Saturday, April 30, 2016

ONLF MA A AHA ARGAGIXISO EE WAA XORIYAD U DOON.





ONLF MA A AHA ARGAGIXISO EE WAA XORIYAD U DOON.

mudooyinkii danbe waxaa africa ku soo badanayey in dalkastaa khaladkii ama dulmigii u galey amaba uu doonayo inuu daboolo inuu ku farxfiiqo ku eedeynta ama ku magacaabida ARGAGIXISADA,

sida  aan ogsoonahay soomaalida oo mid ah ayaa dhulkeedii ka maqnaa doonatey,waase lana ka ecday,markii adduunkii oo dhani naga hiiliyey,waxaase markii soomaali laysku adeegsadey soo harey oo hawshii halkii ka sii wadey DADKII SOOMAALIYEED EE DANAGAA SOOMAALIDA GALBEED,
sidaas darteed anigu ka leexan mayo jidkii ay soomaali oo mideysan  aana   la kala qaybqaybin layskuna dirin ay go aansatey kasoo ahaa mideynta dhilka iyo isu keenida ummadda soomaaliyeed.

itoobiya waxay dagaal kula jirtaa ummadda soomaaliyeed ee ma aha argagixiso,runteeduna waa taas,dadkeena soomaaliya ayaa dagaal kula jira qayb soomaaliyeed oo noqotey XAGJIR DIIMEED.lana baxdey magaca ALSHABAAB.

hadaba itoobiya iyada oo wadata danheeda gumeysiga dadka iyo dhulka soomaliyeed  ayay waxay har iyo habeen huwan tahay been abuur ah la dagaalanka ARGAGIXISADA waana shaati been  abuur ah, horjoogayaasha shacabka soomaaliyeedna si ay jagadooda ay itoobiya iyo kenya ku maal galiyaan ay u ilaashadaan ayay waxay kadaba hooriyaan ama subciyaan wixii waraaq ay ugu qoraan labaas dal.

hadaba waxaan ummadda soomaaliyeed u sheegayaa inuu wali taagan yahay cadowgii shallay ee soomaaliya maantana uu wali taagan yahay HAMIGII UMMADDA SOOMAALIYEED EE AHAA SOOMAALIYA OO MIDA,IYO DOONITAANKII DHULKA SOOMAALIYA OO GABI AHAANBA XOR AH.
shacabka soomaaliyeed ma aha in lagu bajiyo alshabaabnimo iyadoo la doonayo in lagu wiiqo amaba lagu duugo jiritaankooda ee waa in loo istaagaa istaagaa mowqifkii soomaalidii naga horeysay nooga dhinteen kaasoo ahaa SOOMAALIYA OO MIDA DADKA SOOMAALIYA OO ISXUKAMA.

waana in la taageero xornimo u dirirkasta ahna SOOMAALI DOON.amaba MIDNIMADO SOOMAALIYA waayo wuxuu u istaagey naftana u hurey ma aha wax asagu bilaabey ee waa fulinta howl socotey ayna uga dhinteen soomaalidii hore fullinteeda sida gumeystuhu weli ugu taagan yahay hawshii awoowgiis.uuna wali mabda'ii awoowgiis ee ahaa dhulka soomaaliyeed inuu  gumeynayo dadka soomaliyeedna caburiyo duleeyana.

waxaa tusaalaha ugu  yar kuugu filan waa inaad yara eegto soomaalida caafimidka amaba dano kale u aadaya dalka itoobiya ee lagu gumeysanayo dal ku gal iyagoo weli jooga ciidoodii hooyo ee soomaaliya afarteeda dacal,iyo waliba qofkasta oo soomaaliyeed oo ay inta yimaadaan gudaha  iska xiran karaan la tagi karaan amar la aan,,iney qofkasta oo waddani soomaaliyeed ah been abuur ku eedeyn karaan xagjirnimo ileen iyadaa kaar hada socda ahe,intey hore u haysatey dadka soomaaliyeedna iskaba daa

iyadoo ay  itoobiya haysato dhulkii soomaaliya bar kiis,maalinkastana ay ciidamada itoobiya dal ku gal iska daaye ay ciidamadoodu si toos ah usoo gudbaan xuduud beenaadka soomaaliya iyo itoobiya ogeysiin la aan ileen kuway ogeysiin lahaayeen waa kuwa ay mushaarka siiyaane.maxaad ka malayneysaa dadka soomaaliyeed ee ku dhiban xukunka gumeysiga itoobiya loona diidey saxaafada iyo warkooda iney la wadaagaan soomaalida kale iyo adduunkaba kii raaciyad noqdana looga dhigayo horjooge caburiye kuwa kale ee soomaaliyeed.

