Friday, November 18, 2016

Hogaanka dadkeena iyo dalkeena waa wadaan isu dhiib.


WAA MUQADIS INAAN CIIDAN QARAN OO SOOMAALI OO DHAN KA KOOBAN SAMEYSANO.

waxaan ka soo horjeedaa in shacabka soomaaliyeed uu doolar uusan waligiis arag ciidan shisheeye ku dulqaato kaibna xeryo aysan soo dhaafeyn ayagu naftooda ay ku ilaaliyaan ayna gabeen howshii loo igmadey lagana sugayey.

waxan leeyahay xukuumada wakhtigeedu dhamaadey waxaad ku soo beegmateen xili adag,xili hogaanka dalka uu gacanta ugu jiro qowmam kale,wax waad qabateen runtii,waadna dadaasheen hadii uusan lumin hogaankii dalka,waxaanse idinku dhaliilayaa si cad wax badan oo aad gafteen una baahnaa  in wax laga qabto sida 

- mideyntad dadkeena

- dhisida ciidan qaran

- soo afjarida alshabaab

- dib u heshiisiinta ummadda soomaaliyeed

- geynta dowlada federaalka soomaaliya ilaa gurikasta oo soomaaliyeed halka ay maanta ku egtahay xamar.- geed ka soo dajinta soomaaliland.

- dhul ka qaadida hankii ummadda soomaaliyeed ee dowladooda

- tirtirista siyaasada ah madax soomaaliyeed oo ay u taliyaan beesha caalamka,U.N  E.U iyo in kaloo badan madaxdaasoo ayaguna usii taliya dadkooda.

- qaab xun u isticmaalka deeqaha ummadda soomaaliyeed la siiyo

- dowladii soomaaliyueed oo hal qabiil ka weynaan weydey tasoo ah wax yaalaha ummadda soomaaliyeed ku doodo iney dumisey qaranimadoodii.

- kui guul dareysi dib u soo celintii wadaniyad soomaaliyeediyo wax kaloo badan.

waxaase jira in badan oo halkan lahu soo koobi karin ayna qabatey dowlada hada wakhtigeedii dhamaadey.waxaase runtu tahay waxba kuma dari karaaan wixii ay qabteen waxna kama dhimi karaan wixii ay  qabteen waayo gaari kastaa mar ayuu warshada kasooo baxaa markii qof gatana ma noqon karo gaari kale.

sidaas darteed wixii ay qabteen waxay la mid tahay wado laga soo dhisey dhulka gaarteyna badda afkeeda loona baahan yahay dadkale oo yaqaan sidii waddaas loogu sii waddi lahaa badda dhexdiida loogu llan sii dheereyn lahaa badda dusheeda markii dadkii soo dhisey soona wadey ilaa dhulka keeneyna badda afkeeda meel ugama banaana marka wadda laga sii dhisayo badda waayo waxay rabtaa qalab cusub maskax taqaan sida waddooyinka looga dhiso badda sida maskaxdii shallay ahyed mid taqaan sida wadooyinka looga dhiso dhulka maanta adduunku waa isbadaley dhiibatada ummadda soomaaliyeedna waa sii badatey.marka waa muqadis isbadali.

waxaa muhiimadu tahay marka xukuumad wakhtigeedu dhamaado waxaa timaada mugdi weyn iyo arbushaad sharci oo dadka dhexdiisa ah,waxaan rajaynayaa in hantida qaran awooda qaran loo istcmaalin siyaasad ah wax uun kala sii har koley adigu ka hartaye iyo waliba ineysan arimahu kusoo gabo gaboonin ku sii dhaganoow aad hogaanka sii haysatide amaba aad kula tartantide kuwa usoo suxulo duubtey iney noqdaan madaxdii berito iyo kuwii kursiga kaa badali lahaa.

maanta waxaa na hor yaal soomaaliyadeenii oo inta hore aanu u qaribney hadana weli guran qunbacana loona baahan yahay in loo daayo hogaanka dalkeena madax u qalanta kana weyn qabiil eex nin jeclaysi,goboleysi,laaluush,iyo dhameystirid wixii qabsoomi waayey laguna darey waxqabad  cusub.

waxaan aad u dhaliilayaa in maanta dadka soomaaliyeed fashilmeen siiba inta xukunka raadineysa kuna raadineysa lacag,inta ka iibineysa kuraasta hogaanka ummadda soomaaliyeed.runtu waxay tahay hadii qof lacag ku raadiyey kursi kuna soo hor istaagey lacag uu soo bixiyey ummadda soomaaliyeed  wax uu u qaban karo dadka soomaaliyeed ma jirto.

sababtuna waxay tahay wuxuu soo iibsadey jago wuxuuna qofkaasi sii rabaa inuu ganacsigii uu ku soo helay jagadiis wax ka sii macaasho.iskana daa in wax qabaad laga sugo.

waxaan leeyahay hogaanka ummadda soomaaliyeed kumja jiro karo sida iyo si la mid ah,isbadalkasta waxaa keena shacab doonaya isbadal,ummadda soomaaliyueed waxaa daruufo adag ku haystaan dalkoodii inta jeebku qoyan yahayna uma babac dhigi karaan waayo waxayba la xarbin nolol maalmeedkii waa hadii aanan runta ka beensheegin.isbadalkastaa wuxuu mudan yahay in mar uun ummaddi u istaagto isu soo baxdo isna weydiiso horta yaa namatala anaga,kadibna hadii uu hogaankaasi saxan yahay la dabo galo hadii uu xun yahay na gacan bir ah oo mideysan laysaga leexiyo.

ummadda soomaaliyeed meel kasta dalkooda waa awoodan iney siiyaan hal  maalin oo ay kula xisaabtamaan madaxdooda hortoodana keenaan  tuulo ilaa magaalo madax xaafad ilaa ka xaafad hadii ay madaxdaasi fiican tahay ay mudan yihiin  iney daba gaal madaxdaas hadii ay xun yihiina isla meehaas isaga badalaan gacan bir ah.

waxaa isbadal imaan kartaa waa in marka hore ummadda soomaaliyeed ka waynaato qabiilka iskana badasho sida maanta ay u dhaqmayaan kuna badashaan wadaninimo buuxda waayo meel ugama banaana qabiil iyo eex,

waxaan soomaali ahaan mudo 26 lix sanno ah nafteedu dhageysaneynaa oohinteeda,waxaan daawaneynaa dhiigeena oo aanu daadineyno,waxaan hogaankayagii hoos keeney cadowgayagii,waxaan wali dhaafi la nahay kan madaxda ahi waa reer hebel oo oogtu waxay u dhisadn tahay reer hebel iyo xafiiskaas waxaa gala oo kaliya reer hebel.

waxayse arintu ku danbeyn hadii maanta xafiisyadii ummadda soomaaliyeed wadda lahaa hal reer wax u qabtaan  oo ay iska leeyihiin hal reer berina waxaa gali hal reer oo kalwe marka xukunku isbadalo reerkii shallay gali jireyna beri dibadoo joogi,

waxaan kuwada bad baadi karnaa waxna kuwada qabsan karnaa si aan maalinba reer looga celin wax qabadka dowlada soomaaliya in aanu isla lahaano si maanta waxqabadka dowlada iyo sharcigu u haado mid soomaali oo dhan ay wadda leeyihiin,berina isla sidii u haato oo dowlada ummadda soomaaliyeed wadda leedahay reer na banaanka loogu celin.

waxaan ummadda soomaaliyeed u sheegayaa in isdabalka aanu raadineyno gacmaheena uu ku jiro laakiin aanu garan la nahay siidii aanu miiska usoo saari laheyn.

waxaan hogaamisyaashii shallay ee ummadda soomaaliyeed leeyahay u ogolaada hogaan cusub dalkeena iyo dadkeena waayo waddaantu waa isu dhiib,ahaadana kuwii loogu noqon lahaa talladda dadkooda beri idinkoo qalbiga ummadda soomaaliyeed ku xardhan kana mid ah dadkooda soomaaliyeed ahna kuwo dadkooda ku dhexjooga nabbad xurmo,jaceyl fadhi uga kicid,tagi karana dacalkasta dalkeena dagai karana ciida hooyo meeshii naftiinu jeclaato.

waxaan leeyahay ummadda soomaaliyeed doorta madax iyo hogaamiye u qalma naftaada dadkaaga iyo dalkaagaba,hana ku gadanina qutulyoon maalmeed mustqabalkiiga,kan ilamahaaga,kan dadkaaga,kan dalkaaga si aad u gaarto riyada qalbiga kaaga jirta aadna waydey hogaamiye kuu rumeeya.

maanta waxaa ummadda soomaaliyeed u baryey waa cusub ee ka bax habeenka yuusan ku hareer marin hiigsigaagee.



