Amin Musse Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed. Musharaxa Madaxweynaha.
Friday, December 27, 2019
UP HEAVAL WORLD.
UPHEAVAL WORLD.
Every wind of change brought this world hate and love and many changes broken treaties and fixing new treats among nations. as we look beyond the horizon of hope sometimes we see a glimpse of changes that we have to walk over so as to reach the better world that we seek which is lasting peace prosperity and justice but instead of working together for our globally common cause goal we work apart and different that make us wage wars and eyeball each other for gaining grounds or even we lie to our selves and the world to crash others.
Today we are all floating with world events were before we had the ability sometimes to control it.
We must work for peace and watch out for our global environment which we all share.
The world we live in today is young but we made it older than its age by miss using it roping it and owning it wrongly.
We have to seek peace through mutual understanding and respect by every nation and we must not zigzag the existence of others and ignoring everything.
CULIMADA SOOMAALIYEED WAA HAGAYAASHA UMMADDA SOOMAALIYEED-AMIN MUSSE. Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
CULIMADA SOOMAALIYEED WAA HAGAYAASHA UMMADDA SOOMAALIYEED.
Waxaan wada qireynaa in maanta ummadda soomaaliyeed ALLAH nasri ugaga soo dayey samada waayo shallay waxaa dagaal lagula jirey gabi ahaanba badalista diinta ummadda soomaaliyeed ayadoo qofkii dadkii dalkii caddow u ahaaba ku lifaaqey LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA
Runtu waxay tahay wixii soomaaliya ka dhacay ma ahayen xukuumad badalis ee waxay aheyd DIIN BADALIS lagumase guuleysan waayo waxaaba ummadda soomaaloyeed si toos ah ugu dhaqantey diinteedii waxayna ummadda soomaaliyeed u kala miirangtey ama u kala baxdey qayb dagaal iyo qori qaadatey kuna waasheyba diintii iyo in dulqaad muujisey iskana nabey masiiba ka socota dalka.
Waxaa in badan la bahdiley culimada ummadda soomaaliyeed waxaa in badan laga adeejiyey kenyan iyo itoonbiyaan ayadoo jawaan amadaxa loo galinayo looguna marmarsiiyoonayo waa ARGAGIXISIXO,
Waxaa dagaalka khaldan ee loogu rati kacsanayo aragagixisada laguna wadey culimada ummadda soomaaliyeed gaarey in dagaal lagu qaado xataa macalimiintii dugsiga quraanka bareysey ilmaha yar yar ayadoo loogaga imaadey dhinacyo badan sida waa laa yaan ilamaha waa dilaan iilmaha waxaan leeyahay culmida ummadda soomaaloiyeed waxay mudan yihiin ixtiraam weyn waxaana nagu wada waajib aha inaan ilaalino karaamadooda waxaana nagu wada waajib inaan ka ilaalino gacanta caddowga kenya iyo itoobiyaba oo sii gada amaba ku raadsada lacagta ladagaalanka argagixisada.inta si khaldan gacanta labadaas dal iyo kuwa kaleba ku jirtana dalka dib si nabbaad ah loogugu soo cesho waayo soomaaligii danbi ka gala ummaddaiisa soomaaliyeed iyo dalkiisaba waa in lagu maxkamadeedeeyaa dalkiisa laguna xiraa dalkiisa waana danbi qaran qof soomaaliyeed oo danbe la gashana gacan ummad kale iyo dalkaleba.
Maanta waxaan leeyahay culimadda ummadda soomaaliyeed waxaad tihiin kuwa tubta toosan ee ALLAH ku hagaya ummadda soomaaliyeed waxaana ummadda soomaaliyeed lagu wadaa kala qaybinta diintoodii ay ka dhexleen ummaddaii soomaaliyeed ee naga horeysey ama jiilkii soomaaliyeed ee aanu kasoo unkaney amaba kasoo jeedno waxaana idiin banaan wa idinkoo marka ugu horeysa midooba ka weynaada qabiilka kana wada mid ahaada talada culimada ummadda soomaaliyeed magaalo kasta iyo tuulo kastana ka diiwaan galiayan immanada si loo helo culimo soomaaliyeed oo hal tub oo soomaaliyeed kuwa taagan isku dan ah isku aragti diimeed ah isla wada soomaali doon ah wadaniyiin ah ummaddaoodana kaga jira baal dahab ah oo waxad qabad weyn leh.
