waxan ugu baaqayaa dadka soomaaliyeed ee labada dhinac u kala saftey marka ugu horeysa xabad joojin ayna raadiyaan waan waan una saaran gudi nabadeyn kasoo soomaali ah.
runtu waxay tahay labada dhinacba waxa dhimanaya waa soomaali waxa dhulka ka maranayana waa soomaali,cida dantu ugu jirtana waa cadowga harka ah ee ay ummadda soomaaliyeed leedahay,waana kan aysan qaban indhaha dadkeena soomaaliyeed badankoodu waayo anaga ayaa weli isku jeedna,
hadii aan wax yar idinka xusuusiyo soomaali galbeed waxaa dhiig badan u daadiyey soomaali oo dhan iyada oo aan qabiil laysugu raacin ee ay arintu ahayd xoreynta dhulka soomaaliyeed iyo dadka soomaaliyeed,
dadka soomaaliyeed ma mutaan, xaq iyo xaquuqna uma laha in soomaali kale uga soo duusho dhulka soomaali galbeed,
mida kale waxay tahay,maamulka galmudug waxaa ku furan furin alshabaab ah sidaas darteed uma haboona iney furin kale isku furaan waxaana ay arintu ku habooneyd iney waan waan kale raadiyaan,marka arinta dagaalkan laga fiiriyo dhinacyo badan waa mid salka ku haya sidii ay gobolada dhexe ee dalkeena nabad galyadiisu faraha uga bixi laheyd ayna ula wadda wareegi lahayeen ciidamada shisheeye ee itoobiya nagumana aha munaasab hadii aan soomaali nahay soomaali iyo jiritaankayagaba.alshabaabna uga faa iideysato ishuna u qaban si hadhoow iyaga laftooda looga dhigto mar marsiiyo iyo alshabaabaa wadda qaadatey lana wada wareegtey bartamaha soomaaliya oo dhan,iyo raadiya amisom itoobiyna ha hor kacdee,
liyuu booliis hadii aan usoo noqdo waa inamo soomaaliyeed waxaa tuutaha itoobiya qabba arimaha maanta soomaaliya ka socdana waa midka soomaali idinku diraya loona hoos geeyay soomaali galbeed itobiya anagoo diidan na lana waydiin,soomaaliyi waa mid waana ul iyo diirkeed waxaan ugu baaqayaa maamulka soomaali galbeed ee hada hoos taga dowlada itoobiya ineysan leyn maatada degan xuduud beenaadka soomaaliya,dadku waa dadkii u dagaalamayey xoreyntiii dhulka aad hada itoobiya la hoos joogtaan,waana dhul soomaali oo dhan,
maanta soomaaliya waxaa ka socda dagaal lagu quusinayo iney abadanba soomaaliya sheegato dhulalka ka maqan,dagaalkaasoo loo soo marey fulintiisa bar qarni ku dhawaad,wajiyo badana lagu dayey ilaa markii ugu danbeeysay loo gashey shaati qabiil laguna guuleystey waana midka maanta uu socdo dagaalkaas dalkeena badankiisa uuna ka mid yahay kan ka dhexeeya dadka soomaaliyeed ee kala hoos taga labada maamul ee soomaaliyeed GALMUDUG IYO MAAMULKA SOOMAALI GALBEED.maamulka soomaali galbeed haba hoostagee hada itoobiya runtuse waxay tahay soomaaliya soomaali ayaa leh dadka soomaaliyeedna xaq iyo xaquuuq waxay waxay u leeyihiin iney ayagu ismaamulaan lahaadaan dowlad ay ayagu sameysteen kuna qanacsan yihiin iyagoo mideysan dhamaan.mana jiro qodob diidan midowga soomaaliya adduunkan oo aysan ka aheyn dadkeenii qarkiis oo ilaa hada hurda hor ordaya dano shishiiye mooyee.
waxaan mar labaad ugu baaqayaa labada dhinacba ilaalinta nabada iyo inaan dadka soomaaliyeed ee abaaraha dalkeena ka dhacayaa rafaadiyeeen aan loogu darin xabad iyo qax.
dadku waa walaalo waana soomaali hadii ay reer miyigeenu isku qabtaan daaqsin ama naqba waa laysku dhici jirey waligeed laakiin yaan lakala dilin layskuna dilin shacabka soomaaliyeed iyadoo labo dhinac tuute laga soo kala xiranayo,magaca soomaaliyi waa mid mana kala aha labada magac.

No comments:
Post a Comment