hadii aan kawada soo cararnana wuxuu ahaan sidiisa waayo inta dadkale noo daba maraan noo dhisimayaan,hadii aan cararnana wax yar ayaa naga gaaraya meeshii loo cararey oo in badan ayaa naga dhimaneysa sidii anagoo dhan aanu markhaati ka nahay ayna ugu danbeeysey boqolaalkii dadkeena ahaa ee ku dhintey badda masar ALLAH samir iyo imaan hanaga siiye.
dani waa ma seegtee waxaa nalaka doonayaa inaan anagoo kaligeen ah nabad sameysano anagoo kaligeen ah inaan dalkeena dhisano,
soomaaliyi waxay gaartey maanta ama maya,taasoo aan ula jeedo inaan midowno una istaagno nabadeena nolosheena iyo dalkeena ama inaan ogolaano inaan ciribtirmano,ma ogolaan karno inaan ciribtirmano waayo waa diidmo ka soo wadda yeereysa qalbi kasta oo soomaaliyeed.
wax badan ayaa nalaka daawadey adduunka daafihiisa wax badan ayaa dadyoow caruurtooda indhahooda ka qariyeen marka uu soo galo warar ka hadlaya soomaaliya iyo dadkeeda si aysan u qaracmin mana aha wax na qaban kara magaceenana lagu sumadeyn karo ama u noqon kara naaynaas nalookaga yaqaan adduunka marka lasoo hadal qaadaba soomaaliya iyo dadkeeda iyo waliba dhinka haysta,runtu waxay tahay waan ka bixi karnaa dhibta iyo dagaalka,waan raadinkarnaa soomaalinimo iyo iskaashi walaalnimo,waan kasoo saaran karnaa dalkeena waxaan munaafacaadsano.
waana noqon karnaa soomaaligii qofkastaa oo soomaali ah jeclaa in lagoo yaqaano adduunka asagoo wanaagsan.waxayse ku xiran tahay samaysiga madax daacad ah uu shacbku samaysto kuna dhiirado,dadkeenuna midoobo kuna dhaqano sharciga dhexdeena aan samaysaney,eex la aan,qabiil la aan,laaluush la aan.aana ku dheehno wadaninimo.
hadaba waa hawl weyn una taal fulinteedu aniga,adiga iyo dadkeenoo dhan.
No comments:
Post a Comment