Saturday, July 9, 2016

DUMARKA IYO RAGA SOOMAALIYEED WAA ISKU XUQUUQ WAANA ISKU MID WAANA SIMAN YIHIIN.




DUMARKA IYO RAGA SOOMAALIYEED WAA ISKU XUQUUQ WAANA ISKU MID WAANA SIMAN YIHIIN.

marka ugu horeysa ereyga jinsi marka la istic maalayo waxaa la isticmaalaa marka laga hadlayo LAB AMA DHDIG AMA LABADABA MID AH,
dadkeena soomaaaliyeed waxaa khalad weyn kaga jiraa fahamka xuquuqda sinaanta labka iyo dhegida iyo waluba jinsiga saddexaad ee ah lab iyo dhegig isku jira.waana siman yihiin saddexduba waayo waa noole ALLAH abuurey karaaameeyayna.waxayse ku kala duwan yihiin sed qaybsiga dhaxalka iyo shaqada diinta horgalista xageeda ah.waana mid uu ALLAH go aamiyey ka hadalna laheyn iyo wax ka badalistoona.

waa muqadis inaan ilaalino koolkoolino kor u qaadno xuquuqda caruurta iyo dumarka,ALLAH  waa  karaameeyay  bini'aadamka  laakiin laakiin labka ayaa ayaa markasta dulmiya dhadiga noole kasta,

maadaamada  raggu ay ka yara murqo waa weyn yihiin  dumarka ayaa in badan oo ragga ahi waxay iska dhaadhiciyeen iney ka caqli badan yihiin xataa,inta caqliga la saaxiibka ahise way og tihiin iney arintu sida kale tahay oo ay u siman yihiin waxkasta.
macquul aha inaan iraahdo ummadda soomaaliyeed waa kala xaquuq duwan yihiin kalana xaquuq badan yihiin anigoo u kala saaraya lab iyo dhedig iyo qabiilba.

shallay maanta ma aha ummadda soomaaliyeed waa isbadashey ka dib dhibaato dheer oo dagaal sokeeye iyo mid diineedba nagu ragaadsheen ummadda  soomaaliyeed waxay leedahay dhaqan wanaagsan waxaase ku jira in yar oo qodxo oo kale, waxna yeelaya ummaddeena sida duugista xaquuqda dhediga,kala sareynsiinta qabiilada soomaaliyeed.waxaase nasiib wanaag ah in dadkeenu dhinac ka raacey dadyowga adduunka oo intii aanu anagu isku sii jeedney hor marey sugey xuquuqda dadkooda iyo jiritaankoodaba.

hadii aan tussale ahaan usoo noqdo dhaqankeena  gabar guur gaar ah ayaa laga soo doonayaa reerkooda lagana siinayaa YARAD,iyadoo lagu jajuubayo nin cirka ka soo dhacay,hadii ay diidana lagu oronayaa duco ama habaar mid dalbo,hadii ay diinada waa takoorid iyo bulsho ka faqooqid hadii ay yeeshana waa  nolol aysan dooran waana waxyaalaha loo baahn yahay in dhaqankeena laga tirtiro laga saaro lalana dagaaalamo sidii loo soo af jari lahaa.waana dulmiga qaarsoon qayb ka mida ah dadkeenuse cadeysteen,

runtu waxay tahay nin soomaaliyeed ma jireen hadaan naag soomaaliyeed jirteen sidee marka loo duudsiin karaa xuquuqdooda looguna maleyn karaa in dhediga loo uumey iney nooleeyaan, ushaqeeyaan,ka hooseyaana ragga,hormoonadoodana nafisiyaan oo kaliya.waa khalad in dhaqanka soomaaliyeed lagu lifaaqo,la dabo dhigo ama lala raad raaco dhaqanka dalalka carabta,dhaqankaasoo ay hoos u dhigida dhediga kuna saleysneyn diin.

wakhtigan hada lagu jiro waa muhiim soomaali ahaan u noolaano sidee xeero loo xagtaa ilkana ku magan galaan runtuna waxay tahay ma aha inaan wax yaabo badan oo dadyowga adduunku dhaqan ahaan u qateen inaan dhaqankeena kiish kula ridano kuna dhoqano,ka dibna dhexdeena isku xag xagano,ee waa in inta wanaagsan aan kaga dayanaa dadyowga adduunka dhaqankeenana ka saarnaa intiisa xun ee na anafci waydey callol xumadana ku beereysa bulshada soomaaliyeed dhexdooda waxna u dhimeysa jiritaankayaga.

qabyo qoraalka jinsiga ummadda soomaaliyeed ma aha wax ay diyraain karto wasaarad ee waa wax ka imaan kara qoraalkiisa iyo diyaarintiisaba shacabka soomaaliyeed.dib u u eegistiisana waxaa saxiixa kara sharci ahaan waa baarlaamaanka ummadda soomaaliyeed waana baarlaamaanka ka yimid shacabka kuna yimid rabitaanka shacabka soomaaliyeed.

waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa raadinta,nabad waarta,midnimo,waddaninimo.iyo inyesan dhexdooda isku cayrsan qabiil iyo diinba,indheheenuna qabtaan kuna eegno adduunka intiisa kale anagoo ku qiyaasaneyna jiritaankayagu meeshuu marayo.

waxaan mar kale lee yahay arimaha jinsiga laguma deg degi ee waa in wakhtigeeda la siiyaa,mana ah in uu yimaado erey ah in la saxiixo qodobadii ka soo baxay shirar aysan ummadda soomaaliyeed ka daba shirin meelna isla dhigin dhiraan dhirintooda.waayo mugdi iyo waxaadan ogeynba masiibaa kasoo bixi karta.


AMIN MUSSE.
musharaxa madaxweynaha.
afhayeenka ummadda soomaaliyeed.






SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...