Saturday, June 18, 2016

WALEE WAR AYAA KA DANBEYN BEENTA DHARKA LOO GASHEY.

WALEE  WAR  AYAA  KA  DANBEYN  BEENTA  DHARKA LOO GASHEY.

caydu waa reeban tahay siiba waxayna ku haboon tahay in qofka sheeganayaa siyaasi xataa hoos u caytamo asagoon shacabka soo hor istaagin,

waxaan hubaa in sidan laydinkugu haleyn karin inaad homaamisaan qaybka ka mida shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi,waayo kama muuqato horjoogayaasha shacabka gobolada waqooyi wax maamuus ah iyo hayinimo siyaasadeed ay ku hanan karaa hogaanka shacabkaas iskaba daaye iney gooyaan,

waxaan leeyahay ingiriiska lala daba ordayo gobolada waqooyi ee soomaaliya asagii ayaa khaati kala taagan isna rabin xataa kasii cararaya yurubta isku biirtey adduunkan maanatana dalkastaa waa isku tashtey marka yaan la hodin maatada iyo caruurta soomaaliyeed ee u baahan horumar iyo nabbad buuxda.

waxaa soomaaliland la siiyey sadkeey xaqa ugu laheyd wax qaybsiga ummadda soomaaliyeed iyo waliba saa'id.waxayna ku habooneyd iney iyagu soo xulaan dadkaas matalaya gobolada waqooyi waa maamulka hada hor boodaya shacabka soomaaliland xukunkana haya.

hadii aan usoo noqdo af lagaadada qayaxan runtu waxay tahay waxaan leenahay dhul qani ah laakiin ma uunu soo saaran dhuuxiisii.dadkeenuna waa sabool waxaana sababey dagaalka iyo colaada.fadlan ku faan maanta waxaad tahay shallayna illoow.

hooyo soomaaliyeed ayaa dhuurwaa ugu  cuney gaajo iyo haraad gobolada waqooyi wax war ahna kama aysan soo bixin maamulkaas soomaaliyeed,shallay maanta ma aha ee dadkeenu waa wadda sabool.waxaanse nahay dadka ugu nasiib badan adduunkan waayo soomaaliya ayaa noo dihin.halka dadyowga adduunku waxoodii dhameysteen ayna gaareen iney ciidaha kala xadaan waa ciida wax lagu dhistee ama lagu beertee.hadaadan warba qabin.

waxaa ka dhacay abaaro shacabka gobolada wayooyi ayaa deeq ka aruurinayay masaajidada maamulkuna waa hurdey horta sidaas darteed waa muhiim inuu maanku shaqeeyo,lana qiro in soomaaliya mid tahay ummadda soomaaliyeed waligeed waa ka weyneyd wax gumeyste lala daba ordo.

cay kaastaa waa ninkii yiri caqli kastaana waa ninkii wax ka faa'iida.

soomaaliyi waa isleeysey waxaase  kala bad baadiyey ALLAH,ummaddaha adduunkuna waa na garab istaageen waxaase soomaali u harey oo kaliya waa in lays cafiyo dhulkeenana aan wadda dhisano.nabaradii dagaalkii sokeeyeyna ka ilaalino inuu soo gaaro dhaawac kale.

sool iyo sanaag waa gobolo kamid ahaan jirey soomaaliya walina waa ka mid wayna kamid ahaan doonaan soomaaliya.waana rabitaanka shacabka soomaaliyeed,sagaaro laba tun oo lakal qalo malaha.

hadii horjoogayaasha shacabka soomaaliland leeyihiin waa lana xaqireynala laayey  ma waxay hada u suxul duubayaan iney wax xaqiraan hadda taasi waa ka dhamaatey ciida soomaaliya,waxaan umalaynayaa iney imaan doonto in si cad gacmahooda looga fujiyo xukunka hor joogayaasha shacabka soomaaliland,

WAAYO

- waxaad ummadda soomaaliyeed ku hagteen mabda been abbuur ah,si aad ugu hagtaan meel mugdi ah.si aad kursi ugu hanataan.waligoodna  aysan madax kor ugu soo qaadin.indhahana u kala qaadin si aysan u arkin danta guud ee ummadda soomaaliyeed jiritaankeedu ku sugan yahay.muqadiskana ah.

- soomaali oo dhan oo isdulmisey ayaad dhah dheen kaligayo ayaa nala dulmiyey

- waxaad kala qayb qaybiseen ummaddii soomaaliyeed ilaa qabiil aad gooni u soocdaan.

- waxaad afduubteen shacabka soomaaliyeed qaybtiis qori caaradiis waa sool iyo sanaag iyo cayne.

- waxaad afka ka dayn weeydeen xariiq gumeyste bari ku riyoodey inuu dadkeena ku kala qoqobo oo aad leedihiin waa xad, halka soomaali oo idll isku raacdey xataa tan itoobiya iyo kenya inaan la aqbalin waligeed inta qof soomaaliyeed nool yahay laana huro naf iyo mood.

- waxaad naceyb isir ku saleysan galiseen jiilkii cusbaa ee ku dhex dhashey  dagaalka sokeeye ee ummadda soomaaliyeed..

- waxaad waxaad ilaa hada shacabka soomaaliyeed la soo hor taagan tihiin soomaalidiidnimo xaqayacan tasoo ku ah danbi weyn jiritaanka ummadda soomaaliyeed.

- waxaan qirayaa in shacabka soomaaliland xaq u leeyihiin hogaan cusub

kasoo awooda inuu runta u sheego shacabka soomaaliyeed ee gobolada waqooyi raadina kara isu keenida iyo midnimada  ummadda soomaaliyeed,kana tirtiri kara beentii fakatey eeahayed waxan nahay dal gooni ah.

hadaba wali waxaa baxaya waa ileyskii ummadda soomaaliyeed ee ha hareer marin.

AMIN MUSSE
musharaxa madaxweynaha.



