Monday, August 19, 2019

CIIDANKA XOOGA SOOMAAL.IYEED - AMIN MUSSE - Afhayeenka Ummadda Soomaaliy...




CIIDANKA XOOGA SOOMAALIYEED WUXUU SOO AFJARAYAA ALSHABAAB
Waa in askariga soomaaliyeed u dhigmaa 10 askarta itoobiyaan iyo kenyanka ah maadama ay naga dad badan yihiin CADDOW KHATAR ku ah jiritaankayagana yihiin. .
BILL CLINTON mar wax laga waydiiyey soomaalida iyo dagaalkooda iyo ku guuldareysiga mareykanka inuu soomaaliya nabbad ku soo dabaalo wakhtigii diyaarada dagaalka magaalada mogadishu lagu soo ridey wuxuu ku jawaabey ummadda soomaaliyeed dhiigooda wuxuu ku unkan yahay dagaal amaba dagaalyahanimo sidaas darteed ayaga ayaa keensan kara nabbad waana mida xaqiiqdu tahay maanta anaga ayaa GACAN BIR AH ku keensaneyna nabbadayada kuna sugayna jiritaankayaga soomaaliyeed anagoon cidna u gadaal fariisaneyn cidna taledeed ku sucon waayo soomaaliya soomaali ayaa leh inaan ummad ahaan ka m id ahaano adduunkan anagoo qaran ahna waa mida qofkasta oo soomaaliyeed usoo xayd xaydtey maanta naguna kalifeysa inaan tirtirno inta na diidan ee soomaalidiidka. .
Waxaa gayiga soomaaliyeed ka socda waa sugitaanka jiritaanka soomaaliyeed waxaa dagaalo balaaran aanu ku wadnaa kuwa diinta sida khaldan ugu waashey ee alshabaab ahna xarigii gacnmaha loogaga xirayey ummadda soomaaliyeed.
Caddowga soo jireenka ah ee ummadda sopomaaliyeed waa naga guuleysan waayey sidaas darteed wuxuu hadba boorsada kala soo baxayaa habab cusub waxaana ka mid ah in soomaalida dhexdeeda laysku laayo laysku jabiyo caddowna laysaga dhigo waxaase runtu tahay biyo kaa badan iyo dad kaa badanba waa ku harqiyaan soomaalidiidka soomaaliyeed waxaa ka badan soomaalidoonka soomaaliyeed waxaana guuleysanaya soomaalida ku taagan jidkii awoowayaashood suganaya magaca qarinamada iyo calanka soomaaliyeed.
Caddowga ummadda soomaaliyeed ma aha oo kaliya alshabaab ee waa itoobiya - kenya iyo dalal dhaqaale doona h kheyraadkii dhulkooduna goolafwey amaba dhamaadey baahi dhaqaalena hayso doonayana in soomaaliya ay usoo maraan dad iyo xukuumadao kala qoqoban oo ay sameysteen .
Waa nagu wada waajib inaan si kali kali ah iyo wadar wadar ahba u suganao jiritaankayaga soomaaliyeed una ilaashano karaamada iyo sharafta ummadda soomaaliyeed waayo waxaan wada nahay soomaali fiqina tiolkiis kama janno tago qabiilkayaguna waa SOOMAALI dhamaantayo waxaa soomaali soo gaarana waa kusoo gaarayaan waana inaan wada ilaashanaa dowlada federaalka soomaaliyeed ayadaan ku nahay qaranee.
Hogaanka ummadda soomaaliyeed waa wadaan isu dhiib sidaas adrteed waa inaan garab istaagnaa la talinaa taageernaa u hiilinaa kuwa hadba aanu xilka u dhiibaney.
Maanta waxaan wada mudanahay inaan taageerno xukuumada hada xilka haysa ee dowlada federaalka soomaaliyeed waayo waa waajib soomaaliyeed,dowlada federaalka soomaaliyeed waxay ku taagan tahay jidkii soomaalidii hore waana kan saxda ah ahna mid soo jireena ah.
Ciidanka Xooga Sooomaaliyeed GODADKII ugu galey alshabaab wuxuuna ummadda soomaaliyueed kusoo darey magaalooyin badan wuxuuna dulmigii ka qaadey shacab badan oo soomaaliyeed waana GUUL WEYN.
OOGTA ummadda soomaaliyeed waxay ka shidan tahay awdheegle,shabeelooyinka ,gobolada dhexe dalkeena.
Waa hubaal soo afjarista alshabaab ka dib in aanu u wada soo ruqaan san doona qaybta labaad ee dagaalka qarniga ee ummadda soomaaliyeed laguna sugayo mideynta soomaaliya iyoi ummadda sioomaaliyeed.
Alshabaab waxaan leeyahay waxaa jira caddow guud ee ummadda soomaaliyeed leedahay xataa idinka idiin caddow ah ee joojiya daadinta dhiiga shacabka soomaaliyweed kana soo mid noqda ummadda soomaaliyeed cafisna waydiista ummaddiina soomaaliyeed isa soo dhiiba dhiga hubka waa mida kaliya ee idin badbaadisee dantuna noogu wada jiirtee,
Inta aad wadaan halaaga shacabka soomaaliyeed waxaa la wadaa halaaga guud ee ummadda soomaaliyeed kasoo ku saleysan soomaalida isku gumaad kala qoqob kala iibso markeey wiiqmaana xarig kuwada xiro xeel siyaasadeedu ku saleysan tahay.
ALshabaab waxaan leenahay waxa tusaale idiinkugu filan waa talibaanta afganistaan oo ku danbeysey wiilal dhowr ah kuna baxsad ah buuraha iyo kaymaha sidii ugaartiina ilaa hada loo ugaaranayo.
Ummadda soomaaliyeed waa wada muslim sidaas darteed jihaad kuma banaana soomaali.

AMIN MUSSE.
Afhayeenaka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.

No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...