Saturday, July 7, 2018

Soomaali Galbeed Soomaaliya.



KACDOONKA XORNIMO DOONKA UMMADDA SOOMAALIYEED EE SOOMAALI GALBEED QARNIYADANA SHIDNEYD MAANTA CADDOWGA ITOOBIYA IYO DABADHILIFKEEDUBA MA DAMIN KARAAN.

Soomaaliyada cusub waxaa wax nagala sameynaayaa waa dalal iyo dadyowga reer galbeedka kuwasoo ka tanaasuley iney qabriyada kala soo baxaan buugaagtii ay ka dhinteen awoowayaashood lalana a xabaaley kuna aaminsanaayeen fikrada ah  inuu gumeysashadu tahay sax ama laysu gumeysan karo sida hadba qowm qowm kale uga taag roon yahay amaba u gaadi karo jiritaankiisa una haligi karo sidaas darteed maanta waa xirantey daaqadii tuugsiga adduunka ee itoobiya kuna dulmineysey waxna ku yeeleysey jiritaanka ummadda soomaaliyeed .
Shacabka soomaaliyeed ee soomaali galbeed waxaay ku jiraan gacan gumeysi waana mid aysan waligood ku jiri doonin waayo waxaa naga wadda go'an inaan ka baxno waxaan qornimada ummadda soomaaliyeed u soo hurney naf iyo maal mana aha wax hada bilowdey mana aha wax joogsan doona ilaa aan wadda gaarno jiritaankayaga oo sugan soomaa,liya oo mideysan dadka soomaaliyeed oo aayagu is xukma gacantana ku haysta jiritaankooda xukumana geeska afrika maadama aanu ku dulmanmaneyn naloo kaga hiilyey qoomamka aanu waddao degno geeska afrika.
waxaay waligeed aheyd caddowga ummadda soomaaliyeed runtuna waxay tahay ileen qof itoobiyaan ahi kama adkee qof soomaaliyeede waxay waligood u qaylo dhaaminayeen dadyowga reer galbeedka waxayna dantooda gumeysi ku lifaaqayeen danaha reer galbeedku ka lahaayeen qaarada afrika siiba bariga afrika.
Gumesytaha itoobiyaanka ahi ee taagta,dhaqaalaha iyo maankaba gaabani wuxuu ka faa'iideystey daruufaha jiritaanka mugdiga galey ee ummadda soomaaliyeed waxayna itoobiya ummadda soomaaliyeed ka dhex sameysatey dabadhilif caade qaate ah quuni raac ah una matala jiritaanka,magaca iyo karaamada shacabka soomaaliyeed ee soomaali galbeed.
itoobiya waxay caddaadis weyn ka saartey shacabka soomaaliyeed ee soomaali galbeed dhankasta sida dhaqaalaha war'isgaarsiinta horumarka iyo nolosha dhankastaba.
waxayna itoobiya maskaxda ka badalatey soomaalidiidkasta barteyna cilmigeeda ku saleysan ii shaqee kana shaqeyso kasoo suurto galiyey in shacabkii soomaaliyeed ee soomaali galbeed ayba afka ciida daraan dhankasta caddaadis xukun ku saleysan dil,kufsi,dhac afqabasho,xabsi iyo car hadal,
Waxaa markahaati ma doonto u ah in xataa dhulka soomaaliyeed ee soomaali galbeed looba diidey in dadyowga adduunku booqdaan maadama ay itoobiya ka waddo halaag bini'aadaminada maankeedu uusan qaadan karin.
Waxaa caddowtinimo kuugu daran markii laguu isticmaalo isla dadkaaga waana mida keentey in caddowga itoobiya uu sameyto dad soomaaliyeed oo horjoogaayalaa ah una adeega fuliyana danaha itoobiya kuwaasoo la siiyey darajo madaxtinimo ku sheeg ah loona sameeyay dhalinyaro tuutuesan maanakana ka daroogeysan oo aan caqligooduba waligiis buug arag iskaba daayee iney ogaadaan halkeey ka yimaadeen iyo taariikhdoodiii soomaalinimo iyo dhiiga usoo daatey raadinta xornimadooda.
Waxaa ilaa hada socda waa xoreynta shacabka soomaaliyeed iyo dhulka soomaaliyeed ee soomaali galbeed kasoo lagu haysto qori caaraddiis.
waxaan qiriyaaa in itoobiya marnaba xkumi karin qof soomaaliyeed si kasta oo ay xataa dad ugaga sameysatp ubacda dhulka soomaaliyeed ee xorta ah ciidamana ka joogaan waayo ALLAAH uma abuurtin qof soomaaliyeed na ma ogala in uu ku hoos jiro xukun itoobiyaan inuu calankiisa soomaaliyeed hoos fadhiyo mooyee asaguna is xukumo.
Waxaan wadda qireynaa in halgan kastaa maro daruufo adag laguna waayo naf iyo maal waxaanse leeyahay soomaaliya inta hada xorta ahi waxaa loo soo marey halgan adag walina socda walina u baahan in loo midoobo loona ahaado soomaali.
