Amin Musse Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed. Musharaxa Madaxweynaha.
Friday, April 8, 2016
DOORO MADAXWEYNE U QALMA HOGAANKA DALKAAGA IYO HAMIGA DADKAAGA. - soomaalidu ma aha caruurtii beesha caalamka.
hadalku runtiisu waxay tahay waa inaan soo celinaa gacan ku haynta jiritaankeena,dadka soomaaliyeed waa ineysan surka u laa laadin nin maqaar saar looga dhigayo,shisheeyana warqad wax ugu soo qorey lacag siinayo,amrayana,
waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa iney raadiyaan dowlad xalaal ah kana timid dhexdeena kana caagan qabiil,laaluush,kuna saleysan waddaninimo,soomaalinimo,
weli waxaan haysanaa wakhti yar oo aan ku bad baadin karno jiritaankayaga hadii aan soomaali nahay,
ma nihin caruurtii beesha caalamka,shallay waan jirney la aanta beeshaa caalamka maantana waan noolaan karnaa la aanta beesha caalamka waayo waxay nagu gumeynayaan waxaan ka heli karnaa dalkeena waana hubaal,
hadaba ma aha inaan afka inta ka hadalno intiis ku ilowno,halkaasna oohinteenii soomaalidu kawada sineyd sii waddano,
maanta waa maalintii soomaali kastaa u istaagi lahaa jiritaankiisa soomaalinimo, naftiisa,ubadkiisa,dadkiisa,dhulkiisa iyo waliba jiilalka soo socda ee dhulka naga dhaxli doona.
fool markey timaado guda qarsi dhamaa waa la joogaa wakhtigii isbadalka soomaaliya.ee yaan loo kala harin.waana waajib saaran soomaali kasta sababtoo ah inta cirka maalaaig nooga soo dagto noo sameyn mayso soomaaliyada aan rabno,
adduunka nagu soo yaacayana noo sameyn mayo soomaaliyada aan rabno waxa kaliya oo ay wadaan waa iney soomaaliya iyagu u sameystaan sida ay buugaagta qarsoon ku qorteen dantuna ugu jirto,
anaguna aanu marti oo kale ku noqono dalkeeni ciideenii hooyo ee aan adduunka oo idil aan ka leenahay.
iloow shalay ayaa qabiil lasu diley,
iloow alshabaab kama adkaan karno,
iloow waxba ma qabsan karno,
iloow waxaa madaxdayada doora beesha caalamka
iloow anigu waxba ma ahi.
hadaba soomaaliyi waa jirtey,hadase waxaa nalaku wadaa si aanu usii jirin sidaas darteed waa inaan u istaagnaa si aan usii jirno,
aamusnaantu waa qayb kamida aqbalida waxa aan ku jirno iyo waxa ugu danbeyn nalaka doonayo inaan ku danbeyno waa mid tirtireysa jiritaankayaga soomaaliyeed.nana gumeyneysa.taasna maanu ogeleyn,ma ogolin hada mana ogolaan doono.
hadaba dooro madaxweyne kuu qalma inuu ku matalo wadanina ah.shacabkuna wax u qoro ee aan loo keenin warqad wax loogu soo qorey loogana soo direy dibadaha,labo afna laheyn iyo labo waji.
xaalku waa maanta ama maya.
soomaaliya soomaali ayaa leh kuna dhalatey ku dhimatey ayna muqadis tahay iney ku dhaqdaan kuna noolaadaan iyagoo xor ah horumarsana.ayna horkacayaan madaxweyne iyo madax ay ku seexan karaan kuna kalsoon yihiin.kuwasoo u qalanta hogaanminta dalkeena iyo hamiga dadkeena.
AMIN MUSSE.
musharaxa madaxweynaha
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
SCREAM.
SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...
-
We all strive hard to achieve something in our lives at the highest place. many other ways some of us serve nations and do it well and maint...
-
Dowlada federaalka soomaaliyeed & Maamul goboleedyada waxaa u banaan oo kaliya iney hal jid raacaan.Ilaa hada waxaa soo if baxaya jaah wareer ku saleysan fahamwaa siyaasadeed ku kalana dhex jira dowlada hada xukunka hays...
-
Dal aan ciidan laheyn waa dal dadkii lahaa laga leeyahay,waxaa taariikhda africa iyo tan adduunkuba qireen in soomaali aheyd libaaxii af...
No comments:
Post a Comment