Waxaan ummadda soomaaliyeed leeyahay yaanu iska gaagixin hadii NASRIGII ALLAH noo soo dagey aanuna kor yeelno uwa u istaagey diinteena iyo kor yeelideedaba shallay kenyanku waxay lahaayeen shufto culimada ummadda soomaaliyeed maanatana ayagii ayaa albaabada gaariyada ka furaya ku horkacaya wadooyinka magaalooyinkooda.
ALSHABAAB waxaan leeyahay ummadda soomaaliyeed waa wada muslim sidaas darteed dhinac ka raaca ummaddiina soomaaliyeed daayana daadinta dhiiga birmageydada soomaaliyeed waxaana wada qireynaa in ummadda soomaaliyeed gabi ahaanba wada leedahay caddow soo jireen ah lakala jecleyna kii kaga dhinta dagaal diimeed dagaal soomaaliidiid dagaal qabiil dagaal dhabadhilif lana wada doonayo soomaaliya oo aysan ku nooleyn ummadd soomaaliyeed ama lagu gue,syto laguna xukumo waa sida ku masawiran qalbiyada kenyanka iyo itoobiyaanka iyo waliba caddow muuqda iyo kan harka ah ee gadaal kasoo riixaya kuna rati kacsanaya dhaqaale siinaya kenya iyo itoobiyaba.
Hadaba hugankaad maqleysaa waa ummaddaadii soomaaliyeed oo hayaan u ah halkuu ku sugan yahay kana kaahayo iftiinka jiritaankeeda ee ha hareer marin geediga ummaddaada soomaaliyeed hana noqon habqan.
Ummadda soomaaliyeed waa mid soomaaliyana waa mid waana in bariga afrika gabi ahaanba ummadda soomaaliyeed ka talisaa ee soomaali u ahoow kacdoonka ummadda soomaaliyeed una istaag jiritaankaaga soom aaliyeed una ahoow soomaaligii iska lahaa soomaaliya oo dhan una dhaqaaq xoreynta mideynta mitirkasta oo ciida soomaaliyeed ah.WAARI MEYSIDE WAR HAKAA HARO.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.
Thursday, December 26, 2019
CABDICASIIS XASSAN (LAFTA GAREEN) MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA WAA HOGAAMIYAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA EE SANADKAN WAA HOGAAMIYE KU DAYASHO MUDAN WAA SOOMAALIDOON KA DHEX IFAYA UMMADDIISA SOOMAALIYEED WAA HORGALE TAARIIKHDA UMMADDA SOOMAALIYEED QORI DOONTO...
CABDICASIIS XASSAN (LAFTA GAREEN)
MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA
WAA HOGAAMIYAHA MAAMUL GOBOLEEDYADA EE SANADKAN
WAA HOGAAMIYE KU DAYASHO MUDAN WAA SOOMAALIDOON KA DHEX IFAYA UMMADDIISA SOOMAALIYEED WAA HORGALE TAARIIKHDA UMMADDA SOOMAALIYEED QORI DOONTO...
Maamul goboleedyada soomaaliyeed waa dowladii federaalka soomaaliyeed oo lagu firdhiyey ama lagu baahiyey soomaaliya si guri kasta wado kasta tuulo kasta magaalo kasta gobol kasta ay u gaarto qofkasta oo soomaaliyeed na uga mid ahaado ugauna hoos jiro tallada dowlada matasha magaciisa jiritaankiisa iyo dhulkiisaba.
Hadaba dowlada federaalka soomaaliyeed waa curdin waana soo oreysaa waxaana wali socda dhisideeda waxaa wali ay wada gaareysaa dhulka soomaaliyeed kana hada xorta ah waxayna gaari doontaa dhulka wali ku jira gacanta gumeysiga oo waajib ah in laga xoreeyo lagana xoreyn doono INSHA ALLAH hawshiisiina socoto waayo soomaaliya soomaali ayaa leh mana laha kenyan iyo itoobiyaanba kamana talin karaan.
