Amin Musse Afhayeenka Ummadda Soomaaliyeed. Musharaxa Madaxweynaha.
Friday, May 27, 2016
SOOMAALIYA MA AHA QASHIN QUBKII HARAADIGA NUKLIYEERKA.
MAANTA IYO DALKEENA.
SOOMAALIYA MA AHA QASHIN QUBKII HARAADIGA NUKLIYEERKA.
markaan eegey cadaalad darada ka jirta adduunkan kuna saleysan aan noolaadee adigu dhimo,markaan eegay ku xad gudubka cad ee loola tagey balankii dadyowga adduunku isku raaceen ee ku aadanaa adduunkoo mida,deegaanka koonkan lagu wadda nool yahay oo lawada ilaashado,markaan arkay dadyowgu adduunkan iney kala hor mareen ayna qaarkood samaeysteen waxay u baahi qabeen qaarna wali qaawan yihiin laysuna naxeyn laysuna xaqirayo sida loo kala cudud wayn yahay.markaan eegay dalkeena iyo dadkeenaba,waxaa MUQADIS noqoneysa inaanu sameyno waxkasta oo suurta galinaya jiritaanka ummaddeena iyo dalkeena.
dadka adduunku waa wadda ordayaa wuxuuna waddana cayrsanayaa horumarka hadii aad ku dhex kuftidna waa lagu wadda jiirayaa ilaa meesha lagaaga tago sidaasna ugaba hartid jiritaankaagii iskaba daayee hiigsi horumar iyo nololba.dalkeenuna ku dhex kufay adduunkan.ayaan ku dhawaaqayaa aan u istaagno jiritaankayaga soomaaliyeed.
waxaan maamul goboleedyada dalkeena iyo dowlada federalka soomaaliyaba ugu baaqayaa in wax laga qabto qashinka sumeysan ee ummadda soomaaliyeed wax yeeli karaa saacad kasta oo uu na agyaalo ilaa boqoalaal sanoo,
waxaan ugu baaqaya dadkeena iney iska fogeeyaan sidii loogu soo fogeeyaya,taasna waxaan ula jeedaa waan ku khasbanahay inaan inta darisno halka ay dabayshu u sosocto ama maayada badda u jiidno hab cilmiyayasan waa sahale geyno badda kawada dhaxaysa dadyowga adduunkan ka dib qaaylo ay uun ka soo yeeri meeshay atgataba,waayo bini aadamku wuxuu xaq iyo xaquuq u leeyahay inuu sameeyo wixii lagu sameeyay markay arintu tagto jiritaankiisa iyo ciribtirkiisa.
angu sidaan aaminsanahay waxay u tagi meel kale kuwaasoo nagu dhaama waxna ka qaban kara haystana qalabkii lagu keydin lahaa awoodana sidii loo kontorooli lahaa qashinkan haraadiga nukliyeerka.
arintana waxaa ka masuul noqonaya lagana sugayaa wax ka qabadkeeda waa meelaha haamahan kusoo caariyeen maamul goboleedyada ka jira madaxdooda iyo dowlada federalka soomaaliya qaybaheeda qaabilsan ilaalinta deegaanka dalkeena.
hadii aysan waxba ka qaban ma matali karaan jiritaanka ummadda ay hor fadhiyaan ee soomaaliyeed.soomaalidu waxay ku maah maahdaa hadii fooli timaado gudo qarsi dhamaa sidaas darteed hadii qashinka qaraadiga nukliyeerku nalaku soo qobo dhamaatey,adduunkow eega iyo yaa naga qaadi sababtoo ah dalna malakumowd uma geynayo dadkiisa.kanina kaba siiba adaran malakumowd waayo wuxuu dadka iyo duunyadaba laynayaa boqolaalka sano ee soocota intaaas uu wax laynayao waxaa tir tirmaya jiritaanka ummadda soomaaaliyeed ee uu agyaal,waxaana sii dheer dadkeena oo uu shucaaciisu waxyeelo ka soo saaro burooyin,ayna u dhintaan raxan raxan iyo noocyo kala duwan oo kansar ah.
haamaha jiiditaankoodu waa sahal waayo waa iyadoo loo sameeyo sagxad laguna saaro wiish dabadeed,loo jiido dhanka biyaha badda iyadoo la raacayo habka loo kontoroolo qashinka khatarta ah ee nukliyeerka,laguna sii daro jaanta dhulka ay haaantu ku fadhidey iyadoo loo qodayo lana hubinayo inta weli uu raaadiyo aktifku gaarsiisan yahay,waxaas oo dhana waxaaa ka horeeya in dadka qabanayaa howshaaan ay qabaan qalabka yareeya falaaraha shucaaca radiiyo aktifka.waana muhiim in dadka samaynayaa is badbadalaaan si muwaadinka soomaaliyeed aysan jirkiisa u qaadan falaaro ama shucaac cadadkiisu badan yahay.cilmina u leeyihiin kontoroolka khatarka qarsoon.
hadaba qalbiga ummadda soomaaliyeed qaadan kari maayo haan baa timid hadanaa haan kaalaa timid iyo waligeedba ha inoo taalo meesha.
soomaaliya soomaali ayaa leh nolol iyo geeriba.cidna marti ugama nihin inaan ku noolaano inaan maamulano inaan dhisano ilaashanana.
HA XAQIRIN NATFAAD EE DOORO HOGAAMIYE U QALMA HOGAANKA JIRITAANKA NAFTAADA,DADKAAGA IYO DALKAAGABA.
AMIN MUSSE
musharaxa madaaxwdeynaha.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
SCREAM.
SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...
-
We all strive hard to achieve something in our lives at the highest place. many other ways some of us serve nations and do it well and maint...
-
Dowlada federaalka soomaaliyeed & Maamul goboleedyada waxaa u banaan oo kaliya iney hal jid raacaan.Ilaa hada waxaa soo if baxaya jaah wareer ku saleysan fahamwaa siyaasadeed ku kalana dhex jira dowlada hada xukunka hays...
-
Dal aan ciidan laheyn waa dal dadkii lahaa laga leeyahay,waxaa taariikhda africa iyo tan adduunkuba qireen in soomaali aheyd libaaxii af...
No comments:
Post a Comment