Saturday, May 14, 2016

HA KHASAARIN JAANISKA DOORASHADA NOLOSHAADA MUWAADINKII KU MATALI LAHAA ADIGA IYO DALKABA.



MAANTA IYO DADKEENA.
lax kastaa halkey isdhigtaa lagu qalaa waa yaab hadiiwasiirkani asagu matalo shacabka iyo dowlada soomaaliya su aashu waxay tahay yuu ka sugayaa iney dalka u hadlaan,mida kale waxay tahay madaxda soomaaliya isuma arkaan ineyba awoodii dalka iyaga gacantoodu lagu aaminey ama dadka soomaaliyeed ay hor joogayaal u yihiin,
markii aad maqasho hadalan oo kale waxaad is weydiineysaa maxay madaxda soomaaliya hadii aysan isu keeni karin dadkeena matali karin dadkeena ,u hadli karin dadkeena wax u qaban karin dadka iyo dalkaba maxaa meesha keeney ma dhuuni,mida kale oo yaabka lehi waxay tahay madaxda soomaaliya waxay uga hadlayaan arimahii iyo dowladnimadii dadka soomaaliyeed ku aaminey sidii qof saddexdaad oo kaliya,
madaba shacaka soomaaliyeed waxaa ku muqadis ah iney doortaan madax u qalanta hogaankooda kana bilaabaan madaxweyne u qalma inuu soo xulo madax la shaqeysa wadaniyaalna ah,dadka soomaaliyeedna ku seexan karo fulinta howshii dowladnimo ee loo igmadey.
lax kastaa shilinkey isdhigtaa lagu qalaa waxay u fasirmeysaa dadka soomaaliyeed ayaa naftooda iyo dalkoodaba hagraya oo dooranaya dad aan loogu tala galin iney horseed dowladnimo u noqdaan.hadaba dadka soomaaliyeedoow ha ishigina shillinkii la idinku qali lahaa mar kale.yaan GABRE iyo NIMAN KEENYA MATALA SOOMAALINA AHI IDIIN TALINE WATANA MAGACA IGAD IYO NOOCYO KALE
muwaadinka soomaaliyeed waxaa talada gacantiisu ku jirtaa
markuu soo dooranayo odey dhaqameedka matala beeshiisa
markuu soo dooranayo gudoomiyaha xaafada uu dagan yahay ama tuulada iyo magaalada uu dagan yahay.
waxay kaloo talada gacantiisa ku jirtaa markuu soo dooranayo shaqsiga aadaya baarlamaanka maamul gobeleedka uu degan yahay,
waxay kaloo taladu gacantiisa ku jirtaa markuu dooranayo madaxweyanaha maamul goboleedka ka u matali lahaa dowlada federalka
waxay kaloo talo gacantiisa ku jirtaa markuu dooranayo xilibaanka u matali lahaa baarlamaanka soomaaliya
waxay kaloo talo gacantiisa ku jirtaa markuu dooranayo madaxweyanaha dalka
taasina waa jaanisyo badan hadii wax khaldamaana lagu dhaliili kari in shacabka soomaaliyeed ama dadka soomaaliyeed yihiin laxdii shilinka lagu qali lahaa isdhigtey.
hadaba waxaa soo doorasho madaxweyne kasoo ah jaanis kale,waxaan mar labaad leeyahay ha hagrin naftaada ee dooro muwaadin kuu qalma inuu ku matalo adiga iyo dalkaba.
AMIN MUSSE
musharaxa madaxweynaha.

No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...