Sunday, April 16, 2023

DUMARKA SOOMAALIYEED WAA LAFDHABARTII UMMADDA SOOMAALIYEED.

DUMARKA SOOMAALIYEED WAA LAFDHABARTII JIRITAANKA UMMADDA SOOMAALIYEED.
DUMARKA SOOMAALIYEED WAA LAFDHABARTII JIRITAANKA UMMADDA SOOMAALIYEED.
Ninkii wax kufsada waa in farta laga geliyaa reerka uu wax ka kufsadey hadey doonaan ha ku OOFIYEEN waajibka dilkee.
Dumarka soomaaliyeed waxaan leyahay u istaaga jiritaankina ha u gadaal fariisanina raggee wax na ka qabta - kufsiga - dilka - liiditaanka - xaqirida - iyo jajuubka la idinku wado la idiin gaysanayo idinkoo isku duuban waad AWOODAANE qaniinyo qaniinyaa kaa fujisa.kuwa ilamaha fuula ayaguna waa dil sidoo kale.
Ragga soomaaliyeed ee salimey ama qabatimey kufsiga waxaan leeyahay cisilkiinu yuusan ciida idinka hoos marin ninkii wax kufsada waa dil,dumarka soomaaliyeed waa ay ka badan yihiin ragga soomaaliyeed waxayna rabaan rag soomaaliyeed oo guursada.
Ragga soomaaliyeed waxay qiimo leeyihiin marka dumarka soomaaliyeed qiimo,qaayo iyo kamaaramo leyihiin,
Dumarka soomaaliyeed waxay qayb ka yihiin kana ahaayeen qaranka soomaaliyeed waxay dhaleen ragga Afrika ugu jeesisan ee soomaaliyeed waxay cirka la xawaaareynayeen diyaarado ka hor ummaddo badan oo dumarkoodu dulman yahay qaarna ilaa maantaba aan xataa loo ogoleyn iney hadlaan maba noolaadaan gaariyo wadaan.
Dumarka soomaaliyeed waa dumarka ugu adkeysiga badan dumaryowga adduunka uguna caqliga iyo karaamadaba badan waxaana caddeyn u ah dalkiiyoo burburey ayay adkeysteen ahaayeen kuwii wax ka damiyey dabkii holcayey iyo colaadii sokeeye.
Nin dumar indhaha maro ugaga dabooley kagana dabaooley u quuri waa iney dunida arkaan,Waxay markaahti madoonto ah in waddankeenu ka horeeyay waddamada geesaha naga xiga,waxay kaloo markhaati ma doonto u tahay in dumarka soomaaliyeed xuquuqdoodu sugneyd ayna qabanayeen ama baranayeen waxkasta oo raga soomaaliyeed qabtaan ama bartaan,
sida aad ogtihiin waxaa jira waddomo aysan dumarkoodu xataa baabuurta kaxayntooda aan loo ogalayn sida sacuudiga,qaarkoodna waxaaba lagu khasbaa isqariya waxaad ba tihiin cawree.
Hadaba waxaa jira in mudadii danbe ay isa soo taraysay hoos u dhig ama in xuquuqdooda dumarka soomaaliyeed la duudsiiyey tasoo ay keentey dagaalkii sokeeye oo sababey in qorigu taliyo iyo ninkii xoog weynba.
dumarka soomaaliyeed waxay wax ka hayeen xukunka waddankeena.hooyooyinka soomaaliyeed waa jaamacada uu kasoo qalan jabiyo hogaamiye kasta oo soomaali ah.dadkiisana ku hageyey soomaalinimo.iyo hogaan ay hooyo soomaaliyeed soo bartey.
Wakhtiyadan danbe ragga soomaaaliyeed waxaa manhajkii hooyooyinka soomaaliyeed soo bareen ee hogaamiyenimo iyo horgalka ummaddooda dhalan rogey cadow u soo dhuuntey kana adkaadey ragii soomaaliyeed intooda abadan caddowgaas oo gebi ahaanba dadkeenii isku direy kasoo caddowgaasoo gaadmo qarsoon watey waana cadow dano fog watta mudana lasoo gaatamayey halgaad ilaahadana nabada u diidan dalkeena dadkeeniina ka dhigey baylahda adduunka kala qaban.
Caddowgaasi wuxuu kuwii soo kacaba usoo yaaciyey banaanka iyo dalalka dibadaha si ay uguba soo noqon dalkoodii iyo dadkoodiiba hase yeeshee kaalintii dumarka soomaaliyeed ee ku saleysneyd badbaadinta ma hungoobin wayna miro dhashey oo waxaana jaamacadihii hooyooyinka soo baxay ardo cusub ama jiil cusub oo soomaaliyeed wadaniyaal ah.
Dumarka soomaaliyeed waxaa xuquuqdoodii yara gilgiley dagaalkii sokeeye maadama aysan ayagu xabada rideyn.dhib weyna way kasoo gaartey sida dil kufsi dhac moraal jabin gaajo laakiin dumarka soomaaliyeed waanu ku waa baxsaney oo soomaali inta maanta nool waa in dumar ku hagoogtey.hadii ay noqoto daaweyn,nafaqeyn,la qixid,korin,hub kadhis,
Dumarka soomaaliyeed waxay ilaa hadana ku jiraan qaybna ka yihiin go'aamada dalkeena ee nabad ku soo celinta dalkeena,waxayna dalkeena ku dabiibaan raadinta nabbada,
