Wednesday, May 18, 2016

WAXAAN SUGNAABA WAA MAAMUL MIDEYSAN OO AY LEEYIHIIN GOBOLADA WAQOOYI BARI SOOMAALIYA.



taariikho badan ayaa qora in dadka soomaaliyeed waligood gumeysi diid ahaayeen,waxaa dalkeena soomaaliya mudo dheer taabatey dawlad la'aan sugan,hadase waxa dadka soomaaliyeed uga ifaya dalacada soomaaliya maamulo sugaya ama matalaya shacabka soomaaliyeed,kana mid noqonaya dowlada federalka soomaliya,waana sida kaliya aanu kusoo celin karno dowladnimadii naga jajabtey,ama uga gudbi karno xaalada jaah wareersan ee dadkeena mudo ku dadneyd.

waxaa weli dadka soomaaliyeed horyaala iney ka gudbaan durufo badan waana waajib dadkeena saaran in hadba la daageero shacabkii soomaaliyeed ee sameysta maamul uu uga mid noqonayo dowlada federalka soomaaliya tasoo ah mid ay iska leeyihiin soomaali oo dhan shacabkeena dhamaantiisna ka raadsan karo xaquuqda soomaalinimo.

waxaan ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi bari soomaaliya iney sugaan midnimadooda  dhinacna iska dhigaan kala qaybsanaanta yara gaabiska ka dhigtey marka loo eego maamulada kale ee dalkeena ka jira.

waxaan ugu baaqayaa maamulka cusub ee waqooyi bari soomaaliya iyo kii hore u jirey ee khatumo iney midoobaan hal jahana  amba qaadaan  si aysan usoo noq noqan dhaliilihii jirey ama shacabkaas goboldaas ka dhigey ragaadka.wali ummadda soomaaliyeed waxay sugayaan dowlada federalka soomaaliya oo dhameystirin sugan awood leh matashana shacabka soomaaliyeed guud ahaan ayna talladeeda iyo hogaankeeda  iska leeygiin shacabka soomaaliyeed ileen soomaaliya soomaali ayaa lehe.

AMIN MUSSE
musharaxa madaxdweynaha.

No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...