Wednesday, May 31, 2017

XAMAR WAA MAGAALO MADAXDII UMMADDA SOOMAALIYEED KANA MUG WEYN MAAMUL GOBOLEED..



ummadda soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxaa qalbigooda ku qoran gundhigna u ah magaalo madaxdooda,waana magaalo ay kusoo hirato soomaali oo dhan waxaase jira in dad soomaaliyeed ilaa hada la feer ordayaan u sameynta qaab maamul goboleed waana wax aan u qalmin ummadda soomaaliyeed,
magaalo madaxda meeqaankeedu waa ka duwan yahay tan maamul goboleedyada loogu talo galey iney habka dowladiga ah ee federaalku si wadda siman u gaaro,magaalo madaxda waxaa fadhiya oo ay tahay xarruntii dowlada federaalka soomaaliya sidaas darteed magaalo ma yeelan karto labba maamul,
waxaa jirta in hada maamulka hiirshabeele ay u suxulo duubayaan in banaadir lasiiyo maamul goboleed waase riyo khaldan,waxaana leeyahay yaan wax lasyku khaldin hadii maamulka hiirshabeele ay doonayaan maamul goboleed ay wax ka dhisaan wax haka dhiseen maamulka khaatumo soomaaliya oo hadda u baahan hiil iyo hooba.
waxaan isla raadineynaa ummadda soomaaliyeed laakiin laguma jira maamul isugu faan iyo anaga reer hebel ah ayaa maamulo badan.mana aha xaqiiqdu wax laga gaban karo,
magaalo madaxdu waa magaalo madaxdii soomaalida xijaabatey,soomaalida nool iyo kuwa dhallan doonaba,ummadda soomaaliyeed marnaba ogolaan meyso maamul gooni ah oo loo sameeyo magaalo madaxda soomaaliyeed,
hadii ay arintu mareyso maamul ayaa maamul kale garab istaagey oo wax ka sameeyey wali waxaa harsan sameynta maamulo kale iyo raadinta soomaali weyn waana arin ay mudan tahay inaan u istaagno,waajibna nagu ah hadii aan soomaali nahay anagoo ka weyn sheegashada qabiil,nin xigsi,qayb dhul soomaaliyeed xigsi,
waxaan kusoo rafaadney kuna hagaasney dagaal sokeeye waxaan hadda ku jirnaa dagaal diimeed dhibta ummadda soomaaliyeed dhaqanka u noqotey ee wadata rafaadka nololeed waa in aan ka baxnaa raadinaana soomaaliya oo nabbad ah wanaagsan qurxoon kuna noolaan karno jiilaalka soo socdaana naga dhaxli karaan sida dhaqanka u ah ummad kasta oo addiuunkan ku nool.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.

HAMBALYO GALMUDUG SOOMAALIYA.


waxaan halkan uga hambalyeynayaa shacabka soomaaliyeed ee galmudug doorshada madaxweynaha cusub ee Ahmed duaale geele xaaf,
galmudug waa maamul soomaaliyeed waxaana qirayaa in shacabka soomaaliyeed ee galmudug uu ka mid yahay qaybka soomaaliyeed ee ay ka go an tahay soomaalinimadu,waana goboladii looga istaagey raadinta xornimada ummaddeenu maanta haysato sida qaybo badan oo dalkeena ah,
waxaa jirta in burcad diimeedku khalkhalweyn galiyeen maamulka galmudug ayna kusoo jeediyeen indhaha ummadda soomaaliyeed ilaa lakala garan waayey yaa soomaali doon ah yaase soomaali diid ah,waxaan ula jeedaa alshabaab waxay jaanis iyo fursad ku heshey maamulka iyo shacabka soomaaliyeed ee galmudug soomaali doonkana ah,
xukuumadihii soo marey dalka oo awoodoodu tabar yareyd iyo xuniftan soo jireen ah kana dhexeeyey galmudug iyo puntland ayaa wuxuu sabeyey in galmudug noqoto meel ay iska qasto iskana abaabusho alshabaab,

maanta waa wax lagu xarfo in maamumulka galmudug ee soomaaliya uu meel iska saaro lana dagaalamo alshabaab kana adkaado,
waxaan shacabka soomaaliyeed ee galmudug ugu baaqayaa iney wax ka raadiyaan soomaaliya oo fiican ayna noqdaan maamul soomaaliyi kusoo hiran karto,waxna ka ilaaliyaan hab isu socodka ummadda soomaaliyeed maadaama galmudug ay ku taal wadnihii laysugu marayey ama isku xirayey dalkeena.layskana ilaawo wixii dadkeena soo marey rafaadshey ee uu saldhiga u ahaa qabiilku,maanta soomaalinimada ayaa ka weyn waxkasta oo ummadda soomaaliyeed kala tirsaneysey,waayo waxaan ogaaney in soomaaliyi walaao tahay laakiin cadow qarsooni isku daadiyey dhiigooda waana wax aan mar naba aanu fileyn iney soo marto ummadda soomaaliyeed.garsshana noogu filan.

