Friday, June 3, 2016

waxaan aad usoo dhoweynayaa warmurtiyeedka kasoo baxay shirka madasha qaran.




waa muqadis  in dowlada federalka iyo maamul goboleedyaduba sugaan amaanka goobaha lagu fulinayo doorashooyinka qaran taasina waxay meesha ka saareysaa baqdinta laga qabo alshabaab ee macno darada ah,sarena ugu qaadaysaa  kalsoonida ciidamdeena iyo shacabkeenaba,waxayna dalkeena iyo dadkeenaba u horseedaysaa kuna quusineysaa kuwa nadiidan in aan nahay dal iyo dad iyo inaan dhisaney dowlad aanu gacmaheena ku haysan karno.

waa  muqdis hadii xubno lasiiyo gobolka banaadir si cadaalad ah loo siiyo qaybaha ummadda soomaaliyeed iyadoo la eegayo lana tix galinayo in mogadishu tahay magaalo madaxdii dalkeena xuduntii ummadda soomaaliyeed ku soo hiraneysey si ay meesha uga saarto dadka soomaaliyeed ee weli maankooda aragtiyada qalafsani ka dhex guuxayaan.

aad ayuu u yar yahay wakhtiga la siiyay gudiga xal usameynta mogadishu,waayo waxay u baahan tahay dhiraan dhiran arintani gundheer tasoo looga dhaadhicinayo shacabka soomaaliyeed in mogadishu iney tahay wadnihii dalka,walina  si loogu  qancinayo qaybaha shacabka soomaaliyeed ee wadda hadal heynta khaaska ah.in soomaalinimadu iyo danta guud waxkasta ka weyn yihiin. 

AMIN MUSSE
musharaxa madaxweynaha.