Shacabka soomaali galbeed waxaan leeyahay waa dhow yahay guushii aanu wadda raadineyney qarniyada iyo iska rogida reeryada guemysiga waase in qalbiga lagu hayaa in itoobiya maanta tahay ilig liiq liiqaanaya una baahan israacin,
Waxaa hubaala ah in itoobiya isku dayyeyso iney dhankasta kaga timaado jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo midnimadoodu naf la caarina tahay aoowda itoobiya waxay ku soo gaba gaboowdey ku qabso ku qadi mayside waxaana taas cadeyn u ah iney itoobiya isku dayeyso iney horseed ka tahay kala googoeynta dhulka iyo dadka soomaaliyeed si aysan qarinayada soo socda u lahaan caddow soomaaliyeed oo ay ayadu gacanteeda ku sameysatey.
Itoobiya waxay markan naf bideeysaa iney dhulka soomaaliyeed ee soomaali galbeed dhinac u qoqobto kana ilaaliso IFTIINKA baxaya ee ummadda soomaaliyeed midnimadeedu ku saleysan yahay.
Qofka soomaaliyeed ayaa ka mudan inuu xukumo kan itoobiyaanka ah qofka soomaaliga ah ayaa mudan xaqna u leh inuu ka taliyo geeska afrika waayo soomaalidu waa dad dhaqan wanaagsan karti leh caqli badan,adduunkana wax la qaybsan kara,
Ummadda soomaaliyeed waa ka weyn tahay in lagu xukumo laguna jajuubo.laguna kala soko marsado dakhli laga soo tiigsadey dalal waligood naas nuujinayey itoobiya ka dib markii qarniyo hore ay itoobiya oohin la hor fariisatey albaabadooda iyo waxaan ahay dal lagu xeeran yahay.
Dhulka iyo dadka soomaali galbeed waxaay wali ka maqan yihiin ummadda soomaaliyeed inteeda kale waxaana wali u dagaalamaya una huraya naf iyo maal waa soomaalidii u dhimatey raadinta xornimada iyo midnimada,dhulka iyo dadka soomaaliyeed ee soomaali galbeed soomaalidii ay dhaleen walina nool hada wada dagaalka afka iyo addinka ah ee xornimo raadiska xaqqa ah ee soomaali galbeed iyo qaybaha kale ee maqan ee dad iyo dhul soomaaliyeed ba ah.
Waxaanse leeyahay dadka lagu soo dhex darsadey ummadda soomaalikyeed ee ka dhigaya in soomaali galbeed dad khaasa oo soomaaliyeed ka maqan tahay waa kuwo aan waligood kala faquuqi karin ummad hal af, hal dhul, hal diin, hal dhaqan,hal jiritaan leh waase in layska ilaaliyo dadka qalbigoodii soomaalin mo,dadkoodii iyo dhulkoodiiba siistey sanuud maalmeed iyo guno yar waana in la raaciyaa caddowga itoobiya waayo qori iyo qiiqiis waa laysla tuuraa.
Raadinta midnimada ummadda soomaaliyeed iyo dhulka soomaaliyeed ma aha riyo ee waa waajib ay noogaga dhinteen soomaalida aanu kasoo jeedno.
Itoobiya inta soo saarato shidaal soomaaliyi leedahay kulan dagaalanto ummadda soomaaliyeed jiritaankooda muqadiska ah ee geeska afrika waa waxaan ku masli karnaa daanyeer iska riyoodey waayo waligeed ma suurto gali doonto inta qof soomaaliyeed nool yahay waayowaa waajib joojinteedu ku saleysan yahay jihaad soomaalinimo fulinteedu.
Qokasta oo u dagaalama xoreynta dadka iyo dhulka soomaaliyeed waa xaq u dirir fulinaya waajibaad soomaaliyeed sida ONLF waxaana gabaad aan laga xigin u ah ciidiisii hooyo uuna wax ka leeyhaya soomaaliya inteeda kale ee xorta ah mana jirto soomaali u diidi kara soomaali kale oo la mid ah fulinayana danta iyo waajibaadka guud ee ummadda soomaaliyeed ka dhaxleeny jiilkii soomaaliyeed ee naga horeeyay aanuna kasoo farcaney.
Ummadda soomaaliyeed waxay u istaagtey jiritaankeeda muqadiska ah waxayna hayaan u tahay jiritaankeedu halkuu ku sugan yahay ee hanaqon habqan una ahoow soomaali.
Qokasta oo u dagaalama xoreynta dadka iyo dhulka soomaaliyeed waa xaq u dirir fulinaya waajibaad soomaaliyeed sida ONLF waxaana gabaad aan laga xigin u ah soomaaliya inteeda kale ee xorta ah mana jirto cid diidi kartaa.

AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.

No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...