Wednesday, June 1, 2016

UMMADDA SOOMAALIYEED IYO MOGADISHU.



MAANTA IYO DADKEENA
UMMADDA SOOMAALIYEED IYO MOGADISHU.
ama qabiil ama qaran.
ugu horeyn hadal qaboow ummadda qalbi hufan baa  lagula hadlaa sida ummadda soomaaliyeed.loose bidhaanshaa qoomamka adduunku halkey mareene
ummadda soomaaliyeed waxaa rafaadiyey sagaal sokeeye kasoo uu saldhig u ahaa qabiilka inkastoo ay dadka soomaaliyeed qaarkiis ku andacoonayeen waxaa dagaalkeena sookeeye saldhig u ahaa dowladii dhexe laakiin sida ummadda soomaaliyeed isku raacdey dowladii dhexe ee soomaaliya waxaa kawada mid ahaa qabiilada soomaaliyeed,qabiil banaanka ka taagnaana ma jirin waana xaqiiqda si ay sadbrsi u helaan nodaana kuwa kaliya ee hogaamiya dalkeena ayaa waxaa magaalada mogadishu ka bilowdey fal falxumo ku saleysan qabiil,maadama magaalo madaxda dalkeena meesha ay ku taal hal qabiil agagaareheeda u badnaa, waxaa dhacdey in qabiiladii kale ee soomaaliyeed isaga tagaan kana guuraan,
laakiin magaalo madaxdeena waxay waligeed aheyd mid uusan sheegan qabiil kana weyn hanka qabiil maadama ay soomaali oo dhan mataleysey.
dadka soomaaliyeed waxaa mudo ka dib usoo noqotey maskaxdii soomaalinimo tasoo ka weynnaatey qabiilka iyo isticmaalkiisa waxayna ogaadeen in fidno kala lakala dhex dhigey ayse hal ummad yihiin qabiilada ay ku kala abtirsanayaana odayaasha odeygii magaca ugu horeeyey wateyba uu ku aasan yahay qabiil kale deegaankiis waana sida xaqiiqdu tahay,maanta ma jiro hal qabiil oo soomaaliyeed dhihina kara magaca aanu sheeganeyno odeygii soomaaliyeed ee watey halkan aanu degno ayuu ku aasan yahay.
ummaddeenu waxay geed gaaban iyo mid dheerba u fuushey sidii aanu usoo ceshan laheyn dowladnimadii oohintayadiina waxay gaartey afarta dacal ee adduunkan nasiib wanaag waanala maqlay waxaana na garab galay waddamo badan kuwaasoo ay daacad ka tahay dano khaasana aan ku waddan inaan dib laguhayaga ugu istaagno waxaa nasiiib darro noqotey in dalal badana soo raaceen kuwii nacaawineyey iyagoo shaatigoodii gashtey nase feyla goynaya.sidaan u wajahnona anagey nagu xiran tahay waayo dadkeenu waxay yiraahdaan manjo dhooqo midba mar ayaa la saaraa.
maanta dadka soomaaliyeed ka weyn qabiil magaalo madaxdii dalkeenuna ka weyn mid qabiil lagu naynaaso,
waxaa nasiib daro ah in dad sheeganaya iney matalaan qayb ka mida ummadda soomaaliyeed iskoodna isu magaacabey ay ruuxdoodu ka degi la dahay qabiil caqligiina shaqeyn waayey, waa yaab.
sababtoo ah dadkii soomaaliyeed ee wax tirsanayey ayaa maanta soomaalinimo lasoo guur guuranaya marka sidee ayay ku dhici kartaa kii la rabey inuu magaalo madaxda ummadda soomaaliyeed dib ugu soo dhaweeyo inuu halkan la soo fariisto anaa leh taasi waxay la macno tahay weli ummadda soomaaliyeed qaar ayaa u baahan in la siiyo daawada soomaalinimo tasaa miyirkeena dajisee.waana xaqiiq.
waxaan ugu baaqayaa dadka soomaaliyeed midnimo iyo inaan ka weynaano anigaa magaaladan iska leh,anigaa gobolkan iska leh,
waxay danta ummadda soomaaliyeed noqotey inaan qaadano hab siyaasadeedka lagu magaaco federalka kasoo loogu talo galey dalkii ummaddiisu kasoo jeedo qoowmam kala duwan kala af ah kala diin ah si laysugu sidko,waana nagu aflagaado iyo cadowgii soomaaliyeed oo naga gaarey tuu rabey waayo waxaan nahay hal ummad,lehna hal diin,wax xuduud ahna dadka soomaaliyeed makala laha,mana kala lahaan doonaan waligood.
hadii ay noqotey kuwa hada gacanta gumeysiga ku jira iyo inta kaleba waana hibo ALLAH siiyey ummadda soomaaliyeed ninkii isku dayana inuu kala qoqobo asaga ayuunbaa ku daali.