Madasha Hoggaanka Qaranka Soomaaliyeed
Muqdisho, 2-da June 2016
WAR-MURTIYEED:
Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 29-ka May ilaa 02- da June 2016. Kulanka oo uu shir-gudoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka soo qayb-galay; Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenga Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.
1. Madasha Hoggaanka Qaran waxay tacsi u dirayaan shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen mas’uuliyiin iyo xubno kale oo shacabka qiimo ku lahaa oo fiidnimadii xalay ku shahiiday weerar argagixiso oo lagu qaadey mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho. Madashu waxay cambaaraynaysaa weerada waxashnimo ee ee ay argagxisadu la beegsanayso shacbiga aana wax galabsan.
2. Madasha Hoggaanka Qaran waxay soo dhaweysay xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka soo saaray hannaanka geedi-socodka doorashada ee ay horay ugu heshiiyeen 12-kii Abriil 2016. Madasha Hoggaanka Qaran waxay mar kale ku celisay ballanqaadkeedii hore ee ahaa inay ka go’an tahay in ayan jiri doonin muddo kordhin lagu sameeyo muddo-xileedka uu dastuurku u xaddiday hay’adaha sharcidejinta iyo fulinta iyo in doorashooyinka ay dhacayaan xilliga loogu talo galay.
3. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay qaababka faahfaahsan ee hannaanka doorashada, oo ay ka mid yihiin waajibaadka shaqo ee Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHD) iyo Guddiyada Hirgalinta Doorashada Dadban ee Heerka Dowlad Goboleed (GHDG). Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada (GXKHD) waxa looga hadlayaa fadhiga soo socda ee Madasha Hoggaanka Qaran ee 20-ka Juune ka dhacaya Baydhabo.
4. Madashu waxay mar kale ku celisay inay ka go’antahay xaqiijinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee haweenka iyo metelaadooda. Sidoo kale Madashu waxay isku raacday in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo kor loogu qaadayo ka-qaybgalka haweenka iyo metelaadooda. Madashu waxay soo dhawaynaysaa magacaabida uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadu u magacaabay guddi heer qaran oo u ololeeya taabagelinta iyo xaqiijinta in la gaaro qoondada loo xaddiday haweenka Somaliyeed.
5. Madasha Hoggaanka Qaran waxay si guud isugu raacday in la sameeyo khariidad/tub siyaasadeed oo qeexan ee 2016 ilaa 2020, si loo xaqiijiyo gaaritaanka doorashooyin leh halbeeg caalami ah (qof iyo cod) oo dhaca marka la gaaro 2020.
6. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay in si dhakhsa ah loo dhiso Guddiga GFHD iyo Guddiyada GHDG, iyadoo la rabo in xubnaha guddiyadaas la soo magacaabo
ugu dambayn 6-da bisha Juun 2016, shaqadooduna billaabaanto 10-ka bisha Juun 2016. Guddiga GFHD wuxuu u xilsaarnaan doonaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan iyo jadwalka doorashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sanadka 2016. Guddiyada GHDG, waxey u xilsaarraan doonaan, fulinta dhammaan howlaha doorashooyinka heer dowlad goboleed.
7. Marka Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ay ku dhawaaqaan natiijada kama dambeeysta ah ee liiska 275-ta xildhibaan waxaa kama dambeeynta saxiixaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda isaga oo ku soo saaraya faafinta rasmiga ah.
8. Madashu, waxaa ay isku raacday in xubnaha ergada dooranaya halkii xildhibaan ee aqalka hoose ay noqdaan 51 xubnood, halka markii hore ay aheyd 50 xubnood.
9. Ayadoo laga duulayo hehsiiskii horay loo gaaray ee ahaa in doorashada Xildhibanada qaran ay ka dhacdo Xarumaha dowlad goboleedyada dalka ka jira, ayaa Madasha Hogaamiyayaasha qaranku si guud ugu heshiisay qeybinta xildhibaanada sida ku cad shaxda qaybinta xildhibaannada iyadoo saldhig looga dhigayo labadan qodob:
a. Qaybinta xildhibaanadan waa qaybin ku eg doorashada 2016 kaliya.
b. Qaybintani ma qeexeyso sida deegannada loo kala daganyahay, ee waa heshiis ku meel gaar ah oo ku salaysan 4.5, kuna eg xaaladda doorasho ee 2016-ka oo kaliya.
10. Madasha, waxay si qotodheer u dul istaagtay liiska odayaasha 135-ka, waxayna dood dheer ka dib isla garteen in dhamaystirka liiska kama dambaysta ah lagu go’aansado shirka Madasha ee lagu qaban doono Baydhabo 20-ka bisha Juun 2016.
11. Madasha Hoggaanka Qaran waxay go’aansatay in matalaada iyo maqaamka magaalada Muqdisho loo saaro guddi heer qaran ah oo ka kooban xubno ka kala socda heer federaal iyo heer maamul-goboleed, gudigaas oo ka soo talo bixin doona maqaamka gaarka ah ee caasimadda Muqdishu yeelanayso oo uu dastuurku tilmaamay. Gudigaasi wuxuu howshiisa ku soo dhamaystirayaa muddo lixdan maalmood gudahooda oo ka bilaabanaysa 4-ta Juun 2016.
12. Madasha Hoggaanka Qaran dood dheer ka dib waxay si wada jir ah isugu raacday;
a. Ansaxinta Siyaassadda Amniga Qaranka Soomaaliyeed (National Security Policy) oo ay xukuumaddu soo gudbisay.
b. Dhisidda Gudiga Aminga Qaranka sida ku cad Siyaasadda Amniga Qaran.
13. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay in shirka soo socda ee Madasha lagu qabto maagalada Baydhabo oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed 20-22- ka bisha Juun 2016.
14. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ugu baaqaysaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka inay taageeraan diyaarinta iyo hirgelinta hanaanka doorashada kuna qabsoonto waqtigii loogu talagalay.
Puntlandes.com

MAANTA IYO DADKEENA - JAADKA IYO DADKEEENA - JOOJIYA JAAADKA.

