Wednesday, October 5, 2016

Waxaan balan qaadayaa isbadalkii ummadda soomaaliyeed.


waxaan balan qaadayaa hadii aan qabto hogaanka ummadda soomaaliyeed inaan  ummaddeyda ka tirtiro dhaqanka loosoo dhoofshey soomaalidana kala reebey loogana dhigey dadkeena hab siyaasadeedka iyo jidkii lagu hagi lahaa, qalbigana looga xirey qofkastoo soomaali hogaamiya ama horseedaba horjoogayaasha hada iyo kuwii horeba taasoo ah,
A - soomaali naftiisa gadaya ama la gadayo
soomaali inta inta carara wadaado isu gacan galinaya is qarxinaya waxna qarxinaya waa soomaali naftiisa gadaya,
habkan soomaali naftiisa gadaya waxaa ku dhamaadey dhalinyaradii soomaaliyeed waxaana cilmi looga dhigey kitaabo laga keeney dalalka carabta iyadoo la dhinac marayo quraanka kariinka ah,
WAXAA MASKAX KA BADALAAYSHA dhalinyarada soomaaliyeed fursad ku heleen dhalinyaradii oo waxbarshadii uu seejiyay dagaalkii sokeeye iyo kan hada ay wadaan kuwa xagjirka sheeganayaba,dhibaato nololeed oo qoto dheeratey dhaqaale xumo wax barasho la'aan waxay sababtey in dhalinyaradii iyo waayeelba noqdaan kuwo naftooda gadaya,dhalinyaradii looga soo aruurshey wax ayan idin bareynaa wuxuu salkoodii noqdey kuwo cidlo lagu daadiyo lagulana dagaalamo isla ummadda soomaaliyeed,ayadoo ay keentay naf la gadayo,dowlad la'aan darteed ayna gadayaan kuwo diidan nabbadda iyo meesha ummadda soomaaliyeed u socoto,
B - soomaali dalkiisa ama dowlada ummadda soomaaliyeed gadaya.
soomaali inta NGO lacag lagu cunayo badan looguna mana sheeganayo waxaan caawiney dad soomaali layiraahdo hadana soomaaligii hor ordayey shilimaad yar jeebka loo galinayo waa soomaali dadkiisa gadaya,
soomaali aan la hubin inuu danbi argagixiso lug ku leeyahay jawaan madaxa loo galinayo itoobiya ama kenya amaba mareykan gacanta laga saarayo waa soomaali la gadayo,
iyadoo soomaaliga danbiga gala ay mudan tahay in dalkiisa hooyo maxkamad lagu sooro lagu xabiso loogana jaro wixii danbi ah ee uu ka galey ummadda soomaaliyeed hadii uusan danbi laheyna laga raali galiyo,wixii gaareyna magdhow laga siiyo,sababta aan mar walba u dhaho horjoogayaasha ummadda soomaaliyeed waxaa weeye qof hogaanka uumadda soomaaliyeed sheeganaya ayaa wuxuu isu arkayaa inuu u shaqeeyo kenya iyo itoobiya amaba dalkale uuna waliba masuul uga yahay ummadda soomaaliyeed halkii asaga ummaddiisa loo daba fariisan lahaa ummaddiisuna ay asaga daba gali laheyd.
C - soomaali dalkiisa ama dowlada ummadda soomaaliyeed gadaya.
waxaan aad iyo aad u dhaliilayaa una canbaareynayaa madaxda caadeysatey iney tagaan shir qowmkeena soomaaliyeed arimahooda lagu falan qaynayo hadana ayagu matalaya soomaali oo dhan ileen waxa laga hadlayaa waa dhib iyo dagaal haysta ummadda soomaaliyeede hadana waraaq wax loogu soo qorayo saxiixana la leeyahay, taasina waa soomaali gadaya dowladnimada ummadda soomaaliyeed,kursiga uu ummadda u matalayna aqoon habkii loogu fariisan lahaa,
saxiixa qalinku waa wax fudud laakiin waxa warqada la saxiixayo ku qorani waa wax quseeya ummadda soomaaliyeed oo dhan mana aha wax fudud iyo wax deg deg talo la'aanteed laysaga saxiixo karo,
sida caadada ah wax ummaddi saxiixeyso saameeyana aayahooda waxaa la saaraa codeyn dalkeenuse ma joogo xaalkii codeynta waayo waxaanba wali raadioneynaa nabbad,waxaase meesha ka maqan talo dib laysugu noqdo marka ay noqoto heshiis lug ku leh ummadda soomaaliyeed,badana waxaa heshiisyada ummadda soomaaliyeed hada lug ku yeeshaan beesha caalamka oo magacyo badan kalana duwan wadata waxaase badanaa warqadahooda nalookugu soo xariiqaa wixii ay doonaan amaba jidka ay nala doonayaan inaan raacno.
heshiis qaran waa heshiis matala ummadda magacooda lagu saxiixey oo dhan mana aha wax sahlan,
waxaa jirta in hada dalkeenu dagan yahay yacan yahay cidii sad bursi rabtana soo aadeyso,waxaase caado noqotey arinta ah soomaali dalkiisa gadaya ama wax uun iska saxiixya,
hadii aan qabto hogaanka ummadda soomaaliyeed waxaan joojinayaa saxiix kasta oo ka dhacey ama ay galeen xukumadihii hore ee soo marey ummadda soomaaliyeed laguna khiyaamey ama looga faa'iideystey,amaba dan gaara lagu watey waa heshiis kasta oo aan wax faa'iido ah u laheyn ummadda soomaaliyeed.
HADABA UMMADDA SOOMAALIYEED WAA KA GUDUBTEY WAKHTIGII AY HOGAAMIYE BEELEED AMA HOGAAMIYE BEENEED U DABA FARIISAN JIRTEY JIRITAANKOODA.
MAANTA WAXAA IFAYA WAA ILEYSKII UMMADDA SOOMAALIYEED.
Ee u codee hogaamiye u qalma naftaada,dadkaaga iyo dalkaagaba,dalkeena meelkasta iyo jago kasta ha xaqirin jiritaankaagee.