Tuesday, June 14, 2016

WAXAAN SUGNAABA WAA BIXINTA DHIIGA UMMADDA SOOMAALIYEED EE ITOOBIYA MAGACEEDA LAGU XASUUQEY.



MAANTA IYO DADKEENA.




WAXAAN SUGNAABA WAA BIXINTA DHIIGA UMMADDA SOOMAALIYEED EE ITOOBIYA MAGACEEDA LAGU XASUUQEY.




waxaa halkan inooga cad in dadka soomaaliyeed doorteen nabbada ayna walaalo helmeel kasoo wadda unkamey yihiin.



ilko iyo carab ayaa wax isqanaaiina isugu dhow, dadka soomaaliyeed waa hal ummad lehna HAL DIIN HAL DAL HAL AF waana mida aan kaga duwanahay ummaddaha kale ee adduunkan,waase laysku kaaya direy nala kana faa'iideystey,qowm dhani qalbigiis ma qaribmo waxaan qirayaa in soomaali hadii aan nahay inaan garaney danteena.



waxaan halkan ugu soo jeedinayaa maamulka soomaali galbeed dhowr arimood iney wax ka q


WAXAAN SUGNAABA WAA RAALI GALIN IYO BIXINTA DHIIGA UMMADDA SOOMAALIYEED EE ITOOBIYA MAGACEEDA LAGU XASUUQEY.



MAANTA IYO DADKEENA.


WAXAAN SUGNAABA WAA BIXINTA DHIIGA UMMADDA SOOMAALIYEED EE ITOOBIYA MAGACEEDA LAGU XASUUQEY.

waxaa halkan inooga cad in dadka soomaaliyeed doorteen nabbada ayna walaalo helmeel kasoo wadda unkamey yihiin.

ilko iyo carab ayaa wax isqanaaiina isugu dhow, dadka soomaaliyeed waa hal ummad lehna HAL DIIN HAL DAL HAL AF waana mida aan kaga duwanahay ummaddaha kale ee adduunkan,waase laysku kaaya direy nala kana faa'iideystey,qowm dhani qalbigiis ma qaribmo waxaan qirayaa in soomaali hadii aan nahay inaan garaney danteena.

waxaan halkan ugu soo jeedinayaa maamulka soomaali galbeed dhowr arimood iney wax ka qabtaan kuwaaasoo muhiim u ah midnimada ummadda soomaaliyeed iyo jiritaanka ummadda soomaaliyeed.


- waa iney joojiyaan xasuuqa ummadda soomaaliyeed ee ku taxan xuduud beenaadka,waayo dhulku waa dhul soomaaliyeed dadkuna waa dad soomaaliyeed.

- waa ineysan liyuu boolisku fulin danta ay wataan itoobiyaanku tasoo ah mid ay doonayaan iney soomaali soomaali kale ku laayaan dadka soomaaliyeedna kaga qixiyaan xuduud beenaadka tasoo aan macquul noqoneynin waligeed waayo soomaaliya waxaa leh soomaali meelna ugama banaana itoobiya danaheeda iyo siyaasadeeda iyo waliba dhul balaarsigeedaba.

- waa in dadka soomaaliyeed ee dhiigooda ay daadiyeen liyuu booliska ee ka  amar qaata maamulka soomaali galbeed hoosna taga cadowga itoobiya ay kasoo qaadaan magtii iyo dhibtii dhiiga ay u daadiyeen danta itoobiya dowlada itoobiya.

dhiiga ummadda soomaaliyeed ay daadin jirtey absiiniya wakhtigii mililik waxaa itoobiya ka bixin jirtey boqortooyada ingiriiska hadase xabaal iyo ninkeed loo kala tag waa iney magtii ummadda soomaaliyeed ee ay itoobiya ku laysey liyuu booliska bixisaa dowlada itoobiya qofkasta oo gacantooda ku baxey dhulkaas baaxada leh ee soomaaliyeed.

- waxaa kaloo muqadis ku ah dowlada itoobiya ineysan danaheeda ku gaarin soomaali soomaali ku dil ka dibna wadda maamul,waana in maamulka soomaali galbeed sugtaa qaxa shacabka soomaaliyeed ee ay dusha kaga habsadeen jiritaankoodii iyagoo gacmaha u haya cadwoga itoobiya.


intaas ka dib waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa ineysan ka qixin dhulka baaxada leh ee saaran xuduud beenadka  owoowayaashii soomaaliyeed uga dhinteen dadkooda waa anagee labada dhinacba.

itoobiya waxay wadda dhul balaarsi si cad ay ugu fushaneyso soomaali isku leynteed.

ummadda soomaaliyeed waa ineysan dhiigooda u daadin fulinta cadow soo jireena.

waxaan halkan baaq ugu dirayaa  maamulka soomaaliland uguna  baaqayaa iney si buuxda uga qayb qaataan jiritaanka  ummadda soomaaliyeed waxna ka hogaamiyaan dalkeena gaabiska la'aanttood u noqdey.waayo far kaliya fool ma dhaqdo.soomaaliyi waa mid soomaaliya waa kalama guurto hal dalla.

AMIN MUSSE 
musharaxa madaxweyanaha.