Sunday, November 13, 2016

Maamulka Hiirshabeele ee Soomaaliya - Hambalyo Hambalyo Hambalyo.



marka ugu horeysa waxaan halkan ugu hambalyeynayaa shacabka soomaaliyeed ee hiirshabeele iyo shacabka soomaaliyeed guud ahaanba,waxaana leeyahay waad u qalantaan inaad maamul goboleed sameysataan,waadna u qalantaan inaad ka baxdaan maamul la aantii aad ku jirteen mudada badan shacabka soomaaliyeed ee hiirshabeelana helaan madax u matasha dowlada federaalka soomaaliya oo ay ummadda soomaaliyeed wadda leedahay wadana sameysatey.


marka labaad waxaan leeyahay maamulkastaa wuxuu leeyahay qayb qoondo lacageed ah waxkasta oo lagu helo ama soo gala ummadda soomaaliyeed kuna soo gala magaca dowlada federaalka soomaaliya.


waxaad hada hesheen qoondadii  ugu horeysey uuna ku dhaqaaqi karo maamulka hiirshabeele taas oo ah lacag lagu dhiso doono waddada isku xirta jowhar iyo xamar taasoo ah mid wax weyn ka badali doonto nolosha iyo hab u socodka shacabka soomaaliyeed ee degan kuna nool maamulka hiirshebeele,tasoo ku xiri doonto xarunta dowlada federaalka soomaaliya xamar,IYO UMMADDA SOOMAALIYEED INTEEDA KALEBA.


waxaa kaloo jirta qoondo lacageed oo wax ka dhaqaajin doonta qaybaha beeraha iyo wax soo saarka waana mid ay u baahan yihiin shacabka soomaaliyeed ee hiirshabeele.si aan uga baxno baryada shisheeye ileen biyo sacabadaadaa looga dhargaaye maadama aanu leenahay dhul beereed.


waxaa muhiimadau tahay in aan loo isticmaalin waxkasta oo dhaqaale ah oo shacabka soomaaliyeed ee hiirtshabeele ka soo galey dowlada federaalka soomaaliya si khaasa ama dhac ah lana gashan jeebka waayo waa wax ay wadda leeyihiin ummadda soomaaliyeed gaar ahaana gooni usii leeyihiin shacabka hiirshabeele,


lacag kasta oo la galiyo dalkeena waa mid ay muhiim u tahay in lagu fuliyo hawshii loogu talo galey,waayo waa qayb kamid ah mustaqbalkii ummadda soomaaliyeed.


dowlada federaalka ee hada jirta waxay markii ugu horeeysey soo gaco dhigatey magaalada baydhabo,waana laga soo rarey oo waxaa la soo dajiyey magaalada jowhar sababtoo ah waxaan dowladu tagi karin wakhtighaas magaalo madaxda dalkeena,waxaana halkaas kaaga cad in magaalo kasta oo dalkeena ahi ay muhiim u tahay jiritaanka ummadda soomaaliyeed,markii la doonana loo rari karo ama la geyn karo dowlada federaalka ee ummadda soomaaliyeed,


sidaas darteed maamulka hiirshbeele ee hada cagaha dhigtey waa qayb kamid ah aas aaskii dowlada federaalka soomaaliya.jowharna waa tii marti galisey dowladii ummadda soomaaliyeed ee ay wax ka laheyd kana sameysatey,waxayna shacabka soomaaliyeed ee hiirshabeele ka soo baxeen waajibaadkoodii kaga aadana jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo wax ka dhiska dowladdoodii,


shacabka soomaaliyeed ee hiirshabeele waa shacab usoo dul qaadtey dhibtii dagaalka sokeeye ,daadadka fahaada wabiga iyo colaad lagu dulmayey si ay hagaas uga noqdaan geedi socodka ummadda soomaaliyeed,shacabka hiirshabeele waa shacab wax ka sameysteey dowlada federaalka soomaaliya waana shacab sugey maamulkoodii si nabadeysan,


waxaan ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed ee hiirshabeele ee awal jagooyinka ka raadin jirey dowlada federaalka soomaaliya  iney hada jagooyin ka raadiyaan maamulka hiirshabeele waayo asaga ayaaba hada u baahan,waxaan suurta galeysa in ay boosaskii ay ka buuxinayeen dowlada federaalka soomaaliya ay badalanaa dadka soomaaliyeed ee wali aan sameysan maamul soomaaliyeed oo u matala dowlada federaalka soomaaliya,halkaasna waxaa sii jiraya isku xirnaanta ummadda soomaaliyeed iyo kalsoonidooda,si looga dheeraado dowlada federaalka oo lagu eedeeyo laguna caayo iney wada matalaan hal beel oo soomaaliyeed ama ay gardaadinayaan beelaha dega dhulka magaalo madaxda soomaaliya ku taalna u badan,


waxaa jirta in ummadda soomaaliyeed ka weynaan weydey qabiil markastana lagala soo baxayo qabrigii aanu jecleyn inuu noogaba jiro sidaas darteed waxaan rajeyn in maamulka hiirshabeele noqon mid u xeyd xeydta arimaha qabiilka,noqdana mid ummadda soomaaliyeed kusoo hirato,


ma fiicna in aragti ahaan la yiraahdo beelahaasi waxay leeyihiin maamulkaas marka laga hadlayo ummadda soomaaliyeed ee waxaa fiican ayna ku haboon tahay in layiraahdo shacabkaas soomaaliyeed waxay sameysteen maamulkaas oo u matala dowlada federaalka soomaaliya kagana mid yihiin ummadda soomaaliyeed.marka la yiraahdo maamul waa mid ka weyn qabiil iyo beelba,


waxaa dadka soomaaliyeed qaarkiis darbiyada la taagan yihiin kuna hadaaqayaan ereyo cadowga ummadda soomaaliyeed jeebabka ugu gureen lacagna ku bixiyaan si ummadda soomaaliyeed ee halka ah looga dhigo dad kala duwan ama kala fog iyo dal soomaaliyeed  oo kala go go an si ay u hirgasho siyaasada ah kala qaybi kalana fogee si aad u maamushid cadowna aysan kuugu noqon soomaalidu ama aysan kaala hor imaan cudud mideysan ileen ummadda soomaaliyeed waxay wali hiigsaneysaa wixii dadkii soomaaliyeed ee hore nooga tageen dhaxal ahaan tasoo ah soomaali mideysan walaalona ah.cudud jirtana ka ah geeska afrika.lagana gabado.


ereyada suuqa shisheeyuhu ku soo tuurey waxaa kamid ah puntland iyo jubaland waa walaalo galmudugna  waxaa hada u dhashey walaal cusub oo hiirshabeelo layiraahdo waxaanse leeyahay waxaa ummadda soomaaliyeed u dhashey maamul soomaaliyeed waxaana u dhalan doona maamulo kale oo aan wadda sugeyno.



waxaa jirta in maanta alshabaab haysato magaaloyin badan kana kala tirsan maamulada ka hir galey dalkeena soomaaliya waxaase maqan in layska kaashado in dib looga wadda xoreeyo oo maamulkii xoreeya magaaloyinka u matalo ummadda soomaaliyeed gacan ka geysto magaalooyinka kale ee maamulada soomaaliyeed ka haysato alshabaab ciidan iyo dhaqaaleba.si aan u wadda helno soomaaliya oo nabbad ah wanaagsan,kana kaaftoonta caalamka caawintiisa.


waxaa dhacdey in habkii siyaasadeed ee federaalka ayna ummadda soomaaliyeed dooratey  isu badaley dagaal cusub huwana qabiil ama aan oran karno qabiilkii ayaa waxaa loo gashey shaati maamul.waana mida ay mudan tahay in ummadda soomaaliyeed ka dheeraato,waxaa tusaale u ah in maamulka soomaaliyeed ee koonfur galbeed ayaa ciidamo  keeney jasiira kuna andacoodey  waa dhul hoostaga maamulka koonfur galbeed waase sax oo waa lawada ogsoon yahay taas laakiin ciidankaas waxaa looga baahnaa in la geeyo magaalooyinka maamulka koonfur galbeed ee soomaaliyeed ka haysato alshabaab ileen jasiira waa meel aysan joogin alshabaabe.


waxaa kaloo dhacdey in maamulka galmudug geeyay ciidamo magaalada gaalkacyo asagoo ku andacoonaya waa maamulkayaga halka magaalooyin badan oo maamulka galmudug ee soomaaliyeed ku jiraan gacanta alshabaab,loona baahnaa in loo daabulo ciidamadaas magaalooyinka ku jira gacan alshabaab ee maamulka galmudug.


waxaan maamulka soomaaliyeed ee hiirshabeele ugu baaqayaa in aysan lug ku yeelan dhooqada maamulada soomaaliyueed qaarkood dabaasheen niyada ummadda soomaaliyeedna dhaawacey kalana didiyey dadkii soomaaliyeed ee laysku daweynayey layskuna sid kayey,cadowgooda harka ahina wali ka harin oo wax u maleegayo.


waxaan sanooyin badan ku qaylinayay war aanu mideyno ciidamada maamulda dowlada federaalka soomaaliya si ay meesha uga baxdo siyaasad qabiil huwan sidatana magac maamul,nasiib daro se waa la arki waayey meelna lagama  qaadin waxaase wax garadka soomaaliyeed u muuqatey tan maanta taagan iyo mid kasii daran.ay imaan doonto.


