Sunday, November 13, 2016

Maamulka Hiirshabeele ee Soomaaliya - Hambalyo Hambalyo Hambalyo.



marka ugu horeysa waxaan halkan ugu hambalyeynayaa shacabka soomaaliyeed ee hiirshabeele iyo shacabka soomaaliyeed guud ahaanba,waxaana leeyahay waad u qalantaan inaad maamul goboleed sameysataan,waadna u qalantaan inaad ka baxdaan maamul la aantii aad ku jirteen mudada badan shacabka soomaaliyeed ee hiirshabeelana helaan madax u matasha dowlada federaalka soomaaliya oo ay ummadda soomaaliyeed wadda leedahay wadana sameysatey.


marka labaad waxaan leeyahay maamulkastaa wuxuu leeyahay qayb qoondo lacageed ah waxkasta oo lagu helo ama soo gala ummadda soomaaliyeed kuna soo gala magaca dowlada federaalka soomaaliya.


waxaad hada hesheen qoondadii  ugu horeysey uuna ku dhaqaaqi karo maamulka hiirshabeele taas oo ah lacag lagu dhiso doono waddada isku xirta jowhar iyo xamar taasoo ah mid wax weyn ka badali doonto nolosha iyo hab u socodka shacabka soomaaliyeed ee degan kuna nool maamulka hiirshebeele,tasoo ku xiri doonto xarunta dowlada federaalka soomaaliya xamar,IYO UMMADDA SOOMAALIYEED INTEEDA KALEBA.


waxaa kaloo jirta qoondo lacageed oo wax ka dhaqaajin doonta qaybaha beeraha iyo wax soo saarka waana mid ay u baahan yihiin shacabka soomaaliyeed ee hiirshabeele.si aan uga baxno baryada shisheeye ileen biyo sacabadaadaa looga dhargaaye maadama aanu leenahay dhul beereed.


waxaa muhiimadau tahay in aan loo isticmaalin waxkasta oo dhaqaale ah oo shacabka soomaaliyeed ee hiirtshabeele ka soo galey dowlada federaalka soomaaliya si khaasa ama dhac ah lana gashan jeebka waayo waa wax ay wadda leeyihiin ummadda soomaaliyeed gaar ahaana gooni usii leeyihiin shacabka hiirshabeele,


lacag kasta oo la galiyo dalkeena waa mid ay muhiim u tahay in lagu fuliyo hawshii loogu talo galey,waayo waa qayb kamid ah mustaqbalkii ummadda soomaaliyeed.


dowlada federaalka ee hada jirta waxay markii ugu horeeysey soo gaco dhigatey magaalada baydhabo,waana laga soo rarey oo waxaa la soo dajiyey magaalada jowhar sababtoo ah waxaan dowladu tagi karin wakhtighaas magaalo madaxda dalkeena,waxaana halkaas kaaga cad in magaalo kasta oo dalkeena ahi ay muhiim u tahay jiritaanka ummadda soomaaliyeed,markii la doonana loo rari karo ama la geyn karo dowlada federaalka ee ummadda soomaaliyeed,


sidaas darteed maamulka hiirshbeele ee hada cagaha dhigtey waa qayb kamid ah aas aaskii dowlada federaalka soomaaliya.jowharna waa tii marti galisey dowladii ummadda soomaaliyeed ee ay wax ka laheyd kana sameysatey,waxayna shacabka soomaaliyeed ee hiirshabeele ka soo baxeen waajibaadkoodii kaga aadana jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo wax ka dhiska dowladdoodii,


shacabka soomaaliyeed ee hiirshabeele waa shacab usoo dul qaadtey dhibtii dagaalka sokeeye ,daadadka fahaada wabiga iyo colaad lagu dulmayey si ay hagaas uga noqdaan geedi socodka ummadda soomaaliyeed,shacabka hiirshabeele waa shacab wax ka sameysteey dowlada federaalka soomaaliya waana shacab sugey maamulkoodii si nabadeysan,


waxaan ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed ee hiirshabeele ee awal jagooyinka ka raadin jirey dowlada federaalka soomaaliya  iney hada jagooyin ka raadiyaan maamulka hiirshabeele waayo asaga ayaaba hada u baahan,waxaan suurta galeysa in ay boosaskii ay ka buuxinayeen dowlada federaalka soomaaliya ay badalanaa dadka soomaaliyeed ee wali aan sameysan maamul soomaaliyeed oo u matala dowlada federaalka soomaaliya,halkaasna waxaa sii jiraya isku xirnaanta ummadda soomaaliyeed iyo kalsoonidooda,si looga dheeraado dowlada federaalka oo lagu eedeeyo laguna caayo iney wada matalaan hal beel oo soomaaliyeed ama ay gardaadinayaan beelaha dega dhulka magaalo madaxda soomaaliya ku taalna u badan,


