hadii ummadda soomaaliyeed ku kacdo xukuumadda hada xukunka haysa ridana waxaa fuleya danta itoobiya ee aheyd iney rido dowlad kasta iyo rajo kasta oo ummadda soomaaliyeed u wadda istaagtaytasoo ay ku xaqiijineyso jiritaankeeda.
hadii ay ummadda soomaaliyeed dayso xukumaada hada xukunka haysa ee dowlada ummadda soomaaliyeed ee dowlada federaalka soomaaliya waxaa baa'baya jritaankii karaamadii iyo soomaalinimadii ummadda soomaaliyeed waxaana fuliya danta itoobiyada caddwoga u ah ummadda soomaaliyeed waligeed ilaa qarniyana u guntatey qabri galinta ummadda ummadda soomaaliyeed iyo dhaca dhulka soomaaliyeed.
hadaba waxaa dantu ku jirtaa xukuumada hada xukunka haysa ee dowlada federaalka soomaaliya oo isa saxda kuna kalsoonaata ummaddeeda ayada sameysatey iskana leh burisana danaha khatarta ah ee ay wadato dowlada itoobiya ee ah caddowga soo jireenka ah ee ummadda soomaaliyeed xataa jiilaalkii naga horeeeyay iyo kuwa naga danbeeyayaba.
xukumada hada xukunka haysaa waa ku waajib iney dhagaha ka laabato sharciyada daneysiga khaaska ahi ku maqaarsaaran yihiin ee ay itoobiyo wadato uguna magac dareyso la dagaalanka argagixisada.
hadaba argagixiso waa jirtaa waana in meel loogaga soo jeesto laakiin ummadda soomaaliyeed ma yeelayso mana aqabaleyso in itoobiya dankasta oo ay wadato ku magacoowdo la dagaalanka argagixisada heshiis beenaadkastana oo ay dooneyso in ay wax ku yeesho midnimada ummadda soomaaliyeed iyo mideynta dhulka soomaaliyeed asagana ku magacoowdo heshiis iyo sharci ah la dagaalan aragagixiso.
runtu waxay tahay argagisada lala dagaalamayaa waa alshabaab ayaguna waxay ka dhasheen soomaali sidaas darteed ummadda soomaaliyeed ayaa kala taqaan kii aragaixiso ah iyo kii aan aheynba hadaba itoobiyana qofkasta oo soomaaliyeed ee afka iyo adinka u qaada dhulka iyo dadka maqan ee soomaaliyeed afka kagama qalaadi karto waa aragagixiso ayadoo ay danteeda qarsoo tahay ilaawa jiritaankiina igu gadaal faylana.
ummadda soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa iney ka fiirsato falkasta oo lid ku ah xukumada hada xukunka ahysa ee soomaaliyeed waayo anagaa sameysanay waana sixi karnaa waana ansixin karnaa sharci kasta oo wanaag u ah midnimada iyo jiritaanka ummadda soomaaliyeed.
waxaan qirayaa in dabinada taxana ah ee soo jireenka ah cadaawada waayo aragnimadana wata kana soo firdhaya itoobiya ineysan kaga guuleysaneyn ummadda soomaaliyeed waayo marar badan ayaan gaarney ummad ahaan laba daran mid dooro waxaana markasta dadka soomaaliyeed raacayeen tan ay ku sugan tahay jiritaankeeda.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.

No comments:
Post a Comment