hadii maamulkasta loo sameeyo booliis iyo nabbad sugid hoos tagta dowlada federaalka soomaaliya waxaan loo baahaneyn ciidan gooni ahaan u matala maamul soomaaliyeed,


hadii maamulkasta ciidankiisa lagu magaaco ciidanka dowlada federtaalka soomaaliya laguna dhafo ciidamada maamulada  kale si is leg waxaa meesha ka baxaya ciidan beeleed ama ciidan maamuleed khaasa,waxaana jiri doonin ciidan soomaaliyeed oo isku haysta ciida soomaaliyeed.kalana matalaya beelaha soomaaliyeed,waxaan oran karnaa waa laga gudbi karaa arimaha qabiilka ee lagu maldahayo magaca maamulada soomaaliyeed,


ma aha in layska indho tiro lagana habaabo jidka ummadda soomaaliyeed u raaci karto jiritaankooda muqadiska ah,mana aha mid aan afka ka xiranayo,


dowlada federaalka soomaaliya waa ay ku guul dareysatey iney sameyso ciidan qaran isku dhafan is le eg matalana ummadda soomaaliyeed oo dhan si aanu uga kaaftoono ciidamada shisheeye ee dalkeena jooga si ummadda soomaaliyeed dhexdeda dhiig ugu daadan,waxaa kaloo ay ku guul sareysatey in jagooyinka dowlada fedraalka si buuxda ay uga shaqeeyaan beelaha ay ummadda soomaaliyeed ka kooban yihiin guud ahaan taasina waxay keentey in maamulada qaarkood kalsoonida kala noqdaan dowladii wakhtigeedu dhamaadey ee ummadda soomaaliyeed.


maanta waxa na hor yaal waa dalkayagii dadkayagii ayna mudan tahay in dib loogu hagaajiyo waddadii hiighsiga ummadda soomaaliyeed waligood maankooda ay ku hayeen markii ay jaanta iyo cagta saareena laga turan tureeyay,ayadoo la door bidey qabiil eex, laaluush,daneysi shaqsiyadeed oo khaasa,kursi jecleysi.


waxaan ummadda soomaaliyeed leeyahay indhahiiuna yaysan idinka uun iskiin tusin ee waa in la arko cadowga ummadda soomaaliyeed,kii waligiis jirey kan ka daba yimid iyo kan anaga naga dhex dhasheyba.waxaa hubaala gacmo wadajir ayay wax ku gooyaan.


maamulka hiirshabeele waxaan leeyahay noqo kii la sugayey noqo kii ay ummadda soomaaliyeed sameysatey noqona kii loo hanweynaa noqona kii ummadda soomaaliyeed kusoo hiran jirtey markii ay isu socdaan dhexdoodaba, 


dhulka soomaaliyeed ee hoos yimaada maamulka hiirshabeele waa midkii ayadoon ummadda soomaaliyeed lagala tashan laga xirey biyaha waa kii kaalinta weyn ka qaadan jirey nafaqeynta ummadda soomaaliyeed waa kii aanu kaga kaaftoomi jirney waxa ummadda soomaaliyeed hada looga keeno dibada waana kan aanu dib uwadda manaafacaadsan doono kagana bixi doono baahida dadkeena qabo.waa hadii aanu ku dheehno soomaalinimo waa hadii aanu u istaagto wax soo saar waa hadii aanu u sitaagno jiritaanka ummadda soomaaliyeed,


dalkeenu waa barqaawo qaybi waxay ku fiican tahay beeraha,qaybi waxaa ku jira shidaal,qaybana macdan,qaybo waa munaafacaad badeed waxaase runtu tahay markii aanu wadda istaagno wadda dhisno dalkeena waan tirtiri karnaa baryada, waan ka gudbi karnaa waa lana quudiyaa,waxaan hubaala in dadyowga adduunku noobahan yihiin inaan wax kala ganacsano,


inta ka horeysa waa inaan raadino soomaaliya oo ka weyn qabiil iyo maamulkaas waa reer  hebel,maamulkasta oo dalkeena ka hana qaada shacabka ku nooli waxay hoos tagayaan maamulkaas asaga ayaana laga rabaa inuu ilaaliyo xaquuqdooda soomaalinimo una matala dowlada federaalka soomaaliya si kasta oo maamulkaas  ugu kala badan yihiin beelaha soomaaliyeed.


ummadda soomaaliyeed waxaan leeyahay waxaa noo baryey waa cusub ee waa inaan samaysanaa dowlad u qalanta ummadda soomaaliyeed iyo dalkeenaba dadyowga adduunkuna ku ixtiraami karaan, qabka iyo jirtaanka  ummadda soomaaliyeedna  aan qiilqiil lagu galin karin.


ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqeyaa inaan u istaagno jirataankayaga iskana leexino madaxdii ka leexata hayaanka  ummadda soomaaliyeed ay ku hiigsaneyso jiritaankeeda.


waxaan balan qaadayaa hadii aan qabto hogaanka ummadda soomaaliyeed ciidan qaran lagana kala keeney maamulkasta waxaan meesha ka saarayaa ciidamada maamulada matala ee kala wata calanada maamulada waayo ciidan wata calana soomaaliyeed xabbad kuma rido karo ciidan kale oo wata calan soomaaliyeed.waxaan dowlada federaalka soomaaliya wasaarada wasaarada gaashaandhiga hoos keenayaa asakari kasta oo soomaaliyeed xirana calanka soomaaliyeed.maamulkastana waxaan ka xayuubin amarka ciidama qaranka soomaaliyeed si isku dhacdanbe oo ciidan uga imaan ciidanka qaranka soomaaliyeed dhexdiisa.waa ciidan tayeysan kana kala yimid beelkasta oo soomaaliyeed si is le ege,waxaana hoos keeni wasaarada gaashaandhiga soomaaliyeed.


waxaan magaalo madaxda dalkeena ka dhigayaa mid ay wadda leeyihiin ummadda soomaaliyeed hal beelna aysan ku rati kacsan aysan is xijin.waxaana kusoo celin ummadda soomaaliyeed ee ka carartey ilaa hadana dusha ka daawanaya magaalo madaxdoodii kana baqaya,una nabbadeyn si aysan uga baqin kusoo noqoshadooda,


waxaan soo afjari joogitaanka ciidamada shisheeye ee jooga dalkeena kuna badali ciidamo tayo leh,wadaniyaal ah una qalma iney umadda soomaaliyeed u sidaan qoriga iyo calankaba,waxaan mamnuuci ciidan beeleed,waxaan mamnuuci qof qori sita hadii uusan aheyn ciidan qaran,waxaan hubka lagu dhexsito shacabka iyo  magaalooyinka dalkeena ka dhigi mid aan soo dhaafin xeryaha.waana markaan soo afjaro alshabaab si cad u sugana deg deg.


dadkeena iyo dalkeenuba kuma jiro karo sida hada xaaladu tahay waxaase muqadis ah isbadal cad,gacan bir ah oo loola tago nabbad ku soo celinta dalkeena rajo usoo celinta dadkeena iyo runta oo gabaad laga dhigto.dadkeena iyo dadkeena oo daacad loo noqdo lagana dheeraado cunista shilllinkii ceelka loogu qodi lahaa,cunista mushaarkii askariga alshabaab xabada kala hor tagi lahaa.iyo cunista shadaalkii ummadda soomaaliyeed loogu gurman lahaaba.


waxaan qalbiyada ummadda soomaaliyeed ka tirtirayaa iney niyada ku hayaan in nin shisheeye matalayana dal shisheeye oo diyaarad ka soo dagey uu dalkooda u wanaajinayo una dhisayo,inuu nabbad u keenayo iyo inuu hooyo iyo aabe u noqonayo ummadda soomaalikyeed oo dhan.


waxaan leeyahay dooro hogaamiye iyo madax u qalma naftaada dadkaaga iyo dalkaagaba si aad u gaarto waxna uga gaarto hiigsiga ummadda soomaaliyeed una hirgalo hamiga ummadda soomaaliyeed kasoo ah soomaaliya oo mid ah soomaaliya oo dhisan dadkeena soomaaliyeed oo isku filan kana mid ah adduunkan maanta.








Wednesday, November 9, 2016

waxaan rajeynayaa in kursiga ummadda soomaaliyeed korkiisa aanu isku dul xag xagan.

Donald Trump, as depicted in the 2000 episode Bart to the Future and now he is elected.

1.  Donald Trump was president

In 2000, Simpsons writer Dan Greaney folded in the notion of Donald Trump as President of the United States into a grimly dystopian episode called Bart to the Future. Under Trump's management, America in 2030 had been crippled financially and was relying on bail-outs from China and Europe. The country's only chance? The victory of presidential candidate Lisa Simpson. The person who actually saves the day, however, is her down-and-out brother Bart, whose experience in dodging debts gets America out of its deficit. 
Greaney said earlier this year that a Trump presidency, 16 years ago, "just seemed like the logical last stop before hitting bottom. It was pitched because it was consistent with the vision of America going insane."