waxaa jirta in ummadda soomaaliyeed ka weynaan weydey qabiil markastana lagala soo baxayo qabrigii aanu jecleyn inuu noogaba jiro sidaas darteed waxaan rajeyn in maamulka hiirshabeele noqon mid u xeyd xeydta arimaha qabiilka,noqdana mid ummadda soomaaliyeed kusoo hirato,


ma fiicna in aragti ahaan la yiraahdo beelahaasi waxay leeyihiin maamulkaas marka laga hadlayo ummadda soomaaliyeed ee waxaa fiican ayna ku haboon tahay in layiraahdo shacabkaas soomaaliyeed waxay sameysteen maamulkaas oo u matala dowlada federaalka soomaaliya kagana mid yihiin ummadda soomaaliyeed.marka la yiraahdo maamul waa mid ka weyn qabiil iyo beelba,


waxaa dadka soomaaliyeed qaarkiis darbiyada la taagan yihiin kuna hadaaqayaan ereyo cadowga ummadda soomaaliyeed jeebabka ugu gureen lacagna ku bixiyaan si ummadda soomaaliyeed ee halka ah looga dhigo dad kala duwan ama kala fog iyo dal soomaaliyeed  oo kala go go an si ay u hirgasho siyaasada ah kala qaybi kalana fogee si aad u maamushid cadowna aysan kuugu noqon soomaalidu ama aysan kaala hor imaan cudud mideysan ileen ummadda soomaaliyeed waxay wali hiigsaneysaa wixii dadkii soomaaliyeed ee hore nooga tageen dhaxal ahaan tasoo ah soomaali mideysan walaalona ah.cudud jirtana ka ah geeska afrika.lagana gabado.


ereyada suuqa shisheeyuhu ku soo tuurey waxaa kamid ah puntland iyo jubaland waa walaalo galmudugna  waxaa hada u dhashey walaal cusub oo hiirshabeelo layiraahdo waxaanse leeyahay waxaa ummadda soomaaliyeed u dhashey maamul soomaaliyeed waxaana u dhalan doona maamulo kale oo aan wadda sugeyno.



waxaa jirta in maanta alshabaab haysato magaaloyin badan kana kala tirsan maamulada ka hir galey dalkeena soomaaliya waxaase maqan in layska kaashado in dib looga wadda xoreeyo oo maamulkii xoreeya magaaloyinka u matalo ummadda soomaaliyeed gacan ka geysto magaalooyinka kale ee maamulada soomaaliyeed ka haysato alshabaab ciidan iyo dhaqaaleba.si aan u wadda helno soomaaliya oo nabbad ah wanaagsan,kana kaaftoonta caalamka caawintiisa.


waxaa dhacdey in habkii siyaasadeed ee federaalka ayna ummadda soomaaliyeed dooratey  isu badaley dagaal cusub huwana qabiil ama aan oran karno qabiilkii ayaa waxaa loo gashey shaati maamul.waana mida ay mudan tahay in ummadda soomaaliyeed ka dheeraato,waxaa tusaale u ah in maamulka soomaaliyeed ee koonfur galbeed ayaa ciidamo  keeney jasiira kuna andacoodey  waa dhul hoostaga maamulka koonfur galbeed waase sax oo waa lawada ogsoon yahay taas laakiin ciidankaas waxaa looga baahnaa in la geeyo magaalooyinka maamulka koonfur galbeed ee soomaaliyeed ka haysato alshabaab ileen jasiira waa meel aysan joogin alshabaabe.


waxaa kaloo dhacdey in maamulka galmudug geeyay ciidamo magaalada gaalkacyo asagoo ku andacoonaya waa maamulkayaga halka magaalooyin badan oo maamulka galmudug ee soomaaliyeed ku jiraan gacanta alshabaab,loona baahnaa in loo daabulo ciidamadaas magaalooyinka ku jira gacan alshabaab ee maamulka galmudug.