hadaba waa muqadis in itoobiya laga xoreeyo dhulka soomaaliyeed waayo waa  gumeyste waana muqadis in lashabaab lala dagaalamo waayo waxay fulinayaan danta gumeystaha iyo in soomaaliya la lahaado lagana soo buuxiyo ciidamado shisheeye ilaa ugu danbeynta gumeysi la gasho,

hadii aan ay ii suurto gasho inaan soomaali hogaamiyo waxaan banaanka soo dhigi gabasho la aan raadinta soomaaliya oo mida dad iyo dhul.waxaana tirtirayaa  xagjirnimada kuna badalayaa wadaninimo dhab ah waartana.waxaana hir galinayaa in shacabka soomaaliyeed aay yeeshaan ereyga ugu danbeeya ee tallada aaayahooda ileen shacabna ma duugi karo mana dhinac mari karo hogaanka jiritaankoodee.

WAXAANA KA MAMNUUCAYAA IN ASKARI DANBE OO ITOOBIYAAN AHI JOOGO CIIDA SOOMAALIYA ASAGOO SHACABA MOOYEE.TAASNA WAA JOOJINTA SI CAD MAGACA  AMISOM AY WATAAN.
CIIDAMADA ITOOBIYA EE SOOMAALIYA JOOGA.WAXAY MAGACA AMISOM KU FULIYAAN DANAHA KHAASKA AH EE ITOOBIYA.

hadaba taageer gabasho la aan ururkasta oo soomaali doon ah ama xoriyad soomaali doon ah si cad
iyo si dadbanba.

ITOOBIYA hadii aysan gumeyste aheyn ha ogolaato iney afti ka qaado shacabka soomaaliyeed ee ku nool soomaali galbeed dhulka ay gumeysato
 hana waydiiso iney doonayaan iney ku biiraan soomaali iyo iney doonayaan iney hoos joogaan itoobiya markaaas ayaan oran karnaa ONLF waa aragagixiso,sida dowlada ingiriisku afki shacab uga qaadey gobolkii dooneyayay inuu ka go'o  taasana ah daawada shacabkii wax tabanaya,

inta taasi aysan imaan ninka soomaaliyeed ee doonaya inuu soomaaliya ka mid noqdo waa walaalka soomaaliyeed.waana muqadis in la taageero nala garab istaago hiil iyo hooba.

waayo anagu ma ahaan karno soomaali buuxda inta qaarkayo gumeysi ku jiraan lana  caburinayo,loona xoog sheeganayo,loona istcmaalayo magaca ugu xun ee miiska adduunka saaran kasoo ah ARAGAGIXISO.

soomaalida waxay argagigiso u taqaan dadka doonaya iney xukunka iyo jiritaanka ummadda soomaaliyeed hoos geeyaan  qoomamka carabta ah ee ra'yigooda  ku qufuley qaar kamida ah  soomaalida  qalbiyadana  kaga soo qufuley. laynta  ummadda soomaaliyeed iyagoo khamiiskoodu dhiig laheyn nadiifna yahay.doonaya iney ummadda soomaaliyeed caburiyaan,laayaan,halkaasna ka wadaan hogaan ku salaysan amar ku tiri ku teen ah qofba qof u soo dhiibey oo lama arkaan ah sida jinka,soomaali oo dhana i gacan gasho hogaamiye aysan waligoodba arag lana ogeynba inuuba jiro iyo inuu nool yahayba,
dadka soomaaliyeed laguma maamumuli karo maskax aan qof soomaali aheyn shacabka soomaaliyeedna ma fulin karaan amar aan kasoo bixin hogaamiye soomaaliyeed nadiif waddani ah.

















No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...