Tuesday, June 27, 2017

waxaa noo baryey waa cusub waxaan nahay soomaali.


THERESA MAY IYO INTA LA MIDKA AH WAXAAN LEEYAHAY UMMADDA SOOMAALIYEED MA TAABAN HALAAG AYSAN KEENIN KEENIN AWOOWAYAASHIIN,

Waxba yaan gooni loo kala sooc soocin qayb soomaaliyeed ama gumeyste ha hoos joogeen ama iskood ha u noo laadeene,marka ugu horeysa ummadda soomaaliyeed waa mid walina ma iidan gaarin dantiinii soomaaliya iyo dadka soomaaliyeedba aad ka laheydeen xaqiiqdii,

waxaa hubaala in halagii taabtey ummadda soomaaliyeed eedada ay leeyihiin dalalka reer galbeedka ah ee faragashtey walaaqey gumeystey kala qoqobey kala siiyey qaybo dhulka iyo dadka soomaaliyeed ummaddo kale,kuna taageerey kuna dhaqaaale siiyey sidii ay usii haysan lahaayen una sii duleyn lahaayeen,intii soo harteyna madax ugu rogi lahayeen,

ummadda soomaaliyeed waxay diyaar u tahay raaligalinta gumeysigii loola yimid bixinta dhaawicii gaarey dhibtiisii ummad ahaan iyo maskax u galinta dalalka itoobiya iyo kenya in soomaali galbeed iyo NFD ay yihiin dhul soomaaliyeed ayna mudan tahay in si nabbbad ku jirto loola mideeyo soomaaliya ayna u hawl galaan fududeynteeda.mase mudnin hebel oo horjooge looga dhigey qayb soomaaliyeed oo dal kale u xil saartey sidii uu u sii gumeysan lahaa ayaa hawshaas qabtey,

waxba kama oga therese may iyo madaxda dalalka yurub waxa ka socda soomaaligalbeed iyo NFD waxbana kama oga dhibta maanta haysata ummadda soomaaliyeed iney ciidamo kale nagu mushaar siiyaan mooyee ayagoo ka luga jiidaya wax ka dhisada ciidanka xooga soomaaliyeed oo u diyaara badalista ciidamada shisheeye ee jooga ciida soomaaliya.

hadaba waa caado adduun in ummad in ta god la gasho hadba kii la doorto la faaniyo faratana lagu fiiqo,soomaaliya ma aha dal kheyraadkiisa loo xil saaran karo kambani xaaran ah fulinayana dano soo jireen ah.

waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqayaa iney u istaagaan jiritaankooda midoobaana.

wakhtigan xaadirka ah waa soo jeeda ummadda soomaaliyeed wana u tashatey dalkooda iyo tubtii ay raaci lahaayeenba,wana kala garanayaan saxiibkoodii shallay iyo saxiibkooda maanta.

ummadda soomaaliyeed waligood dal kuma duulin mana noqon qoom la addoonsado loona dhoofiyo dibadaha waana mida keentey in karamadii soomaalidii hore ee aanu ka nimid wali madax noo saaran tahay wixii aay diideen ayaana wali diidanahay soomaali hadaan nahay waxaan diidnahay in lana lahaado waxaan diidanahay in naloo taliyo waxaan diidanahay in nala kala qoqobo,waxaan diidanahay in naloo gacan dhaafo khayraadka dhulakayaga.

waxaanse ogolnahay inaan wax la qaybsano ummaddaha adduunka waxaan ogolnahay inaan kheyradka dhulkayaga si cadaalada ah ugu iibsano suuqyada adduunka kagana soo iibsano wixii aan u baahanahy.soomaaliya soomaali ayaa leh,soomaalida ayaa leh gacan ku haynta jiritaankooda iyo ka talinta ayaahooda. WAXAA NOO BARYEY WAA CUSUB WAXAAN NAHAY SOOMAALI.

AMIN MUSSE. Afhayeenka ummadda soomaaliyeed.









































No comments:

Post a Comment

SCREAM.

SCREAM. SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM SCREAM. BETWEEN HARD ROCK AND STONE. Many of us we can daily face many difficult roads to follow or just...