Sunday, June 12, 2016

SOOMAALIYEEY TOOSOO TOOSOO - WALEE QAAR AYAA WELI NAGA HURDA.

waxaan la yaabanahay ilaa hada qalaadka kasoo yeeraya dad badan oo horjoogayaal u ah shacabka soomaaliyeed kuna hadaaqaya dalalka aan walaalaha nahay,
dal iyo dadkiis waa laga adkaan karaa lana jabin karaa waxaase kasii daran markuu dad asagu is jabiyo isuna laayo sidii loo sii dhameystiri lahaa,waana waxa maanta na heysta.
anigu ma aaminsani itoobiya iyo kenya ayaan walaalo nahay,itoobiya wayna naga adkaadeen,waxaanse nafteyda ku qanciyey in dalal waa weyn naga eexdeen iyagoo eegaya diin xigaaleysi,anaguna aan raja xumadii aan la kulaney markii aan ku guul sareysaney dagaalkii isu keenida ummadda iyo dhulka soomaaliyeed aawgeed inaan anagu dhexdayada cadaw isku noqoney,cadowogiina naga daba yimid ilaa uu gudaha usoo gaaley dalkeena asagoo shacabka soomaaliyeed magacyadii awoowyaashood sii weynneynaya una sii maraama yeelaya kalana soko marsanaya walibana soo gashtey shaati kale.cadwogu inta uusan dadkeena ka dhex muuqan waxaaa kasoo horeyey dabeyshiisa tasoo wadatey khiyaamo shacab laaluush kala gadashada ummadda soomaaliyeed iyo lasoo hor ordayaan danaha cadawoga soomaaliyeed,dadkeenuna waa hurdey waxaanse ku baraarugney anagoo isleyneyna iyo kanaa reer hebel ah.iyo balaa dhacdey.iyo adduunkoow kaaley nakala celi.laakiin far yari tog ayay kula xushaa oo waxaa sii sameysmey in badan oo jaah wareersan noqdeyna wixii ay doonaan.
halaagii soomaaliyi uma kala harin markii miyirkii noo soo noqdeyna waxaa weli xagjirnimo diineed kusii khafiifey soomaali badan waana mida maanta adduunku soomaaliya uwada taagan yahay hubkana ugu wadda dhex sito.
soomaali hadii aan nahay cidna nama bad baadin karto ilaa aan isbaadbaadino mooyee una midowno jiritaankayaga,markaas waxaaa meesha ka baxaya cadowga ummadda soomaaliyeed,waxaana sugeynaa inaan noqono qowm jira haysta dal nabad ah nolol hiigsanaya iyo horumarka loo wadda xeyd xeydtey.
kan xagjirka alshabaab ahi ah waa soomaaali kan ka soo horjeeda waa soomaali,kan qaxootiga ahi waa soomaali kan baddu liqeyso waa soomaali,kan kan cadowga feer orayada waa soomali,kan shallay cadowga ka xoreyntiisa soomaali oo dhan dhiiga u daadisey maantana laynaya soomaalida inteeda kale ee soo qaatey hubkii cadowgana walaalna u arka waa soomaaali,
kan soo dhaweynaya cadwoga asagoo ka adkaan karaa kuwa xagjirka diimeed ah ee soomaaliyeed hadana cadowgii shalay ugu wacey inuu ka celiyo alshabaab kalana celiyo soomaaalida inteeda kale waa soomaali.
hadaba wax weyn ayaa naga khaldan una baahan sixid iyo inaan isu sheegno mana aha inaan midba midkayo kale eedeeyo waayo waxaan ka baxney khadkii tareenka ee soomaalinimo kasoo ahaa mid uu ku sugan yahay jiritaanka iyo aayaha ummaddayada .
khaladka aan maanta dhex dabaaleyno sixidiisu wuxuu u baahan yahay ka hadalka xaqiiqda - wadaninimo - inaan alshabaab meel ku tirtirno - kuwa ku mar marsiyoonaya alshabaabna aan iska saarno kana soo ceshanayo dhulka iyo dadka ay naga haystaaan waana arin fudud laakiin u baahan midnimo run ah soomaalinimo run ah iyo u istaagid.
waxaan awoodnaa inaan adduunka si sharaf ah ugu noolaano kana baxno oohinta gaajada mugdiga caawinta beenta ah - xukunkayaga gacanta ummaddaha kale nagula hayaan.
hadaba dooro hogaamiye u qalma hogaanka nadtaada iyo dalkaaga.



Thursday, June 9, 2016

ISLAMKU WAA QAYB KAMIDA AMERIKA " ISLAM IS PART OF AMERICA"



MAANTA IYO DADKA ADDUUNKA.
dad baadan ayaa moodey in madaxdaa adduunku ka soo horjeedaaan islaamka,madaax badaanaa waa aay khaaldaameen iyaagoo qalbigaa u raaricinayaa dhawaaaqa inyar oo dadka ah jecleystayna in dadka muslimka ah ee ka midka ahi  isqaawiyaan sida cadaadada ka ah galbeedka iyo waqooyiga aamerica ama adduunka cusuba.

hadaba sida qofku isu qaawiyo ama isu da'do waa doorasho khaas ah, haa ahaato mid diin iyo mid dhaqan baa.qofna xaq uma laha inuu qof ku khasbo inuu diintiisa ka tago ama in dharka uu qabo lagu takooro.
dad badan  ayaa u maleeyeey la dagaalanka argagixisadu iney tahay la dagaalaanka diinta islaamka waase laga daaweeyey,si cad,
xuquuqda qofkaa bini'aadamka ahi waa aasaaska noloshaa maarka ma aha in qofka bini'aadamka ah la duudsiiyo xuquuqdiisa.

AMIN MUSSE
mushaaraxa madaxweynaha.