maanta waxaa ummadda soomaaliyeed u banaan iney gacmaha isqabsadaan,inaan raacno sharciga dalkeena iyo waxaa waraaqaha noogu qoaran,inaan dib u dhisano dalkeena,inaan noqono ummad lugahooda dib ugu istaag,iyo inaan dib ugu noqono dhaqankii wanaag sanaa ee soomaaliyeed kasoo loo soo mari jirey habab ku saleysan waayeelkoo taliya,dhalinyarada oo fulisa,
waxaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka umma soomaaliyeed ugu baaqayaa iney ka daayeen dowlada federalka iyo maamul goboleedyada qabiilka ay la daba ordayaan,si ummadda soomaaliyeed niyadoodu ugu dagto maamul goboleedyada iyo mida guud ee dowlada federalka soomaaliya,
waxaan maamul goboleedyada ugu baaqyaa ineysan kala qoqobin ummadda soomaaliyeed ee soomaalikastaa halkuu doono dago waxa meesha ka jiraana yahay maamul deegaankaas,iyo xaquuqda shacabkaas soomaaliyeed oo ay gooni u ilaalinayaan,waddankeenuna mid yahay waddana leenahay,
waxaan dowlada federalka ugu baaqayaa iney siiba waa mida hada xukunka haysee iney ka waynaato qabiilka, mideyso ummadda soomaaliyeed ee samaysatey iyo iney doc isaga riixdo qaybaha somaaliyeed ee hab siyaasadeedka dowlada federalka soomaaliya kusoo lifaaqaya qabiilka tustana in madaxda dalku tahay madaxdii dadka soomaaliyeed ee aysan matalin hal qabiil,,arintaasna si cad looga daaweeye qaybta bulshada soomaaliyeed ee deeganka ku leh nawaaxiga mogadishu.iyo dalkoo idilba WAANA MID TUSAALE IYO RAAD RAACBA U NOQNEYSA INTA QABATA HOGAANKA DALKA.
runtu waxay tahay weli waxaa laaban daaweynta dad badan oo soomaaliyeed lagana daaweeyo qabiilka waana wax laga naxo ka dib 26 sanno in wali cudur qabiil na hayo.
arimaha mogadishu ilama haboona in hal qabiil lagu qanciyo waxayse mudan tahay in si khasaba looga daaweeyo cidii sheegataba lana tuso in ay tahay magaalo madaxdii soomaaliyeed cidkastaa haku badnaatee.
waxayna mudan tahay wanaagsana in hadii xubno laga bixiyo magaalo madaxda in ummadda soomaaliyeed oo hada si qaab xun wax ugu qaybsatey 4.5 si cadaalada loogu qaybiyo waana mida isu keeni karta ummadda soomaaliyeed tirtirina karta dhaawacyadii qabiilka sokeeye.si dadkeenu ugu wada la haado awood is le eg dadkeenuna dib ugu soo noqdo magaalo madaxdii dalkeena ileen ilaa hada waa ka maqan yahaye.
waxaan filnaaba waa nabbad,horumar cadaalad soomaalinimo,danteena oo garano,iyo doorosho ka hufan musuq maasug iyo qabiil.maanta
MAANTA AANU U HIILINO JIRITAANKAYAGA SOOMAALINIMO WAXA NAHAYA WAA INDHII ADDUUNKOO NASOO EEGAYA INAAN DAD IYO DAL NOQONO IYO INAAN ISDUUGNO,.SOOMAALIYA SOOMAALI AYAA LEH.
hadii ay maanta maanka odayaal dhaqameedka soomaaliyeed ee wax kala tirsanaya ama ummadda soomaaliyeed ka maqan tahay waxaan leeyahay waa muqadis in shacabka soomaaliyeed loo saaro GUDDI SULUX AMA IS CAFIS UMMADDA SOOMAALIYEED kasoo ka shaqeeya daaweynta qalbiyada ummadda soomaaloyeed sidii ay isu cafin lahaayeen isagana raali galin laaheeyn waxay kala tirsanayaan, waana gudi ka kooban qayb kasta oo ummadda soomaaliyeed ah,
kasoo lugta mariya dhulka soomaaliyeed si cadna isugu keena ummadda soomaaliyeed ee walaalaha ah,isna raba ma kala guurtada ah laakiin yara cuqdada kala tabanaya ileen waxaa lajoogaa wakhtigii aan qalbiga isu furi laheyne si aanu uga sii gudubno halka dalkeena iyo dadkeenuba maanta marayaan.
hadii aan runta laga hadlin daawo beena ayaan cabeynaa tasoo aan ahayn daawadii runtu aheyd ee soomaalinimo,dadku waa walaalo dalkuna waa dalkeenii yaanse nalaku fushan dano shisheeye,naloona qorin sharcigii u hiilinayay cadwogeena ama gacmaha nooga xirayyey.ama nalaku lahaan lahaa berito.
waxaa maanta ifaya waa nuurkii ummadda soomaaliyeed ee aan wadda hiigsano horumarka waana mid soomaali kasta indhahiisa aan ka qarsooneyn.
SOOMAALIYA HA NOOLAATO SOOMAALIYI HA WALAALOWDO.

AMIN MUSSE
musharaxa madaxweynaha.
afhayeenka ummadda soomaaliyeed.





SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...