Madaxweyanaha koonfurgalbeed soomaaliya mudane cabdicasiis xassan lafta gareen waa horgale shacab waa madaxweyne maamul goboleed soomaaliyeed waana isukeenaha shacabka soomaaliyeed qaybihiisa kala baahsan wuxuuna wax ka hor kacayaakana daadihinayaa hayaanka soomaalinimada iyo soomaaliyada cusub waana madaxweyne ku dayasho mudan kana aragti duwan kana aragti fiican madaxda kala ee wali geedaha saaran shacabkii soomaaliyeed ee ay horgalayaasha u ahaayeena didiyay qaarkoodna afduubeenba sida maamulka soomaaliyeed ee soomaaliland.
Waxaa ummadda solomaaliyeed u baahan tahay horgalayaal aan kala qoqobin shacabka soomaaliyeed kuna haga soomaalinimo ,kana soo baxa hawlihii loo igmadey ee qaran,mudane lafta gareen waxaa eeydeymo badan kaga yimaadeen meelo badan kuwasoo ku dhaliilayey maxaad ula shaqeyneysaa dowlada federaalka soomaaliyeed waxaanse leeyahay asaga laftiisa mudane lafta gareen ayaa ah dowladii federaalka soomaaliyeed oo anagoo dhan ayaa ah dowladii federraalka soomaaliyeed oo soomaali kasta oo wax ka ilaashanaya jiritaankiisa ayaa ah dowlada federaalka soomaaliyeed maanta ummadda oo soomaaliyeed waa dowlada federaalka soomaaliyeed sidoo kalena dowlada federaalka soomaaliyeed waa ummadda soomaaliyeed iyo qofkasta oo soomaaliyeed.
Waxaan macquul noqoneynin in shacabka soomaaliyeed la kala qoqobo waxaana leeyahay muwaadin kasta oo soomaaliyeed oo wuxuu xaq iyo xaquuq u leeyahay inuudago ku noolaado soomaaliya meel kasta oo uu nolol iyo nabbd ku helayo wuxuu maamul goboleed dowlwda feraalka soomaaliyeed u matalaya waa magaca maamulka gobolkaas ka jira uuna usii marayaa dowladiisa federaalka soomaaliyeed mana lagu ,magacaabi karo jaaliyad maaml gonboleed soomaaliyeed kuna nool maamul goboleed kale iyo wax la mid ah waayo waa soomaali jooga dhulkiisii hooyo tusaale shacabka soomaaliyeed ee kasoo jeeda koonfurgalbeed soomaaliya joogana galmudug waa shacab jooga dhulkoodii hooyo mana aha laajiyiin sidoo kalena shacabka koonfur galbeed ee jooga dowlad gaoboleedka puntland waa shacab soomaaliyeed joogana cidoodii hooyo ee soomaaliyana waxayna leeyihiin xaqa iyo xaquuqda shacab ku leeyahay maamul goboleedkiisa waxayna dowlada federaalka soomaaliyeed kaga jiraan ka joogaan puntland ayada aayaana u matasho dowlada federaalka soomaaliyeed ayna usii marayaan.
Waxaan marna wax loo dulqaadin doonin ah in shacab soomaaliyeed la xasuuqo ayadoo loo bartilmaansanyo waa reer hebel iyo quraafaad ah waxay kasoo jeedaan maamul hebel waayo soomaali kastaa wuxuu leeyahays soomaaliyana soomaalina soomaaliga kale kama xigo dhulkiisa magaciisa jiritaankisa iyo dowladiisa federaalka soomaaliyeed hadii uusan caddow laga ilaalinayo ku noqon qofkaasi sida kuwa aanu ku calaamadiney soomaalidiid ahana soomaali ka jeed iyo caddow kalkaal khatar ku ah jiritaanka ummadda soomaaliyeed.
Shaqaaqada dilka foosha xun ee ka dhacay dhuusa mareeb iyo gaalkacyo waa in wax laga qabto si aysan u noqon wado ay ku daydaan kuwa maato laayska ku caan baxay iyo iska laaya shacabkaas waa looma ooyaane.waa in maamulka galmudug sharciga horkeenaa dadkii gaystey xasuuqa ka dhacay gaalkacyo iyo dhuusa mareeb lana hor geeya maxkamada sare ee dowlada federaalka soomaaliyeed maadama uusan aheyn dil ruux kaliya ee uu yahay dil wadareed ama xasuuq.
