waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dadkeena soomaaliyeed ee ku nool magaalada jigjiga iyo guud ahaanba UMMADDA SOOMAALIYEED masiibada dhimasho oo ay keeneen daadadka kusoo rogmadey magaalada jigjiga.
sida aan ogsoonahay waxaa itoobiya iyo maamulka kilalka shanaad ee gumeysataha madow soomaalida galbeed u afduubey dayaceen ummadda soomaaliyeed ee degan kuna nool soomaali galbeed waxaa kasii daran iney inta dad reer guuraa ah cadadkooduna gaarayo afar kun raraan dajiyaan webiga agtiisa si ay biyo xireen uga sameeyaan magacoodana u isticmaalaan.
iyagana ummadda soomaaliyeed iyo adduunkaba u tusaya iney wax u qabaanayaan magacoodana loo isticmaalo,
hadaba arintu taas waa ka duwaneyd oo afar kun oo soomaali ahi looma xirin wabi halka afar malyan oo soomaaliyeed haraad lagu jirabey,
waxaa jira qorshe qarsoon ayna wadato itoobiya kasoo ah iney dhul beeraakdkii soomaalida iyagu qateen intii kalena siiyeen kambaniyo shisheeye halka dadkii kale ee soomaaliyeed uu wabigu gaari jirey wabiguna waligoodna ku noolaa ay haraad u dhinteen ayna noqdeen kuwo nolol maalmeedkoodii gafa,
itoobiya waa dal gumeysta soomaaliya qayb kamida reer galbeedkuna gamcaha noo hayaan ileen dal ku yaal dunida sadexaad dalkale oo asaga la mid ah ma haysan karee.
waxaan halkan ka cadeynayaa in itoobiya ay ku xad gudubtey xuquudii ummadda soomaaliya ay tashsi la aan iska xirtey war galin la aan ku xirtey wabi dhan halkaasna uu ka yimid khaasaaro dhimasho iyo moodba leh,
waxaase jirta itoobiya waxaa magta ka bixin jirey waligeed dowlada ingiriiska dagaaladii ay soomaalidu hore ula soo gashey hadase arintu ma joogto mag ee waxay joogtaa gumeysi waana mid aanan afka kala xishooneyn una baahan in soomaaliyi duliga iska qaado iyo gumeysiga madow.
masiibadan waxay cadayn u tahay falaadka ay itoobiya ku waddo bii ada iyo dhulka soomaaliyeed oo ay maalinba meel iska xireyso iyagoo aan aqoon injineeri ah ulaheyn.halkaasna ay masiibo kasoo gaareyso ummadeena soomaaliyeed.

No comments:
Post a Comment