HADABA WAA MUQADIS IN ISBADALKA AY DOONAYAAN UMMADDA SOOMAALIYEED.

waxaan aad iyo aad uga xumahey maanta dalkeenu halkuu marayo,waxaa jirta in dagaaladii 1990 ay dib usoo food saareen ummadda soomaaliyeed kuwasoo hada ay dad kale ku rati kacsanayaa,

waxaan dalkeena ka socota hogaan badalis ka timid shacabka soomaaliyeed waxaase kale oo socota in dalalka aanu wax weyn ka tabaneyno ay ayagu laftoodu gudaha ka noqdeen kuwo liiq liiq qanaya,
ayna saameeyeen isbadalis xaq ah siiba dalka itoobiya
kasoo dadkiisii kacsan yahay una diyaar garoobey iney la jaan qaadaaan adduunka,waxaase jirta siyaasad qarsoon oo lagu amaan galiyo itoobiya waana mida dadkeenu maanta fahmi waayeen qaskii ka taagnaa itoobiyana loo soo wareejiyo soomaaliya,waxaase masiibo soomaaliyeed ah in horjoogayaasha ummadda soomaaliyeed ee wakhtigan qalbigoodu qaban waxa maanta ka socda dalkeena uu yahay wax nalaku soo xawiley,

waxaanse kale oo nasiib darro ah wax garadkii oo qalbigoodu dib ugu noqdey 1990.waxaa kasii daran iska indho tirkii layska indho tirey in ummadda soomaaliyeed si cad bayaana dib loogugu heshiisiiyo,lana dhinac marey.arintaas.markii uu hogaankii dalka khaldamey waxaa is arkey dadkii soomaaliyeed.beel walibana kiish wax tirsasho ayay muska kala soo baxdey.waayo waxan la daaweyn dagaalkii sokeeye.

shalay dalkeena waxaa ka dhacey dagaal sokeeye maantana waxaa ka bilowdey dagaal sokeeye 26 sanno ka dib waxaase murugo ah in dadka soomaaliyeed dowlada hada wakhtigeedii dhamadey ku cadeeyaan iney tahay mid beeleed.ummadda soomaaliyeedna halkaas ku weydey kasloonidii midnimada.
waxa hada socda waa kala guur cad ama isu soo gurr cad,waxayse ku fiican tahay in waxgaradku iska ilaaliyaan siyaasadaha ay dhex boodayaan ee loo soo dhoofshey kalana geynaya ummadda soomaaliyeed.
waxaan leeyahay aanu ka dheeraano dowlad beeleed,aanu ka dheeraano inaan dib ugu noqono 1990.waayo waxaaba jira beelo soomaaliyeed oo wali wax tisanaya lagana dhageysan  in la raali galiyo,iyo in waliba miis lala soo fariisto.

waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa nabbad waarta,in dib loo wadda heshiiyo,lays cafiyo,eegnana hareeraheena intaan is arki laheyn anagu.

waxaan maamulka galmudug ugu baaqayaa iney wax ka ilaaliyaan nabbada joojiyaana dagaalka aysana horseed u noqon siyaasada lagu daaweynayo dalal kale,waxaan kaloo ugu baaqayaa iney wax ka radiyaan xoreynta magaalooyinka alshabaab gacantooda ku jira ee hoos taga maamulka galmudug.
daayaana ku yabooha soo celintii dagaalkii sokeeye ee dadkeena.

waxaa muhiimadu tahay in dalkeena aanu u doorano hogaamiye u qalma dadka iyo dalka,si aanu wax ula qabsano adduunkan maanta.


Friday, November 4, 2016

yesterday was yours,today is ours,tomorrow is our future.



we have being watching and waiting our somalia,while some nations were dragging us with their rope for their interests,and we have being divided in to regional system,dough money is gained over our name and land and ourselves via nations who gave it as good will payments to build somalia again.thanks for it, but it went to the pockets of our old enemy.

our poeple are neglected as refugees in or out somalia,today is ours today and tomorrow is our future,we can tame our mad mullahs,extremists,or even ileminate them.
it is not a sin saying NFD is ours and we want it back for good nor we fear to say and claim back somali west region ^^^ogaden^^^^ under ethoipain rule.
some nations accustomed gaining money over somalia and feeding it to their folks like kenya ethopia uganda when others came for our borders and seas and talking about it on the so called international erana,while somali leaders are filling with their pockets just  tips with  blame and disgrace, when ours sons are drowning in the seas or bombed over head as chosen to be cleaned or even not to exist in land somalia,when we can tame our mad mullahs and extremists or even eliminate them by our way with less cost.
the federal system of somalia is broken now,and the regional policy is at graveyard by confronting states who excavated tribalism skeleton out of graveyards covering it now with border expansionism with renewed civil war.
our forefathers laid down a road of unity and dignity and with self rule,and we can not go away or walk away from it,because many sacrificed their life for us.and went to their second life so we can live.
we, somalis are awake now for peace,for holding our existence with our hands and part of the world community,and not being the children of the world community.

Wednesday, November 2, 2016

AMIN MUSSE - musharaxa madaxweyanaha 2016

U.S.A SPEAR HEADING NATO IS No1 WORLD MILATERY POWER..


World like age wars, the wars of the middle centuries. the wars that brought the world fronts in one place which continents cross fought each. the deadly wars of Europe were many-sided to and fro each other. the European wars that caused the separation of faith and government.

But the power of the military was shifting since the world fought the first world war and second world war the outstanding military power which fought alone or with aliens was the US military power.
Today countries in the world see US military power as saving balance of many troubles to come and a friend to lean on when battles are fought and reserves come short. 

Any world war which is to come will be the costs the deadliest and the most dangerous to human existence of today cause of the technology the deadly sting weapons some countries develop like the nukes.

The US military power will always and will still dominate the global military battle if ever any battle is fought there is no dought about it but as we see underground military situation of some country regrouping or siding with each other NATO will never be out of the picture and as the biggest hand hammer of any world battle which yet to come.

We all know wars are bad wars ruin lives but mankind will always fight within themselves but we have to seek peace if war breaks out sometimes it can be the pre-warned so-called armageddon one.
let's hope we maintain balanced peace for the world and mutual respect for any situation which can bring the chaos of wars and carnage chich can remind us media out cried world like no go area civilian fled military were poring to that front and many other nerves rising headlines wars.

By.
AMIN MUSSE.



  
 

Wednesday, October 5, 2016

Waxaan balan qaadayaa isbadalkii ummadda soomaaliyeed.


waxaan balan qaadayaa hadii aan qabto hogaanka ummadda soomaaliyeed inaan  ummaddeyda ka tirtiro dhaqanka loosoo dhoofshey soomaalidana kala reebey loogana dhigey dadkeena hab siyaasadeedka iyo jidkii lagu hagi lahaa, qalbigana looga xirey qofkastoo soomaali hogaamiya ama horseedaba horjoogayaasha hada iyo kuwii horeba taasoo ah,
A - soomaali naftiisa gadaya ama la gadayo
soomaali inta inta carara wadaado isu gacan galinaya is qarxinaya waxna qarxinaya waa soomaali naftiisa gadaya,
habkan soomaali naftiisa gadaya waxaa ku dhamaadey dhalinyaradii soomaaliyeed waxaana cilmi looga dhigey kitaabo laga keeney dalalka carabta iyadoo la dhinac marayo quraanka kariinka ah,
WAXAA MASKAX KA BADALAAYSHA dhalinyarada soomaaliyeed fursad ku heleen dhalinyaradii oo waxbarshadii uu seejiyay dagaalkii sokeeye iyo kan hada ay wadaan kuwa xagjirka sheeganayaba,dhibaato nololeed oo qoto dheeratey dhaqaale xumo wax barasho la'aan waxay sababtey in dhalinyaradii iyo waayeelba noqdaan kuwo naftooda gadaya,dhalinyaradii looga soo aruurshey wax ayan idin bareynaa wuxuu salkoodii noqdey kuwo cidlo lagu daadiyo lagulana dagaalamo isla ummadda soomaaliyeed,ayadoo ay keentay naf la gadayo,dowlad la'aan darteed ayna gadayaan kuwo diidan nabbadda iyo meesha ummadda soomaaliyeed u socoto,
B - soomaali dalkiisa ama dowlada ummadda soomaaliyeed gadaya.
soomaali inta NGO lacag lagu cunayo badan looguna mana sheeganayo waxaan caawiney dad soomaali layiraahdo hadana soomaaligii hor ordayey shilimaad yar jeebka loo galinayo waa soomaali dadkiisa gadaya,
soomaali aan la hubin inuu danbi argagixiso lug ku leeyahay jawaan madaxa loo galinayo itoobiya ama kenya amaba mareykan gacanta laga saarayo waa soomaali la gadayo,
iyadoo soomaaliga danbiga gala ay mudan tahay in dalkiisa hooyo maxkamad lagu sooro lagu xabiso loogana jaro wixii danbi ah ee uu ka galey ummadda soomaaliyeed hadii uusan danbi laheyna laga raali galiyo,wixii gaareyna magdhow laga siiyo,sababta aan mar walba u dhaho horjoogayaasha ummadda soomaaliyeed waxaa weeye qof hogaanka uumadda soomaaliyeed sheeganaya ayaa wuxuu isu arkayaa inuu u shaqeeyo kenya iyo itoobiya amaba dalkale uuna waliba masuul uga yahay ummadda soomaaliyeed halkii asaga ummaddiisa loo daba fariisan lahaa ummaddiisuna ay asaga daba gali laheyd.
C - soomaali dalkiisa ama dowlada ummadda soomaaliyeed gadaya.
waxaan aad iyo aad u dhaliilayaa una canbaareynayaa madaxda caadeysatey iney tagaan shir qowmkeena soomaaliyeed arimahooda lagu falan qaynayo hadana ayagu matalaya soomaali oo dhan ileen waxa laga hadlayaa waa dhib iyo dagaal haysta ummadda soomaaliyeede hadana waraaq wax loogu soo qorayo saxiixana la leeyahay, taasina waa soomaali gadaya dowladnimada ummadda soomaaliyeed,kursiga uu ummadda u matalayna aqoon habkii loogu fariisan lahaa,
saxiixa qalinku waa wax fudud laakiin waxa warqada la saxiixayo ku qorani waa wax quseeya ummadda soomaaliyeed oo dhan mana aha wax fudud iyo wax deg deg talo la'aanteed laysaga saxiixo karo,
sida caadada ah wax ummaddi saxiixeyso saameeyana aayahooda waxaa la saaraa codeyn dalkeenuse ma joogo xaalkii codeynta waayo waxaanba wali raadioneynaa nabbad,waxaase meesha ka maqan talo dib laysugu noqdo marka ay noqoto heshiis lug ku leh ummadda soomaaliyeed,badana waxaa heshiisyada ummadda soomaaliyeed hada lug ku yeeshaan beesha caalamka oo magacyo badan kalana duwan wadata waxaase badanaa warqadahooda nalookugu soo xariiqaa wixii ay doonaan amaba jidka ay nala doonayaan inaan raacno.
heshiis qaran waa heshiis matala ummadda magacooda lagu saxiixey oo dhan mana aha wax sahlan,
waxaa jirta in hada dalkeenu dagan yahay yacan yahay cidii sad bursi rabtana soo aadeyso,waxaase caado noqotey arinta ah soomaali dalkiisa gadaya ama wax uun iska saxiixya,
hadii aan qabto hogaanka ummadda soomaaliyeed waxaan joojinayaa saxiix kasta oo ka dhacey ama ay galeen xukumadihii hore ee soo marey ummadda soomaaliyeed laguna khiyaamey ama looga faa'iideystey,amaba dan gaara lagu watey waa heshiis kasta oo aan wax faa'iido ah u laheyn ummadda soomaaliyeed.
HADABA UMMADDA SOOMAALIYEED WAA KA GUDUBTEY WAKHTIGII AY HOGAAMIYE BEELEED AMA HOGAAMIYE BEENEED U DABA FARIISAN JIRTEY JIRITAANKOODA.
MAANTA WAXAA IFAYA WAA ILEYSKII UMMADDA SOOMAALIYEED.
Ee u codee hogaamiye u qalma naftaada,dadkaaga iyo dalkaagaba,dalkeena meelkasta iyo jago kasta ha xaqirin jiritaankaagee.

