Amin Musse Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed. Musharaxa Madaxweynaha.
Friday, June 2, 2017
waa muqadis in hubka laga dhigo cidkasta oo hub kuwadata xamar iyo magaalooyinka gobbolada dalkaba.
labo layskuma helo qori ayaan sidan iyo nabbad ayaan rabaa,magaalo madaxda soomaaliya waxaa yaala hubka ugu badan ee magaalo ma\dax adduunkan ku taala lagu watto,waxaa jira waxyaalo baddan oo maanta naga hortaan inaan dalkeena nabbad ku soo celino,waxaana ka mid ah nin qori kuwatta shacabka dhexdiida ama lala gadaal socdo,waxaa kaloo nabbada dalkeena hor taagan in maanta magaalo madaxdiisa qayb ka mid ah qab qablayaasha wali qalbigu buko ay leeyihiin anagaa iska leh waa yaab,
hadii aan usoo noqdo kan qoriga sita kana baqayaa alshabaab waa inuu xeradda ciidanka uu ka tirsan yahay uga soo tagaa qori nabbadiisana waxaa ilaalin inta shaqada sugutaanka amaanka shacabka ku mashquulsan,wuxuuna ka mid noqon dadka soomaaliyeed ee ammaankooda la ilaalinayo,
markuu xeradiisa tagano waa uu qaadan qorigiisii gudana waajibaadkii loo diri hadii ay mudan tahay inuu hub qaato gashadana kaaki askareed waa inuu fuliyaa waana qori iyo ninkii watey oo la ogsoon yahay shaqada ay u hayaan qaranka waa ninkaas iyo qorigiisube.
waxaa kaloo jirta in maanta hubkaa la dhigi markii la yiri kuwo madax ku sheeg ah ay ku andacoonayaan waa nala layn waxaan leeyahay horta wadku markasta waa ku heli sidaas darteed waa haboon tahay in aadan qori lagual daba socon waa mide waxaad u noqon bartil maameed wedkii aad ka baqaysey mida kalee markaas sariirtaada gasho hubka lagula daba socdaana ma seexanayo oo wixii la doono ayaa soo layn,
sidaas darteed waxaa fiican in amaankaaga ay sugaan booliska iyo hayadaha nabbad galyada.macquul ma aha in aanu ku qarowno waxaanu sidan hub waliba magaalo madaxdii waxaana rabnaa nabbad waa kaaf iyo kala dheeri,
hadaba hadii qoriga lagu yiraahdo keen waa muqadis ee dhiib waa kan nabbada ka qadey dadkaaga waa kan qabriyada u direy kumanaan soomaaliyeed,
hadii aan usoo nqodo amaanka magaalada mogadishu waxaa ku filan booliiska hayadaha amniga,ninkasta oo qori dhigaana waa inuu nolshiisa ku ilaashadaa hayadaha nabbad galyada qaabilsan wacaa is diiwaan galiyaa halkuu ku nool yahay si roondooyinka boolisska iyo ciidadama nabbad sugiduba u sugaan roondooyinka habeenkii iyo maamiltiiba waliba uu haystaa teloofanada booliiska iyo nabbadsugida qaabilsan agagaarkaas uu ku nool yahay kan hubkii lagu ilaalin jirey laga dhigo.
mida maanta soomaaliya nabbada u diidan waxaa ka mid ah intii ay dalkeena soo marayeen dowladihii ku meel gaarka ahaa ayaa kii xilka qabtaaba wuxuu si gaara u hubeynayay qabiilkiisa wuxuuna ku magaacaabayey ciidank xooga soomaaliyeed waxaana dhacdey in marka uu xilka ka dagabo ay qabiilkiisii magaalada la galaan hubkii iyo direeskii ciidanka xooga soomaaliyeed ilaa ayba alshabaab ku soo weerar tagto kana iibato suuqa cirtoogte.
maanta waa muqadis waa lama huraan in magaalada mogadishu xaaraan ka noqoto hubka,ciidanka xooga soomaaliyeed na waa ku muqadis in hubkoodu uusan xeradda afkeeda soo dhaafin hadii aan loo diri guadashada waajib ciidan oo magaalada dhexdeeda ah.
hadaba ilow kana saar maanta inaad qori ku wadatid xamar ama lagula daba socdo waxaad doonto ahoow waayo QORI IYO NABBAD MA WADDA QAADAAN MAANKA UMMADDA SOOMAALIYEED waxayna doorteen hub dhigis laga bilaabo magaalo madaxdii.
hadii aan usoo noqdo magaalo madaxda dalkeena magadishu waxaa iska leh soomaali oo dhan waana hoygii ummadda soomaaliyeed,ilaa hadana waa meesha laga raadianayo isu keenida ummadda soomaaliyeed shanteeda qaybood marka XAMAR KA WAYN QABIIL.
waxaan ku celin mar labaad ummadda soomaaliyeed waxay dooratey nabbad qorina meel ugama banaana.waxaa muhiima hadii 27 sanno ummadda soomaaliyeed silic ku jirtey nabbad la aan darteed uuna sababey qori maanta waxaa hogaanka dalka iska leh waa shacabka soomaaliyeed.ayagaaana gartey in hubka la dhigo.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Subscribe to:
Comments (Atom)
SCREAM.
SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...
-
We all strive hard to achieve something in our lives at the highest place. many other ways some of us serve nations and do it well and maint...
-
Dowlada federaalka soomaaliyeed & Maamul goboleedyada waxaa u banaan oo kaliya iney hal jid raacaan.Ilaa hada waxaa soo if baxaya jaah wareer ku saleysan fahamwaa siyaasadeed ku kalana dhex jira dowlada hada xukunka hays...
-
Dal aan ciidan laheyn waa dal dadkii lahaa laga leeyahay,waxaa taariikhda africa iyo tan adduunkuba qireen in soomaali aheyd libaaxii af...

