CADDOWGAAGA CADDOWGIIS WAA SAXIIBKAA.
SUDAN WAA SAXIIBKA SOOMAALIYA.
Ugu horeyn meel ummadda soomaaliyeed ugama banaana hogaan la dafo hadana lala kufo ama igu daya aan la buubee waayo waxaan ku ku jirnaa wakhti adag oo aan u baahanahay ka samata baxa dabaylaha siyaadeed ee wata roobabka dagaalada ah ee ka cirtay bariga afrika.isbadal kasta oo xukun dafid ahi wuxuu noo celin karaa dib waxaana khalkhal galaya jiritaankeena soomaaliyeed maadama aanu soo qunyar soconeyney sidii aanu ku gaari laheyn meesha aanu rabno walina raaddkeedii aanu hayno mudana inaan ilaashano. waxaan dhidhid,dhiig,iyo dhaqaale ku soo dhisanay kuma limun karno nin xisgi eex iyo qabiil saarasho madax doorasho ku saleysan.
Ummadda soomaaliyeed inta wali hurada waxaan leeyahay aksoo kaca halka hoose ee beesha ahybteeda ah ku saleysan una soo madax taaga halka sare iyo guudka baxaya ee ah qabiilka soomaaliyeed ee aanu wada nahay sheeganano.
Waxaan si cad mar kale u leeyahay intii qof soomaaliyeed shgeean lahaa geed laantiis oo la mid ah beel soomaaliyeed waxaa ugaga dhaladsan ugagana qab wayn qofkaasoo shegta lahaan sheegta lahaanshaha geedka oo dhana lana mid ah qofkas soomaaliyeed oo inta uu beel hoose sheegan lahaa waxaa ka karfaamo wayn qofka soomaaliyeed oo sheegta qabiilkiisa saxda ah ee ah soomaali.
Waxaan qalbigu qaadi karin nin hebel ayaa lasoo siiyay malaayiin si uu u gato kursi goragale ummadded waxaase iswaydiin ah muxuu doonayaa caddowga istaas oo lacag ah soo siiyay soomaali sidii uu kursi u qabto waa su'aal wayn madaxana daalienysa waxaanse ugaga jawaabi sidan caddowga soo siiyay lacagtaas malaayiinta ahi wxuu u bixiyay lacagtaas asagoo u arka maal gashi siyaasadeed ka dibna ku gaataya burcad dhaqaale iyo afduubka qaran dhan oo ummaddi leedahay hogaankiisa.waase waxaan dhici doonin waana mida naga wada dhigtey wadaniyhiinta.
Maanta arinta ummada soomaaliyeed waa gundheertahay nin xigsi nin jecleysi anigaa gaya hogaanka iyho u]igu dayaba waxayse mari kartaa yaa hagi kara yaa samata bixin kara ummadda soomaaliyeed.
Waxaa hubaal ah inaan wali ummad soomaaliyeed haan ku taagan nahay wadadii aanu filayney qarniyadana raadineyne tasoo ah in ummadda soomaaliyeed gabi ahaanba ka tliso bariga Afrika mana aha siyaasad aanu qar qarineyno amaba aanu aashuun ugu adimeyno waa wax ku qoran qalbiga soomaali kasta oo nadiif ah daacd ah wadini ah soomaalinimaduna ku wayn tahay.sidaas darteed waa waajib waa muqadis midn imada soomaaliya iyo midnimada ummadda soomaaliyeed.
Waxaa qarniyo hadii aan soomaali nahay nala ku haystey dhulkayaga diintayada qabkayaga iyo jiritaankayagaba waxaana soomaalidii naga horeysey in badan kaga dhimatey halgan dheer oo ay caddow deris ku sheeg ah iyo caddow kasoo duuley qaarado kale kaga yureynayeen ciideena hooyo.
Markaan jeexano hab aanu ku gaari karno waxaan dooneyno oo ah soomaali aksta oo xor ah anagoo iska leh soomaalideena anagoo ku ah ummad ku haysata nabbad iyo nolol ayaa waxaa lanaka gadaal jeexayay kahriirad kale oo ku saleysan inaan god ku dhacno mugdi galno inta wax garadka ah na loo isticaalo dahabadhilif dhuuni qaadey ama sunuud yar ka doortey ummaddiisa soomaaliyeed.
