Sunday, May 10, 2020

ISXILQAAN KU DHISO DHULKAAGA HOOYO; ISXILQAAN WAX UGU QABO DADKAAGA SOOMAALIYEED.


ISXILQAAN KU DHISO DHULKAAGA HOOYO  IS XILQAAN WAX UGU QABO DADKAAGA SOOMAALIYEED.

URURKA DHALINYARADA SOOMAALIYEED EE NAMBAR 50 AYAA AFURIYEY QOYSAYA DANYAR AH DEGANA XERADA ALLAH YAASIR EE DULEEDKA NAMBAR 50.

Waa urur dhalinyaro soomaaliyeed oo isxilqaamey mudan in lagu daydo lana garab istaago, hawlaha qiimaha weyn u leh shacabka iyo maatada soomaaliueed waayeelka danyarta soomaaliyeed ee uu ururkan dhaliyarada soomaaliyeed ee nabmabr 50 heeganka ugu jiro funilanayo waa mid diirineysa qalbiyada shacabka soomaaliyeed ee aan dhawaaqooda cidna maqal dhibaateysan una baahan gurmadka nololeed.


Waxaan dhaliyarada soomaaliyeed ugu baaqayaa iney u istaagaan ummadda soomaaliyeed ku hagoogtaan shacabkooda soomaaliyeed maatada u baahan wax xoog u noqda wax wax u aruuriya iyo dhalinyaro u noqota maskax iyo xoog soomaaliyeed.


Waa dhamaadey wakhtigii ummadda soomaaliyeed qaybaheeda matada ahi ku adimi jireen aashuunka una baabi jireen gaajo wax la'aan marka jeebka qaybo ka mid ah dadka soomaaliyeed wali sanuud ku jirto waxaase lagu jiraa wakhti ku adag ummadda soomaaliyeed maatadeeda kuwa danyarta ah waana wakhti loo baahan yahay isgarab istaag wax isuqabad iswaaleysi soomaaliyeed iyo u gargaarka waayeelka qoysaska tabaaleysan iyo kuwa aamusan kana maqan wararka guud ee ummadda soomaa,liyeed isu tabineyso.Waxaa qaylo dhaan wayni kasoo yeereysaa magaalooyin badan tuulooyin badan xataa baadiyaha soomaaliyeed halkasoo ay daadad qaadeen shacabkii soomaaliyeed wagiba shabeelo dhulka soomaaliyeed dhulka soomaaliyeed ee uu maro laga bilaabi soomaali galbeed ilaa dhul;ka uu kaga daro badda waxaa ayadana daadad qaadeen dhul aysan marin wabiyadu ilaa gobolada waqooyi soomaaliya bartamaha iyo bariga soomaaliyeed sida qardho iyo bacaadweyne waxaa ayadana laga qaxay baladweyne oo awal aheyd meel uu soo cago dhigo daadka wabiga.


Waxaan mar kale leeyyahay ummadda soomaaliyeed waa mid soomaaliyana waa mid sidaas adrteed dhalinyaradu waa iney ka qaataan doorkooda ilaalinta jiritaanbka ummadda soomaaliyeed waayo dhaliayaru waa caqligii maskaxdii xoogii iyo madaxdii ummadda soomaaliyeed waana iney ka dheeraadaan qabiilka nin xigsiga eexda iyo beelo beeleysiga qariban nana qalibey.


Dhalinyarada soomaaliyeed deegaankasta waa iney mideysnaadaan lahaadaan qorshe iyo manhaj ay wax ugu qabanayaan shacabkooda soomaaliyeed maatadooda soomaaliyeed una istaagaan DIB U DHISKA DEEGAANKA AY HADBA KA DAGAN YIHIIN DHULKOODA HOOYO,lahaadaana isku xirnaan guud oo wadajirta iyo xubno dhaqaale uruuris hogaan dhaqaale ilaalis iyo watdatashi hagaagsan soomaaliyeysan iyo wax qabad hufan.


Dhalinyarooy waxaa idiin baahan dhulkiina dadkiina dadkiina waxaa idiin baahan ummaddiina soomaaliyeed ee u ahaada dhalinyaradii soomaaliyeed kana soo baxa waajibaadkiina muqadiska ah ee soomaaliyeed.Soomaaliya soomaali ayaa leh waxayna soomaaliya sugeysaa iney soomaalidii laheyd dhisato ku noolaato,ku dhaqanto,ku dhisato,ku dhumato ee u ahaada soomaali soomaaliyana.


Waa nagu gunimo inaan dhulka soomaaliyeed ee soomaali galbeed u gadaal istaagno gumeyste itoobiyaan ah sidoo kalena NFD u dagaal istaagno gumesyte kenyan ah soomaaliya ma aha meel aanu gorgortan cidna kula galeyno kuna sasabayno waa in ciida soomaaliyeed iyo dadka soomaaliyeed xor ahaadaan mideysnaadaan kana hufnaadaan gacan gumeyste,


 Jigjiga garissa hargeysa baydhabo gaalkacyo waajir direrdhabe garoowe mogadhiso marka kismaayo hobyo jabuuti iyo inta aanan halkan kusoo koobi kari waa dhul soomaaliyeed waana nagu wada waajib inaan ka iklaalino dabadhilif jeeb galis ku raadsada magaca iyo jiritaanka ummadda soomaaliyeed gatana ciida soomaaliyeed.


MOGADISHU waa magaalo madaxda ummadda soomaaliyeed intii dhimatey inta nool iyo inta dhalandoontaba waxaana iska leh soomaali kasta.waana ka mugweyn tahay siinta magaca maamul goboleed mana laga rarai karo waayo waxaa inoo doorey soomaalidii aanu ka dhaxalney dhulka,magaca soomaaliyeed,iyo jiritaankayagaba.


Ummadda soomaaliyeed waxay hayaan u tahay jiritaankeeda mquadiska ah ee ha noqon habqan hana hareer marin ummaddaada soomaaliyeed.Soomaaliya waa mid ummadda soomaaliyeed waa mid waxkastana waxaa ka weyn soomaalinimada.



AMIN MUSSE

Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.

Musharaxa Madaxweyanaha.














SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...