Monday, October 3, 2016

Walee rati Buubaal ah inta Haamo Saarano Nooma Dhaamiyo Soomaaliyeey.













WALEE RATI BUUBAAL AH INTA HAAMO SAARANO NOOMA DHAAMIYO.
shacabka soomaaliyeed waxaa daashadey dagaalka sokeeye iyo mid diimeed waxaana sii dheer intaas
dad gadaya naftoodii,soomaalina ah
dad gadaya dalkoodii,soomaalina ah
dad gadaya dadkoodii,soomaalina ah,
waxaan aad u dhaaliiyayaa ugana soo horjeedaa waa iska dhagatirka rabitaanka shacabka soomaaliyeed ee ah madax u qalanta hogaanka naftooda,
shacabka soomaaliyeed waa bislaadey waxayna ilaa hada hiigsanayaan raad raac ah dowlad sax ah una siman dadka soomaaliyeed,
waxaan kaloo aad u dhaliilayaa quwada iyo xooga ku jirta shacabka soomaaliyeed ee qaarba geedka lagu xirtey hadana aan midoobeyn walina la ooynaya dhexdayada kama soo saari karno kii na hogaamin lahaa iyo wali waa naloo soo dooraa hortada ayaa lagu soo takhaantakheeyaa si aan u daba galno una dhahno madaxweyne.
waxaa hada la joogaa wakhti ay mudan tahay in dadka soomaaliyeed midoobo maadama ay naga soo hor laabatey dhib badan oo dadkeena dib u dhigtey burburisayna dalkeenii,
waxaan wax maanka ka dagaya aheyn in nin inta qabiil lagu doorto hadana layiraahdo wuxuu matalaa ummadda soomaaliyeed oo idil.
ninkaas la doorteyna dhaafiba waayo reerkiisa,laakiin uu magac yaal ahaan u sito inuu matalo dadka soomaaliyeed oo dhan.
waxaan wax macquula aheyn in dalkeena awoodiisii noqotey mid shisheeye gacanta u gashey NGO iyo qunjuraaf ka sii daran ayna ku rati kacsadaan meeshey tagaan dad soomaaliyeed kuwaasoo fulinaya daba dhilif u noqonaya dhuunina ka doortey shaqadii ummadda soomaaliyeed ay u matalayeen,
qaylo dhaanta ummadda soomaaliyeed waxay soo jiitameysey ilaa mudo badan laga bilaabo 1990,waxayna soo gaartey 2016 intaas dadka soomaaliyeed rajadoodu hoos uma dagin maankoodana kama bixin maalin ayaa LA DOOGI DALKU DAGI DADKEENUNA CIYAAR DHAMEED TUMAN,
hadaba socod waddo dheer ah ka dib waxaan maanta joognaa maalin ay mudan tahay muwaadinkasta oo soomaaliyeed u hiilyiyo naftiisa kana weynaado qabiilka,nin eexsiga,laaluusha,xagjirnimada,kana wadda mid noqono unkida mustaqbalkii ummadda soomaaliyeed ee hada jirta iyo jiilalka soo socdaba.
waxaan mar labaad ummadda soomaaliyeed ku baraarujinayaa una sheegayaa ineysan dhibta dadkeena iyo dalkeenaba aysan hareynin hadii aanu u wadda istgaain gacmahana aanu is wadda qabsan waayo far kali ah fool ma dhaqdo,hadiii hogaankii ummadda soomaaliyeed mar kasta lala kufo waxaa badali kara isna bad baadin karaa waa shacab wadda jira.
hadaba ka weynoow qabiilka qadari naftaada dadkaaga iyo dalkaagaba una codee dalkeena oo idil jagada booskasta ee dowladnimo hogaamiye kuu qalma
yaysan arinteenu noqon dadkii haamaha saartey ratigii buubaablka ahaa hadana doonayey iney biyo helaan.layskuma heli karo waxaan rabaa soomaaliya oo wanaagsan dadka soomaaliyeed oo hagaagsan waxaana qalbiga ku haysan qabiil waxaana dooran qof u yimid una soo hor istaagey ummadda soomaaliyeed jeebkiisa.
waxaan hada lugta saarney wakhtigii la soo af jari lahaa dhibta ummadda soomaaliyeed meel walba dalkeena qabsan laheyna xarig adag oo soomaalinimo.soomaaliya soomaali ayaa leh anaga ayayna mudan tahay inaan ku noolaano is hogaamino kuna meel marno talo iyo caqli aanu leenahay.

Tuesday, September 27, 2016

I stood up and all i saw was our enemy around us and everywhere, I looked around again i saw my people being left behind by all the world's folks.but luckily i found the way out to our FUTURE.


WAA MUQADIS IN BARIGA AFRIKA SOOMAALIDU KA TALISO.





WAA MUQADIS IN BARIGA AFRIKA SOOMAALIDU ISKU TALISO KANA TALISO.
ma yeelin taadana diid toodana yee markey arimahu diin isugu soo biyo shubtaan,
ummadda soomaaliyeed waxaa loo jajuubey dad dhul iyo dadba ka haysta,shilimaanta ay dadka,adduunku ugu tabarucana wax ku yeela jiritaanka ummadda soomaaliyeed qaarkoodna kuba laaya kuna af xira si aysan qayladoodu u gaarin fagaaraha adduunka iyo dadyowgii bixiyey shilinka dadkeena laayey,
hadii aan hogaanka ummadda soomaaliyeed qabto waxaan balan qaadayaa in dadka soomaaliyeed xukumaan itoobiyaanka, dadka soomaaliyeedna waxaan ka hoos saarayaa xukunka itoobiya.maadaama ay u jan jeeraan ilaa hadana leeyihiin astaamaha xayaanka iyo dhaqankiisaba macquulna aysan noqoneyn in bini'aadam dhaqan xayawaan lihi xukumo bini'aadam taam ah.itoobiyaanka iyo kenyankuba uma qalmaan iney soomaalida xukumaan.
waa danbi weyn in dalal badani u jujuubaan ummadda soomaaliyeed itoobiya iyo kenya iyagoo qiil qarsoon uga dhigaya diin.
ma aha af lagaado aan qowm u saarayo lakiin waa wax jira oo xaqiiq ah,
hilib ceeriin oo la cuno waa dhaqanka xayawaanka iyo oontiisa.
jirka oo la jeex jeexana waa u dhwaanshaha xayawaanka iyo astaamo xayawaan.
ummadda soomaaliyeed waa qoomka ay muqadiska tahay iney isku xukumaan xukumaana geeska afrika.
waana mid ay muddan tahay ummadda soomaaliyeed hiigsigoodu khasabkana ah.oo aan cidna loo daba fariisaneyn.jiritaanka ummadda soomaaliyeed malaha GORGORTAN.
bariga afrika cida loo daba fariisan karo waxna laga weydiin karaa waa dadka soomaaliyeed,waayo dalalka dareiska la ah soomaaliya ama dadyowgooduba waxay isku dayeen iney tirtiraan jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyagoo mar marsiiyo ka dhiganaya arimo diimeed,oo aan meeshaba ool waxayna kalifeen in dadkii soomaaliyeed siiba noqdaan xagjiro macangagiin ah,taasna waxay keentey kala qaysanaanta ummadda soomaaliyeed waana gundhigii siyaasada ay nagu soo weerareen markii lakala soko marsadey dadkeenii laysku direy dadkeenii,