Waxaa dalalka nagu xeeran noo soo raaceen dalalkii nala raadinayey nabaddii geesk aanu iska saarney markii naloo kaga faa;iideystey habkii siyaasadeed ee caddowgu noo dajiyey ee ahyed inaan qabiil isku layno.markaan ka soo kabanayna waxaa nalaku soo dhex tuurey dagaal qabkiisu yahay diin dagaalkeed anagoo u kala safaney kanaa xagjir ah iyo kanaa muslim reer galbeedku wadan karaan ah.halkii xalkeenu ku jirey inaan ahaano hal ummad oo soomaaliyeed waxakstana anagu dhameysano raacnanajidka saxda ah ee wanaagu iyo danataydi ku jirto oo ah inaan ahaano soomaali walaalo ah leh kuna adkeysano afkayaga diinatada dalkayaga mid ah iyo waliba jiritaanakayaga aan lakala finjili karin lana kala haadin karin.
Waxaa dhacdey in aanu qalbiga gashano caddow qarniyo ummadda soomaaliyeed iska yureyneysay afkana kuwo kursi qabkooda iyo qalbigooda deeqo kaga qalaaxdaan waxaan anahay walaalo.waxaan leeyahay maxay u doonayaan dhulkayaga hadii aan walaalo nahay walaal walaal ma dhacee ?,maxay ilaa maalintii aanu ogaaney khaladkayaga soomaaliyeed iyo in laysku kaaya direy noogu kala dhex jitaan wali noogalana dagaalamayaan inaan midowno is hor fariisano waxda ahaano soomaali danteed geed hoostiis ku gorfaynaya una laab gashanayaan hadba keenii kursi xaato ahi waalo nala salbabakha hayntiisa uguna dhaqaalo siinayaan.taas macnaheedu waa waligaa hasoo kicin.waanse tashaneyummad soomaaliyeed ahaan waxaana nagu waajib ah inaan af iyo addinba isga leexino soomaalidiidka soomaali kan lugaha u qabanaya caddowgeeda iyo kan caddow u ooyaba waayo waxkasta waxaa ka wayn soomaalinimada waxkstana waxaa ka wayn halgankaan soo jireenka ah ee aanu ka dhaxalney ummaddii soomaaliyeed ee aan u kasoo jeedno kana soo farcaney soo gunaanadkiisa.
Waxaan markhaati kawada aheyn in horagalaha itoobiya aadey kenya nala kulmay hogamiha akukuiyada waxaan akloo markhaati ka aheyn horgalaha itoobiya si dadban noo wada tusey magaalada mooyaale ee ummadda somaaliyeed leedahay tahay magaalo oromo kana furey kastam lagu qaado canshuurta oromaduna masuul ka tahay kagana furato soomaalida shilinka mudooyinka soo scoda waana dhac iyo boob maalin cad ah.waayo waxaa laga ilaaliyey baraha war isgaarsiinta qof soomaali matala sheegtana xarag ka jarista barta carshuuraha halka ninka maamulka oromadu joogey oo nin oromo ah halka raesalwasaaraha itoobiya joogey oo nin oromo ah lana ilaaliyey soomaali oo idil.halka mooyaale tahay magaalo soomaaliyeed oromaduse dooneyso iney naga dhacdo.
Waalida caddowgu intaas kuma harin horgalaha itoobiya wuxuu walaaleysi u aadey kenya asagoo isaga kaaya dhigaya mid raadinaya xal kenyan iyo soomaali laakiin xaalku yahay dhurwaa iyo labdiis dhagood waa isku mid.waayo kenaya oo naga haysata gobol soomaaliyeed NFD layiraahdo ayaa waxaa damac kaga jiraa baddayada waxaana kasii daran si xaalku u noqdo una ogolaano iney qaadato ayay waxay kenya faragalin cad ku sameyneysaa ciida soomaaliyeed xorta ah.waana khalad siayaasedd oo khatartiisa wata.kenya waxay maalin iyo habeen taagan tahay dan haag si markasta loo dheereeyo dacwada badda ummadda soomaaliyeed gaysatey kuna dooneyso in lagaga dhaariyo burcad baddeddnimada kenya ku dooneyso badda soomaaliyeed.