Dumarku ama hooyooyinku waxay dhalaan ilmo kala qabiilo ama kala duwan raguse hal qabiil,taasina waxay markhaati ka tahay in dumarka soomaliyeed meel isugu keenaan qabiilo kala didsan dagaalna u dhaxeeyey dabadeedna halkaas nabadi ka dilaacdo.marka dumarka soomaaliyeed waa in loo qiraa baalka dahabka ah ee ay nolosheena kaga jiraan lana ogaadaa iney humiim yihiin qadarin mudan yihiin.
Waxaanse aad u dhaliilayaa in dumarka soomaaliyeed wali qaarkood aan la siin qiimihii ay ku lahaayeen ummadda soomaaliyeed dhexdeeda iyo dibadahaba waxaana markhaati ka ah in nolosha ka jirta dalka ay jeeni qaartey dahqqaale ahaan dibadahana ay muteen qoomaam aan aqoon dheeraad ah u laheyn qiimahooda dumar soomaaliyeed ahaan kana aqoon la yihiin halka ay ummaddaooda ka kaga jiraan iyo iney yihiin lafdhabartii jiritaanka ummadda soomaaliyeed.
Dumarka soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa Araweelo tasoo aheyd hogaamiye soomaaliyeed,waxaa kaloo ka mid ahaa Xaawo Taako oo u dhimatey halganka ummadda soomaaliyeed iyo xoriyada ummadda soomaaliyeed mana aha wax halkan lagu soo koobi karo, dumarka soomaaliyeed waxay taariikhda ummadda soomaaliyeed kaga xardhan yihiin baalal dahaba kagana qoran yihiin,
Dumarka soomaaliyeed waa
hooyadaa
habaryartaa
eedadaa
walaashaa
xaaskaaga
gabadhaada
Dumarka soomaaliyeed waa sharaftii ummadda soomaaliyeed ee ilaali xilka kaa saaran kana soo bax waajibaadka kaa saaran ragga soomaaliyeedoow.
Dumarka soomaaliyeed waxaa huda ugugu jira caddow aan muuqan aysan arkin soona jireen ah doonayana inuu marin habaabiyo kana didiyo diintooda kuna khasbo iney lumiyaan kaalinta ay kaga jiritaan ummadda soomaaliyeed,
Caddowgaasi waa kan dumarka soomaaliyeed sumcadooda duliya mid midna ugaga saaraya bulshadooda kana dhigaya tuke cambaar leh si uu gooni gooni ahaan gugu isticmaalo dumarka kale.
Waxaan wadda qireynaa in dumrak soomaaliyeed ummaddaooda soomaaliyeed ku dhex leeyihiin karaamo ixtiraam sharaf xaq iyo xaquuq laakiin inyar laga dhex xushey la buub buuniyey kor loo qaadey in badana waxaa la saarey kuraas sare markii la banaan bixiyeyna dhulka ayaa lagu dhugtey laysagana tuurey.
Waxaan leeyahaydumarka soomaaliyeed karaamo kuma dhex helayaan daafaha adduunka hadii aysan raggooda soomaaliyeed ku lamaasaneyn waxaana markhaati madoonto ka ah sida loola dhaqmo dumarka soomaaliyeed ee ku dayacma dibadaha markaay noqdaan baylah dal la'aan dad la'aan waxaana qireynaa is dalal badani maanta wax ka bad baadiyeen dumarka soomaaliyeed sarena ugu kaceen xag bini'aadamnimo iyo xag eegis birmageydoba.
Dumarka soomaaliyeed xaquuqda ay ku leeyihin ummaddaooda soomaaliyeed waa soo jirfeen ninkasta oo soomaaliyeed waxaa dhaley ama la dhashey ama u dhaxda ama uu dhalay dumar sidaas ma jiro nin soomaaliyueed oo xaqi kara xaquuqda muqadiska ah ee dumarka soomaaliyeed iyo koryeelisteeda waxaase jira in ummadda soomaaliyeed guud ahaan lagala dagaalamayo dhaqankeeda diinteeda afkeeda si loo helo jiil soomaaliyeed oo badala soom aalida hada nool magca kaliyana ka ah soomaali iyo qobka lagana fushado wixii ka hir gali waayey soomaalida hada nool arintaas darteedna looba burburiyey soomaaliayadii dhisneyd walina nalakala dagaalamayao inaan dib lugahayaga ugu soo istaagno.
Waxaan dumarKA soomaaliyeed leeyahay ninkasta oo halyeey ah oo soomaaliyeed ummadiisana wax u qabtey horgaley kana sarey wakhtiyadii adkaa waxaa dhashey hooyo soomaaliyeed jirkeeduna ka sameysmeen xiniinyihiisu caqligeediina ku soo koobisey kana dhigtey hor gale maanta u istaaga jiritaankiina soomaalinimo ahaadana dumarkii soomaaliyeed hana ahaanina kwuii dabeyshii martaaba badasho.
AMIN MUSSE.
Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
Musharaxa madaxweynaha.
See less
All reactions:
3


No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...