arinta ummadda soomaaliyeed loola yimid waxay aheyd taadana ka tag tayna yeel,
ficilkaas foosha xun ee dadkeenii siyaasad ahaan lagula dhex raftey wuxuu dadkeenii ku noqdey nabar aan daawo laheyn ilaa lala jaro adinka mooyee,
waayo marka arimaha diinta laga hadlo dadkeenu waxay u kala baxaan dhowr qaybood,qaybta uga darana waa kuwa yiraahda waxa meesha marayaa waa cadow guud ee ma aha mid anaga noo gaara,
marka lasii baarana waxaad arkaysaa dal soomaaliya dad iyo ciidan ugu soo direy MATALAAD CAAWIN xaga kalana ku dulminaya soomaalidii ku hoos nooleyd ee khasabka uu ku haystey,
hadaba waxaan leeyahay soomaalida aad u soo gurmateen iyo tan aad jajuubka ku haysataanba layneysaana waa isku mid waana isku dad,waana isku magac.waana isku af isku dal isku diin.
inta kenyta ku jirta ee la khaldtayna WAA XAGJIRIINTEE anagaa naqaan sida loo soo af jari lahaa ,loogana soo reebi lahaa kuwo la dan ah ummadda soomaaliyeed waxna ka hiigsan kara GEEDIGA UMMADDA SOOMAALIYEED KU JIRTO EE AH SUGIDA JIRTAANKOODA.
MAANTA BARIGA AFRIKA WAXAA KA ISTAAGEY UMMADDA SOOMAALIYEED DOONEYSANA XAQII KA MAQNAA ILAA QARNIYO,DOONEYSANA INEY KA MID NOQDAAN ADDUUNKAN LAGA WADA RAADINAYO NABBADDA IYO HORUMARKA,LAGUNA WADDA NOOL YAHAY XEER IYO MAAMUUS KALA SAARA JIRITAANKA QOWMAMKA HORE U MAREY.
ummmadda soomaaliyeed waxaan leeyahay waan hurudney intii awoodeena aheyd waana nala haystey intii aanu hurudney,adduunkana waxaa looga hadlayey danteena afka ummado kale ee aan u istaagno jiritaankeena dhisano dhulkeena,gacmaheena ku haysano tallada dalkeena iyo dadkeenaba iska dhex doorano madax u qalanta hogaanka ummaddeena laga bilaabo DERIS ILAA BAARLAMAAN,ILAA VILLA SOOMAALIYA ,SI UU DAGAALKA MACNO DARADA AH,GAAJADA ,QABIILKA,IYO MURANKA HOGAANKA UMMADDEENUBA INTAAS UGU HARAAN.

Sunday, September 25, 2016

UMMADDA SOOMAALIYEED MA AHA XAWAYAANKII ADDUUNKA LAGU QALANAYEY.





UMMADDA SOOMAALIYEED MA AHA XAWAYAANKIII ADDUUNKA LAGU QALANAYEY.

ugu horeyn ummadda soomaaliyeed

- uma qalmaan in hindi jiid jiidto daadinayo dhiigooda,uma qalmaan in sudaani gado sidii xayaankii,
- uma qalmaan in liibiyaan xero ku xareysto sidii dulaalkii xoolaha kala gadayey,uma qalmaan dumarkeenu in ragga soomaaliyeed oo xaadira lagu dul qabsado ayagoo waxba u qaban karin lehna TOL BEELI  WAAYEY  SOOMAALIYEEY.ileen masiibadu waxay mareysaa mid soomaaliyeede.
- uma qalmaan in badda looga soo guro sidii kalluun sumoobey,
- uma qalmaan in lagu qiimo tiro qaxooti ahaan adduunka daafihiisa,
- uma qalmaan in ayagoo dhulkoodii hooyo jooga hadana lagu maamulo gacan hoorsina ku noolaadaan,
- uma qalmaan in dal boobey qayb dhulkeena ka mid ah uu dadkeena ciidooda hooyo ku xaqiro soomaalidii  ayaga nafta kula cararaytey meel kusoo oodo ayagoo laga dhigayo laaji.magacoodana adduunka looga tuugsanayo,marna adduunka in loola qaylo tago waanu ka musaafurin ciidadooda hooyo.xaqna ma leh.
- ummadda soomaaliyeed uma qalmaan in hadba madax looga dhigo safka horena loogu soo tukhaan tukheeyo soomaali dantiisa raadinaya jeebka loo soo galiyey sanuud,si loo sii jahh wareeriyo hogmaanka uummadda soomaaliyeed iyo jiritaankoodaba.
- ummadda soomaaliyeed uma qalmaan in qaarkood adduunka daafihiisa isku gubaan inteey quus gaaraan.

HADABA AYADOO LA HELI KARO WADDADII WANAAGSANEYD EE JIRITAANKA UMMADDA SOOMAALIYEED SUGEYSEY LOONA MARI LAHAA MA AHA HADBA IN LA DAFO HOGAANKA UMMADDA SOOMAALIYEED LANANA MARO WADDO QARDO JEEX AH HALISNA  KU RIDEYSA   JIRITAANKA UMMADDA SOOMAALIYEED.MEELNA AAN U DHAQAAJINEYNIN HORUMARKII UMMADDEENA HIIGSIGEENIINA KA DHIGEYSA WAXBA KAMA JIRAAN JAAH WAREERESAN.

sida aan wadda ogsoonahay dalkeena waxaa ka dhacay dagaal sokeeye,kasoo dhibtii uu nagaarsiiyey nooga sii darnaatey in dadka soomaaliyeed dunnida naloogaka sheekeysto WARARKOODA ayagoo la sheeg sheegayo masiibada dhulkeena iyo dadkeenaba saameysey qiimahayagana ay hoos u dhigaan wuko aan noo qalmin,anagoo intaas ka qab weyn kana dhaladsan,dalal badanina  dadkoodu  magacayaga isku cabsiiyaan iyo dhibaatooyinkayagaba,,sidii qisadii ka dhacdey mareykan,

shacab ku gadoodsan booliiska ayaa qaarkood waxay ku andacoodeen xataa iney lasoo dagaalameen burcad baddeeda soomaaliya,waana yaab.

waxaan mudo labaatan iyo lix sanno ah ku mashquulsanaa sababta keentey dagaalkii sokeeye ee dadkeena,wareysi badan xog ururin badan iyo miisaamid xageyga ah ayaa waxaa gunaanidkii noqdey dagaalkii sokeeye ee dhibtaas weyn noo geystey wuxuu salka la galey cadow qarsoonaa iyo mid muuqdey,
dadka soomaaliyeed waxaa dhankasta looga keeney dagaal noocyo badan leh,

mid dhaqaale bur buris af,
mid dhiigooda isku daadin ah,
mid dhulboob ah,
mid bad boob ah,
mid dal burburis ah,
mid xoriyad ku qabsi ah,
mid diin ka badalis ah,
mid dhaqan ka badalis ah,
mid jiritaan diid ah,
iyo in kaloo badan lana soo koobi karin.

waxaase ugu sii darnaa dagaalkii loola yimid maskaxda muwaadinka soomaaliyueed dagaalkoosoo lagu soo dadey bir adag,lagana soo hormariyey kutiri kuteen dabeyl hordhac ha wadata,
si been kastaa u rumoowdo dadkuna kala garan waayaan runta xaqiiqda ah iyo neebta dabinka wadata.
dadyow qaarado kale jooga ayaa ku guuleystey iney dadka soomaaliyeed isku laayaan kuna fuliyaan dantooda ka dib markay u isticmaaleen kaarar kala duwan kuna kuna guuleysteen kaarkii qabiilka kasoo sababey isir ku slaysan qabiil dadkeeniina kaba insho saarey in sopomaalidu hal meel wada soo jeedo isku qabiil guud yiihiin,dagaalkaas sokeeye wuxuu sababey  baqdin iyo in  ummadda soomaaliyeed kala qaxaan kalana cararaan,

waxaa nalookaga guuleystey  habka maanta adduunka looga yaqaan dhibaatadooda sii ama (ku dhex tuur halaag) ha is laayeene kadibna markey jaah wareeraan is dilaana sii xalkeeda haku adeeceene si aad ugu fuliso ugana  gun gaadho dantaadii kuu qarsooneyd.
maanta waxaa adduunka daafihiisa kuwada xiran dhalinyaradii soomaaliyeed,laguna silciyaa,gacantana ugu jira qoowmam aan u qalmin iney xoriyada ka qaadaan muwaadin soomaaliyeed,

ma lihi burcad badeednimada waa sax laakiin waxaa khalad ah in inta soomaaliya dagaal lagu soo qaadey laysku laayey ayadoo la gaadey dadkii soomaaliyeed hadana anaga lanaku eedeeyo,tuke cambaar lehna nala ka dhigo iyo kuwo wax maragato ah,
dhalinyarada soomaaliyeed ee noqotey burcad badeeda daafaha badweynta hindiyana natfana kula carartey wuxuu ahaa qorshe qarsoon laguna damacsanaa in badda soomaaliya laga dhawro in qof soomaaliyeed cagahaba galiyo iskaba daayee in laga munaafacaadsado,

waxaana tusaale fiican kuu noqon kara in maanta uu wali socdo dagaalkii badda ilaa cadowgiiba qaarkiisba sheegtey baddeeenii,waxaa tusaale fiican kuu noqon kara in maanta hadiiba baar ama resturante yar laga furo badda uu waddaad waalini isku qarxinayo asagoo ogeyn sababta uu isugu qarxinayo ileen waxaa qalbiga kaga qufulan jihaad waana jihaad wax laga walaaqayase ayna ushiisa hayaan ummaddo kale kana fog danta ummadda soomaaliyeed iyo jiritaankoodaba.