Friday, June 3, 2016

waxaan aad usoo dhoweynayaa warmurtiyeedka kasoo baxay shirka madasha qaran.




waa muqadis  in dowlada federalka iyo maamul goboleedyaduba sugaan amaanka goobaha lagu fulinayo doorashooyinka qaran taasina waxay meesha ka saareysaa baqdinta laga qabo alshabaab ee macno darada ah,sarena ugu qaadaysaa  kalsoonida ciidamdeena iyo shacabkeenaba,waxayna dalkeena iyo dadkeenaba u horseedaysaa kuna quusineysaa kuwa nadiidan in aan nahay dal iyo dad iyo inaan dhisaney dowlad aanu gacmaheena ku haysan karno.

waa  muqdis hadii xubno lasiiyo gobolka banaadir si cadaalad ah loo siiyo qaybaha ummadda soomaaliyeed iyadoo la eegayo lana tix galinayo in mogadishu tahay magaalo madaxdii dalkeena xuduntii ummadda soomaaliyeed ku soo hiraneysey si ay meesha uga saarto dadka soomaaliyeed ee weli maankooda aragtiyada qalafsani ka dhex guuxayaan.

aad ayuu u yar yahay wakhtiga la siiyay gudiga xal usameynta mogadishu,waayo waxay u baahan tahay dhiraan dhiran arintani gundheer tasoo looga dhaadhicinayo shacabka soomaaliyeed in mogadishu iney tahay wadnihii dalka,walina  si loogu  qancinayo qaybaha shacabka soomaaliyeed ee wadda hadal heynta khaaska ah.in soomaalinimadu iyo danta guud waxkasta ka weyn yihiin. 

AMIN MUSSE
musharaxa madaxweynaha.




Madasha Hoggaanka Qaranka Soomaaliyeed
Muqdisho, 2-da June 2016
WAR-MURTIYEED:
Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kulan ku yeelatay magaalada Muqdisho 29-ka May ilaa 02- da June 2016. Kulanka oo uu shir-gudoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka soo qayb-galay; Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawari; Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke; Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenga Xukuumadda Federaalka, Mudane Maxamed Cumar Carte; Madaxweynaha Puntland, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas; Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaan; Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan; iyo Madaxweynaha Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.
1. Madasha Hoggaanka Qaran waxay tacsi u dirayaan shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen mas’uuliyiin iyo xubno kale oo shacabka qiimo ku lahaa oo fiidnimadii xalay ku shahiiday weerar argagixiso oo lagu qaadey mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho. Madashu waxay cambaaraynaysaa weerada waxashnimo ee ee ay argagxisadu la beegsanayso shacbiga aana wax galabsan.
2. Madasha Hoggaanka Qaran waxay soo dhaweysay xeerkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka soo saaray hannaanka geedi-socodka doorashada ee ay horay ugu heshiiyeen 12-kii Abriil 2016. Madasha Hoggaanka Qaran waxay mar kale ku celisay ballanqaadkeedii hore ee ahaa inay ka go’an tahay in ayan jiri doonin muddo kordhin lagu sameeyo muddo-xileedka uu dastuurku u xaddiday hay’adaha sharcidejinta iyo fulinta iyo in doorashooyinka ay dhacayaan xilliga loogu talo galay.
3. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay qaababka faahfaahsan ee hannaanka doorashada, oo ay ka mid yihiin waajibaadka shaqo ee Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHD) iyo Guddiyada Hirgalinta Doorashada Dadban ee Heerka Dowlad Goboleed (GHDG). Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada (GXKHD) waxa looga hadlayaa fadhiga soo socda ee Madasha Hoggaanka Qaran ee 20-ka Juune ka dhacaya Baydhabo.
4. Madashu waxay mar kale ku celisay inay ka go’antahay xaqiijinta ka-qaybgalka siyaasadeed ee haweenka iyo metelaadooda. Sidoo kale Madashu waxay isku raacday in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo kor loogu qaadayo ka-qaybgalka haweenka iyo metelaadooda. Madashu waxay soo dhawaynaysaa magacaabida uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadu u magacaabay guddi heer qaran oo u ololeeya taabagelinta iyo xaqiijinta in la gaaro qoondada loo xaddiday haweenka Somaliyeed.
5. Madasha Hoggaanka Qaran waxay si guud isugu raacday in la sameeyo khariidad/tub siyaasadeed oo qeexan ee 2016 ilaa 2020, si loo xaqiijiyo gaaritaanka doorashooyin leh halbeeg caalami ah (qof iyo cod) oo dhaca marka la gaaro 2020.
6. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay in si dhakhsa ah loo dhiso Guddiga GFHD iyo Guddiyada GHDG, iyadoo la rabo in xubnaha guddiyadaas la soo magacaabo
ugu dambayn 6-da bisha Juun 2016, shaqadooduna billaabaanto 10-ka bisha Juun 2016. Guddiga GFHD wuxuu u xilsaarnaan doonaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan iyo jadwalka doorashada (kalandarka doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo taariikhda ay dhacayaan doorashooyinka sanadka 2016. Guddiyada GHDG, waxey u xilsaarraan doonaan, fulinta dhammaan howlaha doorashooyinka heer dowlad goboleed.
7. Marka Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ay ku dhawaaqaan natiijada kama dambeeysta ah ee liiska 275-ta xildhibaan waxaa kama dambeeynta saxiixaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda isaga oo ku soo saaraya faafinta rasmiga ah.
8. Madashu, waxaa ay isku raacday in xubnaha ergada dooranaya halkii xildhibaan ee aqalka hoose ay noqdaan 51 xubnood, halka markii hore ay aheyd 50 xubnood.
9. Ayadoo laga duulayo hehsiiskii horay loo gaaray ee ahaa in doorashada Xildhibanada qaran ay ka dhacdo Xarumaha dowlad goboleedyada dalka ka jira, ayaa Madasha Hogaamiyayaasha qaranku si guud ugu heshiisay qeybinta xildhibaanada sida ku cad shaxda qaybinta xildhibaannada iyadoo saldhig looga dhigayo labadan qodob:
a. Qaybinta xildhibaanadan waa qaybin ku eg doorashada 2016 kaliya.
b. Qaybintani ma qeexeyso sida deegannada loo kala daganyahay, ee waa heshiis ku meel gaar ah oo ku salaysan 4.5, kuna eg xaaladda doorasho ee 2016-ka oo kaliya.
10. Madasha, waxay si qotodheer u dul istaagtay liiska odayaasha 135-ka, waxayna dood dheer ka dib isla garteen in dhamaystirka liiska kama dambaysta ah lagu go’aansado shirka Madasha ee lagu qaban doono Baydhabo 20-ka bisha Juun 2016.
11. Madasha Hoggaanka Qaran waxay go’aansatay in matalaada iyo maqaamka magaalada Muqdisho loo saaro guddi heer qaran ah oo ka kooban xubno ka kala socda heer federaal iyo heer maamul-goboleed, gudigaas oo ka soo talo bixin doona maqaamka gaarka ah ee caasimadda Muqdishu yeelanayso oo uu dastuurku tilmaamay. Gudigaasi wuxuu howshiisa ku soo dhamaystirayaa muddo lixdan maalmood gudahooda oo ka bilaabanaysa 4-ta Juun 2016.
12. Madasha Hoggaanka Qaran dood dheer ka dib waxay si wada jir ah isugu raacday;
a. Ansaxinta Siyaassadda Amniga Qaranka Soomaaliyeed (National Security Policy) oo ay xukuumaddu soo gudbisay.
b. Dhisidda Gudiga Aminga Qaranka sida ku cad Siyaasadda Amniga Qaran.
13. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay in shirka soo socda ee Madasha lagu qabto maagalada Baydhabo oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed 20-22- ka bisha Juun 2016.
14. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ugu baaqaysaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka inay taageeraan diyaarinta iyo hirgelinta hanaanka doorashada kuna qabsoonto waqtigii loogu talagalay.
Puntlandes.com