shacabka somaaliyeed ee galmudug siiba dhalinyarada waxaan ugu baaqayaa iney wax ka ilaaliyaan nabbdgalyada kuna daba faylaan maamulka iyo madaxda galmudug,kana leexdaan wixii nabadda wax u dhimaya,xoogana saraan ku xirnaanta dalakeena iyo dadkeena idtiisa kale waayo far kaliya fool ma dhaqdo.

madaxda cusub ee galmudug waxaan leeyahay nin xil qaadey eed qaad sidaas darteed waxa meesha yalaa waa shacab iyo dal bur bursan una baahan waxqabad iyo ka qabashada alshabaab,maanta waxa ifaya waa ileyskii ummadda soomaaliyeed sidaas adrteed u horseeda shacabka soomaaliyeed ee galmudug,waxaan mar kale leeyahay ha noolaato soomaaliya hana israacdo soomaaliya.

AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.



Tuesday, May 30, 2017

waxan ogeysiinayaa ummadda soomaaliyeed iney iska jiraan weerarada argagixisadda ee bishan ramadaan 2017.



ummadda soomaaliyeed waxaan la socodsiinayaa iney indho u lahaadaan weerarada abaabulan ee ka imaanaya argagixisada ahna ismiidaaminta lala beegsanayo siiba goobaha shacabka bishan ramadaan,sida caadada ah bishan waa bisha ummadda soomaaliyeed ay badanaa ugu badan tahay daadinta dhiigooda,

nabbad diidku waxay caado ka dhigteen iney waxyeeleeyaan ummadda soomaaliyeed daadiyaana dhiigooda ayagoo uga dan leh khalkhal galinta qalbiyada ummadda soomaaliyeed,
bishan waa bil cibaado waxaase jirta iney burcad diimeedku ku fakarayaan iney muujiyaan iney wali jiraan,xoogna ku leeyihiin arimaha ummadda soomaaliyeed,
burcad diimeedku waa naf la caari waayo baddankooda waxaa u wadda go an tikidkii halaaga ee ay uga dhoofi lahaayeen adduunkan,

waxaan shacabka soomaaliyeed siiba kuwa magaalooyinka deggan ugu baaqayaa iney la shaqeeyaan hay adaha ammaanka,kana digtoonaadaan wixii nabbadooda  khatar galin kara,

igama aha khalkhal galinta shacabka soomaaliyeed laakiin waa arin ku saleysan aqoon  ku saleysan baaritaanka cadooyinka foosha xun ee burcad diimeedka ay ku wajahaan ummadda soomaaliyeed iyo baaritaankeeda, waa  inaan iska jirno wixii usoo xeyd xeydta waxyeelada shacabka soomaaliyeed,iyo guud ahaanba ummadda soomaaliyeed.

waa muhiim in la foojignaado siiba meelaha bulshadu isugu imaato sida suuqyada hotelada,guud ahaan baraha kulanka ee dadweynaha.
AMIN MUSSE.

Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.



Monday, May 29, 2017

ciidanka xooga soomaaliyeed waa mid waajibaadkiisuna waa ilaalinta dadka iyo dalka.


DAL AAN CIIDAN LAHEYN WAA NIN AAN ILKO LAHEYN.

sidii ay u burburtey dowladii dhexe ee dalkeena waxaa beelkasta oo soomaaliyeed yeelatey ciidan u gaara waxaase badaley in ,wakhtigan la joogo maamul kastaa yeesho ciidan magac goboleed wata,waxaan dhihi karaa waa muhiim in ciidanka xooga soomaaliyeed la tiro koobo la tayeeyo aqoontoodana kor loo qaado si ay u gutaan waajibaadka ay u hayaan ummaddaooda soomaaliyeed,

waxaa muhiima in ciidamada maamul goboleedyada lagu calaamadeeyo astaanta qaran lagana diiwaan galiyo wasaarada gaashaan dhiga,si ay u ahaadaan kuwo mideysan si guudna u wadda qaban kara hawsha loo igmadey,maanta dalkeenu wuxuu ku jiraa xaalad dagaal mana aha mid indhaha laga qarsan karo duruufaha na horyaal.laakiin waa mid u baahan midnimo isku tashi.inaan soo celino karaamadii umadda soomaaliyeed waa muqadis.jiritaankayaguna waa mid naga sugaya inaan u wadda istaagno.
ciidanka xooga soomaaliyeed waa mid ka weyn ku magacaabida reer hebel iyo maamul gooniyaba.waana mid ka hawl gali kara ciida hooyo meelkasta.