Kanya waxay si wakhti dheereysi ah faraha wali ugala jirtaa maamul goboleedka siomaaliyeed ee jubaland waana danbi qaran oo soomaaliyeed ayna galeyso kuna jirto kenya waxaan leeyahay marnaba dal wanaag kama heli karo dalkale hadii dhul iyo dad ka haysto hadii uu faragalin siyaasadeed ku hayo hadii uu wali usoo han qaltaagayo badda dhaceed.
Hadaba waxaan leeyahay ummadda soomaaliyeed saab ayaa biyo u celiyeen waxaana haysanaa wakhti aanu ksuoo kabano waxaan haysanaa wakhti aanu ku tashano waxaan ahysanaa wakhti aanu ku urursan karto waxaksta oo dal ku dhismo karo wakhti gaana waxaana noo suurta galaya soo afjairista dhib la'aan waxaan dooneyno gaariesteeda waxaase ka horeeya intaas inaan ka ilaalino hogaanka ummaxdda soomaaliyeed dabadhilif dabdhilif kasta midkasta oo anaga soomaali ah lakiin qalbiga ummad ka ah amaba ah waraaq wax lagu soo qorey.
Waxaan leeyahay waxaan maanta soomaaliydeena soo gaarsiiney meel fiican anagoo kasoo biloowney xlaakaan wada garaneyno tasoo aheyd madaxweynhihii hore ALLAH ha u naxariistee cabdulahi yusuf oo ciidan kasoo daabuley dowlad goboleedka puntland ee soomaaliyeed oo markaas dhisneyd kana soo qaadey ciidamadii puntland ee fadhiyey laas caanood asagoon askari ugagag soo tagin tasina sababey in maleeshiyaadka ay hor kacayaan soomaalidiidku qabsadaan kuna andacoodaan anagaa xorfeyney xaalkuse ahaa laba dran mid dooro in dowlad goboleedka puntland halkaas ku yureeyo maamulka soomaalidiidka ah iskana dhago tiro soo celinta qarankeena iyo xoreynta magaalo madaxdeena mogadishu iyo in askari aksta laga soo qaado iyo gaadiidka dagaalka halaaks loona xiro ishii dhaqaalaha ee markaas ummadda soomaaliyeed ka shaqeyneysey waa dekada boosaasee taas ayaanuna raacney lagumana hungoobin waanse ku baraaney.
Waxaa suurto galnoo noqotey ummad soomaaliyeed ahaan inaanxaruntii taliska dhexe ee dolwda federaalka ka soo rarno baydho janeey una soo rarno magaalada jawhar ayna suurta galiyaan wadaniyiin soomaaliyeed oo uu ka kid ahaa maxamed dheere ALLAH ha u naxariistee.ilaa aanu keeney xaruntii taliska ummadda soomaaliyeed magaalo madaxdeena mogadishu rafaad iyo halgan xoreyn dheer ka dib waxaan leeyahay ciidankii laga keenay dowlad goboleedka puntland waxaa salkoodii noqdey mid dhinta mid dhaawacma oo dayacma iyo mid aan la helin lana waayo waxaase hubaal ah dolwad la dhisayo oo aan dhiig loo hurin ma jirto xolrnimo aan nah iyo maal loo hurinna ma jirto.
