasi alshabaab waayo anaga ayaaba ku daba jirna soo afjarista alshabaab.
Arimaha noocan oo kale ahi waa qayb ka mid ah dhaqan xumadda ku saleysan kala goynta ummadda soomaaliyeed,wakhti dhaweyd waxay aheyd darbi ayan dhisaneynaa maantana waa lagu kala gooyo ummadda soomaaliyeed waliba si deg deg ah arimaha darbiga miiska loo soosaarey loona buun buuniyey,waayo waxay kenya waa ogtahay in ay socoto dabeyshii midnimadda ee ummadda soomaaliyeed.mana aha wax la joojin karo,hadii ay kenya dowladeedu ku fakareyso ku adkeyso lahaanshaha NFD inta aysan soomaaliya dib u istaagin waxaan leeyahay marlabaad NIN NA NIN KALE DHULKIIS NIN KALE MA SIIN KARO,
dowlada kenya waxaan dusha uga tuurayaa cambaareyn weyn tasoo ah tacadiga ay u geysaneyso shacabka soomaaliyeed ee degan NFD iyo waliba inta ciidamdoodu saameynta ku leeyihiin.waxaan kaloo leeyahay shacabka soomaaliyeed ee aad cayrteyseen kana layseen geeloodii iyo kuwa aad noola joogtaan dartood inaad nabbad wax nagala raadisaanba waa isku mid waana wadda soomaali,waxaa dowlada kenya ku khasab ah bixinta xoolihii ay laayeen iyo raali galin buuxda oo ah mid dowladeed,waayo wakhtiyadii hore dhibta oroamada ka soo gaari jirtey boqortooyadii itoobiya waxaa bixin jirey dalalka yurub waa intaan oramada dusha laga wadda fuuline.hadaba umma adkeysanayeno dhibta ummadda soomaaliyeed ka soo gaareysa dalalka naga haysta dhulka iyo dadkaba.waana muhiim in ummadda soomaaliyeed aan laysku dayin in laga hor istaago isu imaanshahooda waayo walaalo.xuduud beenaad lakala dhex dhigey ummad walaalo ahi ma aqoonsan karto waayo wuxuu cadeyn u yahay ciribtirka jiritaankooda.
ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa raadinta wada raadinta nabbadeena,midnimo,iyo iswalaaleysiba.
AMIN MUSSE-Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Subscribe to:
Comments (Atom)
SCREAM.
SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...
-
We all strive hard to achieve something in our lives at the highest place. many other ways some of us serve nations and do it well and maint...
-
Dowlada federaalka soomaaliyeed & Maamul goboleedyada waxaa u banaan oo kaliya iney hal jid raacaan.Ilaa hada waxaa soo if baxaya jaah wareer ku saleysan fahamwaa siyaasadeed ku kalana dhex jira dowlada hada xukunka hays...
-
Dal aan ciidan laheyn waa dal dadkii lahaa laga leeyahay,waxaa taariikhda africa iyo tan adduunkuba qireen in soomaali aheyd libaaxii af...

