waxaan halkan ka cambaareynayaa dowlada kenya ku xad gudubka dhulka iyo ummadda soomaaliyeed ay dowlada kenya ku kala gooyneyso darbiga ku saleysan dhul isa siinta dhulka soomaaliya,
waxaan kaloo uga digeyaa kenya ineysan sii wadin dhisada darbigan waayo waa dhul soomaaliyeed sharcina uma laha,bari ayaa dowlada ingirisska nasiisey oo anaaga iska leh ma aha mid caalamka ka soconeysa,waaana jabin iyo ku xad gudub jiritaanka ummad iyo soo xeyn daabid ku saleysan boob,
kenya iyo itoobiyaba ma aysan aheyn iney ka mid noqdaan waddamada aan u wacaney ee lnala baadi goobey nabadii aanau anagu iska qaadney markii nalaku soo qaadey weerar ku saleysan af iyo lacag lala daba socdo,
sida aan lawada socono kenya waay ogtahay ineysan gobolka NDF aysan laheyn lahaana karin,
mida kale waxaa halkan kaaga cad iney dulmi wayn lana gaadeysey kenya waayo waxay darbigan ay ku kala xireyso dhulka soomaaliyeed iyo dadka soomaaliyeedba ku beegtey burburkii ay ayadu qayb ka aheyd ee soomaaliya,
runtu waxay tahay kenya nabada iyo xasiloonida ay raadineyso kuma heleyso kala goyen dhul aysan waligeed lahaan doonin,ayna meel u taal bixinta kharashka lagu jajbin doono,
waan ognahay lana soconaa in kenya ay muddo soo koobineysey talada laga siinayo xagga nabad galyada ee ay ugu tabaruceysey israaiil,waase mid ay israaiil iaydu lafteeda ku hungoowdey mana aha habka loomaro raadinta nabadgelyo qaran,
anagu waxaan si cad uga soo horjeedaa joogintaanka ciidamada kenya iyo itoobiya ee soomaaliya,waayo waxay ka danbeeyeen burburkayagii,si ay u xalaalsadaan dhulka soomaaliyeed ee dowlada saddexaadu faraha u galisey.
raali aayaan ka nahay in dowlad aanu wax ka tirsaneyn dhulna naga haysan ay nabad nala raadiso.
waxaan halkan ummadda soomaaliyeed ugaga baaqayaa iney hor istaagaan darbigan lagu kala goynayo dhulka iyo dadka soomaaliyeed,
dowlada socod baradka ah ee federalka soomaaliya iyo waliba baarlamaanka soomaaliyana ineysan afka iyo addinkaba ka qabsan,ama ay ummadda soomaaliyeed ee ay matalaan ka hor leexdaan si loo helo kuwo u qalma hogaaminta daka iyo dadka soomaaliyeedba.
No comments:
Post a Comment