SHACABKA SOOMAALIYEED EE SOOL SANAAG IYO CAYN WAA HADLEY.
maamul soomaaliyeed wuxuu sameysmaa markii shacabka soomaaliyeed ee deegaankaas degani midoobo ayna kasoo go do iney u midoobaan jiritaankooda soomaalinimo,
jiritaanka ummadda soomaaliyeed waa jiritaanka maamulklasta oo soomaaliyeed maamulada ummadda soomaaliyeedna waxay matalaan shacabka soomaaliyeed si dowlada ummadda soomaaliyeed wadda leedahay u wadda faafto una fido dalkeena oo dhana.shacabka soomaaliyeedna waligiis u haysto hagaankooda dowladninmo iyo jiritaankoodab,
hadaba shacabka soomaaliyeed ee khaatumo waxay marar badan miiska usoo saareen in loo tix galiyo maamulka khaatumo waxaase nasiib darro noqotey in layska dhago tirey,
dad badan oo soomaaliyered ayaa isla dhexyaaca yiraahdana waxaa ugu horeeya ee hortaagan sameynta maamulka soomaaliyeed ee khatumo waa puntland mase aha sababtoo ah puntland waa ku khasban tahay iney gebi ahaanba sheegato maamulka khaatumo ilaa ay lugaheeda ku istaageyso si aan jeebka loo gashan,loona iibsan shacabka soomaaliyeedna ee khatumana afka iyo adinkaba loo qaban loona afduubin,
waxaa horjoogayaal awalba watey siyaasad qarsoon isku dayeen iney khatar galiyaan maamulka soomaaliyeed ee khatumo markii horjoogihii is caleemo saarey la buubeen una carareen maamul kale oo soomaaliyeed,ayagoo wali sheegayana iney matalaan shacabka soomaaliyeed ee sool sanaag iyo cayn,waxayna hoos fariisteen horjoogayaasha awalba khaldanaa ee maamulka soomaaliyeed ee soomaaliland,
runtu waxay tahay maamul soomaaliyeed maamul kale jeebka magashan karo,iska daa inuu dalkaba ga gooyee,
ilaa hada waxaa khalad ah iska dhagatirka shacabka soomaaliyeed ee maamulka khatumo ee ummadda soomaaliyeed guud ahaaan gaar ahaan dowlada federaalka soomaaliya,mana aha inaan sugno inta kuwa goosanka ahi dib ugu soo nqoqonayaan ayagoo jeebabka sunuud loo soo gashey ay ku kala iib iibsadaan iskuna diraan shacabka soomaaliyeed ee sool sanaag iyo cayn ee israacsen aaminsana maamulkooda khaatumo ee soomaaliyeed,
waxaan mar labaad leeyahay kuna baaqayaa in shacabka maamulka khatumo sameysteen hogaan cusub kana madax banaan kana duwan kii bohosha damcey inuu ku rido ee hiyi raaca noqdey ama wirwir raaca noqdey iyo riyada beenta ah ee ku saleysan soomaalidiidnimada.
waxaa xubnaha maamulka khatumo u matala baarlamaanka soomaaliyeed looga baahan yahay ololeynteeda iyo miis geynteedaba iu udbo taagida iyo hirgelinta sameynta maamulka soomaaliyeed ee khatumo,
dowlada federaalka soomaaliyeed waxaan leeyahay nin iyo ceesaantiis loo kala tag iyo siduu u waraabsan lahaa waa muqadis in la aqoonsado maamulka soomaaliyeed ee khatumo lana siiyo xaqa dhaqaale ee ay ku leeyihiin dowlada federaalka soomaaliya,laguna taageero wixii agab ciidan ah si ay gacan uga geystaan nabbada soomaaliyeed ee aan wadda raadineyno,una sugaan jiritaanka baahinta ama fidinta dowlada fedraalka soomaaliya.waana shacabka sool sanaag iyo cayn dowladfa federaalka soomaaliya ay fidisaa go goshii iyo madashiiba kana ahaataa shir gudoomiye sidii caadada aheydba,
ummadda soomaaliyeed waxaay tiraahdaa hadii fooli timaado gudo qarsi dhamaa maanta waxa la joogaa wakhtigii cidna looga gaban laheyn sugutaanka jiritaanka ummadda soomaaliyeed iyo halka ay hayaanka u tahay oo ah soomaaliya oo nabbad ah wacan kana mid ah adduunkan iyo soomaalya oo wax ka cayrsaneysa horumarka dadyowga qaarkiis gaareen,
waxna kaga tartameysa horumarka dalalka qaarkood ku raadinayaan kheyraad la'aanta, dhulkeenuse la ciirayo kheyraad dhankasta ah laakinse wali aan ka lugo jiideyno.
afduubka loo afduubayo qaybo shacabka soomaaliyeed ah iyo danaha khaaska ah ee loo dabo ordayo gumeystaha noocyada cusub leh waxaa ka weyn soomaalinimada,sidaas darteed af ka xirashada maamulka soomaaliyeed ee khatumo waxay la mid tahay ogolaanshaha kala qoqobka ummadda soomaaliyeed iyo dilista ama xabaalida midnimada ummadda soomaaliyeed,
runtu waxay tahay wixii hawl ah ee la qabto oo aas aas u ah midnimada ummadda soomaaliyeed qofkii ka xumadaa xaalkiisu wuxuu ahaan wax ku kooban hadal waayo soomaaliyada maanta waa soomaaliya beri waana waajib na saaran sameynteeda,waana wax xaq ah muqadis ah cidna lagu raali galin maayo,loona daba fariisan maayo.
AMIN MUSSE-Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.
No comments:
Post a Comment