Amin Musse Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed. Musharaxa Madaxweynaha.
Friday, May 20, 2016
BAAQ NABBADEED-SHACABKA SOOMAALIYEED EE BELEDWEYNE.
BAAQ NABBADEED-shacabka soomaaliyed ee BELEDWEYNE
- waxaa halkan baaq nabadeed uga dirayaa shacabka soomaaliyeed ee reer baladweyne,marka ugu horeysa waxaan leeyahay dagaal wiil ayaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho,ee xabada ha la joojiyo sida ugu dhakhsaha badan.cudur daar la'aan.SHACABKA SOOMAALIYEED EE BALEDWEYNE WAXAA DHIB UGU FILAN FATAHAADA BIYAHA WABIGA.EE YAAN XABAD LOOGU DARIN.
- marka labaad waxaa ugu baaqayaa duubabka ugaasyada saladiinta odey dhameedyada ,shacabka baladweyne ku baaqaan kuna dhawaaqeen in laysugu yimaado madal nabadeed si sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo xabada ku socota shacabka iyo maatada soomaaliyeed ee magaalada beledweyne soomaali oo dhan beerka kaga taal qiimaheedu.
- sida xaaladu tahay waxaa maanta dadka soomaaliyeed ee ku dagaalamaya magaalada beledweyne waxaa ku kala dhex jira ciidamo AMISOM ah waana wax aad u qiima dilaya jiritaanka iyo sumcada ummadda soomaaliyeed waayo ma aha lamana joogo waana la dhaafey wakhtigii shisheeye ummadda soomaaliyeed kala celin jirey,maadaama dadka soomaaliyeed uu u istaagey jiritaankooda.dagaal macno daro ahna ka doorteen nolol,nabad waarta,iyo hiigsi horumar.
- soomaaliya maanta ma joogto wakhtigii lagu wadda hadli jirey qoriga caaradiisa,isfahamwaa kastaa waxaa xalkiisu yahay shir madal wadahal,isu gardhigasho,wadatashi,dhibkasta oo timaadana waxay ku fiican tahay in loo daayo sida dadka soomaaliyeed caddadeeda ahba odayaasha dhaqanka beelaha wax kala tabanaya.
sidaas darteed waa muhiim in talladda beelaha soomaaliyeed aysan la boodin dhalinyaradu maadama dhalinyardu laan ka boodi karaan intey tallada ka boodi karaan.
- waxaan dowlada fedralka soomaaliya ugu baaqayaa iney gudi nabdeyn u cil saarto arimaha qalafsan ee ka taagan magaalada beledweyne si loo gaaro nabad waarta aysana indhaha ka qabsan dhibaatada fatahaada biyaha wabiga ee naafeeyay nolshii shacabka soomaaliyeed ee beledweyne,ayna u fidiyaan wixii kaalmo dowladeed ee tabarta dowlada federalka ah,iyo waliba iney ciidamo soomaaliyeed kala dhex dhigaan beelaha dagaalamaya si aan loogu baahan kuwa AMISOM.dowladana ugu noqoto gudashada waajibaadka dalkeena.shacabkuna u xasilaan.
AMIN MUSSE
musharax madaxweynaha.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
SCREAM.
SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...
-
We all strive hard to achieve something in our lives at the highest place. many other ways some of us serve nations and do it well and maint...
-
Dowlada federaalka soomaaliyeed & Maamul goboleedyada waxaa u banaan oo kaliya iney hal jid raacaan.Ilaa hada waxaa soo if baxaya jaah wareer ku saleysan fahamwaa siyaasadeed ku kalana dhex jira dowlada hada xukunka hays...
-
Dal aan ciidan laheyn waa dal dadkii lahaa laga leeyahay,waxaa taariikhda africa iyo tan adduunkuba qireen in soomaali aheyd libaaxii af...
No comments:
Post a Comment