dadka soomaaliyeed ee caqliga la saaxiibka ahise u arkaan iney dadkaas is qarxinayaa ay la shaqeynayaan cadowga ummadda soomaaliyeed si dadban laguna rati kacsanayo laakiin aysan is ogeyn ileen maanta waxaa adduunka ka socda waxna aysan dad badan uga bilowneyn waa DAAGAALKII MASKAXDA BINI'AADAMKA,ka soo laga gaarey heer sare ilaa in qof la siticmaalo asagoon is ogeyn.
dhalinyarada soomaaliyeed ee dhalatey dagaalkii kadib maanta wax saas ah kama yaqaniin badda ka manaafacadsigeeda ku raaxeysigeeda ku agnoolaanshaheeda,waxana socda weli qalbi ka tirtiristii badda ee ummadda soomaaliyeed.
waxaan ummadda soomaaliyeed lee yahay waxaa weli ciida soomaaliyeed lugaha ku haya dad soomaaliyeed hor joogayaal ahaa ama dhiig soomaali kale daadiyey dagaalkii sokeeye lana cafiyey ayna mudan tahay in la cafiyo waayo waxaa ku jira danteena iyo inuu so gabo gaboobo aafadii dagaalkii sokeeye ee sida sibiqda ah noogu yimid,
dhalinyarada soomaaliyeed ee loo haysto burcad baddeednimada waxay xaq iyo caquuq uleeyihiin ayagana in la dhaqan toosiyo lana siiyo fursad nololeed,xabsiyadoodana loogu soo badalo dalkooda hooyo,inta ay xiran yihiina wax la baro si ay marka ay dhameystaan xabsigooda uga mid noqdaan ummadooda soomaaliyeed ileen ayagu sabab uma aheyn masiibadii geysey badda kana dhigtey buracdbaddeeda,waxaa burcad baddeda ka dhigeyna ay tahay  sababta dhalinyarada kale ee soomaaliyeed ka dhigey alshabaab,

waxayse alshabaab kaga duwan tahay burcadbadeeda waxay alshabaab weli sii wataan qorigii dabka lahaa e wali lagu gubayey aqalka soomaaliyeed,qorigaas dabka lihina waxaa u dhiibey shisheeye aan dooneyn iney soomaaliya degto,waligiisna ku andacoon jirey waxaan nahay jasiirad lagu hareereysan yahay,iyo cadow fara badan dano badan oo kala duwana ka leh dhulkeena soomaaliyeed iyo ummadda soomaaliyeed,
cadowga soomaaliyeed ee qaylo dhaanta u dirsadey adduunka daafihiisa qarniyo ka hor wali waa nool yahay,cadawgii usoo hiiliyayna wali waa nool yahay asagoo waliba wata cilmi ah habka loo badalo loona siticmaalo maskaxda bini'aadamka haystana agabkiisii.

cadowgaasi waa kan  maanta kuwo badan oo siyaasi soomaaliyeed sheeganayaa ku hadaaqayaan magacooda markii ay dhex dooda wax kala tabtaan una kala dacwo tagaan.dadkeena qaarkiisna uba maleeyaan iney dalkeena mas'uul nooga yihiin soomaaliduna tahayba caruurtii beesha caalamka.
beesha caalamku waa badan tahay waa meel laga wadda mid yahay xataa waxaa ka mid ah soomaaliya,laakiin waxaa beesha caalamka walaaqayaa waa cadowgii soomaaliya kasoo xarigii noo xirmi lahaaba furaya si aanu diba uga soo kaban dagaalkii sokeeye,naloona maamulo,
waxaan dowlada hindiya leeyahay dhalinyarada soomaaliyeed ma musteysan dil ayagoo cidna aan idinka dilin dhalinyarada soomaaliyeed ee xabsiyadiina ku xiran waxay xaq iyo xaquuq u leeyhiin in lala xiriirsho hay'adaha u dooda xuquuqda bini'aadamka siiba kuwa soomaaliyeed,
waxay kaloo xaq iyo xaquuq u leeyihiin dhaqan toosin mase mudna in dil lagu kumo waayo sababtii geeysey badda dhankooda markaan eegno waxay ahayeen dhaqaale raadis laakiin ma aheyn dhiig raadis,
hadii aan usoo noqdo dhalinyarada soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa iney ka faa'iideystaan baddooda ka kaluumeystaan ayada ayaad hanti ahaan u leedihiine idinkuna filin,waayo biyo sacabadda ayaa looga dhargaa,
kana waan toobaan burcad baddeednimda waayo waa halaag waa ceeb waa dhimasho waa qoom kale oo aad gacanta u gashid qoomameysidna inaad ku fiicneyd wax la'aantaadii.iyo waliba adigoo lagu laanahayo cidii rabtaana dil kugu oofineyso adiigoo aan naf kaled jarin.bucad badeednimadu waa halaaga naftaada iyo wax ka fulinta duminta dalkaaga.
dhalinyarada ku aafowbeysa badda waa kuwii beri u hari lahaa dalkeena waa kwuii beri noqon lahaa madaxda ummaddooda,waa kuwii ayaguna reebi lahaa kuwii kasii dhaxli lahaa dalkeena,
waxa socda ama gaarey ummadda soomaaliyeed waa masiibo qowm loona baahan yahay inlooga baxo si wada tashi ah walaaltinimo soomaaliyeed, isu tanaasul ah,is cafin qalbiya saafiya wadata.runtana ku dheehan tahay.beentuan ka dheer tahay.
waxaan balan qaadayaa hadii aan qabto hogaanka ummaddeena in dhalinyarada soomaaliyeed ee burcad baddeednimada ugu xiran adduunka daafihiisa ay xabsigooda ku dhamyetaan dalkooda siiyana dhaqan toosin,ayna u nqodaan dhalinteena kale tusaale fiican oo ay kaga waantoomaan halaaga burcadbadeednimada.

hadii aan qabto hogaanka ummadda soomaaliyeed waxaan balan qaadayaa in ummadda soomaaliyeed dib danbe qabiil isugu dagaalin waxaan gogol u dhigayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed tasoo ah ISCAFINTA GUUD EE UMMADDA SOOMAALIYEED.
waxaan ummadda soomaaliyeed ka dhigayaa ummadd wallaalo ah,hal ilna ku arka cadowgooda qarsoon iyo kooda muuqdaba.

waxaan soo celin kala danbeyntii dalkeena iyo qiimihii dhaqankeena soomaaliyeed.
waxaan soo afjari alshabaab,waxaan hirgalin ciidankii qaranka soomaaliyeed.waxaan dalkeena u jeexi wado cad oo siyaasadeed anigoo hab raacaya mabda'a federalka si buuxa oo dhameystiran waayo waxaa dalkeenu cagta ta saarey habka siyaasadeed ee federalka mana aha weli mid si rasmi ah mid u dhaqan galey ee wuxuu ku kooban yahay afka waana mida keentey in maamulada dalkeena ka jiraa isku jaah wareeraan islana soo hor fariistaan diidmada arimo badan oo danteena ah.

waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u codeeyaan hogaamiye iyo madax u qalanta naftooda dadkooda iyo dalkoodaba,meel kasta dalkeena daafihiisa.



Saturday, July 9, 2016

DUMARKA IYO RAGA SOOMAALIYEED WAA ISKU XUQUUQ WAANA ISKU MID WAANA SIMAN YIHIIN.




DUMARKA IYO RAGA SOOMAALIYEED WAA ISKU XUQUUQ WAANA ISKU MID WAANA SIMAN YIHIIN.

marka ugu horeysa ereyga jinsi marka la istic maalayo waxaa la isticmaalaa marka laga hadlayo LAB AMA DHDIG AMA LABADABA MID AH,
dadkeena soomaaaliyeed waxaa khalad weyn kaga jiraa fahamka xuquuqda sinaanta labka iyo dhegida iyo waluba jinsiga saddexaad ee ah lab iyo dhegig isku jira.waana siman yihiin saddexduba waayo waa noole ALLAH abuurey karaaameeyayna.waxayse ku kala duwan yihiin sed qaybsiga dhaxalka iyo shaqada diinta horgalista xageeda ah.waana mid uu ALLAH go aamiyey ka hadalna laheyn iyo wax ka badalistoona.

waa muqadis inaan ilaalino koolkoolino kor u qaadno xuquuqda caruurta iyo dumarka,ALLAH  waa  karaameeyay  bini'aadamka  laakiin laakiin labka ayaa ayaa markasta dulmiya dhadiga noole kasta,

maadaamada  raggu ay ka yara murqo waa weyn yihiin  dumarka ayaa in badan oo ragga ahi waxay iska dhaadhiciyeen iney ka caqli badan yihiin xataa,inta caqliga la saaxiibka ahise way og tihiin iney arintu sida kale tahay oo ay u siman yihiin waxkasta.
macquul aha inaan iraahdo ummadda soomaaliyeed waa kala xaquuq duwan yihiin kalana xaquuq badan yihiin anigoo u kala saaraya lab iyo dhedig iyo qabiilba.