MAANTA IYO DADKEENA - JAADKA IYO DADKEEENA - JOOJIYA JAAADKA.

MAANTA IYO DADKEENA JAADKA IYO DADKEEENA JOOJIYA JAAADKA.
WAXAAN QIRAYAA INUU JAADKU YAHAY DAGAALKII OBIYAMKA BOQORTOOYADII JAYNIISKA UU INGIRIISKU KU JABIYAY AMA .DAGAALKII DAROOGADA EE SOOMAAALIYA IYO KENYA IYO ITOOBYA.waxaan kaloo qirayaaa qirayaa iney ALSHABAAB tahay xarigii ummadda soomaaliyeed gacmaha looga xirayey,sababtoo ah waxay dilayaan kii wadaniga ahaa kii waxgaradka ahaa,kii kii aqoonyahanka ahaaa,waxaase ugu sii daran kii wadaniyadu ka soo nuurtaba way dilayaan taasina waa mid aan ku qirayo iney soomaaali ka soo horjeedaan.hadaba hadii aad soomaali tahay ma noqon kartid caddowga soomaaliya waayo waa halkii kaliya ee aad addunka ka laheyd .
hadaba waxaan UMMADDA SOOMAALIYEED ugu baaqayaa iney gacan bir ah isaga qabtan alshabaab iyo cidkasta oo soo damacda soomaalinimadooda iyo dalkaadaba.waana kaas dagaalka runta ah ee noo banaan.in badan aya dadkeenu ka ganuunacey waxaa nalaka kaa qaada doolar waxaana naloo keenaa caweys -jaad- taasi waa run waxaase yaaba maan anaguna inta caws beerno u iib geyno kenya iyo itoobiya,ilaaa intaan xasuusto waxaa jirtey in dadkeenu cuni jireen qaadka,laakiin waxaa cuni jirey tiro fara yar oo aanba afka laga sheegi karin,hadase arini waa isbadashey oo waxaa cuna dadkeena badankiisa waana mid la dhigan dagaal nalaku soo qaadey sababtoo ah waxay dhaawacdey dhaqaalihii dadkeena soomaaaliyeed,hada ka hor ayaa ingiriisku wakhti hore qabsadey jayniiska,wakhtigaas waxaa jayniiska ka jirtey boqortooyo adag,markii ingirrisku jabin kari waayey ayuu wuxuu kula dagaalamey daroogo wuxuuna sameeyay wuxuuka gadey bareyna una keeney shacabkii boqortooyadii jayniiska obiyam daroogo layiraahdo,
waxaana dhacdey in shacabkii boqortooyadii jayniisku noqdey mid nolosha ka dhaca,gaba noloshoodii,boqortooyada jayniisku dadkeedu waxay ahayeen mid badankoodu hanti leh,laakiin markey noqdeen kuwo daroogo qabatimey shaqeysan kari waayeyna ayay waxay bilaabeen iney maacuuntii guryadooda taaley ee silfarka aheyd kaga iibsadaan ingiriisku daroogadii obiyamka aheyd waxaan halkaa ku bas beelay boqortooyadii jayna dadkeediina uu ku noqdey mid baa'ba'a,halkaasna ingiriisku kaga adkaaadey jayniiskii waxaana dagaalkaas loo bxiyey - DAGAALKII OBIYAMKA -waana mid ku cad taarikhda adduunka,lase sheeg sheegin sababtuna ay tahay waa qayb ka mid ah xasuuqa bin'aadamka dalna ma rabo danbiguu galey in dadka lasoo xasuusiyo,dalna ma rabo in wax loo raacdo ama magdhow la weydiiyo.hadaba aan suoo noqdo dalkeena iyo dadkeena ,
maanta waxaan ku suganahay xaalad adag ama wakhti adag.waxa socdaana waa dagalkii daroogada - DAGAALKII JAADKA - kasoo ay noo adeegsanayaan kenya iyo itoobiya,dadkooduna ma cuno taas ayaana kuu cadeyn ah in jaadku yahay xabad ka soo dhacaysa dalalka kenya iyo itoobiya iaygoo waliba dhul iyo dadba naga haysta.ninka soomaaliyeed markuu subixii soo kaco malaha shaqo uu aado dalkeena bur burkii dagaalkii sokeeye dartiis waana dadkeena badankiisee marka laga reebo in yar oo wax haysata iyo in yar oo dhacdey hantidii qaranka ama shacabka mooyee waxaana ula jeeda dadkeena badankiisu waxba ma haystaan runtii waxaaanse haysanaa hantida ugu qaalisan adduunka taasoo ah BAD DHUL BEERAAD XOOLO NOOL.waana ALLAH mahadiis.war iyo gabo gabo yaanan hadalka sii dheereyne 
markaan eegey dhinacyo badan maraakn eegey dhaqaalaha ummadda soomaaaliyeed ee ay kenya iyo itoobya ku nafaqeyneyaan shacbkooda markaan eegey dadkeena sidii qaadka ugu dhadhabayo una qabatimey markaaneegey boqolkiiba inta dadkeena isticmaasha qaadka markaan eegey dhibta uu u keeney dadkeena.markaan eegey sidii jaadku uga mid noqdey nolasha dadkeena markaan eegey saameynta guud ee uu ku yeeshay jiritaanka ummadda soomaaliyeed waxaan ku baaqayaa in gabi ahaanba la joojiyo CUNISTA KA GANACSIGA IIBSIGA JAADKA SOO DHOOFINTA,waayo waa dagaalkii daroogada dadkeena,MAANTA BADBAADI NAFTAAADA OO JOOJI JAADKA.waxaa baaris badan dabadeed xaqiiqdeeda la helay in beeraha jaaadka lagu shubo sunta disha cayayaaanka tasoo wax yeeshaneerfaha bini aadamka,waana mida khatarta kasii dhigeysa cunistiisa,kenya iyo itoobiya waa cadwoga ummadda soomaaaliyeed waxayna nagula jiraan dagaal noocyo badan ah anigu dhihi mayo dalalka aan jaarka nahay dalalka walaaleheena,inkastoooy ciidamadoodu ka mid yihiin kuwa AMISOM joogana dalkeena WAAN DAN KHAASA oo ay ayagu wataan waayo kuwa ay lagadaalamayaa ALSHABAAB waa soomaali anagana alshabaab tirtiri karna kuwa ay jaadka ku sumeynayaana waa soomaali hadaba yaa soomaali u harey.WAXAAN LEEYAHAY UMMADDA SOOMAALIYEED U ISTAAG JIRITAANKIINA HANA QAADANINA WAXAAN DOOFAARKU AQBALEEN.
ma ha in eerbooradooda lagu gumeeyo kuwii matalayey shacabka soomaaliyeed,mana aha iney isu maleeyaan in dadkeena xukumaan.bariga afrika waligeed soomaali ayaa xukumi jirtey hadana ay tahay iney xukumaan waayo wax danbi ah kama galin dadyowga nagula nool bariga afrika in nala ka galay danbi mooyee.waxaan raga soomaaliyeed ugu baaqayaa iney qorataan ciidamada maamulada ay hoos tagaan kuwaasoo ka mid XOOGA DALKA SOOMAALIYA si aan isaga xoreeyno alshabaab isagana saarno ciidamada shisheeye ee dalkeena jooga,LAMA HURAAN WAA CIIDA HOOYEE.aanu dib u HANTINO NOLOSHEENA, DALKEENA HOGAANKEENA WAA MUQADIS EH hadii aan dooneyno inaan ahaano qowm kusii nool bariga afrika.maanta waa inaan dib u noqonaa libaaxii afrika hadii kale ogalaanaa waxkasta AAN SITAAGNO AMA AAN OOHINTA DEYNO SOOMAALI HADII AAN ANAHAY.
AMIN MUSSE-musharaxa madaxweynaha.

