Friday, April 8, 2016

SOOMAALI HADII AAN NAHAY WAA LA GAAREY WAKHTIGAYAGII

waaxaan rajeynayaa in dadkeenu dhameystey wakhtigii aanu hurudney, wakhtigii aanu ooyi jirney,wakhtigii aanu isdili jirney,wakhtigii aanu dhulkeena kasoo carari jirney.wakhtigii aanu dhihi jirney markuu dalkeenu dhismo ayaanu ku laaban ,wakhtigii ciidamamo shisheeye nala kala celin jirey,
waxa murugo noogi filan soomaali ayaa is qarciyey soomaali ayuu diley,dad soomaaliyeed ayaa badda laga helay ,dad soomaaliyeed ayaa dooni la dagtey,dad soomaaliyeed ayaa gaajo udhintey dhurwaana cuney dad soomaliyeed ayaa halkaas u qaxey,dad soomaaliyeed ayaa halkaas kasoo qaxey,ilmo soomaaliyeed ayaa inta gacmaha laga jarey suudaan ku tuugsatey,ilmo soomaaliyeed ayaa waalidkood laga qaatey,dumarkii soomaaliyeed waxaa lagu kufsadaa xeryaha kenya,qaar ayaa sidii xoolihii xeryo lago xareystey oo magafe manaafacadsadaa.
ilmo soomaaliyeed ayaa waaridkood ka dhintoo yaa u soomaali ah,
KUMA JIRI KARNO AAN OOYEE ALBAABKA II XIDHA.
soomaali hadii aan nahay waxaa na laka doonayaa in shacabku doorto muwaadin u qalma hogaankooda,ayna ku aamini karaan noloshooda,
waa in xaafadkastaa ka leexataa afmiishaarka qabqablaha ah ee hogaan boobka ah doorataana wadani daacad ah,waa in xaafadkasta dadka daacada ah ee laga soo doortey mid kamid ah loo doortaa hogaanka magaalada waa in dadka daacada wadaniyaasha ah ee laga soo doortey magaalooyinka laga dhex doortaa qofkii soomaaliyeed ee hogaamin lahaa maamul goboleedkaas
waa in dadka wadaniyaasha daacada ah loona soo doortey hogaanka maamul goboleed yada laga sii dhex doortaa hogaankii sare ee dalkeena.
iyo muaawdinkii matali lahaa soomaali yar iyo weyn uuna ahaadaa mid shacabkeenu ku kalsoon yahay.waa gaari karnaa taas hadii soomaali kastaa ku kasloonaado naftiisa dalkiisa dadkiisa waa in aan afka laga xiran lana adeecin
madax dul kasoo tuur looga dhigay shacabka soomaaliyeed,
isbadalku waa shay adag in lagu dhaqaaqo ilaa ay dhibtu noolaha taabato mooyaane,soomaali hadii aan nahay dhibkii waa na taabtey laakiin waxaan la nahay oo kaliya inaan u dhaqaaqno una kacno jiritaankayaga.maanta waanu aragnaa ineysan wax isbadal keenin madax jeebka wax loo soo gashey waanu aragnaa ineysan waxba kusoo siyaadin dadkeena iyo dalkeenaba,waxaa kaliya oo xaqiiq ah islana qireynaa iney noqdeen horjoogayaal magac u yaala ayna ka maqan tahay awoodii madaxnimo iyo kalsoonidii shacabka soomaaliyeed.waa inaan keensanaa isbadalka nolosheena sameysanana hogaanka dalkeena,
isbadalkii noogu horeeyay isbadalka wuxuu noqdey mid naloo keeney oo aan waxba ku gaari weyney inaan kusii dhibaatoono mooyeee ma aha mid dadka soomaaliyeed barwaaqo iyo nabad u keenaya una sii golol xaaraya soomaalida aan weli dhalan.
adduunku waa na caawiyey laakiin waxaa hogaanka dalka markasta la boodayey madax shisheeye saarayey hogaanka dalkeena waana kuwo madax dantooda eeganaya ee aan eegeynin danta dadka iyo dalkaba,waana mida aan rabo inaan ka gudubno waayo waa mida uu ku bad baadi laaha qofkastoo soomaaliyeed iyo dalkeenuba.ma imaaneyso soomaaliyada aanu rabno hadii aanu ku kala danbeyn sharciga aanu sameysaney,doorana madax aanu ku qanacsanahay.
AMIN MUSSE.
musharaxa madaxweynaha

No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...