Maanta waxaan ummadda soomaaliyeed ahaan mareynaa jid dhexe una baahan inaan ilaashano jirtitaanakayaga waxaa dagaal ku jira waa itoobiya waxaase nagala gudboon waa inaan dhex dhexaad ka ahaan o ficil kasta oo dagaal olo ay itoobiya gasho waayo dani nooguma jirto waana soo marney dagaaladeenii ummad soomaaliyeed ahaan waxaan ula jeeda si cad maanta waa inaan soo afjarnaa dagaalada dhexdeena ka socda xoreynaa isku meel na u soconaa anagoo wada arkayna afrta waa wayn ee buuga soomaaliyeed noogugu qoran tasoo ah waxaan oofineynaa waxa danta noogugu jirto waxaana waxskata ka horeeya waa danteean soomaaliyeed.waxaan la saxiibeynaa kan anaga soomaali ahi dantu noogugu jirto kuna gaari karno halaakn rabno oo ah midnimo ummaddeed iyo mid dhul ah.waxaan sii turaan tureyneynaa kii shallay nagu haystey dhulkeena dadkeena iyo baddeenaba iyo kan la mid ah a ee asaguna na doc faruurayey isku mowqifka dhul soomaaliyeed dhac ah dantooda kawada dhexaysana aheyd.
Waxaan si cad halkan ugagag caddeynaa ugu horfeyn meel noogama banaana hogaan inta la dafo hadana lala kufo waayo waxaan ku jirnaa wakhti adag oo ay gilgulaneyso bariga afrika dalkii dagan ciidankiisana dhistaa ka badbaadayo is reeb reebka dagaal ee kasoo bilowdey waa kan cusub itoobiya iyo isla dhexdeeda maamul goboleedka tigreyland hadana u sii xuub dilaacsadey dagaal u dhaxeeya sudan iyo itoobiya eritereyana kaba atahay qayb ayadoo la safan itoobiya laakiise aysan meesha ka maqneyn masar oo ciidankeediiba jooga sudan waxaan leeyahay waa dagaal gundhigiisu yahay jajajbinta biyo xireenka joogsana doonin ilaa uu haro walwalka jaagada ee shacab waynaha masar una socdo wabiga niil ee aan waligios la xirin.
Waxaan maamulka jubbaland leeyahay nabbad ayaa naas na noogu leh soomaali ogol majiro in horgalayaashiinu xukun kursi maamul goboleed in lagu iaaliyo kula saxiib kenya oo ah caddwoga labaad ee soomaaliya naga gumeysaneysa NFD hadana isoo sulo duubatey baddayada. waxaan si cad u leeyahay mar aqabali mayno inaad isku sidigtaan kenyan marna aqabali mayno faragalinta kenya ee soomaaliya.marna aqabali mayno qayb cusub oo soomaaliyeed kenyanaka taliyo.
Waxaanse leeyahay dagaal dheer oo sijiid jiid ayaa ka bilowdey bariga afrika socona doona mudo dheer anaga soomaali ahinana meel nooagama banaanas idaas darteed u soo noqda ummaddiisa soomaaliyeed anagoo dhana aan isu tanaasulno xalka ujmmaddeena wuxuu ku jiraa dhexdeena mana saarna geed geed kanyan mana saarna mid itoobiyaan iyo mid beesha caalamka ahba.waxaa hubaal ah kursi kasta oo qof naga mid ahi raadiyo wuxuu ku harayaa wakhti uu leeyahay waxase haraayaa waa soomaaliya iyo dadkeeda sidaas darteed waa lagama murmaan inaad miiska la soo fariisataan dowlada federaalka soomaaliyeed ee aan u wada sameysaney ummad soomaaliyeed ahaan siakan saxnaa waxkasta oo khalkhal galin kara jiritaankeena maanta marnaba ummadda soomaaliyeed aqabli mayso inaan hoos orodno caddow aanu leehay adduunkana la qaylo dhaaminaya waali sheegashada baddeena.
Waxaan ummad soomaaliyeed hayaan u nahay halkuu ku sugan yahay jiritaankayagas soomaaliyeed ee ka wayn inaan cid kula gorgortano inaan cid u gadaal fariisano.waxskata waxaa ka wayn soomaalinimada ee ha hareer marin hayaan ummadda soomaaliyeed geediga ugu tahay jiriktaankeeda hana noqon habqan hana noqon dabadhilif ummaddiisa loo soo isticmaalo.
sidaas darteed dooro una codee horgale u qalma naftaada dadkaaga iyo dadkaagam una hiili naftaada iyo dhisada soomaaliyada cusub waa gari halkaad rabtee wad barwaaqo soormiye.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed.
Musharaxa Madaxweynaha.