Thursday, June 2, 2016

MAANTA IYO DALKEENA. SHIRKA MADASHA SOOMAALIYA.

MAANTA IYO DALKEENA.
SHIRKA MADASHA SOOMAALIYA.
waxaan qirayaa in qabyaaladii dadkeenu gashey madaxda maamul goboleedyada iyo tan dowlada federalkaba,hadii wax khaldamaan waa la saxaa  ilaa hada  si  qolaac ah qabiilna ku qoofilan yahay wax u socdaan way u cadaatey ummadda soomaliyeed.
waxaan ula jeedaa markay arintu gaarto maamul maamul la safan  iyo dowladii federalka oo aan dhexdheaad aheyn waa arin qabiil ayna mudan tahay in laga gudbo.
siyaasada soomaaliya ayaa hada mareysa laba maamul oo isla jira iyo saddex maamul oo isla jira runtuna waxay tahay in maamulada dalkeena qaarkood ay in badan ayay wax kasoo tanaasuleen shacabkii soomaaliyeed ay mataleena kusoo kala dhinteen
laakiin markii miiska laysla soo fariisto waa wax aan soconeyn ah in wixii laysku af gartey la yiraahdo waan badali oo shacabkii aan mataley ayaa sidaan raba halkii kuwa hor fadhiyaa shacabkii ay mataleen hore usoo kala dhinteen danta guud ee soomaalinimo darteed ilaa hada waxaan qirayaa in siyaasada soomaaliya dano khaasa ay ku watan qaybo sad bursi qabiil u isticmaalaya.siay berito hogaanka gacantooda uga bixin maanta arintu qabiil ka mug weyn waxay mareysaa SOOMAALIYA MA AHA CARUURTII BEESHA CAALAMKA ee aan hanano hogaankeena si daacad ahna dowladneedana u maamulano anagoo ka weyn qabiilka kuna kuna weyn soomaalinimada.
waxaan aad uga xumahay in dowlad dhan hogaankeed ay jaah wareeriyaan kuwa gashtey damac qabiil kuwaasoo qabiilna afka ka isticaamala waxna ku soo yeelay qaybo kamida ummadda soomaaliyeed hadaai aanu kala xishoon weyney aanu ka xishoona ummadda adduunka waa nala arkaaye.
beesha caalamku nama hala ee waxay nooyihiin caawiyaal maadama ay dadkeena ka yara dhuntey kal soonidii,
beeshu caalamku nama xukunto namana hagi karto,wayse nacaawisaa
beesha caalamku nooma qorto shaciga aanu samaysaney laakiin laakiin waay nala ilaalisa sharciga aanu qoraney.
mase aha sidii aabe ilmahiisa kala celcelinaya in aanu isku dacweyno iskuna eedeyno.marka arintu mareyso aan isbadbaadino dalkeeanana kasaarno halaaga iyo xasuuqa.
maadama ay madax badan oo horjoogayaal u ah shacabka soomaaliyeed tanaasul soo sameeyeen waay haboon tahay in in ta dhimana ay ayagu markooda tanaasul sameeyaan.
waxaan nahay hal dad waxaana leenahay hal dalwaxaan nahay ma kala guurto maantay waxay mareysa nin iyo xabaashiis loo kala tag WAA ANAGA IYO SOOMAALIYADEENII IYO SIDAAN U HAGAAGSANO.
waxaa mahad leh ALLAH waxaan halkan mahad bini'aadam uga soo jeedin ummadda adduunka kuwii na garab istaagey kuwii dalkeena dhiig joojiyey maatadeenana nafaqeeyay,kuwii jeebkooda naga hagran dowladeenana iyi shacabkeenaba biiley.
waxaan halkan ka dhliilayaa kana cambaareynayaa dalalka gacmaha kala bixi la dalkeena siyaasadiisa jaaniskana nagu helay maadamada aan dagaal adag kula jirno ARAGAGIXISO dalkeenana weli uu ka socdo dagaalo qabiil.
waa muqadis inaan soomaaliya sameysano waana muqdis inaan gaarno rumeyno rabitaankii qofkasta oo soomaaliyeed ka soo ah soomaaliya oo nabad ah soomaaliya oo dhisan.soomaaliya oo mideysan.