shallay maanta ma aha ummadda soomaaliyeed waa isbadashey ka dib dhibaato dheer oo dagaal sokeeye iyo mid diineedba nagu ragaadsheen ummadda  soomaaliyeed waxay leedahay dhaqan wanaagsan waxaase ku jira in yar oo qodxo oo kale, waxna yeelaya ummaddeena sida duugista xaquuqda dhediga,kala sareynsiinta qabiilada soomaaliyeed.waxaase nasiib wanaag ah in dadkeenu dhinac ka raacey dadyowga adduunka oo intii aanu anagu isku sii jeedney hor marey sugey xuquuqda dadkooda iyo jiritaankoodaba.

hadii aan tussale ahaan usoo noqdo dhaqankeena  gabar guur gaar ah ayaa laga soo doonayaa reerkooda lagana siinayaa YARAD,iyadoo lagu jajuubayo nin cirka ka soo dhacay,hadii ay diidana lagu oronayaa duco ama habaar mid dalbo,hadii ay diinada waa takoorid iyo bulsho ka faqooqid hadii ay yeeshana waa  nolol aysan dooran waana waxyaalaha loo baahn yahay in dhaqankeena laga tirtiro laga saaro lalana dagaaalamo sidii loo soo af jari lahaa.waana dulmiga qaarsoon qayb ka mida ah dadkeenuse cadeysteen,

runtu waxay tahay nin soomaaliyeed ma jireen hadaan naag soomaaliyeed jirteen sidee marka loo duudsiin karaa xuquuqdooda looguna maleyn karaa in dhediga loo uumey iney nooleeyaan, ushaqeeyaan,ka hooseyaana ragga,hormoonadoodana nafisiyaan oo kaliya.waa khalad in dhaqanka soomaaliyeed lagu lifaaqo,la dabo dhigo ama lala raad raaco dhaqanka dalalka carabta,dhaqankaasoo ay hoos u dhigida dhediga kuna saleysneyn diin.

wakhtigan hada lagu jiro waa muhiim soomaali ahaan u noolaano sidee xeero loo xagtaa ilkana ku magan galaan runtuna waxay tahay ma aha inaan wax yaabo badan oo dadyowga adduunku dhaqan ahaan u qateen inaan dhaqankeena kiish kula ridano kuna dhoqano,ka dibna dhexdeena isku xag xagano,ee waa in inta wanaagsan aan kaga dayanaa dadyowga adduunka dhaqankeenana ka saarnaa intiisa xun ee na anafci waydey callol xumadana ku beereysa bulshada soomaaliyeed dhexdooda waxna u dhimeysa jiritaankayaga.

qabyo qoraalka jinsiga ummadda soomaaliyeed ma aha wax ay diyraain karto wasaarad ee waa wax ka imaan kara qoraalkiisa iyo diyaarintiisaba shacabka soomaaliyeed.dib u u eegistiisana waxaa saxiixa kara sharci ahaan waa baarlaamaanka ummadda soomaaliyeed waana baarlaamaanka ka yimid shacabka kuna yimid rabitaanka shacabka soomaaliyeed.

waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa raadinta,nabad waarta,midnimo,waddaninimo.iyo inyesan dhexdooda isku cayrsan qabiil iyo diinba,indheheenuna qabtaan kuna eegno adduunka intiisa kale anagoo ku qiyaasaneyna jiritaankayagu meeshuu marayo.

waxaan mar kale lee yahay arimaha jinsiga laguma deg degi ee waa in wakhtigeeda la siiyaa,mana ah in uu yimaado erey ah in la saxiixo qodobadii ka soo baxay shirar aysan ummadda soomaaliyeed ka daba shirin meelna isla dhigin dhiraan dhirintooda.waayo mugdi iyo waxaadan ogeynba masiibaa kasoo bixi karta.


AMIN MUSSE.
musharaxa madaxweynaha.
afhayeenka ummadda soomaaliyeed.






Saturday, June 18, 2016

WALEE WAR AYAA KA DANBEYN BEENTA DHARKA LOO GASHEY.

WALEE  WAR  AYAA  KA  DANBEYN  BEENTA  DHARKA LOO GASHEY.

caydu waa reeban tahay siiba waxayna ku haboon tahay in qofka sheeganayaa siyaasi xataa hoos u caytamo asagoon shacabka soo hor istaagin,

waxaan hubaa in sidan laydinkugu haleyn karin inaad homaamisaan qaybka ka mida shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi,waayo kama muuqato horjoogayaasha shacabka gobolada waqooyi wax maamuus ah iyo hayinimo siyaasadeed ay ku hanan karaa hogaanka shacabkaas iskaba daaye iney gooyaan,

waxaan leeyahay ingiriiska lala daba ordayo gobolada waqooyi ee soomaaliya asagii ayaa khaati kala taagan isna rabin xataa kasii cararaya yurubta isku biirtey adduunkan maanatana dalkastaa waa isku tashtey marka yaan la hodin maatada iyo caruurta soomaaliyeed ee u baahan horumar iyo nabbad buuxda.

waxaa soomaaliland la siiyey sadkeey xaqa ugu laheyd wax qaybsiga ummadda soomaaliyeed iyo waliba saa'id.waxayna ku habooneyd iney iyagu soo xulaan dadkaas matalaya gobolada waqooyi waa maamulka hada hor boodaya shacabka soomaaliland xukunkana haya.

hadii aan usoo noqdo af lagaadada qayaxan runtu waxay tahay waxaan leenahay dhul qani ah laakiin ma uunu soo saaran dhuuxiisii.dadkeenuna waa sabool waxaana sababey dagaalka iyo colaada.fadlan ku faan maanta waxaad tahay shallayna illoow.

hooyo soomaaliyeed ayaa dhuurwaa ugu  cuney gaajo iyo haraad gobolada waqooyi wax war ahna kama aysan soo bixin maamulkaas soomaaliyeed,shallay maanta ma aha ee dadkeenu waa wadda sabool.waxaanse nahay dadka ugu nasiib badan adduunkan waayo soomaaliya ayaa noo dihin.halka dadyowga adduunku waxoodii dhameysteen ayna gaareen iney ciidaha kala xadaan waa ciida wax lagu dhistee ama lagu beertee.hadaadan warba qabin.

waxaa ka dhacay abaaro shacabka gobolada wayooyi ayaa deeq ka aruurinayay masaajidada maamulkuna waa hurdey horta sidaas darteed waa muhiim inuu maanku shaqeeyo,lana qiro in soomaaliya mid tahay ummadda soomaaliyeed waligeed waa ka weyneyd wax gumeyste lala daba ordo.

cay kaastaa waa ninkii yiri caqli kastaana waa ninkii wax ka faa'iida.

soomaaliyi waa isleeysey waxaase  kala bad baadiyey ALLAH,ummaddaha adduunkuna waa na garab istaageen waxaase soomaali u harey oo kaliya waa in lays cafiyo dhulkeenana aan wadda dhisano.nabaradii dagaalkii sokeeyeyna ka ilaalino inuu soo gaaro dhaawac kale.

sool iyo sanaag waa gobolo kamid ahaan jirey soomaaliya walina waa ka mid wayna kamid ahaan doonaan soomaaliya.waana rabitaanka shacabka soomaaliyeed,sagaaro laba tun oo lakal qalo malaha.

hadii horjoogayaasha shacabka soomaaliland leeyihiin waa lana xaqireynala laayey  ma waxay hada u suxul duubayaan iney wax xaqiraan hadda taasi waa ka dhamaatey ciida soomaaliya,waxaan umalaynayaa iney imaan doonto in si cad gacmahooda looga fujiyo xukunka hor joogayaasha shacabka soomaaliland,

WAAYO

- waxaad ummadda soomaaliyeed ku hagteen mabda been abbuur ah,si aad ugu hagtaan meel mugdi ah.si aad kursi ugu hanataan.waligoodna  aysan madax kor ugu soo qaadin.indhahana u kala qaadin si aysan u arkin danta guud ee ummadda soomaaliyeed jiritaankeedu ku sugan yahay.muqadiskana ah.

- soomaali oo dhan oo isdulmisey ayaad dhah dheen kaligayo ayaa nala dulmiyey

- waxaad kala qayb qaybiseen ummaddii soomaaliyeed ilaa qabiil aad gooni u soocdaan.

- waxaad afduubteen shacabka soomaaliyeed qaybtiis qori caaradiis waa sool iyo sanaag iyo cayne.

- waxaad afka ka dayn weeydeen xariiq gumeyste bari ku riyoodey inuu dadkeena ku kala qoqobo oo aad leedihiin waa xad, halka soomaali oo idll isku raacdey xataa tan itoobiya iyo kenya inaan la aqbalin waligeed inta qof soomaaliyeed nool yahay laana huro naf iyo mood.

- waxaad naceyb isir ku saleysan galiseen jiilkii cusbaa ee ku dhex dhashey  dagaalka sokeeye ee ummadda soomaaliyeed..

- waxaad waxaad ilaa hada shacabka soomaaliyeed la soo hor taagan tihiin soomaalidiidnimo xaqayacan tasoo ku ah danbi weyn jiritaanka ummadda soomaaliyeed.

- waxaan qirayaa in shacabka soomaaliland xaq u leeyihiin hogaan cusub

kasoo awooda inuu runta u sheego shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi raadina kara isu keenida iyo midnimada  ummadda soomaaliyeed,kana tirtiri kara beentii fakatey eeahayed waxan nahay dal gooni ah.

hadaba wali waxaa baxaya waa ileyskii ummadda soomaaliyeed ee ha hareer marin.

AMIN MUSSE
musharaxa madaxweynaha.



SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...