Shacabka koonfurgalbeed waxaan leehaya ahaada soomaalida wacan ee wanaagsa ee aaad ahaan jirteen ahaada kuwoo dowlada federaalka soomaaliyeed ku boogo dhayayey BAAYDHABO JANAEEY magaalada soomaaliyeed ee ay dowlada federaalka soomaaliyeed kusoo degtey garab istaaga horgalaha soomaaliyeed ee idin horkacaya hada ama madaxweynahiina lafta gareen asagaa ah mid ay horgalaaysha maamul goboleedyadu ku daydaane iyo madaxweyanaha maamujl goboleedka soomaaliyeed ee sanadkan iyo kan soo socdaba.
Shacabka koonfur galbeed ee soomaaliyeed waxaan leeyahay la shaqeeya maamul goboleedka koonfur galbeed iyo madaxdiisa garab istaaga dowladiina federaalka soomaaliyeed iskana soo afjara alshabaab waana in ay istaagtaa dhalinyarada soomaaliyeed ee qaraxyada lagu miidaaminayo ayadoo lagu lifaaqayo arimo diin laguna fulinayo dano shisheeye waxaad na ka tirsdan tihiin hadaba maamulka aad degtaan ee soomaaliyeed soomaaliya lama kala laha looma kala sokeeye waana wada leenahay ee ku nooloow ku dhimo ku dhaqo ku faan ilaashana.
Hugunka aad maqleeysa hurdaayoow waa ummaddii soomaaliyeed oo hayaan u ah halka uu ka kaahayo iftiinka jiritaankeeda muqadiska ah ee ha noqon habqan hana hareer marin fiqi tolkiis kama jano tagee magaca aad wadataa hada waa beel soomaaliyeed magaceed magaca qabiilkaaguse waa SOOMAALI sida magaca kikuyada oromada jalwada amxaarada nuubiyaanka sidaas adrteed hadii aad soomaali tahaya waxaa ku deeqa magaca qabiilka soomaaliyeed kasaana kaa kaafin kara kagana hortagi kartaa caddownimada qowmiyadaha kale ee nala daga bariga afrika,hal laan geed oo aad shaagato inaad leedahay waxaa kaaga fiican adigoo iska wada leh geedka oo dhan sidoo kale hal beel joose oo soomaaliyeed adigoo sheegta waxaa kaaga karaamo iyo quwad iyo qrux badan adigoo sheegta magaca qabiilkaaga wayn ee soomaaliyeed ahna soomaali hadaba hadii aad soomaali tahay qabiilkaagu waa SOOMAALI ee niyada yu dhadhaaci kuna kalsoonoow kuna faan sida qabiilada dalalka dega bariga afrika ugu qadaaqayaan waxaan nahay oromo amxaaro jalwo kikuyo iyo wixii la mid ahba adiguna ahoow SOOMAALI sanku neefle kaasareeya ma jiree.
Waxaan mar labaad leeyahay hogaamiyaha maamul goboleedyada sanadkaan waa Mudane CABDICASIIS XASSAN LAFTA GAREEN shacabka maamulka koonfurgalbeed soomaaliyana waxaan leeyahay waad nasiib badan tuhiin la shaqeeya garab istaaga ilaaliyana soomaalinimada jiritaankeeda afarta dacal dalkeena.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.
Subscribe to:
Comments (Atom)
SCREAM.
SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...
-
We all strive hard to achieve something in our lives at the highest place. many other ways some of us serve nations and do it well and maint...
-
Dowlada federaalka soomaaliyeed & Maamul goboleedyada waxaa u banaan oo kaliya iney hal jid raacaan.Ilaa hada waxaa soo if baxaya jaah wareer ku saleysan fahamwaa siyaasadeed ku kalana dhex jira dowlada hada xukunka hays...
-
Dal aan ciidan laheyn waa dal dadkii lahaa laga leeyahay,waxaa taariikhda africa iyo tan adduunkuba qireen in soomaali aheyd libaaxii af...