Wednesday, June 1, 2016

UMMADDA SOOMAALIYEED IYO MOGADISHU.



MAANTA IYO DADKEENA
UMMADDA SOOMAALIYEED IYO MOGADISHU.
ama qabiil ama qaran.
ugu horeyn hadal qaboow ummadda qalbi hufan baa  lagula hadlaa sida ummadda soomaaliyeed.loose bidhaanshaa qoomamka adduunku halkey mareene
ummadda soomaaliyeed waxaa rafaadiyey sagaal sokeeye kasoo uu saldhig u ahaa qabiilka inkastoo ay dadka soomaaliyeed qaarkiis ku andacoonayeen waxaa dagaalkeena sookeeye saldhig u ahaa dowladii dhexe laakiin sida ummadda soomaaliyeed isku raacdey dowladii dhexe ee soomaaliya waxaa kawada mid ahaa qabiilada soomaaliyeed,qabiil banaanka ka taagnaana ma jirin waana xaqiiqda si ay sadbrsi u helaan nodaana kuwa kaliya ee hogaamiya dalkeena ayaa waxaa magaalada mogadishu ka bilowdey fal falxumo ku saleysan qabiil,maadama magaalo madaxda dalkeena meesha ay ku taal hal qabiil agagaareheeda u badnaa, waxaa dhacdey in qabiiladii kale ee soomaaliyeed isaga tagaan kana guuraan,
laakiin magaalo madaxdeena waxay waligeed aheyd mid uusan sheegan qabiil kana weyn hanka qabiil maadama ay soomaali oo dhan mataleysey.
dadka soomaaliyeed waxaa mudo ka dib usoo noqotey maskaxdii soomaalinimo tasoo ka weynnaatey qabiilka iyo isticmaalkiisa waxayna ogaadeen in fidno kala lakala dhex dhigey ayse hal ummad yihiin qabiilada ay ku kala abtirsanayaana odayaasha odeygii magaca ugu horeeyey wateyba uu ku aasan yahay qabiil kale deegaankiis waana sida xaqiiqdu tahay,maanta ma jiro hal qabiil oo soomaaliyeed dhihina kara magaca aanu sheeganeyno odeygii soomaaliyeed ee watey halkan aanu degno ayuu ku aasan yahay.
ummaddeenu waxay geed gaaban iyo mid dheerba u fuushey sidii aanu usoo ceshan laheyn dowladnimadii oohintayadiina waxay gaartey afarta dacal ee adduunkan nasiib wanaag waanala maqlay waxaana na garab galay waddamo badan kuwaasoo ay daacad ka tahay dano khaasana aan ku waddan inaan dib laguhayaga ugu istaagno waxaa nasiiib darro noqotey in dalal badana soo raaceen kuwii nacaawineyey iyagoo shaatigoodii gashtey nase feyla goynaya.sidaan u wajahnona anagey nagu xiran tahay waayo dadkeenu waxay yiraahdaan manjo dhooqo midba mar ayaa la saaraa.
maanta dadka soomaaliyeed ka weyn qabiil magaalo madaxdii dalkeenuna ka weyn mid qabiil lagu naynaaso,
waxaa nasiib daro ah in dad sheeganaya iney matalaan qayb ka mida ummadda soomaaliyeed iskoodna isu magaacabey ay ruuxdoodu ka degi la dahay qabiil caqligiina shaqeyn waayey, waa yaab.
sababtoo ah dadkii soomaaliyeed ee wax tirsanayey ayaa maanta soomaalinimo lasoo guur guuranaya marka sidee ayay ku dhici kartaa kii la rabey inuu magaalo madaxda ummadda soomaaliyeed dib ugu soo dhaweeyo inuu halkan la soo fariisto anaa leh taasi waxay la macno tahay weli ummadda soomaaliyeed qaar ayaa u baahan in la siiyo daawada soomaalinimo tasaa miyirkeena dajisee.waana xaqiiq.
waxaan ugu baaqayaa dadka soomaaliyeed midnimo iyo inaan ka weynaano anigaa magaaladan iska leh,anigaa gobolkan iska leh,
waxay danta ummadda soomaaliyeed noqotey inaan qaadano hab siyaasadeedka lagu magaaco federalka kasoo loogu talo galey dalkii ummaddiisu kasoo jeedo qoowmam kala duwan kala af ah kala diin ah si laysugu sidko,waana nagu aflagaado iyo cadowgii soomaaliyeed oo naga gaarey tuu rabey waayo waxaan nahay hal ummad,lehna hal diin,wax xuduud ahna dadka soomaaliyeed makala laha,mana kala lahaan doonaan waligood.
hadii ay noqotey kuwa hada gacanta gumeysiga ku jira iyo inta kaleba waana hibo ALLAH siiyey ummadda soomaaliyeed ninkii isku dayana inuu kala qoqobo asaga ayuunbaa ku daali.
maanta waxaa ummadda soomaaliyeed u banaan iney gacmaha isqabsadaan,inaan raacno sharciga dalkeena iyo waxaa waraaqaha noogu qoaran,inaan dib u dhisano dalkeena,inaan noqono ummad lugahooda dib ugu istaag,iyo inaan dib ugu noqono dhaqankii wanaag sanaa ee soomaaliyeed kasoo loo soo mari jirey habab ku saleysan waayeelkoo taliya,dhalinyarada oo fulisa,