waxaan maamulka soomaaliyeed ee hiirshabeele ugu baaqayaa in aysan lug ku yeelan dhooqada maamulada soomaaliyueed qaarkood dabaasheen niyada ummadda soomaaliyeedna dhaawacey kalana didiyey dadkii soomaaliyeed ee laysku daweynayey layskuna sid kayey,cadowgooda harka ahina wali ka harin oo wax u maleegayo.


waxaan sanooyin badan ku qaylinayay war aanu mideyno ciidamada maamulda dowlada federaalka soomaaliya si ay meesha uga baxdo siyaasad qabiil huwan sidatana magac maamul,nasiib daro se waa la arki waayey meelna lagama  qaadin waxaase wax garadka soomaaliyeed u muuqatey tan maanta taagan iyo mid kasii daran.ay imaan doonto.


hadii maamulkasta loo sameeyo booliis iyo nabbad sugid hoos tagta dowlada federaalka soomaaliya waxaan loo baahaneyn ciidan gooni ahaan u matala maamul soomaaliyeed,


hadii maamulkasta ciidankiisa lagu magaaco ciidanka dowlada federtaalka soomaaliya laguna dhafo ciidamada maamulada  kale si is leg waxaa meesha ka baxaya ciidan beeleed ama ciidan maamuleed khaasa,waxaana jiri doonin ciidan soomaaliyeed oo isku haysta ciida soomaaliyeed.kalana matalaya beelaha soomaaliyeed,waxaan oran karnaa waa laga gudbi karaa arimaha qabiilka ee lagu maldahayo magaca maamulada soomaaliyeed,


ma aha in layska indho tiro lagana habaabo jidka ummadda soomaaliyeed u raaci karto jiritaankooda muqadiska ah,mana aha mid aan afka ka xiranayo,


dowlada federaalka soomaaliya waa ay ku guul dareysatey iney sameyso ciidan qaran isku dhafan is le eg matalana ummadda soomaaliyeed oo dhan si aanu uga kaaftoono ciidamada shisheeye ee dalkeena jooga si ummadda soomaaliyeed dhexdeda dhiig ugu daadan,waxaa kaloo ay ku guul sareysatey in jagooyinka dowlada fedraalka si buuxda ay uga shaqeeyaan beelaha ay ummadda soomaaliyeed ka kooban yihiin guud ahaan taasina waxay keentey in maamulada qaarkood kalsoonida kala noqdaan dowladii wakhtigeedu dhamaadey ee ummadda soomaaliyeed.


maanta waxa na hor yaal waa dalkayagii dadkayagii ayna mudan tahay in dib loogu hagaajiyo waddadii hiighsiga ummadda soomaaliyeed waligood maankooda ay ku hayeen markii ay jaanta iyo cagta saareena laga turan tureeyay,ayadoo la door bidey qabiil eex, laaluush,daneysi shaqsiyadeed oo khaasa,kursi jecleysi.


waxaan ummadda soomaaliyeed leeyahay indhahiiuna yaysan idinka uun iskiin tusin ee waa in la arko cadowga ummadda soomaaliyeed,kii waligiis jirey kan ka daba yimid iyo kan anaga naga dhex dhasheyba.waxaa hubaala gacmo wadajir ayay wax ku gooyaan.


maamulka hiirshabeele waxaan leeyahay noqo kii la sugayey noqo kii ay ummadda soomaaliyeed sameysatey noqona kii loo hanweynaa noqona kii ummadda soomaaliyeed kusoo hiran jirtey markii ay isu socdaan dhexdoodaba, 


dhulka soomaaliyeed ee hoos yimaada maamulka hiirshabeele waa midkii ayadoon ummadda soomaaliyeed lagala tashan laga xirey biyaha waa kii kaalinta weyn ka qaadan jirey nafaqeynta ummadda soomaaliyeed waa kii aanu kaga kaaftoomi jirney waxa ummadda soomaaliyeed hada looga keeno dibada waana kan aanu dib uwadda manaafacaadsan doono kagana bixi doono baahida dadkeena qabo.waa hadii aanu ku dheehno soomaalinimo waa hadii aanu u istaagto wax soo saar waa hadii aanu u sitaagno jiritaanka ummadda soomaaliyeed,


dalkeenu waa barqaawo qaybi waxay ku fiican tahay beeraha,qaybi waxaa ku jira shidaal,qaybana macdan,qaybo waa munaafacaad badeed waxaase runtu tahay markii aanu wadda istaagno wadda dhisno dalkeena waan tirtiri karnaa baryada, waan ka gudbi karnaa waa lana quudiyaa,waxaan hubaala in dadyowga adduunku noobahan yihiin inaan wax kala ganacsano,


inta ka horeysa waa inaan raadino soomaaliya oo ka weyn qabiil iyo maamulkaas waa reer  hebel,maamulkasta oo dalkeena ka hana qaada shacabka ku nooli waxay hoos tagayaan maamulkaas asaga ayaana laga rabaa inuu ilaaliyo xaquuqdooda soomaalinimo una matala dowlada federaalka soomaaliya si kasta oo maamulkaas  ugu kala badan yihiin beelaha soomaaliyeed.