AMIN MUSSE.
Afahyeenka ummadda soomaaliyeed.




shacabka soomaaliyeed looma gashan karo shaati been ah oo ku saleysan ladagaalan argagixiso.


Ma aha wax aan aqabaleyno bara kicinta iyo cayrteynta ummadda soomaaliyeed ee xadka la leh gobolada Kitui iyo Tana River deegaanka Bisan-hargeysa.KAAGANA KULA LIHI KAYGANA ANIGU ISKA LIHI ummadda soomaaliyeed ma aqbaleyso,waxaa runtu tahay nabbadda soomaaliya waa nabbadda kenya laakiin markey arintu gaarto dhul iyo dad soomaaliyeed oo la gumeysanayo lana lana bara kicinayo waa ka weyntahay nabbad ka hadalkeed iyo wadda raadinteed iyo la wadda dagaalanka aragagixisada, raadinta NFD ee ummadda soomaaliyeed wali waa halkeedii,mana aha wax lagu dabooli karo la dagaalanka alshabaab waayo alshabaab shalley ayay dhalatey waana mid aanu soo af jari doono hadii aan soomaali nahay,


alshabaab waa cudur soomaaliyeed anaga soomaali ah ayaana naqaana daawadiisa,iyo sidii loo soo af jari lahaa.


dhulka iyo dadka ka maqan ummada soomaaliyeed waa ka horeeyay alshabaab  magacii kenya noo taqaaney soomaali hadii aan nahayna wuxuu ahaa SHUFTO maantase ma noqon karo magacaasi alshabaab waayo anaga ayaaba ku daba jirna soo afjarista alshabaab.


Arimaha noocan oo kale ahi waa qayb ka mid ah dhaqan xumadda ku saleysan kala goynta ummadda soomaaliyeed,wakhti dhaweyd waxay aheyd darbi ayan dhisaneynaa maantana waa lagu kala gooyo ummadda soomaaliyeed waliba si deg deg ah arimaha darbiga miiska loo soosaarey loona buun buuniyey,waayo waxay kenya waa ogtahay in ay socoto dabeyshii midnimadda ee ummadda soomaaliyeed.mana aha wax   la joojin karo,hadii ay kenya dowladeedu ku fakareyso ku adkeyso lahaanshaha NFD inta aysan soomaaliya dib u istaagin waxaan leeyahay marlabaad NIN NA NIN KALE DHULKIIS NIN KALE MA SIIN KARO,


dowlada kenya waxaan dusha uga tuurayaa cambaareyn weyn tasoo ah tacadiga ay u geysaneyso shacabka soomaaliyeed ee degan NFD iyo waliba inta ciidamdoodu saameynta ku leeyihiin.waxaan kaloo leeyahay shacabka soomaaliyeed ee aad cayrteyseen kana layseen geeloodii iyo kuwa aad noola joogtaan dartood inaad nabbad wax nagala raadisaanba waa isku mid waana wadda soomaali,waxaa dowlada kenya ku khasab ah bixinta xoolihii ay laayeen iyo raali galin buuxda oo ah mid dowladeed,waayo wakhtiyadii hore dhibta oroamada ka soo gaari jirtey boqortooyadii itoobiya waxaa bixin jirey dalalka yurub waa intaan oramada dusha laga wadda fuuline.hadaba umma adkeysanayeno dhibta ummadda soomaaliyeed ka soo gaareysa dalalka naga haysta dhulka iyo dadkaba.waana muhiim in ummadda soomaaliyeed aan laysku dayin in laga hor istaago isu imaanshahooda waayo walaalo.xuduud beenaad lakala dhex dhigey ummad walaalo ahi ma aqoonsan karto waayo wuxuu cadeyn u yahay ciribtirka jiritaankooda.


ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa raadinta wada raadinta nabbadeena,midnimo,iyo iswalaaleysiba.

AMIN MUSSE-Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.




Friday, May 26, 2017

we will make somalia till it becomes what we want.






waxaan cagta saarney waddo dheer oo aan loo kala hari kari soomaali ahaan,waana waajib saaran soomaali kasta inuu u istaago gaarista soomaaliya aanu dooneyno.
Quote
AMIN MUSSE.
afhayeenka ummadda soomaaliyeed.

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...