waxaan odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka umma soomaaliyeed ugu baaqayaa iney ka daayeen dowlada federalka iyo maamul goboleedyada qabiilka ay la daba ordayaan,si ummadda soomaaliyeed niyadoodu ugu dagto maamul goboleedyada iyo mida guud ee dowlada federalka soomaaliya,
waxaan maamul goboleedyada ugu baaqyaa ineysan kala qoqobin ummadda soomaaliyeed ee soomaalikastaa halkuu doono dago waxa meesha ka jiraana yahay maamul deegaankaas,iyo xaquuqda shacabkaas soomaaliyeed oo ay gooni u ilaalinayaan,waddankeenuna mid yahay waddana leenahay,
waxaan dowlada federalka ugu baaqayaa iney siiba waa mida hada xukunka haysee iney ka waynaato qabiilka, mideyso ummadda soomaaliyeed ee samaysatey iyo iney doc isaga riixdo qaybaha somaaliyeed ee hab siyaasadeedka dowlada federalka soomaaliya kusoo lifaaqaya qabiilka tustana in madaxda dalku tahay madaxdii dadka soomaaliyeed ee aysan matalin hal qabiil,,arintaasna si cad looga daaweeye qaybta bulshada soomaaliyeed ee deeganka ku leh nawaaxiga mogadishu.iyo dalkoo idilba WAANA MID TUSAALE IYO RAAD RAACBA U NOQNEYSA INTA QABATA HOGAANKA DALKA.
runtu waxay tahay weli waxaa laaban daaweynta dad badan oo soomaaliyeed lagana daaweeyo qabiilka waana wax laga naxo ka dib 26 sanno in wali cudur qabiil na hayo.
arimaha mogadishu ilama haboona in hal qabiil lagu qanciyo waxayse mudan tahay in si khasaba looga daaweeyo cidii sheegataba lana tuso in ay tahay magaalo madaxdii soomaaliyeed cidkastaa haku badnaatee.
waxayna mudan tahay wanaagsana in hadii xubno laga bixiyo magaalo madaxda in ummadda soomaaliyeed oo hada si qaab xun wax ugu qaybsatey 4.5 si cadaalada loogu qaybiyo waana mida isu keeni karta ummadda soomaaliyeed tirtirina karta dhaawacyadii qabiilka sokeeye.si dadkeenu ugu wada la haado awood is le eg dadkeenuna dib ugu soo noqdo magaalo madaxdii dalkeena ileen ilaa hada waa ka maqan yahaye.
waxaan filnaaba waa nabbad,horumar cadaalad soomaalinimo,danteena oo garano,iyo doorosho ka hufan musuq maasug iyo qabiil.maanta
MAANTA AANU U HIILINO JIRITAANKAYAGA SOOMAALINIMO WAXA NAHAYA WAA INDHII ADDUUNKOO NASOO EEGAYA INAAN DAD IYO DAL NOQONO IYO INAAN ISDUUGNO,.SOOMAALIYA SOOMAALI AYAA LEH.
hadii ay maanta maanka odayaal dhaqameedka soomaaliyeed ee wax kala tirsanaya ama ummadda soomaaliyeed ka maqan tahay waxaan leeyahay waa muqadis in shacabka soomaaliyeed loo saaro GUDDI SULUX AMA IS CAFIS UMMADDA SOOMAALIYEED kasoo ka shaqeeya daaweynta qalbiyada ummadda soomaaloyeed sidii ay isu cafin lahaayeen isagana raali galin laaheeyn waxay kala tirsanayaan, waana gudi ka kooban qayb kasta oo ummadda soomaaliyeed ah,
kasoo lugta mariya dhulka soomaaliyeed si cadna isugu keena ummadda soomaaliyeed ee walaalaha ah,isna raba ma kala guurtada ah laakiin yara cuqdada kala tabanaya ileen waxaa lajoogaa wakhtigii aan qalbiga isu furi laheyne si aanu uga sii gudubno halka dalkeena iyo dadkeenuba maanta marayaan.
hadii aan runta laga hadlin daawo beena ayaan cabeynaa tasoo aan ahayn daawadii runtu aheyd ee soomaalinimo,dadku waa walaalo dalkuna waa dalkeenii yaanse nalaku fushan dano shisheeye,naloona qorin sharcigii u hiilinayay cadwogeena ama gacmaha nooga xirayyey.ama nalaku lahaan lahaa berito.
waxaa maanta ifaya waa nuurkii ummadda soomaaliyeed ee aan wadda hiigsano horumarka waana mid soomaali kasta indhahiisa aan ka qarsooneyn.
SOOMAALIYA HA NOOLAATO SOOMAALIYI HA WALAALOWDO.

AMIN MUSSE
musharaxa madaxweynaha.
afhayeenka ummadda soomaaliyeed.





SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...