ummadda soomaaliyeed waxaan leeyahay waxaa noo baryey waa cusub ee waa inaan samaysanaa dowlad u qalanta ummadda soomaaliyeed iyo dalkeenaba dadyowga adduunkuna ku ixtiraami karaan, qabka iyo jirtaanka  ummadda soomaaliyeedna  aan qiilqiil lagu galin karin.


ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqeyaa inaan u istaagno jirataankayaga iskana leexino madaxdii ka leexata hayaanka  ummadda soomaaliyeed ay ku hiigsaneyso jiritaankeeda.


waxaan balan qaadayaa hadii aan qabto hogaanka ummadda soomaaliyeed ciidan qaran lagana kala keeney maamulkasta waxaan meesha ka saarayaa ciidamada maamulada matala ee kala wata calanada maamulada waayo ciidan wata calana soomaaliyeed xabbad kuma rido karo ciidan kale oo wata calan soomaaliyeed.waxaan dowlada federaalka soomaaliya wasaarada wasaarada gaashaandhiga hoos keenayaa asakari kasta oo soomaaliyeed xirana calanka soomaaliyeed.maamulkastana waxaan ka xayuubin amarka ciidama qaranka soomaaliyeed si isku dhacdanbe oo ciidan uga imaan ciidanka qaranka soomaaliyeed dhexdiisa.waa ciidan tayeysan kana kala yimid beelkasta oo soomaaliyeed si is le ege,waxaana hoos keeni wasaarada gaashaandhiga soomaaliyeed.


waxaan magaalo madaxda dalkeena ka dhigayaa mid ay wadda leeyihiin ummadda soomaaliyeed hal beelna aysan ku rati kacsan aysan is xijin.waxaana kusoo celin ummadda soomaaliyeed ee ka carartey ilaa hadana dusha ka daawanaya magaalo madaxdoodii kana baqaya,una nabbadeyn si aysan uga baqin kusoo noqoshadooda,


waxaan soo afjari joogitaanka ciidamada shisheeye ee jooga dalkeena kuna badali ciidamo tayo leh,wadaniyaal ah una qalma iney umadda soomaaliyeed u sidaan qoriga iyo calankaba,waxaan mamnuuci ciidan beeleed,waxaan mamnuuci qof qori sita hadii uusan aheyn ciidan qaran,waxaan hubka lagu dhexsito shacabka iyo  magaalooyinka dalkeena ka dhigi mid aan soo dhaafin xeryaha.waana markaan soo afjaro alshabaab si cad u sugana deg deg.


dadkeena iyo dalkeenuba kuma jiro karo sida hada xaaladu tahay waxaase muqadis ah isbadal cad,gacan bir ah oo loola tago nabbad ku soo celinta dalkeena rajo usoo celinta dadkeena iyo runta oo gabaad laga dhigto.dadkeena iyo dadkeena oo daacad loo noqdo lagana dheeraado cunista shilllinkii ceelka loogu qodi lahaa,cunista mushaarkii askariga alshabaab xabada kala hor tagi lahaa.iyo cunista shadaalkii ummadda soomaaliyeed loogu gurman lahaaba.


waxaan qalbiyada ummadda soomaaliyeed ka tirtirayaa iney niyada ku hayaan in nin shisheeye matalayana dal shisheeye oo diyaarad ka soo dagey uu dalkooda u wanaajinayo una dhisayo,inuu nabbad u keenayo iyo inuu hooyo iyo aabe u noqonayo ummadda soomaalikyeed oo dhan.


waxaan leeyahay dooro hogaamiye iyo madax u qalma naftaada dadkaaga iyo dalkaagaba si aad u gaarto waxna uga gaarto hiigsiga ummadda soomaaliyeed una hirgalo hamiga ummadda soomaaliyeed kasoo ah soomaaliya oo mid ah soomaaliya oo dhisan dadkeena soomaaliyeed oo isku filan kana mid ah adduunkan maanta.








No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...