waxaan la yaabanahay ilaa hada qalaadka kasoo yeeraya dad badan oo horjoogayaal u ah shacabka soomaaliyeed kuna hadaaqaya dalalka aan walaalaha nahay,
dal iyo dadkiis waa laga adkaan karaa lana jabin karaa waxaase kasii daran markuu dad asagu is jabiyo isuna laayo sidii loo sii dhameystiri lahaa,waana waxa maanta na heysta.
anigu ma aaminsani itoobiya iyo kenya ayaan walaalo nahay,itoobiya wayna naga adkaadeen,waxaanse nafteyda ku qanciyey in dalal waa weyn naga eexdeen iyagoo eegaya diin xigaaleysi,anaguna aan raja xumadii aan la kulaney markii aan ku guul sareysaney dagaalkii isu keenida ummadda iyo dhulka soomaaliyeed aawgeed inaan anagu dhexdayada cadaw isku noqoney,cadowogiina naga daba yimid ilaa uu gudaha usoo gaaley dalkeena asagoo shacabka soomaaliyeed magacyadii awoowyaashood sii weynneynaya una sii maraama yeelaya kalana soko marsanaya walibana soo gashtey shaati kale.cadwogu inta uusan dadkeena ka dhex muuqan waxaaa kasoo horeyey dabeyshiisa tasoo wadatey khiyaamo shacab laaluush kala gadashada ummadda soomaaliyeed iyo lasoo hor ordayaan danaha cadawoga soomaaliyeed,dadkeenuna waa hurdey waxaanse ku baraarugney anagoo isleyneyna iyo kanaa reer hebel ah.iyo balaa dhacdey.iyo adduunkoow kaaley nakala celi.laakiin far yari tog ayay kula xushaa oo waxaa sii sameysmey in badan oo jaah wareersan noqdeyna wixii ay doonaan.
halaagii soomaaliyi uma kala harin markii miyirkii noo soo noqdeyna waxaa weli xagjirnimo diineed kusii khafiifey soomaali badan waana mida maanta adduunku soomaaliya uwada taagan yahay hubkana ugu wadda dhex sito.
soomaali hadii aan nahay cidna nama bad baadin karto ilaa aan isbaadbaadino mooyee una midowno jiritaankayaga,markaas waxaaa meesha ka baxaya cadowga ummadda soomaaliyeed,waxaana sugeynaa inaan noqono qowm jira haysta dal nabad ah nolol hiigsanaya iyo horumarka loo wadda xeyd xeydtey.
kan xagjirka alshabaab ahi ah waa soomaaali kan ka soo horjeeda waa soomaali,kan qaxootiga ahi waa soomaali kan baddu liqeyso waa soomaali,kan kan cadowga feer orayada waa soomali,kan shallay cadowga ka xoreyntiisa soomaali oo dhan dhiiga u daadisey maantana laynaya soomaalida inteeda kale ee soo qaatey hubkii cadowgana walaalna u arka waa soomaaali,
kan soo dhaweynaya cadwoga asagoo ka adkaan karaa kuwa xagjirka diimeed ah ee soomaaliyeed hadana cadowgii shalay ugu wacey inuu ka celiyo alshabaab kalana celiyo soomaaalida inteeda kale waa soomaali.
hadaba wax weyn ayaa naga khaldan una baahan sixid iyo inaan isu sheegno mana aha inaan midba midkayo kale eedeeyo waayo waxaan ka baxney khadkii tareenka ee soomaalinimo kasoo ahaa mid uu ku sugan yahay jiritaanka iyo aayaha ummaddayada .
khaladka aan maanta dhex dabaaleyno sixidiisu wuxuu u baahan yahay ka hadalka xaqiiqda - wadaninimo - inaan alshabaab meel ku tirtirno - kuwa ku mar marsiyoonaya alshabaabna aan iska saarno kana soo ceshanayo dhulka iyo dadka ay naga haystaaan waana arin fudud laakiin u baahan midnimo run ah soomaalinimo run ah iyo u istaagid.
waxaan awoodnaa inaan adduunka si sharaf ah ugu noolaano kana baxno oohinta gaajada mugdiga caawinta beenta ah - xukunkayaga gacanta ummaddaha kale nagula hayaan.
hadaba dooro hogaamiye u qalma hogaanka nadtaada iyo dalkaaga.


No comments:
Post a Comment