Monday, October 3, 2016

Walee rati Buubaal ah inta Haamo Saarano Nooma Dhaamiyo Soomaaliyeey.













WALEE RATI BUUBAAL AH INTA HAAMO SAARANO NOOMA DHAAMIYO.
shacabka soomaaliyeed waxaa daashadey dagaalka sokeeye iyo mid diimeed waxaana sii dheer intaas
dad gadaya naftoodii,soomaalina ah
dad gadaya dalkoodii,soomaalina ah
dad gadaya dadkoodii,soomaalina ah,
waxaan aad u dhaaliiyayaa ugana soo horjeedaa waa iska dhagatirka rabitaanka shacabka soomaaliyeed ee ah madax u qalanta hogaanka naftooda,
shacabka soomaaliyeed waa bislaadey waxayna ilaa hada hiigsanayaan raad raac ah dowlad sax ah una siman dadka soomaaliyeed,
waxaan kaloo aad u dhaliilayaa quwada iyo xooga ku jirta shacabka soomaaliyeed ee qaarba geedka lagu xirtey hadana aan midoobeyn walina la ooynaya dhexdayada kama soo saari karno kii na hogaamin lahaa iyo wali waa naloo soo dooraa hortada ayaa lagu soo takhaantakheeyaa si aan u daba galno una dhahno madaxweyne.
waxaa hada la joogaa wakhti ay mudan tahay in dadka soomaaliyeed midoobo maadama ay naga soo hor laabatey dhib badan oo dadkeena dib u dhigtey burburisayna dalkeenii,
waxaan wax maanka ka dagaya aheyn in nin inta qabiil lagu doorto hadana layiraahdo wuxuu matalaa ummadda soomaaliyeed oo idil.
ninkaas la doorteyna dhaafiba waayo reerkiisa,laakiin uu magac yaal ahaan u sito inuu matalo dadka soomaaliyeed oo dhan.
waxaan wax macquula aheyn in dalkeena awoodiisii noqotey mid shisheeye gacanta u gashey NGO iyo qunjuraaf ka sii daran ayna ku rati kacsadaan meeshey tagaan dad soomaaliyeed kuwaasoo fulinaya daba dhilif u noqonaya dhuunina ka doortey shaqadii ummadda soomaaliyeed ay u matalayeen,
qaylo dhaanta ummadda soomaaliyeed waxay soo jiitameysey ilaa mudo badan laga bilaabo 1990,waxayna soo gaartey 2016 intaas dadka soomaaliyeed rajadoodu hoos uma dagin maankoodana kama bixin maalin ayaa LA DOOGI DALKU DAGI DADKEENUNA CIYAAR DHAMEED TUMAN,
hadaba socod waddo dheer ah ka dib waxaan maanta joognaa maalin ay mudan tahay muwaadinkasta oo soomaaliyeed u hiilyiyo naftiisa kana weynaado qabiilka,nin eexsiga,laaluusha,xagjirnimada,kana wadda mid noqono unkida mustaqbalkii ummadda soomaaliyeed ee hada jirta iyo jiilalka soo socdaba.
waxaan mar labaad ummadda soomaaliyeed ku baraarujinayaa una sheegayaa ineysan dhibta dadkeena iyo dalkeenaba aysan hareynin hadii aanu u wadda istgaain gacmahana aanu is wadda qabsan waayo far kali ah fool ma dhaqdo,hadiii hogaankii ummadda soomaaliyeed mar kasta lala kufo waxaa badali kara isna bad baadin karaa waa shacab wadda jira.
hadaba ka weynoow qabiilka qadari naftaada dadkaaga iyo dalkaagaba una codee dalkeena oo idil jagada booskasta ee dowladnimo hogaamiye kuu qalma
yaysan arinteenu noqon dadkii haamaha saartey ratigii buubaablka ahaa hadana doonayey iney biyo helaan.layskuma heli karo waxaan rabaa soomaaliya oo wanaagsan dadka soomaaliyeed oo hagaagsan waxaana qalbiga ku haysan qabiil waxaana dooran qof u yimid una soo hor istaagey ummadda soomaaliyeed jeebkiisa.
waxaan hada lugta saarney wakhtigii la soo af jari lahaa dhibta ummadda soomaaliyeed meel walba dalkeena qabsan laheyna xarig adag oo soomaalinimo.soomaaliya soomaali ayaa leh anaga ayayna mudan tahay inaan ku noolaano is hogaamino kuna meel marno talo iyo caqli aanu leenahay.

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...