MAANTA IYO DADKEENA JAADKA IYO DADKEEENA JOOJIYA JAAADKA.
WAXAAN QIRAYAA INUU JAADKU YAHAY DAGAALKII OBIYAMKA BOQORTOOYADII JAYNIISKA UU INGIRIISKU KU JABIYAY AMA .DAGAALKII DAROOGADA EE SOOMAAALIYA IYO KENYA IYO ITOOBYA.waxaan kaloo qirayaaa qirayaa iney ALSHABAAB tahay xarigii ummadda soomaaliyeed gacmaha looga xirayey,sababtoo ah waxay dilayaan kii wadaniga ahaa kii waxgaradka ahaa,kii kii aqoonyahanka ahaaa,waxaase ugu sii daran kii wadaniyadu ka soo nuurtaba way dilayaan taasina waa mid aan ku qirayo iney soomaaali ka soo horjeedaan.hadaba hadii aad soomaali tahay ma noqon kartid caddowga soomaaliya waayo waa halkii kaliya ee aad addunka ka laheyd .
hadaba waxaan UMMADDA SOOMAALIYEED ugu baaqayaa iney gacan bir ah isaga qabtan alshabaab iyo cidkasta oo soo damacda soomaalinimadooda iyo dalkaadaba.waana kaas dagaalka runta ah ee noo banaan.in badan aya dadkeenu ka ganuunacey waxaa nalaka kaa qaada doolar waxaana naloo keenaa caweys -jaad- taasi waa run waxaase yaaba maan anaguna inta caws beerno u iib geyno kenya iyo itoobiya,ilaaa intaan xasuusto waxaa jirtey in dadkeenu cuni jireen qaadka,laakiin waxaa cuni jirey tiro fara yar oo aanba afka laga sheegi karin,hadase arini waa isbadashey oo waxaa cuna dadkeena badankiisa waana mid la dhigan dagaal nalaku soo qaadey sababtoo ah waxay dhaawacdey dhaqaalihii dadkeena soomaaaliyeed,hada ka hor ayaa ingiriisku wakhti hore qabsadey jayniiska,wakhtigaas waxaa jayniiska ka jirtey boqortooyo adag,markii ingirrisku jabin kari waayey ayuu wuxuu kula dagaalamey daroogo wuxuuna sameeyay wuxuuka gadey bareyna una keeney shacabkii boqortooyadii jayniiska obiyam daroogo layiraahdo,
waxaana dhacdey in shacabkii boqortooyadii jayniisku noqdey mid nolosha ka dhaca,gaba noloshoodii,boqortooyada jayniisku dadkeedu waxay ahayeen mid badankoodu hanti leh,laakiin markey noqdeen kuwo daroogo qabatimey shaqeysan kari waayeyna ayay waxay bilaabeen iney maacuuntii guryadooda taaley ee silfarka aheyd kaga iibsadaan ingiriisku daroogadii obiyamka aheyd waxaan halkaa ku bas beelay boqortooyadii jayna dadkeediina uu ku noqdey mid baa'ba'a,halkaasna ingiriisku kaga adkaaadey jayniiskii waxaana dagaalkaas loo bxiyey - DAGAALKII OBIYAMKA -waana mid ku cad taarikhda adduunka,lase sheeg sheegin sababtuna ay tahay waa qayb ka mid ah xasuuqa bin'aadamka dalna ma rabo danbiguu galey in dadka lasoo xasuusiyo,dalna ma rabo in wax loo raacdo ama magdhow la weydiiyo.hadaba aan suoo noqdo dalkeena iyo dadkeena ,
maanta waxaan ku suganahay xaalad adag ama wakhti adag.waxa socdaana waa dagalkii daroogada - DAGAALKII JAADKA - kasoo ay noo adeegsanayaan kenya iyo itoobiya,dadkooduna ma cuno taas ayaana kuu cadeyn ah in jaadku yahay xabad ka soo dhacaysa dalalka kenya iyo itoobiya iaygoo waliba dhul iyo dadba naga haysta.ninka soomaaliyeed markuu subixii soo kaco malaha shaqo uu aado dalkeena bur burkii dagaalkii sokeeye dartiis waana dadkeena badankiisee marka laga reebo in yar oo wax haysata iyo in yar oo dhacdey hantidii qaranka ama shacabka mooyee waxaana ula jeeda dadkeena badankiisu waxba ma haystaan runtii waxaaanse haysanaa hantida ugu qaalisan adduunka taasoo ah BAD DHUL BEERAAD XOOLO NOOL.waana ALLAH mahadiis.war iyo gabo gabo yaanan hadalka sii dheereyne 
markaan eegey dhinacyo badan maraakn eegey dhaqaalaha ummadda soomaaaliyeed ee ay kenya iyo itoobya ku nafaqeyneyaan shacbkooda markaan eegey dadkeena sidii qaadka ugu dhadhabayo una qabatimey markaaneegey boqolkiiba inta dadkeena isticmaasha qaadka markaan eegey dhibta uu u keeney dadkeena.markaan eegey sidii jaadku uga mid noqdey nolasha dadkeena markaan eegey saameynta guud ee uu ku yeeshay jiritaanka ummadda soomaaliyeed waxaan ku baaqayaa in gabi ahaanba la joojiyo CUNISTA KA GANACSIGA IIBSIGA JAADKA SOO DHOOFINTA,waayo waa dagaalkii daroogada dadkeena,MAANTA BADBAADI NAFTAAADA OO JOOJI JAADKA.waxaa baaris badan dabadeed xaqiiqdeeda la helay in beeraha jaaadka lagu shubo sunta disha cayayaaanka tasoo wax yeeshaneerfaha bini aadamka,waana mida khatarta kasii dhigeysa cunistiisa,kenya iyo itoobiya waa cadwoga ummadda soomaaaliyeed waxayna nagula jiraan dagaal noocyo badan ah anigu dhihi mayo dalalka aan jaarka nahay dalalka walaaleheena,inkastoooy ciidamadoodu ka mid yihiin kuwa AMISOM joogana dalkeena WAAN DAN KHAASA oo ay ayagu wataan waayo kuwa ay lagadaalamayaa ALSHABAAB waa soomaali anagana alshabaab tirtiri karna kuwa ay jaadka ku sumeynayaana waa soomaali hadaba yaa soomaali u harey.WAXAAN LEEYAHAY UMMADDA SOOMAALIYEED U ISTAAG JIRITAANKIINA HANA QAADANINA WAXAAN DOOFAARKU AQBALEEN.
ma ha in eerbooradooda lagu gumeeyo kuwii matalayey shacabka soomaaliyeed,mana aha iney isu maleeyaan in dadkeena xukumaan.bariga afrika waligeed soomaali ayaa xukumi jirtey hadana ay tahay iney xukumaan waayo wax danbi ah kama galin dadyowga nagula nool bariga afrika in nala ka galay danbi mooyee.waxaan raga soomaaliyeed ugu baaqayaa iney qorataan ciidamada maamulada ay hoos tagaan kuwaasoo ka mid XOOGA DALKA SOOMAALIYA si aan isaga xoreeyno alshabaab isagana saarno ciidamada shisheeye ee dalkeena jooga,LAMA HURAAN WAA CIIDA HOOYEE.aanu dib u HANTINO NOLOSHEENA, DALKEENA HOGAANKEENA WAA MUQADIS EH hadii aan dooneyno inaan ahaano qowm kusii nool bariga afrika.maanta waa inaan dib u noqonaa libaaxii afrika hadii kale ogalaanaa waxkasta AAN SITAAGNO AMA AAN OOHINTA DEYNO SOOMAALI HADII AAN ANAHAY.
AMIN MUSSE-musharaxa madaxweynaha.

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...